Wasiirka Batroolka Puntland oo Jawaabo Kala Duwan ka Bixiyey Sababta Dib
Loogu Dhigay Qoditaanka Ceelka Shidaalka ee Nugaal....
(Shidaalka) Dooxada Nugaal mar hore ayaa la bilaabi lahaa, waxaa dib u
dhigay..... Waxaa kale oo intaas soo raaca degaanka dadka deggan nabad
gelyadoodu haddii aysan sugnayn ama qaarkood loo arko in aysan raali ka ahayn
waxakan oo ay nabad gelyada bi'inayaan shirkaddu kuma soo dhiiran karto, maxaa
yeelay si uu batroolku wax u gubo ayaa hadal kiisa iyo yabaqu u gubaa. Markaas
shirkaddu waxay dooneysaa meel nabad gelyo leh oo sugan oo aan khilaaf ka jirin
in ay wax ka bilowdo... Sidaas waxaa yiri Xasan Aloore...
- SomaliTalk.com | Boosaaso | June 1, 2008
Wasiirka
Macdanta iyo Tamarta DGPL, Xasan Cusmaan Maxamuud (Aloore) oo May 31, 2008 waraysi siiyey Idaacada British Broadcasting Corporation
ee Dalka UK oo ah dalka laga leeyahay shirkadda
IMC ee sahaminta ka wada aagga Ufayn, ayaa ka hadlay
sababta dib u dhaca u keenay Baaritaanka Dooxada Nugaal, waxana uu yiri: "degaanka dadka deggan nabad gelyadoodu haddii aysan sugnayn ama qaarkood loo
arko in aysan raali ka ahayn waxakan oo ay nabad gelyada bi'inayaan shirkaddu
kuma soo dhiiran karto".
Laakiin waraysi uu Xasan Aloore May
23, 2008 siiyey idaacadda 3CR oo ah Raadiye saacado gaar ah laga
siiyo Jaaliyadaha kala duwan ee ku dhaqan dalka Australia ayuu ku sheegay
in Riigga "Hadda waaba la waayey maxaa yeelay meelo badan, waxay tahay riigga
kan Nugaal nabad gelyo xumo ka jirta looma joojin, ee waxaa loo joojiyey badda
la iskuma halayn karo." Hadallaas oo qudhoodu is diidan ama isk ahor imaanaya.
Labada Waraysi Hoos ka Akhri/Dhagayso...
Waraysiga Axmed Kismaayo la yeeshay Aloore
Axmed Kismaayo oo ka tirsan Idaacada British Broadcasting Corporation
waraysigii uu May 31, 2008 la yeeshay Wasiirka Macdanta iyo Tamarta DGPL
waxa uu u dhacay sidan:
Axmed Kismaayo ayaa Ugu horayn waxa ka weydiiyey waxa uu ku saabsan yahay
baaritaanka hadda ka bilowday Dooxada Dharoor?
Xasan Aloore waxa uu ku jawaabey: "Dooxadan Dharoor waxaa laga baarayaa
shidaal, laakiin marka hore inta aan riiggu iman waxaa la hubiyaa in meeshatan
shidaal ku jiro qiyaastii, Allahu yaclam waxa ku jira, laakiin qiyaastii waxaa
la heli karaa in lagu dhiirado in riig la keeno markii la akhriyo macluumaadka
meeshaas ka soo baxay. Markaa muddo 9 bilood ah ayey masaaxo gaareysa 2,600
square-kiilomitir[*] waxay ka raadin doontaa macluumaad, marka hawshaas
sidaas 'Companigaas' 'subcontract' (oo uu ula jeedo 'Qandaraas lala sii
galay shirkad kale') ay soo siisay 'campaniga' (shirkadda) weyn ee Africa Oil ay
kusoo degeen. Dhanka kale haddii aan u leexdo Dooxada Nugaal, iyadu hadda uma
baahna macluumaad in laga raadiyo, hore ayaa macluumaad shirkado badani uga
raadiyeen, shirkadda Africa Oil-na macluumaadkaas waa heshay, dabadeedna lix
bilood ka hor.. muddo lix bilood gaareysa ayaan ula jeedaa... ayey waxay geysey
Laabab (oo uu ula jeedo Sheybaarro), macluumaadkaasu waxay u sheegeen in
qiyaastii ay ku jiraan Oil, islamarkaana Riig la gelin karo ee macluumaad dambe
aan loo baahnayn, iyadana bisha Agoosto (2008) ayaa riigaggu imaanayaan,
markaasna riigagga ayaa la mudayaa, marka sidaas ayey ku kala geddisan yihiin."
