- Tahriibayaal lagu daadiyey badda u dhow
xeebaha Yemen....
- Dooni ay saarnaayeen 140 oo isugu jira Somali
iyo Ethopian ayaa ku qalibmatey xeebaha dalka Yemen
- Nin Soomaali ah oo Doon Lagaga Tuuray Xeebaha Talyaaniga
- Nin Soomaaliyeed oo Tahriib ahaa oo Ku Dhintay Webi Ku Yaal
Yurub...
Tahriibayaal Lagu Daadiyey Xeebta Laasqoray, oo markii la
dejinayey loo sheegay in ay joogaan Yemen.... Feb 23, 2008
Nalka ka iftiimayey Laasqoray ayaa loogu sheegay in uu yahay
Yemen.....
Laasqoray:- ku dhawaad ilaa 100- Ruux oo Tahriibayaal ah ayaa maanta
[Sabti Feb 23, 2008] soo
gaadhay Magaalada Laasqoray ee ka tirsan Gobolka Sanaag, tahriibayaashani waxay
markii hore ka soo Boqooleen Magaalada Bosaaso ee caanka ku ah dhoofinta
Tahriibta, dadkaasi waxa loogu sheekeeyay inay tegayaan Dalka Yeman
iyaga oo markii danbe laga dejiyay Magaalada Laasqoray.
Sida ay sheegeen dadka Deegaan Laasqoray Tahriibayaashaasi waxay la socdeen
dooni yar oo ka Boqooshay goobta laga daad gureeyo Tahriibta ee ku taala
Duleedka Magaalada Bosaaso,kuwaasi oo markii ay doonta soo raacayeen loo sheegay
in la gaynayo Dalka Yeman balse hadhaw laga dejiyay xeebta Degmada Laasqoray ee
Gobolka Sanaag.
Cali Cabdi Ibraahim oo ka mid ah dadka Deegaanka ayaa warbaahinta Ingriiska ee
British Broadcasting Corporation u sheegay inay
dadkaasi tiradoodu gaadhayso ilaa 100- Ruux oo isugu jira Haween iyo Rag kuwaasi
oo ay wajiyadooda ka Muuqtay Diif iyo dhibaato xoogan, iyaga oo mudo soo maryay
Xeebta oo hadba meel laga dejinayay.
Cali Cabdi waxa uu sheegay inay markii ay ka war heleen Muhaajiriintaasi ay
fidiyeen Gar Gaar iyaga oo loo soo daad gureeyay Gudaha Magaalada Laasqoray
waxana cunto iyo hooyba u keenay dadka Deegaanka Laasqoray oo arintaasi lagula
kacay Muhaajiriintaasi aad uga xumaaday.
Dadkaasi Laasqoray soo gaadhay waxa ku jira Carruur yar yar iyo Haween
kuwaasi oo ka walaacsan arinta ay ku sameeyeen dadkii ka qaatay Lacagta oo watay
Doonyahay saarneeyeen.
Dhanka kale dadka Deegaanka Laasqoray ayaa sheegay inay dadkaasi ku daad
guraynayaan Baabuur si loogu celiyo Magaalada Bosaaso oo ay horay uga soo
kicitimeen, iyaga oo kharashka Baabuurtaasi ay gacan ka gaysteen wax garadka
Deegaanka Laasqoray ee Gobolka Sanaag.
Maha markii kowaad ee Deegaanka Laasqoray ay soo gaadhaan Muhaajiriin noocaasi
oo kale ah e waxa jirta inay sanadkii 2003- ay dooni siday Tahriib ku soo
caariday meel u dhawa Xeebta Laasqoray halkaasi oo ay ku dhinteen ku dhawaad
ilaa 50- Ruux.
Jaamac Ayaanle Feyte
Feyte37@hotmail.com
Bosaaso | Feb 23, 2008
Badda Yemen: Tahriibayaal Soomaaliyeed oo Qori Caaradiis Looga Daadiyey
Laba Doonyood... Feb 22, 2008
Ugu yaraan 40 qof ayaa dhintay, sida laga soo xigtey saraakiil reer
Yemen ah, kaddib markii dad tahriibayaal ahaa oo saarnaa laba doonyood
lagu daadiyey badda, qori caaradiis. Arrintaas ayaa ka dhacday meel u dhow xeebaha dalka
Yemen, dadkaas oo la sheegay in ay ka soo tahriibeen Soomaaliya.
