SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BATROOL

Gen. Cadde Muuse: Qof Qaadka Cuna Shaqo Lagama Siin Karo Shirkadaha Sahaminta Batroolka....

iyo Guddoomiyaha Degmada Ufayn oo caro ka mujiyey Cidda shaqada u qoreysa shirkadaha Sahaminta oo looga amar qaadanayo degaanka Ufayn....

  • SomaliTalk.com | Boosaaso | June 2, 2008

    "....sharkad, hay'ad iyo ninkii wax garad ahaw inta aad nooshahay nin qaadle ah (qaadka cuna) shaqo ha siin.. ninka qaadka cuna laba saacadood ayuu shaqeeyaa inta kale wuxuu raadinayaa sidii uu lacag ku heli lahaa , lacag ku qaadi lahaa..".. Gen. Cadde Muuse

    $19 million oo reer Boosaaso kaga Baxda Qaadka Sannadkii.... Daraasad Jaamacada Bariga Afrika...


Madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse ayaa Axad June 1, 2008 booqday meesha lagu magacaabo Labarugley oo ku taal degaanka Ufayn oo ah halka ay Kaamka ka samaysatay shirkadda reer UK ee IMC oo sahaminta shidaalka ka samayneysa Dooxada Dharoor - shirkaddaas IMC oo qandaraas kula jirta Africa oil (Ex-CANMEC) ee reer Sweden oo iyaduna qandaraas kula sii jirta Range Resources ee reer Australia oo saamiyada ka sii iibsatey Consort ltd.

Gen. Cadde Muuse markii uu halkaas tegey, lana kulmay odayaasha beelaha deggan aagga Ufayn iyo hawl wadeenno ka tirsan shirkadda IMC, waxa uu amar ku bixiyey in qof cuna qaadka (ama MUQAYIL) aan wax shaqo ah laga siin shirkadaha sahaminta & shidaal baarista ee Puntland.

Isagoo arrintaas ka hadlayey, Gen. Cadde Muuse waxa uu yiri: "Hal waan idinkula talinayaa, NIN QAAD CUNA YAAN LA QAADAN, waan idiin sheegayaa.. Qaad nin cuna ma la qaadanayo... nin qaad cuna, ama booda ama dhaca." Waxana uu markaas Gen. Cadde isagoo odayaasha iyo maamulka degaanka si gaar ah ula hadlaya uu intaas ku daray "idinka ayaa la idinka rabaa." Markii uu sidaas yiri waxay odayaashii iyo masuuliyiintii degaanka Ufayn ee goobta fadhiyey yiraahdeen "Aad aayan u taageer sanahay QAADKA mamnuucidiisa." Dhahayso ama mp3.


"...sharkad, hay'ad iyo ninkii wax garad ahaw inta aad nooshahay nin qaadle ah shaqo ha siin..."
Gen. Cadde Muuse, May 24, 2008


Hadal kaas la mid ah waxa uu Gen. Cadde Muuse sheegay May 24, 2008 mar uu ka hadlayey kulan lagu qabtay magaalada Boosaaso oo looga hadlayey ammaanka magaalada, waxana uu yiri: "Dhibaatada inoogu weyni waa qaadka, awal qaadka waxaan u dhaafi jirey, Puntland hooyo ayaa wada, hooyooyinka ka baayac mushtara oo bannaanka la fadhiya ayaan waxaan dhehi jirey haku noolaadeen, hadda hal ayaan u sheegayaa sharkad, hay'ad iyo ninkii wax garad ahaw inta aad nooshahay nin qaadle ah shaqo ha siin, inta qaadka cunta.. ninka qaadka cuna laba saac ayuu shaqeeyaa inta kale wuxuu raadinayaa sidii uu lacag ku heli lahaa , lacag ku qaadi lahaa..." Dhegeyo ama mp3.

$19 million oo reer Boosaaso kaga Baxda Qaadka Sannadkii....

