SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - OIL

Khilaaf weyn oo ku saabsan Baarista Macdanta iyo Batroolka Puntland oo soo kala dhexgalay Gen. Cadde Muuse iyo Ku xigeenkiisa Xasan Daahir...

  • SomaliTalk.com | April 10, 2008

Khilaafkan oo markii u danbeeysay ee Madaxweynaha DGPL Gen. Cadde Muuse aadayay Itoobiya ka dhextagnaa labada Masuul ayaa ilo lagu kalsoonaan karo sheegayaan inuu ka dhashay isfaham waa ku saabsan Qodista Macdanta iyo Batroolka Puntland.

Wararka ka soo baxaya khilaafka labada Masuul ee ugu sareeya maamulak Puntland ayaa tilmaamaya inuu isfaham waagu ka dhashay kadib markii Madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir uu codsaday in meesha ugu horeeysa ee Shirkada baareysa Macdanta iyo Batroolka ay ka shaqo bilaabeyso noqoto Degaanka HOLHOL ee Gobolka Sool halkaasi oo sahan la sameeyay uu sheegayo inuu ku jiro Gaas.

Xasan Daahir Afqurac Madaxweyne xigaha Puntland ayaa codsaday si arrintaasi u hirgasho in la diyaariyo Ciidamo badan iyo Baabuurta tiknikada ah si loogu qabto Magaalada Laascanood ee Somaliland maamusho.

Madaxweynaha DGPL Cadde Muuse Xirsi oo ka soo horjeestay qorshaha Xasan Daahir ayaa ku adkeystay in meesha ugu horeeysa ee shaqada laga bilaabayo ay tahay degaannada Kanoko iyo Dharoor oo ku kala yaala Gobolada Nugaal iyo Karkaar.

Labada Masuul ee ugu sareeya Puntland ayaa la shaaciyay in khilaafka arrimhaasi ku saabsan uu ka gaaray halkii ugu darnaa, iyada oo wararkii u danbeeyay xaqiijinayaan in tegitaankii Cadde Muuse uu tagnaa khilaafku welina halkisii joogo.

Gen. Cadde Muuse waxa uu Addis Ababa u dhoofay Maarso 30, 2008, markaas war ka soo baxay xafiiskiisa waxa uu sheegay in uu Itoobiya ku maqnaan doono 7 cisho. Xafiiska Cadde Muuse oo muddada safarkaas caddaynayey waxa uu yiri: "Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa muddo todobaad ah ku maqnaan doona,halkaasi oo uu kulamo kula soo qaadan doono Madaxda itoobiya." - weli Cadde Muuse kama soo laaban safarkii Itoobiya - markii qormadan la qorayey oo ay safarkiisii ka soo wareegtey 10 cisho.... Waxaana jira warar sheegaya in usii gudbey Dubai oo shacabka laga qarinayo, sababo aan la aqoon awgood.

Ilo wargal ah oo ku sugan Puntland

Tarujadii iyo Faafin: SomaliTalk.com | April 10, 2008

BAARID | SEARCH


Black Gold of PuntlandWarbixin dheer oo laga qoray shirkadaha Batroolka DGPL
Gen. Cadde Muuse: "Soomaaliya waxaa loo qaybin doonaa afar ama shan Dawlad Goboleed oo Federaal ah, gobol kastana waxa uu yeelan doonaa sharcigiisa gaarka ah ee Batroolka... Akhri

rangePuntland oo Shirkadda Range u dirtay Warqaddii ay ka sugeysey.
iyo DGPL oo Markii ugu Horeysey Qirtay Lacagta laga Qaatay Shirkada Batroolka in Siiyey DFKMG... Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: