SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALIA OIL

Australia: Saamiyadii Range Resources oo hoos udhac weyn ku yimid Hadalkii Gen. Cadde Muuse Awgeed

cadde muuse xirsi puntland
Janaraal Cadde Muuse: "Wax badan ayaan ka hadlay kaabayaal dhaqaale iyo... waxaasi waa dhammaadeen, ma jirto.. cirka ayaan soo dumineynaa oo waxaas ayaan keeneynaa, wax aan idiin hayo ma leh...." Dhegeyso. Oct 31, 2007
  • Faalladii SomaliTalk.com | Nov 1, 2007

Waxaa hoos u dhac aad u weyn ku yimid saamiyada shirkadda Range Resources ee suuqa ganacsiga Australia kaddib markii uu soo shaac baxay in madaxweynaha DGPL uu ka haray baaritaankii khayraadka dabiiciga ah (Batroolka/macdanta) ee Puntland.

Gen. Cadde Muuse oo Arbacadii Oct 31, 2007 ka hadlayey kulankii 19aad ee golaha wakiilada Puntland oo ka furmay Garoowe ayaa qiray in uusan shacabka Puntland u hayn wax khayraad soo saarid ah. Isagoo arrintaas ka hadlaya waxa uu yiri: "Wax badan ayaan ka hadlay kaabayaal dhaqaale iyo... waxaasi waa dhammaadeen, ma jirto.. cirka ayaan soo dumineynaa oo waxaas ayaan keeneynaa, wax aan idiin hayo ma leh...." Dhegeyso.

Hadalkaasi waxa uu dhabar jab weyn ku noqday heshiiskii uu Gen. Cadde Muuse hore ula galay shirkadaha Range Resources iyo Consort LTD ee Terry iyo Africa Oil ee ku saabsanaa baaritaanka batroolka Puntland oo ay ku baxday waqtigii ugu badnaa ee DGPL.

Dadka siyaasadda Soomaaliya oddorosa waxay hadalka Gen. Cadde Muuse ku tilmaameen mid gogol dhig u ah in gebi ahaanba la baabi'yo heshiiskii Consort ltd iyo shirkadihii ka dambeeyey, loona gogol xaaro sidii loo soo celin lahaa shirkadahii heshiiska la galay dawladii hore ee Soomaaliya, sida conocophillips (Maraykan) iyo ENI-Agip (Yurub-talyaani), iwm.

Dadka qaarkiis waxay is weydiinayaan sida ay arrintaasi ku hirgeli karto, maadama madaxweynaha DFKMG Cabdullaahi Yuusuf Axmed uu heshiis kusaabsan Batrool soo saarista la galay shirkad ay leedahay Dawladda shiinaha (CNOOC).

Dadka siyaasadda geeska Afrika falanqeeya waxay arrintaas kaga jawaabeen in uu jiro qorshe aan weli soo shaac bixin oo ah in madaxweynaha DFKMG uu ka noqon doono heshiiskii Shiinaha (shirkadda CNOOC), si loogu gogol dhigo shirkadaha Maraykanka iyo Yurub, meeshana looga saaro Shiinaha oo tartan xooggan oo xagga khayraadka Afrika ah kula jira galbeedka.

Range resourcesAfrica Oil Corp.Waxaa dadka siyaasada faaleeya ay intaas ku dareen in uu jiro qorshe ahaa in marka hore la baabi'iyo sharcigii batroolka ee la hor geeyey baarlamaanka si meesha looga saaro shirkadaha yaryar ee Kuwait Energy iyo Medco ee Indooniisiya ee uu watey Geeddi. Laguna xejiyo in meesha laga saaro shirkadaha ay Puntland la gashay heshiiska ee uu wato Gen. Cadde Muuse. Ugu dambayntana C/laahi Yuusuf lagu qanciyo in uu baab'iyo heshiiska Shiinaha. Markaasna la soo celiyo shirkadihii heshiiska la galay dalwaddii Soomaaliya ka hor burburkii.

Qorshaha oo sidaas ah ayaa la sheegay in Prof. Cali Maxamed Geeddi laga kari waayey in uu ka haro shirkadda Kuwait Enegry iyo Medco iyo sharciga batroolka ee shirkadahaasi u soo sameeyey Soomaaliya, taasina ay qayb ka noqotay in uu jagadiisii ra'iisul wasaare ku waayey.

Qorshahaas soo shaac baxaya ayaa walaac weyn gelinaya shirkadda Range Resources iyo shirkadda heshiiska la sii gashay ee CANMEX ee dhowaanta magaceeda u bedeshey Africa Oil. Walaacaas ayaa keenay in uu hoos u dhac weyn ku yimaado saamiyada shirkadda Range ee suuqa ganacsiga Australia.

Hadal haynta ugu badnay goobaha ay xogta isku dhaafsadaan dadka saamiyada ku leh Range Resources (Australia) ayaa ahaa maanta kuwo walaac weyn muujinayey. Mid ka mid ah ayaa yiri: "Saamiyadii Range waxay hoos ugu dhacayaan sida dhagax la tuuray oo kale". Qaar kale ayaa ku soo celceliyey hadalkii Gen. Cadde Muuse ee ahaa "Wax badan ayaan ka hadlay kaabayaal dhaqaale iyo... waxaasi waa dhammaadeen, ma jirto.. cirka ayaan soo dumineynaa oo waxaas ayaan keeneynaa, wax aan idiin hayo ma leh...." Dhegeyso.

Maanta halkaas ayaan ku joojineynaa faallada.. Qoraalada dambe ayaan Insha Allah ku xusi doonaa dagaalka khayraadka Afrika ee u dhexeeya Shiinaha iyo Galbeedka.

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 1, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH