SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - OIL

Ciise Dhoolawaa oo Loo Magacaabay Agaasimaha Guud ee Macaadinta & Shidaalka Puntland

Khamiis, Janaayo 29, 2009: Wareegto uu soo saaray madaxweynaha DGPL, Dr. C/raxamaan Faroole ayaa waxa uu ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Macdanta iyo Shidaalka DGPL oo uu u magacaabay Ciise Maxamuud Faarax "Dhoolawaa". Agaasinka Guud ee Macaadinta & Shidalka DGPL waxay hoos imaaneysa Madaxtooyada.

Wareegtadu waxay u qorayd sidan:


Qoraalka wareegtada oo weyn.. Eeeg.

DAWLADDA PUNTLAND EE SOOMAALIYA
XAFIISKA MADAXWEYNAHA

Xeer Madaxweyne Lr 05 ee January 29,2009 kuna saabsan Magacaabidda Agaasimaha Guud ee Macaadinta & Shidaalka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkey:  Dastuurka DGPL qodobkiisa 54aad faqradiisa 19aad.

Markuu arkey:   Baahida weyn ee loo qabo Agaasim Guud oo ka howlgala Macaadinta & Shidaalka DGPL.

Markuu tixgaliyey: Aqoontiisa iyo waayo argnimadiisa.

Wuxuu Xeeriyey:

1- In Ciise Maxamuud Faarax (Dhoolawaa) loo magacabey Agaasimaha Guud ee Agaasinka Guud ee Macaadinta & Shidalka DGPL taasoo hoos imaaneysa Madaxtooyadda.

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa Madaxweynuhu saxiixo.

Dr. Cabdiraxman Maxamed Maxamud
Madaxweynaha Puntland.

Barnaamijka Xukumadda Dawlad Goboleedka Puntland 2009-2012 ee uu ansixiyey Baarlamaanka DGPL - Jan 29

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 29, 2009

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS