Waa Kuma Terry? Muxuuse
Puntland u joogaa?
Terry
|
Waa
Kuma Terry?
Terry waa Gudoomiyaha
(Chairman of Executive Officers (CEO)) urur caalami ah oo
Western Australia (Perth), Australia ka rejis-gareesan.
Ururkaan waxaa la yiraahdaa KIDS IN NEED (KIN).
Terry wuxuu soo raacay
dakhaatiirtii reer Australian-ka ahaa ee Bosasso
Hospital timid February 2005 ka dib markuu
barnaamijkooda ka daawaday idaacada (TV-ga) ABC ee
Australia.
Terry wuxuu safarkiisii
ugu horeeyey Puntland (February) waday deeq ururkiisa
(KIN) ugu soo deeqday Tsunami-da. Balse Terry wuxuu ka
calool xumaaday baahida haysata caruurta reer Puntland
gaar ahaan, iyo dhamaan danyarta reer Puntland oo ay ka
midyihiin reer-miyigii abaaraha iyo duufaamuhu xoolihii
ka dhameeyeen, kaluumaysada Tsunami-du noloshoodii
burburisay iyo dadka ka soo barakacay goboloda
koonfureed ee kusugan xeryaha qaxootiga ee Puntland.
Muxuuse Puntland u joogaa?
Aniga oo ah muwaadin reer
Puntland ah, waxaan Terry iyo ururka KIN la shaqeenayey
ilaa bishii April. Terry waa nin ay aad u danqisay
baahida Puntland taala iyo sida aan aduunku waxba uga
qaban.
Terry xiriirka ka dhaxeeya
isaga iyo dawlada Puntland wuxuu ka dhashay arintaas.
Wuxuuna xoogsaday ka dib markii Madaxwaynuhu ku casumay
casho sharaf loo sameeyey wafti balaaran oo UN Somalia
ka socday oo uu ku jiray Maxwell Gaylard (ninka haysta
UNta Somalia) 5tii April 2005. Terry cashadii buu
habeenkii ka hadlay isagoo dhaleeceenaya waxtar-yarida
iyo musuqmaasuqa ku dhexjira UN hay'adaheeda Somalia ka
shaqeeya. Wuxuu Terry ka waramay in gaajo danyarta reer
Puntland wada haysato raashinkii UNtu keentayna (hay'ada
WFP) ay bakhaaro iib-uga buuxaan magaalada Bosasso.
Terry wuxuu soo bandhigay sawiro uu ka soo qaaday IDP
camps Bosasso iyo caruur dariiqyada ku tabaalaysan
iyo raashinkii WFP oo bakhaaro lagu iibinayo - oo ay
qaarkood leeyihiin shaqaalaha UNta u shaqeeya.
KIN waxay dawlada Puntland
kula saaxiibtay sidii dhibtaan looga bixi lahaa iyadoo
qaba fikrad ah in Puntland aysan tuugsan UNta iyo
hay'adaha samafalka ah oo ay iyadu raadiso siday isugu
filnaan lahayd.
Ururka KIN wuxuu qabaa in
aysan xal-raaga u ahayn Puntland iyo Somali oo dhan inay
waligood UN iyo International Community wax ka sugaan.
KIN waxay ka shaqeenaysaa siday u caawin lahayd Somalida
horumarka diyaarka u ah (sida reer Puntland) siday
isku-filnaansho toos ah iyo xoriyad horumarineed u
gaarilahaayeen iyagoo aan cidkale wax ka sugin.
Mashaariicda uu Terry iyo
ururkiisa KIN Somalia u qabteen ilaa bishii February waa
sidaan:
Project Name |
Activity
Description |
Timeframe |
-
Wheelchair
supplies
|
96 (20ft
container)
Bosasso |
Feb |
-
Australian
doctors and nurses visit
|
3 doctors 1 nurse
Bosasso |
Feb |
-
Medical
equipment supplies
|
Bosasso Hospital |
Feb |
-
Provision of
Tents
|
50 (6 man) tents
Bosasso |
Feb |
-
Drought
victims restocking project
|
50 gouts 2 camel
provided for a destitute in Nugal |
March |
-
Provision of
fishing bouts
|
4x (24ft
Fiberglass) Tsunami |
April |
-
Two color TVs
and DVD players
|
Bosasso Library
Bosasso |
April |
-
Bosasso Street
Boys Employment
|
20 boys paid for
collecting garbage in Bosasso (2.25 tons plastic
bags) |
April |
-
C.I.B.A
capacity building project
|
6 computers +
color printers/scanners provided for CIBA
college in Bosasso |
April |
-
Bosasso
Women’s IDP Camp Support
|
Provision of
shelter for Women headed families |
April |
-
Garowe
Hospital supplies
|
6 packs of medical
equipments |
April |
-
Dr. Hadi
Private Hospital Support
|
Donated ECG
Machine to Dr. Hadi in Galkacyo |
April
|
-
Kids Safe
Heaven home
|
Construction of
home for Bosasso street children and orphans |
April
|
-
Garowe
Hospital supplies
|
Provided 4 boxes
of medical supplies |
June |
-
Puntland
Ambulances Project
|
Establishment of
Ambulance service in Bosasso, Qardho, Garowe,
Lasano and Galkacyo cities. |
June-Dec |
-
Bosasso
English & Maths school Support
|
Provision of
desks, benches, chairs, books, blackboard etc.
for the school classes |
June |
-
Hargeisa Group
Hosp. Medical equipment Supplies
|
Provision of (150)
wheelchairs, lifting equipment, communes etc. ) |
June
|
-
C.I.B.A
|
Scholarship for 2
full students |
June |
-
Bosasso Social
Club Feeding project
|
Provision of three
meals/day for 58 Kids in Need in Bosasso |
May-Sep. |
-
Bosasso Social
Club Management
|
Management of
Bosasso Social Club |
June-Dec. |
KIN waxay xafiis ka
furatay magaalooyinka Bosasso iyo Garowe. Dhawaana
mashaariic badan ka bilaabi doonta gebi ahaan degaamada
Puntland. KIN waxay Puntland ugu deeqday ilaa 19
mashruuc ilaa bishii February oo gaaraya ilaa 400,000
USD.
KIN iyo Gudoomiyaheedu waa
kheyr iyo horumar ku soo saa'iday Puntland iyo Somalia
oo aan isticmaarsi iyo conditions midna lahayn. KIN
waxay investment ku sameenaysaa qorshaha horumarinta
arimaha bulshada ee dawlada Puntland iyo caruurta reer
Puntland si horumar waara mustaqbalka loo helo.
KIDS IN NEED KEEPS IT
SIMPLE!!
Mohamed Said Mohamud
Acting Country Director
KIDS IN NEED
Garowe, Puntland State
SOMALIA
Tell: 252-5-4-45024
Faafin: SomaliTalk.com | June
14, 2005
|