Wasiirkii Kalluumaysiga Puntland oo Xilkii iska Casiley, Khayraadka Dabiiciga ah (Badda, Macdanta iyo Batroolka)
sida loo maamulay Awgeed....
- "....marka iyadoo wadanka aan amnigiisu fiicnayn in la yiraahdo
macdan ayaa la baarayaa waxaan u malaynayaa in ay caqliga uga
fogtahay... Odaygiina, maadweynahana (Cadde Muuse) arrimahaas aad
iyo aad ayaanu isugu afgaran weyney..." Sidaas waxaa yiri Saciid
Maxamed Raage oo is casiley....12/12/2007

Wasiirkii
Kalluumaysiga Dekadaha ee Dawlad Goboleedka Puntland, Saciid Maxamed
Raage, ayaa shaaca ka qaaday sababahii uu isaga casiley xilka wasiirnimo
inay ugu weyn yihiin arrimaha la xiriira khayraadka dabiiciga ah
ee shacabka sida loo maamulayo oo ay isku afgaran waayeen Gen. Cadde
Muuse, gaar ahaan
"Macdanta iyo Kalluumaysiga", waxana uu arrintaas ku caddeeyey shir
jaraa'id uu uu ku qabtay magaalada Boosaaso Arabaca 12/12/2007 oo ah
markii uu xilka iska casiley.
Waxa kale oo Saciid Maxamed Raage uu arrimahaas ku caddeeyey waraysi
uu siiyey idaacadda 'British Broadcasting
Corporation' isagoo yiri: "Waddamada caadiga ah ee nabaddu ka jirto ayaa
macdanta la isku dilaa, oo khayraadka-dabiiciga ah la isku dilaa, marka iyadoo wadanka aan amnigiisu fiicnayn in la yiraahdo macdan ayaa la
baarayaa waxaan u malaynayaa in ay caqliga uga fogtahay... Odaygiina,
maadweynahana (Cadde Muuse) arrimahaas aad iyo aad ayaanu isugu afgaran
weyney..."
- HALKAN KA
DHEGEYSO (ama
Halkan MP3)
wasiirka oo ka hadlaya sababihii keenay is casilaadiida oo u
warameyey Idaacadda British Broadcasting Corporation.
Waxa kale oo wasiirku shaaca ka qaaday in shirkado ajnabi ah lagu
maal geliyey hantidii shacabka.... Waxan auu sheegay in uu arrimahaas
kala hadlay Gen. Cadde, ayna isku afgaran waayeen.

Isha: Sawirada Ammiin Caamir: www.aminarts.com
Arbacadii (12/12/2007) ma jirin wax war ah oo ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha
DGPL, Gen. Cadde Muuse, oo ku saabsan arrimahaas uu wasiirka is casiley
ka hadlay.
- Warbixin kale oo kooban oo ku saabsan is casilaadda wasiirka oo ay
diyaarisay idaacadda 'Codka Maraykanka'
Ka Dhegeyso
Halkan (ama
MP3)
Maamulka Gen. Cadde Muuse ayaa muddooyinka dambe waxaa shacabka reer
Puntland kaga imaneyey mucaaradad xoogleh taas oo la xiriirta shirkadaha
ajbnabiga ah ee dalka imanaya iyagoo shacabku ay shaki weyn ka qabeen
qaabka loo maamulay, shirkadahaas oo muddo sheegayey in ay batrool soo
saari doonaan, laakiin waayadan dambe la arkay in ay macdan si
tartiib-tartiib ah u gurnayaan.
Qoraaladii ay warbaahinta Puntland ka qoreen is casilaadda wasiirka
hoos ka akhri:
Wasiirkii is casilay ee Maamulka Puntland oo galabta shir jaraaid
qabtay
Bosaaso
(LaasqorayNet):- Wasiirkii is casilay saaka ee Maamulka Puntland ayaa
galabta shir jaraad qabtay waxana uu sheegay inay Puntland yeelatay
Dhawr Madaxwayne oo iyaga ku maamulay shaqadiisii waxana uu sheegay
inaanay jirin wararka sheegaya in ay is casilaadiisu aanay khusayn
budhcadii baxsatay ee ay Is casilaadiisu gaadhsiisan tahay khilaaf u
dhexeeya isga iyo Madaxwaynaha Cade Muuse.
Wasiirkii Kaluumaysiga iyo Dekadaha ee Dawlad Goboleedka Puntland
Siciid Max’ed Raage ayaa maanta oo ay bishu tahay 12/12/2007 iska
casilay shaqadii uu u hayey maamulka Puntland isaga oo sheegey in lagu
soo fara geliyey shaqadii uu hayey maamulka oo xilkii lagala wareegey
waxa uu intaas ku daray inay jiraan qorshe Cade Muuse ka dhawaajiyay oo
ah in shirkaad Ajaanib ah lagu maal galiyay dhaqaalihii Maamulka
Puntland taasi oo ku tilmaamay mid aan marnaba sooribi karin.
Siciid Maxamed Raage waxa uu sheegay in waraaqdii Iscasilaadii laga
aqbalay uu aana aad ugu farasan yahay isaga oo sheegay in intii la oran
lahaa iska tag oo la casili lahaa uu maanta isaga is casilay taasi oo ah
Buu yiri waxa lawada sugayay.
Siiciid Maxamed Raage wasiirkii hore Dekedaha Kaluumaysiga ee
Puntland ayaa isaga oo kusugan Aqalka uu ka degan yahay
magaalada Bosaaso ayaa waxa uu aad ugu nuux nuuxsaday in Cade Muuse
markuu is casilay uu ka dalbaday inuu shaqadiisa sii wato balse waxa uu
sheegay inuu ka biyo diiday inuu shaqadaas sii wato.
Waxa uu xaqiijiyay Mr Raage in khilaafka ugu badan ee shaqadaas uu
uga tegay ay ka mid tahay in Cabdulaahi Siciid Samar oo ah La taliyaha
Cade Muuse xaga Amaanka ay aad isagana khilaaf u soo ka la dhexgalay
isaga oo xusay in dhawr jeer shaqadiisa uu ku Maamulay xitaa uu ku amray
in Dekeda la xidho, arinkaas oo uu sheegay inaanu isaga khusayn.
Wasiirkaas is casilay waxa uu intaas ku daray Madaxwaynaha Puntland
ay xitaa isku af dhaafeen in Macdanta laga soo saaro halka lagu magcaabo
Buruc iyo Hantaara oo uu Madaxwayne Cade Muuse sheegay in khasab lagu
qodayo balse uu aad uga degay in khilaaf hore ay keeni karto taasi oo
Cade Muuse aad ugu gacn saydhay taasi ayuu sheegay inay iyana ka mid
tahay sababa ah uu isu casilay maanta.
Siciid Maxamed Raage oo ahaa wasiirkii Kaluumaysiga iyo Dekedaha ee
Puntland oo saaka hirtii waa bari is casilay ayaa mudo hal sano ah
Jagadaas hayay isaga oo horay xildhibaan uga soo noqday Dawlada
Federaalka Somaliya, waliba Xukuumada Puntland mar xildhibaan ka noqday.
Ilaa haatan oo ay ka soo wareegtay mudo gaadhaysa 24- saac goortii uu
ku dhaqaaqay in uu is casilay wasiirkaasi wax war ah kama soo bixin
dhanka Maamulka Puntland oo ku aadan si casilaada wasiirkaas.
Waxa jira warar hoose oo sheegaya in Beesha uu ka soo Jeedu
wasiirkaas is casilay ay iyana baaq soo saareen oo ah inay gabi ahaanba
kalsoondii kala noqdeen Maamulka Puntland ooxitaa aa jagadaas qof kale
loo magcaabi karin Maamulka Puntland au banaanka iska taagayaan.
Jaamac AYaanle
Feyte37@hotmail.com
LaasqorayNet/ Bosaaso
Xigasho: LaasqorayNet
Wasiirka Kalumeysiga PL oo xilkii iska
casiley
12 Dec 12, 2007 - 7:29:24 AM
Boosaaso (GaroweOnline): Wasiirka Kaluumeysiga iyo
dekadaha Puntland oo xikiisa iska- casiley maanta [Dec 12,2007] ayaa
sababta ka dhigey in uu la shaqeyn waayey Madaxweynaha DGPL Cadde Muse.