Siminaar (barnaamij cilmiyeed) lagu qabtay magaalada Boosaaso May 16, 2006 ayaa lagu soo bandhigay diraasad ka hadleysa qiimaha maalintii ku baxa qaadka la keeno magaalada Bosaso taas oo u muuqata bur bur dhaqaale, maalintii waxa magaalada Bosaso oo keliya ku qayishaa $52,000 maalinkasta, taas oo gaaraysa sanadkii $19,000,000 (sagaal iyo toban milyan oo Doolarka maraykanka ah). Diraasadan ayaa waxaa sameeyay ardey ka qalin jebiyey jaamacadda Bariga Africa ee Bosaso laguna magacaabo Axmed Weli Nux Cismaan.

Qiyaastaas mid la mid ah waxaa sameeyey Telishanka ABC Australia oo booqday Boosaaso, waxana  March 30, 2004 qoraal uu faafiyey ku sheegay in "Kasoo horjeedka Cisbitaalka Boosaaso waxaa kuyaal suuqa daroogada Qaadka oo ay kasoo baxdo lacag lagu qiyaasay $US50,000 maalintiiba, laakiin lacagta halkaas ka soo baxda iyo cashuurteedu toona ma gaaraan cisbitaalka." Lacagtaasi waa lacag adag oo ay qaataan dalalka Soomaalidu ka keensato qaadka ee Itoobiya iyo Kenya. [Xusuusnow arrinta daraasadda lagu sameeyey waa hal magaalo oo qura, Boosaaso]...

  • [Aqoon yahan Soomaaliyeed ayaa farta ku fiiqay lacagta aan meel lagu cadayn karin ee ka maaqan dakhliga Puntland iyo lacagta Boosaaso kaga baxda Qaadku sida ay isugu dhigmaan - Dekeda Boosaaso waxaa ka soo xerooda dakhli dhan $40 million oo doolar sannadkii, sida uu shegay Wasiir xigeenka kalluumaysiga/Dekedaha ee Puntland, halka miisaaniyada ku baxda DGPL ay tahay $21.6 million sannadkii sida uu sheegay wasiirka Maaliyadda DGPL. (40-21.6 = $18.4 million oo meel lagu sheegin). Halkaas waxaa ka soo baxaya in lacag ku dhow $19 million ee aan meel lagu sheegin in ay u dhigantaa lacagta $19 million ee reer Boosaaso ay sannad kasta siiyaan Itoobiyaanka waayo qaadka ugu badan waxa uu uga yimaadaa Itoobiya...]

bosaso
Dadkii ka soo qayb qayb galay siminaarkii May 16, 2006

:::QAADKA & SH. MUSTAFA:::
mustafWaxyeelada Qaadka iyo Muxaadarada aabaa qaatay! - Sh. Mustafe.. Akhris/Dhegeysi

Waxaa kale oo barnaamij cilmiyeedkii Boosaaso looga hadlay hibaatooyinka kale ee qaadku uu lee yahay iyo bur burka uu ku hayo umada dhinaca caafimaadka, iyo akhlaaqiyaadkaba, taas oo qaadka ka dhigeysa dhibta ugu weyn ee maanta haysata mujtamaca Soomaalida.

Waxa kale oo jira tuhumo badan oo dad aqoon yahanno Soomaaliyeed ay ka muujiyeen in Qaadku qayb weyn ka yahay kororka Cudurka AIDS-ka ee waayadan dambe lagu arkay dhulka Soomaalida, sababtoo ah waxaa dhici karta in dad cudurkaas qaba in ay soo guraan qaadka, oo ay dhici karto in dhiigoodu gaaro caleemaha qaadka marka ay jarayaan, waxaana caleentii oo qoyan lagu sii duubaa caleenta mooska oo huurineysa si aan caleentu u qallalin, markaasna si toos ah isagoo aan xitaa la iska dhiqin la cuno caleemihii qaadka oo ay dhici karto in ay sidaan ama huwan yihiin dhiig sida cudurka AIDSka - QAAD CUNOOW WAA LAGUU DIGEY...

Mar haddii madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse uu arkay dhibaatada keliya ee kajirta Puntland in ay tahay Qaadka, ma soo saari doonaa wareegto caam ah oo uu Puntland kaga joojinayo qaadka gebi ahaanba.

Guddoomiyaha Degmada Ufayn oo Caro ka muujiyey Cidda Looga Amar Qaadanayo Degmada...

iyo Cidda Shaqada u qoreysa shirkadaha Sahaminta ka wada degaanka Ufayn....

