Safiirka Soomaalida ee Moscow oo Ruushka ku Casumey
Soo saaridda Macdanta Nukliyeerka Laga Sameeyo ee Soomaaliya...
Waxa kale oo Safiirku Qalqaalo ugu Jiraa in
Ruushku uu dalka Soomaaliya ka dhisto Xarun laga hago
satellite-ka, taas oo Ruushka u bedesha xarun ku taal
dalka Kazakhstan...
- Tarjumadii: SomaliTalk.com | June 29, 2008
| Cusboonaysiin: June 30, 2008
Safiirka Soomaalida u fadhiya dalka Ruushka ayaa shir
jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Moscow, Jimcadii
June 27, 2008, waxana uu ku sheegay in Soomaaliya ay
rajayneyso in shirkadaha Ruushku ay ka qayb qaataan soo
saaridda macdanta Yuraaniyamka (uranium), Batroolka iyo
Gaaska Dabiiciga ah, sida ay werisey wakaaladda wararka
u faafisa Ruushka ee RIA Novosti.
Dr. Mohamed
Mohamud Handule, safiirka Soomaaliya u fadhiya
Moscow
Isha: Sawirka:
http://myafrica.ru/ |
"Maanta waxaan dheheynaa aan wada shaqayno.
Soomaaliya waa dal qani ah, oo uu ku jiro kayda rasmiga
ah (ugu badan) ee batroolka iyo gaaska dhulka Geeska Afrika," ayuu
yiri Maxamed Maxamuud Xandulle.
Waxa kale oo
safiirku sheegay in sahaminta Yuraanimka laga sameeyey
Soomaaliya xilligii Midowgii Soviet-ka (U.S.S.R).
"Soomaaliya waxay rumaysan tahay in soo saaridda
Yuraaniyumka (Soomaaliya) uu khaas u yahay shirkadaha
Ruushka, taas oo asaas looga dhigayo heshiiskii
dawladeed ee dhex maray Soomaaliya iyo Ruushka," ayuu
yiri Xandule.
Safiirku waxa kale oo uu ka hadlay in
Soomaaliya laga dhiso xarun laga hago hawada sare (space
center). Isagoo arrintaas ka hadlaya waxa uu yiri:
"Xarun hawada sare ee Soomaaliya waxaa loo adeegsan
karaa sida xarunta caalamiga ah ee hawada sare, waxaana
xaruntaasi ay garab siineysa xarunta Baikonur,"
ayuu yiri, waxana uu intaas ku daray: Waxaa xaruntaas
laga diri karaa gantaallo xambaarsan aaladaha
isgaarsiinta ee satellite-ka.
Baikonur waa
xarun laga hago aaladaha hawada sare loo diro, waxaana
sannadihii 1950-naadkii laga dhisay Kazakhstan.
Markii uu burburay Midowgii Soviet kaddib dalka
Kazakhstan waxa uu xaruntaas ka kireeyey Ruushka,
heshiis ay kala saxiixdeen 1994. Saraakiisha Ruushku
waxay sheegeen in ay sii wadi doonaan adeegsiga
xaruntaas laga diro aaladaha hawada sare ilaa 2050
oo ah waqtiga uu ku egyahay heshiiskaas lagaga kireeyey
xarunta,
sida ay werisey wakaalada RIA.
Hay'ada wararka ee
ITAR-TASS waxay sheegtay in safiirka Soomaaliya u
fadhiya Ruushka Maxamed Maxamuud Xandule, oo
munaasabadda xorriya Soomaaliya awgeed shir jaraa'id ku
qabtay Moscow, waxa uu sheegay in shirkadaha Ruushka
xuquuq gaar ah ay u leeyihiin qoditaanka macdanta
Yuraaniyumka ee Soomaaliya.
"Xiriirka
u dhexeeya Moscow iyo Muqdisho waa mid caado ahaan xoog
leh oo waaqici ah," ayuu yiri, isagoo intaas ku daray
"Waxaan haysanaa fursad aad u weyn oo wada shaqayneed,
gaar ahaan horumarinta khayraadka macdanta. Waxaan si
firfircood hadda wada xaajood ugula jirnaa dhaw
shirkadood oo Ruush ah, oo ay kamid tahay shirkadda
Gazprom, waxaana gaarey qaddar natiijo. Soomaaliya
waxay qani ku tahay Yuraaniyumka, taas oo ay hore u
baareen shirkado Soviet iyo Ruush ah. Waxaan
taageersanahay heshiiska, kaas oo shirkadaha Ruushka si
gaar ah fursad ugu siinaya xuquuqda in ay baaraan
Yuraaniyumka."
Safiiriku waxa ka mahad celiyey in Ruushku ay June
10, (2008) $1 million oo doolar u qoondeeyey
mucaawinada bini'aadaminimo ee dadweynaha Soomaaliyeed.
Waxa kale oo uu yiri in xaaladda Soomaaliya ay
degeyso toddobaad kaddib marka la kala saxiixdo
heshiiska cusub ee dhex maray dawladda iyo muqaawamada
oo ay dhex dhexaadiyeen Golaha Ammaanka ee Qaramada
Midoobey (QM), Ururka Carabta, Midowga Yurub iyo Ururka
Islaamka. Qaraar Golaha Ammaanka ee QM oo cunaqabataynta
ka qaadaya in hub laga iibiyo Soomaaliya, isla markaasna
dalka la keeno nabad ilaaliyayaasha QM, waxay ka qayb
qaadaneysaa xasiloonida, ayuu yiri safiirku, sida ay ku
warrantay Itar-Tass.
Ma aha markii ugu
horeysey ee safiirku uu dalka Ruushka ugu gacan haadiyo
khayraadka Soomaaliya. Qoraal la faafiyey March 15,
2007 ayuu Maxamed Maxamuud Xandulle waxa uu sheegay
in Soomaaliya ay Ruushka ku casumeyso ama siineyo
macdanta Yuraaniyumka iyo dahabka. Waxaa xilligaas la
weydiiyey su'aal ahayd: Midowgii Soofiyeeti ee Ruushka
(USSR) iyo Soomaaliya ma waxay dhamaystireen heshiis ku
saabsan macdanta uranium-ka?, Waxa uu kujawaabey "HAA,
waxay arrintaasi dhacday sannadkii 1976 xilligaas oo la
daah-furay kaydka Yuraaniyumka-dahabka."
Safiirku
waxa uu markaas waxa uu yiri: Hadda waxaan wada xaajood
kula jirnaa Ruuska ku saabsan qodista Yuraaniyumka iyo
dahabka. Taas waxaa dheer in shirkadda Zarubezhgeologia
ay danayneyso baaritaanka batroolka iyo gaaska
(Soomaaliya). Waxaa sidaas oo kale ku andacoonaya
Canadian iyo dalal kale. Hadda waxaan ku hawlanay
qorista sharciga kaas oo xallin doona dhammaan
dhibaatooyinkaas.
Sidoo kale shir jaraa'id oo uu ku
qabtay Moscow
August 22, 2007 ayuu safiirku waxa uu yiri
"Waxaan ku casumeynaa shirkadaha Batroolka iyo tamarta
ee Ruushka in ay sida ugu xawliga badan uga qayb qaataan
hawsha hadda ka socota Soomaaliya," sida ay xilligaas
werisey hay'adda wararka ee Interfax.
Taariikh: Xiriirkii Soviet-ka iyo Soomaaliya
Qorayaasha Adduunku waxay Soomaaliya ku tilmaamaan in
aysan weli ka soo waaqsan jabkii ka soo gaarey dagaalkii
1977-1978 ee xoraynta dhulka Soomaaliyeed ee
Itoobiya gumaysato. Soomaalida oo dagaalka aad ugu gacan
saraysa ayaa Midowgii Soviet ee Ruushku waxa uu
September 1977 bilaabay in uu taageero buuxda siiyo
Itoobiya. Markaas ayaa Soomaalidu xiriirkii
Dublamaasiyadeed u goysey Soviet-ka. Hubka iyo
taageerada dhaqaale ka sokow, waxaa taariikhdu xustay in
1,500 oo Ruush ah oo lagu sheegay lataliyayaal ka
socda Soviet-ka iyo 11,000 Cuban ah (ciidankii
Fidel Castro -
Saaxiibkii Itoobiya, cadowgii Somalia) waxay garab
soo siiyeen ciidan la isku dumay oo Itoobiyaan ah oo
gaarayey 50,000. Waxay iyagoo wada jira weerar
cir iyo dhul ah kusoo qaadeen ciidamadii Soomaalida oo
isugu jirey militariga iyo Jabhaddii Soomaali galbeed oo
tiradoodu isku ahayd 20,000 oo ku sugnaa aagga
Harar. Taangiyada iyo hubka kale Ruushka iyo Cuba
iyo diyaaradaha waxay sababeen in Ciidankii Soomaaliya
khasaare ba'ani soo gaarey, taas oo keentay in
Maxamed Siyaad Barre uu March 9, 1978, amar
ku bixiyey in Soomaaliya ay ka soo bexeyso dagaalka.
Jabkaas, xilligaas soo gaarey Soomaalida, ayaa
taariikhdu xustaa in uu ka soo bilowday dhibka
Soomaalida haysta maanta (2008).
Xaggee Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo
Shirkadda Militariga Faransiiska...
Xafiiska Madaxweynaha (DFKMG ee) Soomaaliya ayaa
sheegay in ay majara habaabin yihiin wararka la xiriir
heshiiska uu madaxweynaha Cabdullaahi Yuusuf bishii May
(2008) la saxiixday shirkadda khaaska ah ee Militariga
Faransiiska. Halka ay weriyaha VOA Alisha Ryu ay
warbixinta ay ka soo dirtay Afrikada Bari Nairobi, ay
shirkaddu sheegay in la siiyey heshiis shirkadda u gaar
ah oo aan lagula tartami karin si ay muddo saddex sano
ah u ilaaliyaan badaha (xeebaha Soomaaliya), una
tababaraan ilaalada madaxtooyada Soomaaliya. Laakiin
xafiiska madaxweynaha Yuusuf waxa uu sheegay in aan wax
heshiis ah oo noocaas ah la saxiixin. Sidaas waxaa
qormo ku bilowday shabakadda VOA, June 20, 2008.
Lataliyaha Madaxweynaha DFKMG, Cabdirisaaq Aadan
Xasan, ayaa Idaacada Codka Maraykanka qayteeda Afka
Ingriisiga waxa uu u sheegay in Cabdullaahi Yuusuf
uu ogolaansho siiyey shirkadda Fransiiska, Secopex,
si ay u sii wadato raadinteeda qandaraaska ku saabsan in
la sugo ammaanka Badda ku xeeran Xeebaha Soomaaliya,
samaynta unug qaabilsan sirdoonka xeebaha, iyo
tababaridda waardiyaasha madaxweynaha.
Laakiin
C/risaaq Aadan Xasan waxa uu sheegay in aan Yuusuf
shirkadda Secopex siin heshiis keligeed xuquuq u siinaya
in ay fuliso mashruucyadaas Soomaaliya.
C/laahi Yuusuf Axmed, madaxweynaha DFKMG |
"Waxa dhacday waxay ahayd, shirkaddaas ammaanka
qaabilsan ayaa nasoo qaabishay anaga, waxana uu hab
dhaqanka madaxweynuhu ahaa, 'waad ogtihiin, idin lama
geli karno qandaraas, sababtoo ah annagu idinma siin
karro lacag. Haddii aad heshaan lacag aad idinku
leedihiin, isla markaasna aad qandaraas ka heshaan inta
kale ee beesha caalamka - gaar ahaan Qaramada Midoobey,
Maraykanka iyo dawladda Faransiiska - haddii markaas ay
iyagu idin xushaan oo idin siiyaan qandaraaska iyo
ogolaanshada, waxba kama qabno. Markaad heshaan iyaga
ogolaanshadooda, igu soo laabto. Markaas ayaan dhehi
karaa haa ama maya,'" ayuu yiri lataliyaha madaxweynaha
DFKMG. [Dhegeyso
halkan].
Cabdullaahi Yuusuf waxa uu la
kulmay madaxda sare ee shirkadda Secopex markii
uu booqday magaalada Paris bishii May 2008, ayey
tiri idaacadda VOA. Booqashadaas oo qayb ka ahayd mahad
naq dawladda Fransiiska kaddib markii ay ka qayb
qaadatay soo deyntii dadkii saarnaa markabkii dalxiiska
ee Fransiiska, meel u dhow xeebta Soomaaliya bishii
April 2008.
