"Puntland oo Xiriirka u Jareysa DFKMG haddii Baarlamaanku
Ansixiyo Sharciga Batroolka Soomaaliya"
Tarjumadii SomaliTalk.com | Aug 20, 2007
Dowlad Goboleedka Puntland ma aqoonsan doonto Sharciga la rabo in
loo saameeyo Batroolka Soomaaliya, sidaas waxaa lagu caddeeyey waraysi
ay Reuters la yeelatay Madaxweynaha Dawlad Goboleedka
Puntland, Cadde Muuse iyo Xasan Cusmaan Maxamuud oo ah madaxa waaxda macdanta
iyo tamarta ee Puntland.
- Gen. Cadde Muuse: Ma jebiney doono ballantii aan hore
ula galay Shirkadaha Shidaalka... Puntland iyada ayaa leh maamulidda
khayraadkeeda....
- Xasan Aloore: "Geeddi ololayntiisu waa sharci darro, waxaana xiriirka u jari
doonaa dawladda (FKMG) haddii baarlamaanku ansixiyo sharciga hordhaca ah
"Draft" ee Batroolka"... "Sharciga Batroolka Soomaaliya ee la sheegay in laga ansixinayo
Baarlamaanka lagama yaqaan halkan, sidaas daraadeed waxba kama khuseeyo
Puntland haba yaraatee."
Janaraal Cadde Muuse: "Puntland iyo khayraadkeeda ugu horayn anagaa iska leh, waana
garanaynaa tallaabooyinka ku haboon ee aan qaadi karno ee dhanka ka ah
anxisinta soo socota ee sharciga kaas oo naga xayuubinaya xuquuqdayada,"
|
BOSASSO, Soomaaliya, Aug 20, 2007 - Dowlad Goboleedka Puntland ma
aqoonsan doonto Sharciga la rabo in loo saameeyo Batroolka Soomaaliya kaas
oo baabinaya heshiisyadii shidaalka ee la saxiixday wixii ka dambeeyey
1990, sidaas waxaa yiri madaxda ugu sareysa Puntland, sida ay soo werisey
Reuters.
In badan oo ka mid ah dadka siyaasadda odorosa waxay filayaan in
baarlamaanka Kumeel-gaarka ah uu maalmaha soo socda ansixin doono
sharcigaas-- oo loo arko in uu ka soo maaxdey ra'iisul wasaaraha
(DFKMG) Cali Maxamed Geedi.
Madaxweynaha Puntland Cadde Muuse waxa uu waraysi uu xilli dambe oo
Axadii (Aug 19, 2007) siiyey Reuters ku sheegay in maamulkiisu uu dhinacooda ka
qorshaynayo in uu dhaqan geliyo sharci aqbalaya heshiisyadaas hore.
Puntland waxa ay sannadkii 2005 heshiis macdan iyo shidaal baaris
lagu samayanyo gobolka la gashay shirkadda reer Australia ee Range Resources, gobolkaas
oo dadka cilmiga dhulka ee joolojiga yaqaan ay sheegeen in rajo weyn
laga qabo uu ku fadhiyo shidaal ganacsi geli kara.
"Dawladda Federaalka Kumeel gaarka ah waa u ogolahay xuquuqdeeda
laakiin marna haba-yaraate ma jebineyno ballantii aan la galay
shirkadaha batroolka," ayuu Cadde Muuse telefoonka ugu sheegay
Reuters isagoo joogey caasimadda Puntland ee Garoowe.
Waxa uu yiri: Puntland -- taas oo sannadkii 1998 noqotay dawlad
goboleed aragtideedu tahay in ay ku biirto Federaalka Soomaaliya marka ay
siyaasad ahaan Soomaaliya xashiso -- waxay diyaar u ahayd in ay qaniimadeeda
(khayraadkeeda) la wadaagto Dawladda.
Laakiin (Cadde) Muuse, oo dhawr maalmood ku sugnaa Muqdisho oo ka
qayb qaatay wadahadalo khaas ah oo ka dhacay aqalka madaxtooyada oo ku
saabsanaa sharciga Batroolka, waxa uu markale ku adkaysstay in Puntland
ay leedahay maamulidda khayraadkeeda.
"Puntland iyo khayraadkeeda ugu horayn anagaa iska leh, waana
garanaynaa tallaabooyinka ku haboon ee aan qaadi karno ee dhanka ka ah
anxisinta soo socota ee sharciga Batroolka kaas oo naga xayuubinaya xuquuqdayada,"
ayuu yiri Cadde Muuse, isagoo aan halkaas sii faahfaahin.