Kooxda tahriibta ku wadey doonyaha ayaa wararku tibaaxeen in ay
iyagoo ka cabsi qabey in ilaalaha xeebaha yemen ay arkaan, markii ay
kusoo dhowaadeen badda la olloga ah gobolka Shabwa ayey dadkii tahriibta
ahaa waxay qori caaradiis kaga daadiyeen doonyaha. 40 meyd ah ayaa ku
soo caariyeen xeebta u dhow tuulada Hawra oo 580 km koonfur bari ka
xigta magaalada Sanca ee caasimada Yemen.
Waxaa labadaas doonyood ka soo badbaadey ilaa 176 qof oo tahriibayaal
ah.
Isha: Warbaahinta Yemen | Feb 22, 2008
Dooni ay saarnaayeen 140 oo isugu jira Somali iyo Ethopian ayaa ku
qalibmatey xeebaha dalka Yemen - Jan 20, 2008
Saraakiil reer Yemen ah waxaa laga soo xigtey in ay dhinteen ilaa 82
qof oo tahriibayaal ah oo u badan Soomali ah kaddib markii doontii looxa
ahayd ee ay la socdeen ay degtey...
Dooni
siday 120 qof oo 30 ka mida ay yihiin Somali Halka 90ka kalena ay
Itoobiyaan yihiin taasoo ku dagtay xeebaha dalka Yemen, iyadoo 20-qof oo
ka mid ah la sheegay inay dhinteen, halka 30-ruux lagu helay nolol,
tirada kalena ay maqan yihiin weli. [Waxaa jira warar dambe oo soo baxay
oo tirada ku sheegay 140 tahriibayaal ah kuwaas oo u badan Soomaali.]
Kalluumeysato Reer Yemen ayaa maydadka dadkaan ka helay aroornimadii
hore ee Jimcaha deegaanka Axwar oo ka tirsan Gobolka Ebyan ee Koonfurta
dalkaas, waxaana kalluumaysatadu ay heleen sidoo kale dad badbaaday oo
nool.
Wararka ka imaanaya dalka Yemen ayaa waxay sheegayaan in kalluumeysatadu
ay wargeliyeen ciidamada Yemen; kuwaasoo u gurmaday dadkaas dhinatay iyo
kuwii badbaaday ee laga helay xeebaha, iyadoo la sheegay in dadkaas la
geeyey goobo ay ku nastaan.
Dadka ka badbaadey doonidaan ayaa la shaagey inay 17 ka mid ah yihiin
Somali, halka 12 kalena ay yihiin ku u dhashay dalka Ethopia, sidoo
waxaa uga naxdin abdnayd kadib mariin labaataba ruux ee dhimatay ay 14
ka mid ahaayeen
Dadka Maqan ee 70 ruux ah ayaa lagu tirinayo inay dhinteen, balse aan la
helin, iyadoo doonidii burburtay laga helay isla xeebaha Yemen, waxaana
dadka dhintay ka mid ah kooxihii tahriibinayay.
Dadkan badbadey ayaa ciidamada Badda Yamen u sheegey in laga soo qaadey
degaanka lagu magacaabo Shimbirale oo ku taal duleedka Bosaso.
Abdulkarim Mohamed Jima’ale (Muxsin)
Mail: Muxsin55@hotmail.com
Jan 20, 2008
Nin Soomaali ah oo Doon Lagaga Tuuray Xeebaha Talyaaniga
- Dooni ay saaraayeen 60 Soomaali tahriibayaal ah oo gaartey
Talyaaniga

Doonta ay saarnaayeen Soomaalida tahriibayaasha ah oo soo
Gaartey Lampedusa, Talyaaniga.. Jan 2008.. Sawirka:
http://www.repubblica.it |
Janaayo 11, 2008: Nin naakhuude ka ahaa Doon Kalluumaysi oo
Talyaani ah oo magaciisa la yiraahdo Mariano Ruggiero, oo 46-jir ah,
ayaa loo taxaabay xabsi ku yaal Lampedusa oo ka tirsan dalka Talyaaniga
kaddib markii lagu soo eedeeyey in uu diley nin qaxooti ah (oo Soomaali
ah).
Arrintan ayaa dhacday,
sida ay ku warbixiyeen warbaahinta Talyaanigu (Jan 11, 2008), kaddib
markii dooni ka soo hayaantay dhanka Woqooyiga Afrika oo ay saaraayeen
60 Soomaali ah ay badda meel 50 mile u jirta jasiiradaha loo yaqaan
Pelagie kula kulmeen dooni kale oo kalluumaysato ah oo Talyaani ah.
Markaas ayaa mid kamid ah dadkii tahriibta ahaa inta uu badda ku boodey
waxa uu dabaashay dhankii doonta kalluumaysatada ah, markii uu doontaas
fuulay ayaa kabtankii doonta kalluumaysatada waxa uu u diidey in uu
saarnaado, waxana uu ninkii ku tuuray badda, halkaas ayaa ninkii
tahriibta ahaa ay mawjadda baddu ku qaaday.
Arrintu in ay sidaas u dhacday waxaa sheegay tahriibayaashii kale
markii ay gaareen jasiirada Lampedusa. Kuwaas oo ay baaritaan ku wadeen
boolisku markii warkan la qorayey. Sida uu u dhintay ninka
tahriibta ah waxaa dembi-baaris ku wada Talyaaniga.
Lampedusa waxaa lagu xusuustaa in bishii October 2003 ay ku dhinteen
90 Soomaali ah oo ka dhoofay Liibya. [Akhri
halkan]
Xigasho:
http://www.repubblica.it
Nin Soomaaliyeed oo Tahriib ahaa oo Ku Dhintay Webi Ku Yaal
Yurub....
Janaayo 6, 2008: Saddex Soomaali ah oo tahriib ahaa ayaa waxay
gaareen xadka dalka Hungary (Yurub) iyagoo ay wadeen dad mukhalasiin ah.
Markii mukhalasiintii ka hareen oo ay keligood yihiin Soomaalidii ayaa
mid kamid ah uu isku deyey in uu ka gudbo webiga Tisza meel u dhow
Tiszakerecseny.
Dhawr mitir markii uu socday ayaa ninkii waxaa la jabay biyihii barafka
noqday ee webiga ee uu ku kor soconayey, markaas ayaa biyihii barafka
ahaa ay qaadeen, sida ay
warbaahinta Hungry (Jan 6, 2008) ka soo xigateen booliska.
Labadii kale ee ninkaas la socday ayaa markaas caawino weydiistey
Booliska, kuwaas oo arrinta ku wargeliyey booliska jooga xadka dalkaas.
Markaas ayaa baadigoob loo galay meydka ninkaas Soomaaliyeed. (webiga
Tisza waxa uu maraa dalal ku yaal Yurub, isaga oo ka soo bilowda
Ukraine oo sii mara xadka Romaniya, waxana uu dhex maraa dalka Hungary,
isagoo gaara dalka Slovakia iyo Serbia.)
Xigasho:
MTI
Wararka la Xiriira Soomaalida Tahriibka Ku Dhintay:
Sannadkii 2007 waxaa xeebaha dalka yemen kudhintay 1,400 qof oo ka
tahriibey Soomaaliya, sida ay sheegtay warbixin ay soo saartay Qaramaad
Midoobey...
Bishii December 2007 hay'adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga
ee UNHCR waxay sheegtay in 200 qof ay ku dhinteen dooni ka timid
Soomaaliya.
Hay'adda Gargaarka ee xarunteedu tahay Geneva waxay sheegtay in
sannadkii 2007 oo keliya ay 300 oo doonyood ku tahriibeen 28,300 qof oo
ka tahribey Woqooyi-Bari Soomaaliya oo badan koodu ahaa Soomaali iyo
Itoobiyaa, dadkaas oo gaarey xeebaha Yemen, halka sannadkii 2006 ay
tahriibeen ugu yaraan 29,000. Waxaa dhintay 328 qof (oo meydkooda la
helay), waxaana meel ay jaan iyo cirib dhigeen la waayey 310 qof. Waxaa
warka Qaramada Midoobey intaas ku daray in sannadkii ay tahriibayaasha
ugu badani dhinteen uu ahaa 2007, waxaana sannadkaas xeebaha Yeemn ku
dhintay ilaa 1,400 qof.
Bishii November 2007 laba dooyoon ka tegey xeebaha Boosaaso oo sidey
in ka badan 110 qof ayaa labadiiba waxay ku degeen badda u dhexaysa
Soomaaliya iyo Yemen, waxaan aku dhintay in ka badan 100 qof. [Tixraac]
Bishii Maarso 2004 ayey hayd markii dad ka badan 100 qof oo ka ka
tahriibey Soomaaliya ay doontii kula degtey badda u dhexaysa Soomaaliya
iyo Yemen. Warar ayaa tibaaxay in doontaas ay ka badbaadeen shaqaalihii
donta watey. Waxaa jiray warar tirada dadka doonta saarnaa ka dhigaye ku
dhowaad 120 qof oo ay ka badbaadeen 13 qof.. [Eeg
halkan].
Bishii Agoosto ee 2003 ayey ahayd markii 45 Soomaali iyo Itoobiyaan
ah ay ku dhinteen xeebaha Yemen kuwaas oo ka dhoofay Mareera oo u dhow
Boosaaso... [Eeg
halkan].
Arin aad u naxdin badan ayey ahayd markii Octoobar 2003 ay 90
Soomaali ah ku Dhimateen Xeebta Talyaaniga ee Lampedusa..[Eeg
Halkan]
Bishii Octoober ee 2003 ayay ahayd markii Doontani ay saarnaayeen
dad gaaraya 172 qofood ku xiratay deked ku taal dalka talyaaniga.. [Eeg
halkan] , waxaana taas ka dambeeyey doon kale oo isla talyaaniga
kusoo xiratay dhammaadkii bishii October 2003 [
Eeg halkan]
Bishii May ee 2001 ayey ahayd markii 86 Soomaali ah oo Kudhintay
Xeebta u Dhaxaysa Boosaaso iyo Yaman Kaddib Markii lagaga Tuuray Doontii
ay Saaraayeen, isla waqtigaas 93 qof oo isugujira dhawr dal oo Afrika ah
oo Harraad Kudiley Saxaraha Liibiya [Eeg
halkan]
Sidaas oo kale ayaa dad badan oo Soomaali ah ugu le'deen saxaraha u
dhexeeya Liibiy aiyo Suudaan, waxaa warkaas ugu dambeeyey kii bishan
Maarso 26 ee la soo sheegay in dad Soomaali ah ay ku dhinteen
saxarahaas.. [Eeg
Halkan]. Sidoo kale Dadka ku dhintay Saxaraha Suudaan iyo Liibiya
Eeg
Halkan..
Sanadkii 2000 waxaa si toos ah u bilowdey tahriibka bada iyadoo
soomaali badani ka soo galeen dalka libya saxaraha u dhaxeeya suudaan
iyo libya, libya iyo maser, niger iyo libya xitaa diyaarado ayaa looga
soo galay dalka soomaaliya si toos ah si loo maro bada Mediterranean
sea, sanadihii 2000-2002 waxaa ku geeriyootay tiro muhaajiriin soomaali
ah oo gaareyso(300 qof) iyadoo sanadihii 2003—2005 ay ku geriyootay
badda ayuu yidhi inta lagu helay xogta in ka badan (350 qof)oo
muhaajiriin soomaali ah iyada oo laga yaabo in ay tiri kale oo aan war
loo hayna ay ku maqan yihiin bada Mediterranean sea. [Akhri
warbixintii Siciid Anteno]
2003:
SOOMAALIDA
KU GEERIYOODEY BADDA U DHEXAYSA LIIBIYA IYO TALYAANIGA
2002:
SOOMAALI TAHRIIB AH OO KU GEERIYOODEEN SAXARAHA U DHAXEEYA LIIBIYA IYO
SUUDAN
2001:
SOOMAALIDA KU GEERIYOODEY BADDA CAS EE U DHEXAYSA SOOMAALIYA IYO YEMEN
2001-2004:
SOOMAALIDA
LAGU LAAYEY QURBAHA
QAXOOTI:
HORDHAC |
UTANGE |
BANAADIRI
| BARAAWE |
KKUMA |
IFO |
MANDHEERA
| YEMEN |
Puntland
iyo ka Ganacsiga Tahriibayaasha
Gabagabadii, arimahan dawlad la'aanta, tahriibta, qaxootinimada laga
so bilaabo 1991, waxbarasho la'aanta, tacadiga joogtada ah ee dalka
gudihiisa iyo dhammaan dhibaatooyinka aan halkan lagu soo koobi karin ee
soo wajahay umadda Soomaaliyeed, waa mid u baahan in dhallinyarada
Soomaaliyeed ay ka dhiidhiyaan, culimadu ay ka hadlaan, mas'uuliyiintu
ay isu xilsaaraan xalinteeda, qof kasta oo wax qaban karana uu u gurmado
badbaadada shacabka inta hartay.

Doon ay saaran yihiin tahriibayaal oo ka tegey Soomaaliya, Sawirka AFP
2002
2004:
TACADIYADA
SOOMAALIYA: DILKA, DHAAWACA, AFDUUBKA, KUFSIGA & BARAKACA
2004:
CAQBADAHA
HOR TAAGAN NABBADA SOOMAALIYA
Faafin: SomaliTalk.com | March 30, 2004 | Updated: Jan 2008