Faahfaahin kooban: Heshiiska batroolka ee ay DFKMG iyo shirkaduhu
wada galeen
Laba
shirkadood oo lagu kala magcaabo Kuwait Energy Company and Indonesia's
PT Medco Energi Internasional Tbk. Kuwaas oo maalgeliya dhulal kala
duwan ayaa hadda waxaa ay go'aansadeen iney baaritaan shidaal ah ka
sameeyaan dhulka soomaaliya. Dowlada FKMG ee soomaliya ayaa iyana arinkan ku
qanacsan. Masuuliyiinta dowladuna waxaa ay heshiis hordhac ah oo waxlaga
bedeli karo la galeen labada shirkadood ee aan kor kusoo sheegnay.
Heshiiskaas oo loogu magac daray “sharciga batroolka soomaaliyeed” ayaa
dhowaan la doonayaa in la hor geeyo baarlamaanka soomaaliya. Walow ay
masuuliyiinta dowlada soomaaliya aad moodo iney weli ka taxadarayaan
iney faafiyaan heshiiskan ayaa haddana waxaa aad wax uga qoray arinkan
warbaahinta aduunka.
Sida heshiiska hordhaca ah ku cad labdaaan shirkadood waxaa ay
doonayaan iney qaataan lahaanshaha ama saamiga 49% shirkad batrool oo
dowlada soomaaliya ku talo jirto iney sameyso. Sida ka muuqata
heshiiskan, wakiilo iyo madax ka tirsan labada shirkadood ayaa la
taliyayaal dowlada uga noqon doona dhinaca arimaha soosaarida shidaalka.
Saraakiishaas waxaa ka mid ah Maamulayaasha labada shirkadood.
Weli ma cada sida ay labadaan shirkadood u qaybsan lahaayeen qabtooda
ay ku yeelan doonaan shirkada batroolka ee ay dowladu samayso. Waxaa
kaloo aan heshiiska ku caddeyn caddadka maalgelinta ay sameynayaan inta
uu le`egyahay.
Shirkada kuwayt waa shirkad yar oo madax banaan, Mustaqbalkana
dooneysa iney kordhiso wax soosaarkeeda xagga saliida ah. Sanadka 2010
waxaa ay shirkadu ku hanweyn tahay iney soo saarto ilaa 50000 oo fuusto
maalintiiba halka uu sanadkii hore waxsoosaarkeedu ahaa ilaa 1971
fuusto maalintiiba. Shirkadu waxaa ay howlo ka wadaa wadamada kala ah:
kuweyt, masar, cumaan, yemen, ruushka iyo kamboodiya.
Qaabka loo qaybsanaayo faaģidada soo baxda.
Kolkaad si qotodheer u eegtid nuqulka heshiiska dowlada iyo
shirkadaha baaraya shidaalka waxaa aad arkeysaa qaabka loo qaybsanaayo
faaģidada taas oo lagu muujiyey qaab xisaabeed.
Qaab xisaabeedkaas waxaa aad ka heli kartaa page-ka
52-aad iyo kan 53-aad.
Sida ku cad qaabkaas xisaabta waxaa kolka hore la xisaabinayaa wax
kasta oo kharash ah ee ku baxay soosaarida shidaalka. Kaas oo laga
jaraayo dhaqaaligii la soo saaray.
Kolkii la kala jaro dhakhliga iyo kharashka ayaa hadii faaģido soo
baxdo lakala qabsan doonaa.
Shirkadaha ay dowladu leedahay waxaa ay helayaan 1,2 bilyan oo dollar
ama 69%, waa hadii la iibiyo saliid gaareysa ilaa 50 milyan oo fuusto
(eeg sadarka ugu hooseeya kan ka koreeya ee xisaabaadka ku qoran p. 53).
Halkii fuusto waxaa ay ku qiyaaseen in lagu iibiyo ilaa ilaa 50 dollar.
Sidoo Kale isla meeshaas aan tilmaanay ( p. 52), sadarka hoose ee
ciwaankiisu yahay "contractor" waxaad ka arki kartaa qaybta ay
boqolkiiba helayaan shirkadahaas heshiiska galay. Taas oo iyana ku xiran
hadba inta fuusto batrool ah ee la iibiyo. Waana qayb kordheysa markasta
oo waxsoosaarku kordho. La soco waxa aan ka hadleyno ee ku cad qoraalka
p.52 waa qaybsiga faaģidada (profit) Baalka 51- aad waxaad ku
arkeysaa dakhliga guud iyo qaybta kasoo gaareysa dowlada iyo
shirkadaha.( eeg ciwaanka: gross revenue)
Baalka( page-ka) 52-aad waxaa ku sharaxan tusaale ahaan haddii la
iibiyo 350 milyan oo fuusto ay dowladu qayb ahaan qaadan doonto 7.955
bilyan ama 63.6% acagta lagu iibiyo saliidaas, halka dawlada+shirkada
shidaalka iyo iyo hay'adaha dawladdu leedahay ee qabdaraaska qaata ay
isku dar ahaan qaadan doonaan 9.1 bilyan ama 72.8% lacagta lagu iibiyo
saliidaas.
Iskudubarid
c/risaq Maxamed Xuseen
Master degree in economics
sweden
habdirisak@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 15, 2007
DFKMG
oo Baabi'ineysa Heshiisyadii Batroolka ee ka dambeeyey 30kii Disember 1990...
iyo Shirkadda Chevron oo Sheegtay in aysan Dhaqso
ugu laaban doonin Soomaaliya....
Akhri...


|