Haddii
marka Dooxada Nugaaleed in Batrool ku jiro ay caddahay oo macluumaadkii ay
sidaas sheegayaan maxaa iyada riigagga loo keeni waayey oo Batroolkaas dibadda
loo keeni waayey inta meel cusub oo hadda aan la qodin waxa ku jira kharash kale
iyo hawl loo gelinayaa? Ayuu weydiiyey Axmed Kismaayo.
"Su'aal fiican weeye, markii horeba shirkadatanu waxaan 'contract'
(=Qandaraas) kula galay Dooxada Nugaal iyo Dooxada Dharoor in ay ka baadho
shidaal, 'contractiga' (=qandaraaska) marar badan ayaan xusay oo isku
waqti weeye, isku waqti ayeyna dhammaanayaan, iyadoo Nugaalna la baarayo ayaa
tanna la baari karaa, isku waqtigaas ayaa la isku soo aadin karaa, haddii tan oo
weliba ka sii dambaysa Nugaal oo iyada macluumaadka hadda laga raadinayo dib loo
dhigo 'contarctigaasi' (=qandaraaskaasi) wuu ka dhammaaday khasaare
ayaana ugu jira," ayuu ku jawaabey.
Dharoor haddii ilaa hadda aan wax macluumaad ah laga haynin dhulka
Puntland-na waa dhul ballaaran, maxaa lagu doortay oo hadda iyada loogu
dhiiraday?
"Waxaa loogu dhiiraday intaan dhulka marka horeba macluumaadka hadda laga
bilaabayo hanti badan ayaa ku baxaysa, dhulku marka waa kala geddisan yahay,
dhulka marka hore lagu soo dhiirado in uu Oil leeyahay waxaa weeye "Geological
Theory" [Juqraafi ahaan] iyo qaabka uu yahay, haddee dhulka qaarna wuxuu 'hostigareeyaa'
shidaalka ayuu marti geliyaa dhulka ilaahay, qaarna macdanta, marka Dooxada
Nugaal iyo Dooxada Dharoor waa isku mid "Geological Theory" [Qaabka
Juqraafi ahaan]. Dooxada Nugaal iyo Dooxada Dharoor waxaa la yiraahdaa waa
mataano, dhulalka kale ee Soomaaliya ama Puntland-na qofka Oil (shidaal)
qodanaya labadaas ayuu marka hore ku dhegayaa," ayuu ku jawaabey.
Dooxada Nugaal marka haddii aan u soo noqono, haddii aad tiri macluumaad
keedii waa la hayaa, in waqti hore bilaabmo ayey ahayd maxaa dib u dhigay in
hawsheedii la bilaabo?
"...dadka deggan nabad gelyadoodu haddii aysan sugnayn ama
qaarkood loo arko in aysan raali ka ahayn waxakan oo ay nabad gelyada
bi'inayaan shirkaddu kuma soo dhiiran karto, maxaa yeelay si uu
batroolku wax u gubo ayaa hadal kiisa iyo yabaqu u gubaa..."
Sidaas waxaa yiri Wasiirka Macdanta iyo Tamarta DGPL,
Aloore, oo May 31, 2008 ka jawaabayey sababta Dooxada Nugaal hawsheeda
(shidaal qodista) loo bilaabi waayey....
|
Wasiirka Gen. Cadde Muuse u xilsaaray Macdanta iyo Tamarta Puntland waxa uu
ku jawaabey: "Dooxada Nugaal mar hore ayaa la bilaabi lahaa, waxaa dib u dhigay
waxaa waxyeelooyin badan nooga timid arrimo markaas lagu baqa gelinayo ama lagu
hor istaagayo meelo kaleeto oo ay ka mid yihiin dad ajnebi ah oo xitaa aan
Soomaali ahayn, xukuumadayada Federaalka iyo anaga oo meelo isku khilaafay sida
sharcigii Malindi ee Ra'iisul wasaarihii hore sameeyey. Markaas shirkaddu ma soo
dhiiran karto maalgelinta hanti badan weeye meel markaas khilaaf ka taagan yahay
in ay bilowdo. Waxaa kale oo intaas soo raaca degaanka dadka deggan nabad
gelyadoodu haddii aysan sugnayn ama qaarkood loo arko in aysan raali ka ahayn
waxakan oo ay nabad gelyada bi'inayaan shirkaddu kuma soo dhiiran karto, maxaa
yeelay si uu batroolku wax u gubo ayaa hadal kiisa iyo yabaqu u gubaa. Markaas
shirkaddu waxay dooneysaa meel nabad gelyo leh oo sugan oo aan khilaaf ka jirin
in ay wax ka bilowdo, marka dib u dhacaas waxaa nagu keenay waxyaabahaas tirada
badan oo xusay."
Marka hadalkaaga Xasan ma loo qaadan karaa in ammaankii gobolka aad
masuuliyadiisii ku fillaan weyseen taasina markaas ay keentay in shirkaddii
baaritaanka shidaalka iyo heshiiska ay idinla gashay ay dib uga noqoto.?
Xasan Aloore waxa uu ku jawaabey: "Meelaha wax laga baarayo marka shirkaddu
soo degto waa ku khasbanahay 100% in aan iyada ammaankeeda sugno, Ilaahay ayaa
ammaanka ummadda haya laakiin annaga wixii awoodayada ah waa dul dhigeynaa, waa
ku khasbanahay wax soo saarkaas in aan ka faa'iidaysano, oo nabad gelyada 100%
noqoto."
Xasan haddii aan ku weydiiyo arrin kale, cabasho badan ayaa soo baxday,
dad badan waxay sheegayaan oo qabaa'ilada iyo dadka degaanada deggan u badan in
aanay isu dheeli tirayn ka faa'iidaysiga ama fursad-siinta beelaha Puntland in
uu jiro sed bursi fursadaha shaqo iyo adeegyada iyo hawsha ku saabsan
baaritaanka shidaalka?
"Runtii arrinkaan waa arrin wasaaradda u yaal iyo xukuumadda, beel sed bursan
karta meesha kuma jidho dadka oo dhan ayaa u siman waxaan, laakiin waxaa jira
markii 'site-ka' (meesha) la dego beesha meeshaas deggan wax tiro badan
oo beelaha fog aysan heli karin ayey si gaar ah u helayaan maxaa yeelay dadkii
ayaa meesha ku nool isla markaas 'companigu' (shirkaddu) wuxuu mar kasta jecel
yahay meesha uu deggan yahay beesha deggan in uu samafal badan wax u fududeeyo
ama mid "Development" (= horumarin) oo deeq ah ha noqoto, laakiin midda
kharashka ku jidha oo aan isla saxiixayno oo 'cost requiriga' ah oo
'companiga' (shirkadda) iyo wasaaraddu ay wada fiirin doonaan waxaannu jecel
nahay in aanu saamiyadeeda ama wax tarka ka soo baxaya beelaha oo dhan ay wada
gaadho, wixii markaa naga khaldamana haddee haloo saburo waa 'face-kii'
(wajigii) hore ee waxa markii ay soo baxaan ayey dadka wada deeqayaan," ayuu
yiri Xasan Cismaan Maxamuud.
Waraysigii Axmed Kismaayo oo ka tirsan Idaacada British Broadcasting
Corporation:
[*] Dhawr jeer ayaa Wasiirka Macdanta iyo Tamarta DGPL, marka uu ka
hadlayey dhulka la sahaminayo ee Dooxada Dharoor waxa uu sheegay in uu yahay
2,600 square-kilomitir - haddii cabbirikaas sidaas uu u sheegay loo raaco
macneheedu waxay noqoneysaa in dhulka la sahaminayo ee Dharoor uu bedkiisu yahay
51 km x 51 km oo u dhiganta qiyaastii 2,600 Sq.Km. Arrinta sidaas
uma ay dhigin shirkadaha sahaminaya Dharoor, waxay sheegeen in ay sahamin ku
samaynayaan cabbir dhererkiisu yahay 2,600 kilomitir oo ah 2D seismic
- Taas oo macneheedu yahay waxa laga hadlayaa waa 'DHERERKA' cabbirka
2D seismic oo ah xogta la ururinayo si loo akhriyo in meeshaas shidaal
ku jiri karo, ee ma aha 'BEDKA' - Faraq aad u weyn ayaa u dhexeeya
cabbirka!!.
Adeegsiga Sawirada Isimada Puntland ee Shirkadaha Batroolka...
Sannadkii 2006 sawirada ugu badan ee shirkadaha heshiiska l agalay DG
Puntland ay u ku faafiyeen suuqa Ganacsiga Australia (ASX) waxa ay ahaayeen
isimada Gobolka Nugaal [Garoowe]. Waxaa taas sannadkan 2008 bedeley isimada
Gobolka Bari [Ufayn].