Madaxweynaha DFKMG Cabdullaahi Yuusuf waxa uu May
5, 2008 magaalada Paris kula kulmay madaxweynaha
Faransiiska Nicolas Sarkozy.
Lataliyaha,
C/risaaq Aadan Xasan, oo madaxweyanaha DFKMG ku
weheliyey booqashadiisii Faransiiska, waxa uu yiri
Cabdullaahi Yuusuf waxa uu si cad ugu sheegay shirkadda
Secopex in ay tahay in ay qandaraaska gorgortan u soo
gasho, qandaraaska oo lagu qiyaasay in uu ku fadhiyo
lacag u dhaxaysa $75 million ilaa $150 million
sanandkiiba, kaas oo soconaya saddexda sano ee soo
socota.
Lataliyuhu waxa uu intaas ku
daray "ma siin karno hal qof. Waxaan eegeynaa
takhasusaad kala duwan, waxa kale oo aan eegeynaa kan ku
haboon shaqada."
Laakiin (31/05/2008)
Jariidadda Indian Ocean Newsletter waxay ku soo
warrantay in heshiiskaasi uusan ahayn mid dawladda
Soomaaliya khasab kaga dhigaya in ay shirkadda Secopex
lacag ku siiso adeegga ay qabato. Waxayna isla markaas
jariidaddu sheegtay in ay hayso dukumiinti muujinaya in
heshiiskaas lagu saxiixay Paris uu shirkadda Faransiiska
u siinayo xuquuq aan lagula tartami karin oo ah in muddo
36-bilood ah ay wadaan mashruucaas.
Madaxa shirkadda Faransiiska Secopex, Pierre Marziali
oo waraysi siiyey hay'adda wararka ee AFP (June 14,
2008) waxa uu u hadlay sidii in shirkaddiisu ay heshay
qandaraaska, ayey tiri Idaacada Codka Maraykanku.
Madaxa shirkadda Faransiisku waxa uu AFP u sheegay in
shirkadda Secopex ay samayn doonto xisaab hubin (odhod)
ay ku eegeyso goobaha Soomaaliya si aan u qiimaysno inta
uu ku kacayo qandaraasku. Waxana uu intaas raaciyey:
guushii laga gaarey soo badbaadintii shaqaalihi saarnaa
doontii (la afduubay) waxay ka qayb qaadatay saxiixa
heshiiska aan la galnay hoggaamiyaha Soomaaliya.
Shirkadda Secopex waxaa la asaasay sannadkii 2003
waxayna ka kooban yihiin xubno ka tirsan Ciidamada
Milatariga Faransiiska iyo laamaha kale ammaanka ee
dawladda.
Xafiiska ra'iisul wasaaraha
DFKMG, Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) waa uu
diidey in uu faallo ka bixiyo heshiiska, isagoo yiri
arrinta weli wada hadal ayaa ka socda, ayey tiri
Idaacadda Codka Maraykanku. [Dhegeyso
halkan].
Heshiisyada
Fashilmay:
May 2006 ayey
ahayd markii warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG uu shaaca
ka qaaday in shirkadda
NSG ay "noqonayso wakiilka keliya ee qaabilsan
dhammaan hawlgallada xeebaha Soomaaliya, difaaca, ciidan
iyo tababarida dhammaan ciidanka difaaca xeebta ee
DFKMG." Heshiiskaas waxa uu noqday mid aan waxba ka
socon, mana hirgelin. [Eeg:
"NSG" Waa Shirkad Caynkee ah ]
Sidoo
kale, bishii December 2005 ay ahayd markii ay soo
shaac bexeen wararka la xiriirey in DFKMG ay
heshiis-badeed la gashay
TOPCAT,
laakiin heshiiskaas hadal haytiisii laga waayey DFKMG ka
dib markii saxaafaddu si xeel dheer uga faalootay
arrimaha la xiriirey heshiiskaas. [Akhri
Qoraal dheer
oo laga qoray TOPCAT]
Taas waxaa ka sii horeysey in Febraayo
2005 uu soo shaac baxay heshiiskii saddex geesoodka ah
(Puntland/DFKMG/HAFZA) ee Xaafuun muddo 99 sannadood
ah lagu siinayey
HAFZA, heshiiskaas oo asagana hadal hayntiisii la
waayey.