Saraakiisha ka tirsan Dawladda Federaalka kumeel gaarka ah isla
markiiba lama heli karin si ay uga jawaabaan hadalkaas.
Laakiin Geeddi waxa uu toddobaadkii hore Reuters u sheegay in aan
heshiis la saxiixan karin ka hor inta la dhaqan gelinayo sharciga cusub
ee Batroolka,
waxana uu shirkadaha shisheeye ku adkeeyey in ay heshiiska la geli
karaan oo keliya dawladda Kumeel gaarka ah.
XIRIIRKA SII XUMAANAYA?"
Soomaaliya ilaa hadda maleh kayd batrool oo la xaqiijiyey laakiin
baaritaan ay wada fuliyeen Bangiga Adduunka iyo Qaramada Midoobey oo ay
ku sameeyeen Bariga Qaarada Afrika 16 sano ka hor waxay Soomaaliya ka
dhigeen dalka labaad ee ku xiga Suudaan oo laga rajayn karo in laga soo
saaro Batrool.
Waraysi kale oo uu Reuters siiyey Xasan Cusmaan Maxamuud, madaxa
waaxda macdanta iyo tamarta ee Puntland, waxa uu Geeddi ku eedeeyey in
uu isku deyayo in uu si sharci darro ah u yeesho Batroolka Puntland.
"Geeddi ololayntiisu waa sharci darro, waxaana xiriirka u jari
doonaa dawladda (FKMG) haddii baarlamaanku ansixiyo sharciga hordhaca ah
"Draft" ee Batroolka," ayuu Xasan Cusmaan u sheegay Reuters.
"Baaritaanka Batroolka Puntland waxa uu soo socdey labadiis sano ee
ugu dambeeyey, waana sii socon doonaa. Marka natiijo ka soo baxdo
baaritaanka, ayaa markaas laga wada hadli doonaa wax-Soosaar Wadaagga."
ayuu hadalka ku daray Xasan Cusmaan Maxamuud.
Xasan Cusmaan waxa kale oo uu diidey in uu aqbalo sharci-nimada
Sharciga Batroolka Qaranka ee la soo jeediyey (ama la filayo in la
ansixiyo).
"Sharciga Batroolka Soomaaliya ee la sheegay in laga ansixinayo
Baarlamaanka lagama yaqaan halkan, sidaas daraadeed waxba kama khuseeyo
Puntland haba yaraatee." ayuu yiri.
Reuters waxay intaas ku dartay: Saraakiisha ka tirsan gooni isu
taagga Somaliland, oo deris la ah Puntland, weli wax jawaab ah kama
bixin sharciga hordhaca ah ee batroolka, kaas oo shaki geliyey
madaxbannaanida uu gobolku sheegtay iyo heshiiskii lala saxiixday
shirkadda reer Koonfur Afrika ee Ophir.
Labada gobol waxaa la rumaysan yahay in ay ku fadhiyaan dhulka rajada
weyn laga qabo oo juquraafi ahaan ama jooloji ahaan la ollogga ah jasiirada Carabta iyo
kaydkeeda baaxada weyn ee Gacanka Cadan.
Isha: Reuters | Tarjumadii SomaliTalk.com | Aug 20, 2007
Geeddi oo Muqdisho ku soo laabtay Aug 20, 2007
Ra'isul Wasaarha DFKMG Cali Max'ed Geedi ayaa dib ugu soo laabtay
magaalada Muqdisho kadib markii uu dhowr todobaad ku maqnaa Magaalada
Nairobi.
Baarlamaanka baydhabo oo Nuqulada Sharciag Batroolka loo qaybiyey
Aug 9, 2007
Baarlamaanka Federal KMG ayaa iminka waxaa horyaala Sharciga Baroolka
Soomaaliyeed oo maalintii khamiista [Aug 9, 2007] loo qeybiyay nuqulo
Sharciga Bartoolka ah taasoo ay mudayaasha baarlamaanka ee ku sugan
Baydhabo ka doodi doonaan sharciga batroolk... Akhri...
Cadde
Muuse iyo Cali Max'ed Geeddi kee hadalkiisu meel mar noqon doonaa marka laga
hadlayo Batroolka Soomaaliya..
Madaxaweynaha DGPL aaya sheegay in heshiisyadii PL aan
waxba iska bedeleyn..
|