Guddomiyaha Degmada Ufayn, Cabdullaahi Shire Maxamed, oo ka mid ahaa madaxdii joogtey kulankii markii uu Gen. Cadde Muuse booqday Kaamka Labarugley, June 1, 2008, ayaa muujiyey muujiyey

BILICDA SOOMAALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Soomaaliyeed, oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabad ahna dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.

"Companiga (shirkadda) aan is leenahay waxa uu ku yimid amar Ilaahay iyo kartida madaxweynaha DGPL sida aan dareen sanahay, aad ayaa ugu mahad celinayaa, intaas ka dib wax yar oo kaf tan ah marka aanku daro, kelmedda madaxweynuhu waa kelmed culus, wuxuu igula kaftamayey guddoomiyaha ayaa diidan Companiga (shirkadda) ... ma diidani ... waa soo dhaweynayaa ... waana shaqaynayaa.. laakiin oralku waxa uu ahaa in maro nidaamkii degaanka iyo golaha shacabka iyo sida dawladdu u dhisnayd, inta aan sheegay intaas ayey ahayd, maanta diyaar ayaan u ahayd, waxaa jira 32 qof oo gole degaan ah oo xaq u leh inay shaqeeyaan, shaqaalaha qoraan, laga amar qaato, degmada looga dambeeyo, xil loo saaray, qabiiladu u dhiibeen, isimadu firmeeyeen (saxiixeen), sidaa loo sameeyey, ayagii ayaa marka xaq u lehin ay qabtaan wixii degaanka laga qabanayo, haddana waxaan leenahay waa in iyaga laga amar qaato.. waa sheegnay qabiilku waa qabiil guud, madaxweynuhu waa madaxweyne guud, waxay shaqadu imaaneysaa cidda masuulka ka ah degaanka, taas madaxweyne waxaan dooneynaa in laga amar qaado culaysna la saaro, guddoomiyaha Gobolku markhaanti ayuu ka yahay, annagu wax hadal ah kama keenin... hadda ayuu naga wax bixnayaa annagga haddaan..." Dhagayso ama mp3

Gen. Cadde oo Gaarey Garoowe...

Gen. Cadde Muuse ayaa Isniin June 2, 2008 soo gaarey magaalada Garoowe kaddib markii uu ka soo kicitimay safar uu ku tegey degaanka Ufayn.

Magaalada Garoowe waxaa beryahan laga sugayaa in uu ka furmo kulanka Golaha wakiilaad DGPL oo la sheegay in uu furmi doono June [15], 2008.

Gen. Cadde Muuse markii uu gaarey Garoowe waxa uu warbixin ka dhegeystay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, Cabdi Cali Xirsi.

Toddobaadkan ayey ahayd markii Wasiirka Macdanta iyo Tamarta DGPL uu yiri hadalkan: "(Shidaalka) Dooxada Nugaal mar hore ayaa la bilaabi lahaa, waxaa dib u dhigay..... Waxaa kale oo intaas soo raaca degaanka dadka deggan nabad gelyadoodu haddii aysan sugnayn ama qaarkood loo arko in aysan raali ka ahayn waxakan oo ay nabad gelyada bi'inayaan shirkaddu kuma soo dhiiran karto, maxaa yeelay si uu batroolku wax u gubo ayaa hadal kiisa iyo yabaqu u gubaa. Markaas shirkaddu waxay dooneysaa meel nabad gelyo leh oo sugan oo aan khilaaf ka jirin in ay wax ka bilowdo... "

aloreWasiirka Batroolka Puntland oo Jawaabo Kala Duwan ka Bixiyey Sababta Dib Loogu Dhigay Qoditaanka Ceelka Shidaalka ee Nugaal... Akhri...

gacamayTaliyihii Iscasiley ee Booliska Puntland oo Eedayn Kulul u Jeediyey Wasiirka Amniga
"Waxaan qabaa wasaaradda Amniga in ay tahay Wasaaradda dhibta keentay, waxaan aamin sanahay dhib kale oo wadanka ka jirta in aysan jirin... Akhri...

Faafin: SomaliTalk.com | June 2, 2008
 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS