Wasiirka Batroolka Md. C/llaahi Yuusuf Xaraare "Inta aan ahaa
wasiirka Betrool wax heshiis ah oo ay wasaaradu saxiixday ma jirto,
heshiisyadii horena weli way jiraan, Buugga weyn iyo waxyaalaha kale ee
ku xiran ma aha wixii wasaaradu soo gudbisay.."
Wasiirka Batroolka iyo Tamarta DFKMG Md. C/llaahi
Yuusuf Xaraare oo Baarlamaanka Warbixinsiiyey ayaa sharxay qaab
dhismeedka Wasaaradda Batroolka iyo Tamarta, waxyaabihii uu
qabsoomey intii uu xilka hayey, caqabadaha horyaala iyo mustaqabalka
waxa uu doonayo in wasaaradda ay qabato.
Wasiirka isagoo arimhaasi ka hadalaya ayaa wuxuu
yiri " Wasaaraddu waxay leedahay, 3 Agaasime Guud iyo waaxyo kala
duwan hoos yimaada, wasaaraddu waxay baadi goob ugu jirtaa
heshiisyadii hore loola galay shirkadaha kala duwan ee ka hawlgalay
dalka.
Qorshaha Wasaaradda ayaa wuxuu yiri " Qorshaheenu
waxaa uu ahaa Koronto gelinta Magaalada Baydhabo oo ah meesha
dowladu ay ku soo degtay, marka la qiyaaso awooda Korontada ay u
baahan tahayna ayaa waxay noqonaysaa 3. hal iyo bar KWT, waxaana
helney Hay'addo gacan ka geysta, marka uu Ramadaanku dhamaado ayaan
bilaabi doonaa, waxaa keloo aan ku tala jirnaa Uruurinta sharciyadii
hore ee batroolka dalka Soomaaliya laga isticmaali jirey iyo kuwa
Caalamka iyo Heshiisyadii wax soo saar wadaaga, wasaaradu waxay dib
u dhigtey heshiis-yda cusub, soo jeedinta sameynta Shirkad Batrool,
waxaana Uruurinay macluumaadkii hore Soomaaliya looga sameeyey
Qoraxda iyo Dabeyasha, waxaan baadi goob ugu jirnaa heshiis-yadii
hore loola galay shirkadaha kala duwan ee dalka ka hawlgalayey.
Waxaa jira in Batroolka Soomaaliya ay doonayaan
shirkado badan, Batroolka laga baarey Soomaaliya 1950-kii, waxaa la
qodey 57 Ceel oo wada qalalan, sababaha keenay in guul laga gaari
waayo waxay ahayd dhowr arimood, Xiligaas la qodaadey 57-Ceel
arimaha siyaasadeed wadankeena wuxuu ku jirey Gumaysi, kadibna waxaa
dhacday isbedel, kadibna Xukuumadii Militeriga ayaa gacanta ku
dhigtay dalka, shirkadihiina dib ayey u gurteen, waxay mar labaad
dib ugu soo noqdeen 1991-dii oo markaa Dagaaladii sokeeye dalka ka
qarxay, dalalkoodii ayey mar labaad dib ugu noqodeen ". sababaha
keenay in Soomaaliya la daneeyo ayaa waxaa ka mid ah, waa meel
istiraatiiji ah, waxaana kor mara lix Basin(6), taasina waxay
keentay in shirkado waawey ay daneeyaan oo gaaraya ilaa 12-
shirkadood iyo kuwo kale oo yar yar, meelaha ugu muhiimsan Batroolka
Soomaaliya iyo xiriirka macdanta ay la leeyihiin waa Gobolada
Woqooyi, J/hoose oo ah meel rajo fiican laga qabo iyo Sh/hoose oo
hore loogu tuhunsanaa gaas iyo Batrool ayaa ka mid ah, Soomaaliya
waxay ka mid tahay wadamada baloogyada loo qaybiyey 46-Block oo
dhulka ah iyo 13 ilaa Xeebta Laamo iyo Zaylac.
Wasaaraddu waxay dhiiri-gelinaysaa in mudnaanta la
siiyo muwaadiniinta dalka Soomaaliya ee ku hawlan ka ganacsiga
Batroolka, waxaana u dejiney Shati leh heerar kala duwan sida:-
A-kuwa soo dejiya shidaalka ee awooda dhaqaalo u leh
waxaa la siinayaa shati, hadii uu Wasaaradda ganacsiga ka haysto
shati.
B-Shirkadaha Deegaanka ee buuxiyey shuruudaha.
C-Degmo waliba ee sameysan karta Kaalin shidaal.
Sharciga Batroolka waxaa la diyaariyey intii aan
aniga xilka qaban, waxaana loo dhiibay gudi wasaaraddu waxay wax ka
bedeshay sharciga batroolka meelaha ay u aragto inaan loo baahnayn:
JAWAABAHII WASIIRKA TAMARTA IYO BETROOLKA DFKMG
...
Akh-ristayaasha sharafta lahoow waxaan halkaan idiinkugu
soo gudbinaynaa su'aalihii ay weydiiyeen Mudanayaasha iyo Jawaabihii,
Wasiirka Batroolka iyo Tamarta Md. C/llaahi Yuusuf Xaraare, xubnaha
su'aalaha weydiiyey ayaa waxay kala ahaayeen Xildhibaan Ismaaciil Timir,
Xildhibaan Xuseen Baantuu, Xildhibaan Kulalihi, Xildhibaan Cali Baashi
Xaaji Max’uud, Xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxulow, Xildhibaan Cawad Axmed
Casharo, Xildhibaan Ibraahim yarrow, Xildhibaan Max’ed Xuseen Raage,
Xildhibaan Jen. C/raxmaan Max’’uud Cali, Xildhibaan Avv. Cumar Xasan
Subeyr, Xildhibaan Max’ed Qanyare, Xildhibaan Cumar Islow, Xildhibaan
Cusmaan Aadan Dhuubow, Xildhibaan Max’ed C/raxmaan Nadiif, Xildhibaan
Avv.Ceydiid Ilka Xannaf, Xildhibaan Macallin Jiis, Xildhibaan Avv.Cabdi
C/lle Siciid {Jinni boqor}.
Wasiirka oo ka jawaabaya Su’aasha:- ugu horeysa
waxaa uu yiri "waxaa su'aashii ugu horeysay i weydiiyey
Xildhibaan Ismaaciil Timir, Siyaasada wasaarada ee ku wajahan
dhibtaada ka jirta hada caalamka maxaad u diyaarseen, yaase loo
daynayaa ma kuwii hore, mise kuwa dambe?
Jawaabta:-Wasaarada Siyaasadeeda waxay tahay
in la tix geliyo heshiisyadii hore sababaha soo socda awgood:-
-
(B)- Sharci ahaan waxay ku tageen Force Majore
oo xaalad dagaal awgeed ayay ku tageen weliba qaarkood mudo ayay
rajo ka qabeen in xaalad u saamaxdo inay ku soo noqdaan dalka,
dhinaca caalamka hada waxaa ka socda wasaaradda siyaasadeeda waa
mid taxadir iyo ka fiirsasho ku dhisan, waxa caalamka ka socda
wasaarada waxaa kaga aadan ka fiirsasho iyo taxadir oo mudnaanta
siinaysa danta shacabka Soomaaliyeed.
Xildhibaan Xuseen Baantuu
S:- waxaad inoo sheegtaa magacyada shirkadaha
Betroolka iyo meelaha ay wax ka heleen?
J:- Shirkadaha caalamka ee wax ka baaray Betroolka
kuwooda ugu muhiimsan eena doonayaa inay soomaaliya ka baaraan
Betrool waxay kala yihiin, Sinclair oo ay shirkad ku yihiin
Mareykan iyo Yurub, Agip oo laga leeyahay Taliyaaniga, Phipes, Shell
oo laga leeyahay Mariland, Kongo oo laga leeyahay Mareylanka,
Pectan, Cherron oo laga leeyahay Mareykanka, Murphy, oo laga
leeyahay Mareykanka, Amoco oo laga leeyahay Mareykanka, IPC oo ah
shirkado isu tagay oo ay shirko ku yihiin Canadian, Swedish iyo
Mareykanka, Lundin Talisman iyo Gulf Strean oo ah Shirkado isu
tagay, Shirkadaha cusub oo ay wasaarada oo ay heshiis la gashay ma
jiraan ilaa iyo hada.
S:- Buuga weyn
ee loo qeybiyay baarlamaanka ma yahay mid ay wasaaradu ogtahay?Wasaarada
Medco iyo Kuwait Energy ma jiraa wax heshiis ah oo ka dhexeeyay ma jiraa?
Mase jiraa wax talo ah oo ay wasaradu ku lahayd tiimka Pertoliam Team ma
jiraa?
J:- Mudanayaal shirkada Betroolka Soomaaliyeed weli
lama dhisan oo sharciga ayaa dhisaaya, cidna ma aanan siin saami (share) oo
100% waxaa iska leh dowlada, marka la dhiso haday noqoto oo shirkad ajanabi
ah laga gadayo share ka mid ah shirkadaas waxaan keeni doonaan baarlamaanka
qolada gadanayso sicirka ay ku iibsanayso, arinta ah inay guriga ugu tageen
Gudoomiyaha Baarlamaanka Medco iyo Kuweit Energy waxba kama ogayn oo
wadankaba ma joogin, heshiisyada uu soo saxiixay wasiirka macdanta waxba
kalama socdo weli nooma soo gudbin, sababta loo soo
saxiixayna faahfaahinteeda ma hayno, buugga weyn iyo waxyaalaha kale ee ku
xiran ma aha wixii wasaaradu soo gudbisay, sida aan ugu sheegay
Xildhibaanadii hore waxaan mudnaanta siinaynaa shirkadahii hore.
Xildhibaan Cali Baashi Xaaji Max’uud:
S: xaalada hada lagu
jiraa ma tahay mid saamaxaysa in la baaro betrool? Shirkadihii hore ee
intaan dalku burburin heshiis la galay dowladii maliteriga heshiiskooda ma
jiraa? Mase jirtaa cid wax na siisay?
J:- Xaalada hada lagu jiro ma saamaxayso in la baaro
betrool, sharcina waa loo baahan yahay, shirkadahii hore heshiisyadoodii waa
jiraa weli cid wax na siisayna ma jirto.
Xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxulow:
S: waxaan filayaa in
qoraalka nahor yaalaa sow ma aha mid ka yimid Golaha wasiirada? Adiguse
mala kulantay Sudlaana Akbar?maxaase kala socotaa heshiisyada shidaal oo ay
wada galeen kal hore Dowlada Jen.Cadde Muuse waxa uu sheegay inuu ka go’ayo
seed ka yeelaysaan?
J:-Medco iyo Kuweit Energy waxay sheegteen 49% inay inay
leeyihiin Shirkad aan la gaarno go’aan waxaa soo gudbinaya wasaarada inta ka
horeysa 100% waxaa leh dowlada, Suldaana Akbar mala kulatay waxaan kula
kulmay work shop wax gaar ah oo ka baxsan work shop-kaas wax ka gaar ah nama
dhex marin, 26-juun 2006 waxaa heshiis shidaal kala saxiixaday Dowlada
Federalka iyo Maamulka Puntland aniga markaas wasiir ma anan ahayn la iimana
soo gudbin, seed ka yeelaysaan Anniga waxaan filayaa Puntland waxay qeyb ka
qaadatay sidii dowlada federalka u istaagi lahayd mana filayo ra’yi ahaan
inay ka go’ayso dowlada federalka oo ay wax ka soo dhistay.
Xildhibaan Cawad Axmed Casharo:
S: Ingiriisku wuxuu ahaa
qoladii ugu horeysay ee danaysa shidaalka soomaaliya ceelashii la qoday
waxay noqdeen daray sababaha loo saarayna waxay maxaad ka damacsan tihiin
bolokyadii (Blocks) la siiyay shirkadahii hore?
J:-Runtii Ingiriisku wuxuu ahaa dalkii ugu horeeyay ee daneeya
shidaalka soomaaliya, sababaha loo saray blockyada waa farsamo xumo iyo
tiknoolajiyada oo heerkii looga talo galay aanay gaarsiisanayn bolokyadii la
siiyay shirkadahii hore weli waa sidoodii ilaa aan iska soo hor fadhiisano
oo dib u xisaabtano ma garan karo sida ay wax inoo kala harsan yihiin,
arimahan ma ahan arin fudud waxay u baahan tahay taxadir badan, shirkadaha
yar yar sidoodaba way na wareerinayaan waqtigan xaadirka uma baahna iyagana
way ku fiican yihiin shaqooyinkooda, heshiiska uu saxiixay wasiirka macdanta
ma garanyo inuu saxiixo heshiiskaas mana inoo soo gudbin faahfaahintiisa .
Xildhibaan Ibraahim yarrow:
S: intaad wasiirka ahayd ma
jirtay heshiis aad saxiixday?
J:-Inta aan ahaa wasiirka wax heshiis Betrool ah oo ay
wasaaradu saxiiday ma jirto heshiisyadii horena weli way jiraan, sharrcigana
waa midka ku lifaaqan wasaarada warqadeeda.
Xildhibaan Max’ed Xuseen Raage:
S: Maxaa sababay 57-ceel in
laga waayo (shidaal)? Dhinaca badahase maxaad ka leedihiin?
J:- 57-ceel oo laga waayay waxaa sababay dhowr sababood
awgood kuwii sanadadii ugu horeysay la qoday oo aan gaarsiisnayn heerkii
looga tala galay, nidaamka betroolka soomaaliya iyo baaxada soomaaliya iyo
57-ceel way ku yar tahay sababtoo ah 200km ayaa waxaa laga baaraa ilaa
150-ceel si loogu helo ceel betrool ku jiro marka markaad fiiriso soomaaliya
oo iyada oo dhan iyo 57-ceel waxay noqonaysaa wax aan waxba ahayn, dhinaca
badaha blockyadooda waxaa la siiyay shirkado waaweyn oo shaqo ka bilaabay
intii ka horeysay burburka iyadoo waxba soo saarin oo aan dhamaystirina ka
tagay.
Xildhibaan Jen. C/raxmaan Max’’uud Cali:
S: ma inoo sheegi
kartaa kharashka ku baxay samaynta sharciga betroolka iyo cida kharashka
bixisay? Maxaase keenay in soomaaliya la daneeyo oo la siiyo ahmiyad gaar
ah?
J:- Sharciga betroolka waxaa la soo sameeyay inta aanan noqon
wasiir, kharashaka ku baxay iyo cida bixisay weli nalooma soo gudbin.
Maxaa keenay in soomaaliya la daneeyo, waxaa keenay dhowr sababood:
mowqaca joolajiga ay soomaaliya ku taalo oo tilaamaamay meel wax laga filayo
waa wadan 80% rajo laga muujiyay in wax laga helo daraasadii Bankiga Aduunka
iyo UNDP ay sameeyeen kuna sameeyeen 8-wadan oo afrikaan ah Soomaaliya iyo
Suudaan waxay ku jireen labada wadan ee ugu horeyso, Suudaan sida aad la
socotaan hada waxbay soo saartaa sanadaha soo socdana waxay ku dhow yihiin
inay Sudaan soo saarto labo malyuun iyo bar oo
barmiil maalintiiba soomaaliya oo loo arkay inay ku sahalsan tahay dhoofinta
betroolka waayo meel kasta oo ceel laga helo kama foga badda , mida kale
soomaaliya waxay ka mid meelaha ugu yar oo shirkadaha waaweyn ee
aduunka isugu yimaadiin, Ka faa’idaysiga dhinaca tamarta iyo dabeysha waan
ku tala jirnaa macluumaad badana waan aruurinay hadii aad u baahan
tihiina koobi waan idiin sii karaa soomaaliyana waxay haysataa fursad dabeyl
badan iyo qorax badan laakiin waxaa aad qaali u ah in koronto looga
dhaliyo magaalo qoraxda iyo dabeysha waa arin u baahan in si tartiib ah in
bedelo dhuxusha lafteeda waxa u baahan tahay.
Xildhibaan Avv. Cumar Xasan Subeyr:
S: Buugga weyn yaa soo
gudbiyay? Dareense ma idiin galay markaad maqasheen arimahan?
J:- Bugga Weyn ma aha mid ay wasaarasda soo
gudbisay, dareen waa na galay oo waan la yaabnay inay shirkado soo baxaan
yimaadaan Baydhabo marketing u sameeyaan barnaamijka ay wadaan la kulmaan
madaxdii wadanka si habqana ay ku iibiyaan barnaamijkooda ayagoo aanan soo
marin wasaaradii shaqada ku lahayd oo ah wasaarada tamarta iyo Betroolka.
Xildhibaan Max’ed Qanyare:
S: Wasiir "Sharciga ay wasarada
soo gudbisay sow kan ma aha"?
J:-Sharciga ay soo gudbisay wasaarada ayna u soo gudbisay
Baarlamaanka waa midka ay ku lifaaqan tahay wasaarada warqadeeda, waana ku
celinayaa "Buugga weyn wasaarada sooma gudbin".
Xildhibaan Cumar Islow:
S: Sharciga yaa inoo soo gudbiyay
maxaase keenay inaad hada ka soo hor jeesato? mase ku (soo) gareen heshiis ka ay la
gashay Shirkada Range Resources maamul goboleedka puntland, maxaase ugu hadli
wayday heshiiskaas? Adiguse heshiis maku soo gashay China?
J:-Sharciga kama soo hor jeedo ee waxaan leeyahay waxa uu ahaa
sharci qabyo ah hadii gudiyada iyo baarlamaanka wax ku kordhin
karaan wax ha ku kordhiyeen, rutii weli ima soo gaarin heshiis ay
leedahay Range Resources, waxaan wax ka dhihi karaa marka uu isoo gaaro
docomenti aan ka jawaabo, anniga wax heshiis ah kuma soo galin China,
arrimaha heshiiska baarista betroolka Puntland weli ma soo gaarin wasaarada.
Xildhibaan Cusmaan Aadan Dhuubow:
S: ka waran heshiisyadii
lala galay shirkadahii hore ee shidaalka baara heshiiskoodi kal hore ay la
gasahy dowladii 21-sano? Maxaase wasaaradu ka damacsan tahay xooga
korontada?
J:-Shirkadahii hore heshiiskoodii weli sidii ayuu u taagan
yahay intaan wax isla dhigaynana waan tixgelinaynaa hadiise kuwo cusub
yimaadaan oo xoog leh oo shidaal ka qodi kara meelo cusub waan soo
dhawaynayna.
Korontada waxaa ka damacsanahay inaan ka dhigno shirkado xor ah oo gaar
loo leeyahay sidaa darteed waxaa ku howlan nahay sidii aan u samayn lahayn
sharci ku haboon awooda korontada.
Xildhibaan Max’ed C/raxmaan Nadiif:
S: Wasiir waxaad maqanayd
in mudo maxaa sababay inaad maqnaasho intaa in la’ eg maqanaato?
J:-Maqnaashahaygii wuxuu ahaa mid u badan shaqo sidii ii
weydiiyayna uma wada maqnaynoo waxaa jiray dhex taalo
Xildhibaan Avv.Ceydiid Ilka Xannaf:
S: Waxaan la soconaa
sharci betrool oo hare maxaase wax looga dari waayay oo sharcigan qodobo ka
mid ah shgarcigii hore? Maxaase kalifay inaad shirkado yar la noqotaan
Partner ama bahwadaag?