Siciid Maxamad Raage ayaa xilka uu ka tagey u nisbeeyey arrimo la
xiriira dhinaca sharciga shirkada ilaalinta xeebaha Puntland isaga oo
sheegey in shirkadaan la marin sharcigii isla markaana aysan keenin
maalgalintii laga rabey.Wasiirka ayaa xusey in qodabadii Barlamanka
Puntland ka badaley qaabkii shirkada iyo Wasaarada Kaluumesiga iyo
Dekadaha u wada shaqeyn lahayeen Madaxweynaha soo fara galiyey mar
kalena wax ka badaley.
Siciid Maxamad Raage oo wareysi siinayey Laanta Af-Somaliga BBC-da ayaa
sidoo kale sheegey in lacagihii shirkda Ilaalinta xeebaha oo aheyd mid
dad gaar ah leeyihiin [Private] lagu maal galiyey lacagaha dowlada
islamarkaana qaban waydey howshii laga rabey.
 |
Wasiirka Kalumeysiga xilkiisa iska casiley |
Wasiirka is-casiley ayaa sheegey dhamaan lacagihii ay baxsheen
shirkadaha shisheeye gaar ahaan kuwa macdanta, Batroolka, ilaalinta
xeebaha dhamaan noqdeen kuwa loo isticmaaley si gaar ah.
Siciid Maxamad Raage ayaa tibaaxey in maamulkii Puntland isku khaldey
hantidii gaarka aheyd iyo midii guud ee dadka ka dhexeysay, taas oo
meesha ka saartey qabkii awood qeybsiga dowladeed iyo wadaagii
khayraadka dalka.
"Madaxweynaha waxaa u cad tiisa isla markaana ma eegayo danta guud"
ayuu yiri Siciid Maxamad Raage oo BBC-da uga jawaabayey in Madaxweynaha
DGPL kawada hadleen arintaan.
Wasiirka Kaluumeysiga ayaa sheegey in caqliga aad uga fogtahay in
macdan ama khayraad laga baaro dalka madaama wadanka amnigiisa fiicneyn
isaga oo xusey in Madaxweynaha dhagaha ka xirtey arimahaas isaga oo u
muuqda in uu yahay nin difaacaya dadka shirkadahaas iska leh.
Mr.Raage ayaa xusey in shirkadaha Madaxweynaha difaacayo ay ku jiraan
dad ay ehel yihiin taas oo sababtey in uu danta guud ka tago.
Siciid Maxamad Raage ayaa BBC-da u sheegey in Madaxweynaha uu horey
ugu soo jeediyey in lacagaha ka soo baxa Kalumeysiga iyo Batrolka lagu
shubo khasnada dowlada oo laga daayo khasnadaha sida gaarka ah loo
leeyahay isaga oo xusey in arinkaas Madaxweynaha ku gacan sayrey.
Wasiirka Kaluumeysiga iistiqalada dhiibey maanta oo saldhig uga
dhigey is-casiladiisa shirkada ilaalinta xeebaha ayaa shegey in ay tahay
mid gaar loo leeyahay isla markana lagu maalgaliyey lacagta dowlada
Puntland.
Siciid Maxamad Raage ayaa gabagabdii sheegey in loo baahan yahay in
khayraadka la raadinayo khatar tahay isla-markaana suurtagl tahay in
dadku isku laayo ayna mudan tahay in taxdar laga muujiyo arinkaas.
Wasiirka oo wax laga weydiiyey sababta uu hadda u hadley ayaa
tilmaamey in dulqaadkii uu ka dhamaadey isla markaana Madaxweynaha
Puntland la gaarey heer uu soo faragaliyo marakibta dekada ku soo
xiraneysa.
Xigasho: Garowe Online,Bosaso
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 12, 2007
Shirkad
Shiine ah oo Diidey in ay Batrool ka Baarto Dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya
Gumeysato...
Itoobiya ayaa shirkadda Batroolka ee Shiinaha ka dalbatay in ay hawshoodii
sahaminta shidaalka bilaabaan laakiin shirkadaasi ayaa diidey iyadoo sabab
arrintaas uga dhigtay in.. Akhri
Warbixinta...
Gen.
Cadde Muuse oo Tabco Hordhigaya Col. Nuur Cadde,
ra'iisul wasaaraha cusub: Wafti ka socda shirkada Africa Oil Corp ayaa
Gen. Cadde kula kulmay Garoowe...
Akhri...


|