Isimada Garoowe oo jeeg loo dhiibayo [Garoowe]
Sawiradii ay Range ku faaisay suuqa ASX bilihii [July] 2006
(bidix) Beel Daaje Cali Faarax (Ufayn) oo odayaal kale
[Sawir ay Range u dirtay suuqa ASX, May 27, 2008]
Idaacada 3CR ee Australia oo Waraysi la Yeelatay Xasan Aloore
Jimce May
23, 2008 oo ku beegnayd laba maalmood ka dib markii qalab ay leedahay
Shirkadda reer UK ee IMC iyo Jaalkeeda ree Sweden ee Africa Oil (Ex-CANMEX) ay
gaareen aagga magaalada Ufayn, ayaa Idaacadda jaaliyadaha ee Australia ee 3CR
waxay waraysi la yeelatay Wasiirka Macdanta iyo Tamarta DGPL, Xasan Cusmaan
Maxamuud (Aloore) oo joogey Boosaaso.
Idaacadda oo uu hagayey
CabdiCasiis Saciid Xirsi waxaa dadweyne soo wacay ay Xasan Aloore wax ka
weydiiyeen arrimo la xiriira ammaanka Puntland, sababta ay marka hore u bilaabi
waayeen ceelka Dooxada Nugaal oo xog hore laga hayo oo ay ugu leexdeen sahaminta
dooxada Dharoor iyo inay ka fekereen raadka ay degaanka ku reebi karaan
shirkadaha sahamintu.
Mid ka mid ah dadkii soo wacay oo magaciisa lagu soo koobay Mukhtaar ayaa
weydiiyey: "Haddii aan dib ugu noqdo 1992 Puntland oo xilligaas la oran
jirey Waqooyi Bari waxaa olaa riigag iyo qalab aad u tiro badan oo
gaarayey ilaa $150 million (doolar) si nabad gelyo ah ayaana lagu raray
marka anagu waxaan aamin sanahay maadaama hadda shidaalkii la bilaabay in nabad
gelyada aan dib loogu dhigin ee riiggii hadda la keeni karo, marka wasiir ma
kula tahay maadaama hadda shidaalkii cirka isku shareeray in ay haboon tahay in
riigga hadda la soo dedejiyo, maadama burcad badeedkaas la sheegayo waan ka war
haynaa oo dhinacyada kale ayey u badan tahay, Puntland waa nabad gelyo, marka
suurta gal ma tahay bilaha soo socda in riiggi la keeno oo qodista la bilaabo.?
Wasiirka uu Madaxweynaha DGPL, Maxamuud Muuse Xirsi, u xilsaaray
macdanta iyo Tamarta Puntland, Xasan Cismaan Maxamuud, waxa uu ku jawaabey: "Waa
runtiis taariikhdaas waa jirtey, $150-ka million wuxuu galay Nugaal shaqadii ka
socotey oo dhan sida aad ku hayso buugaagtii hore ee Taariikhiga ah ee laga
tegey, shirkadahani xitaa sidaas ayey u qorteen, laakiin riigga isaga kolley
qiimahiisa isaga hadda ma sheegi karo, in kasta oo maalinba maalinta ka dambaysa
uu kala qaaliyoobayo. Hadda waaba la waayey maxaa yeelay meelo badan, waxay
tahay riigga kan Nugaal nabad gelyo xumo ka jirta looma joojin, ee waxaa loo
joojiyey badda la iskuma halayn karo, anaguna ma joojin ee labadii shirkadood oo
midna 'contaractiga' (=qandaraaska) oil-ka ku haysatey, midna ay riigga
lahayd, oo riigga Singapore ayuu ka imanayaa. Hadda waxaa weeye Dharoor valley
(=Doxoada Dharoor) qolada ku jirta Canada ayey ka yimaadeen, qolada Nugaal
Valley (=Dooxada Nugaal) wuxuu ka imanayaa Singapore, "team-ka" rigga la
socda shaqaalaha 'technician' (=farsamo yaqaannada) meeshaa ayey ka
imanayaan, mudada hadda shirkadda saddex sano ayaan u saxiixay oo baaritaan ah,
sannad iyo bar ayaa ka tegey, iyaga ayaa 'minus' ku jira, iyaga ayaa naga
guul jecel, laakiin riiggaga iyo shaqaalaha ayaa waxay keenayaan wax la yiraahdo
Soomaaliya nabad ma aha, riiggu wuu imanayaa waaba la hubaa ee iyagaa raba in
uusan iman. ee anaga a'minus' kuma jiro"
Waraysigaas oo uu Qaaday CabdiCasiis Saciid Xirsi
Faafin: SomaliTalk.com | June 1, 2008
Isha/Sawirada:
asx.com.au, 3cr.org.au ,
google images, yahoo news
|