J:-Waa sax oo hada sharci betrool ayaa ka jira dalka oo qeyb
ka ah "Mining Code" sharcigaas waa jiraa ilaa sharci cusub lagu bedelo uu soo
baxo, gudiga iyo qareeno la isku daray ayaan ka rajaynaynaa inay wax kaga
soo daraan wasaaraduna wixii talo ah ay u baahan yihiin way ku
caawinaysaa; mida ah maxaa kalifay inaad shirkado yar la noqotaan Partner
siyaasada wasaarada waxa weeye hadaan qolo la noqono inaan noqono qolo
aad iyo aad u culus farsamo ahaan, dhaqaale ahaan si walbaba noo
kabaya hadee hada weli shirkado lama noqon Partner maalinta aa la noqonana
waan idiin horkeeni doonaa .
Xildhibaan Macalin Jiis:
S: Mudane wasiir maxaa keenay
marka sharciga baarlamaanka la soo gudbiyay inuu yimaado qeylo dhaan?
J:-Waxaa keenay buugga weyn oo dadka shaki weyn geliyay,
baaarlamaankana wareeriyay
Xildhibaan Avv. Cabdi C/lle Saciid Jinni Boqor:
S: waxyaabaha ay ka cabanayaan maamul goboleedka Puntland maxay yihiin?
J:-Waxyaabaha ay ka cabanayso puntland waxay noqonyasaa in
loo tago oo aan wada hadal la yeelano.
Jawaabtaas waxay ahays tii ugu dambaysay markaan isku soo wada duubo
su’aalihiinu waxa uu u badnaa shirkadahii hore, sharciga iyo heshiisyada la
soo galay.
1-Shirkadahii hore heshisyadooda waan tix gelinaynaa, waana ku talinayaa
in la tix geliyo si aan ugu fogaano dhibaato siyaasadeed oo caalami ah waa
shirkado ku maqan Force majore ama dhib soo dariyay.
2-Heshiisyada wasaarada ma jirto wax heshiis oo ay gashay, heshiis
betrool, in la galo ma fududa .
3-Sharciga waxaan aaminsanahay inuu sharciga weli yahay qabyo oo Gudiga
Baarlamaanka iyo Qareeno loo xilsaaro hana soo dhamaystiraan oo ha noqdo mid
kuligeen niyadeena ka saara shakiga, ayuu hadalkiisa ku soo gebagebeeyey
Wasiirka Batroolka iyo Tamarta Md.C/llaahi Yuusuf Xaraare.
Hase ahaatee Akh-ristayaasha sharafta lahoow markaad
eegto waxa dalka ka dhacaya ayaa waxaad moodaa Mas'uuliyiinta
Soomaaliyeed sidey u dhan yihiin in arimaha ay sameynayaan intooda
badan ay wataan dowlado shisheeye, kuwaasoo qofka mas'uulka ah ku
kalifa inuu hir geliyo go'aano ay isla gaareen isaga iyo kuwa ay
wada heshiiyeen, isagoo eeganaya danaha isaga u gaarka ah, taasina
waxaa muujinaya doodii bilooyinkan socotey ee Batroolka Soomaaliya
oo wajiyo badan lahayd, laakiin hada waxaa soo baxay arin kale oo
aan la filaynin, taasoo ah in wasiirka Batroolka uu yiraahdo Buuga
weyn ma ogi cida soo sameysay iyo waxa ku baxay oo kharash ah,
markaad eegto hadalkaas wasiirka Akh'ristow ilaa iyo intee arimo
sidaas oo kale ah baa dalka ka jira, imisaase sidaas lagu hirgeliyey
oo shacabka Soomaaliyeed dhibaato u qarsoon ah, koleey talo waa tii
Rabi ee shacabka Soomaaliyeedow, DFKMG waxaa u galay sanadkii 3-aad
wali waxaa socda daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed oo Koox
waliba qaybteeda ku hawlan, hadaba ma caqlibaa in Koox kasta
qaybteeda dhiiga shacabka Soomaaliyeed ku Gor gortanto?
Maxamed Macallin Cismaan{All-man} Somalitalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com
LIFAAQ:::
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 8, 2007
|