October 25, 2000, wax yar kaddib markii
la doortay dawladii kumeel gaarka ahayd ee Carta, ayaa
Xasan Abshir Faarah oo ahaa wasiirkii macdanta,
Biyaha iyo khayraadka dabiiciga ah iyo wasiirkii Beeraha
Yuusuf Macallim Amiin, waxa heshiis la saxiixdeen
shirkad Maraykan ah oo magaceeda la yiraahdo
WORLDWATER. Heshiiskaas oo lagu kala saxiixday
magaalada Muqdisho waxa uu ku saabsanaa in dhammaan
adeegyada la xiriira maaraynta Biyaha iyo tamarta
qoraxda, in muddo sadex sano ah ay shirkaddaasi kala
taliso dawladda, kana caawiso wax kasta oo la xiriira
biyo gelinta, sida tuubooyin gelinta Muqdisho iyo
magaaloyinka kale iyo dhulka ka fog magaalooyinka ee
dalka oo dhan. Xasan Abshir waxa uu xilligaas yiri:
"Dadka Soomaaliyeed oo la siiyo biyo nadiif ah iyo
koronto ayaa ah waxa ugu weyn dib u dhiskayaga." Sidoo
kale Yuusuf Macallin waxa uu yiri: "Dhaqaalaha
Soomaaliya waxa uu ku dhisan yahay beeraha, waxaa waajib
nagu ah in aan dib u soo celino hab bereedkii. Shirkadda
WorldWater waxaan weydiisaney in ay naga caawinto
sidii aan u maarayn lahayn nidaamka waraabinta beeraha
ayadoo la deegsanayo habkooda Qorraxda lagu soo saarayo
biyaha, sida ugu dhaqsaha badan." Lama sheegin meesha uu
ku dambeeyey heshiiskaasi.
Total, Fina, ELF ayaa bishii February 2001 waxay
Soomaaliya la galeen heshiis baaritaan shidaal,
heshiisyadaas oo la sheegay in Xasan Abshir qayb ka
ahaa. Lama sheegin meesha uu heshiiskaasi ku dambeeyey.
Dhammaan heshiisyadaas waxay sugayaan in dawlad
Soomaaliyeed oo xisaabtami karta ay ka jawaabto.
Sidee madaxdii hore ee Soomaalidu adduunka ula hadli
jireen ama ula xaajoon jireen -
Eeg Halkan - waa Xuseen CabdulQaadir Qaasim,
wasiirkii Khayraadka Macdanta iyo Biyaha Soomaaliya oo October
8, 1976 magaalada New York wada hadal ku dhex maray xoghayahii
Maraykanka ee xilligaas Henry KISSINGER. Wasiirku waxa
uu xilligaas wakiil u ah wasiirka Arrimaha dibadda
Soomaaliya. Waxaa goobta wada hadalku ka dhacay fadhiyey
Safiirkii Soomaalida ee Washinton DC, Cabdullaahi Caddow iyo Cabdiraxmaan
Jaamac Barre iyo Maxamed Maxamuud. Wadahalkii dhex maray
Wasiirkii Soomaaliya iyo Xoghayihii Maraykaanka, oo
noqday qoraal dhan 11-bog, waxa uu sir ahaa 30
sano - laga soo
bilaabo markii wada hadalku dhacay October 8, 1976 ilaa
May 4, 2006, markaas oo Maraykanku sirnimadii ka
saaray.
Qoraalkaas ka Akhri
Halkan (pdf).
- Dhibaatada ugu weyn ee shacabka Soomaaliyeed
haysata waxaa kamida in madaxda Soomaaliyeed marka ay ka
degaan xilkii ama laga wareejiyo aysan wax qoraal ah
ama buug ah ka samayn khibradoodii intii ay xilka
hayeen - taas oo tix raac u noqon lahayd shacabka
iyo cidda xilka uga dambaysa - wixii uu qofkaasi
saxay in laga faa'iido, wixii khaldamayna aan
markale lagu dhicin. Qoris la'aantaas waxaa ku luma khibraddii qofkaas
laga faa'iidi lahaa.
- Akhri
YAA UMAQAN TAARIIKHDA SOOMAALIDA.
Faafin: SomaliTalk.com | June 29, 2008
Isha: RIA Novosti, AFP, VOA, Africa
Intelligence, AP, Google images, Interfax, Itar-Tass,
onwar,
Globalsecurity.