SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALIA - PL

Wasaaradda Maaliyadda ee Maamul Goboleedka Puntland, miyaanay ka mid aheyn maamulka Madaxweyne Cadde Muuse? 

joojeCabdixakiim Jaamac Jooje

Social Development Adviser

Leicester UK.

saicentadv@yahoo.com



Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeeni ayey korkiisa ahaatay. 

Waxaan dhawaan ku aragnay dhammaan warbaahinta Soomaalida isbadalka lagu sameeyay maamul Goboleedka Puntland gaar ahaan golihiisa wasiirada. Runti annigoo dhanka wanaagsan ka eegaya waxaan oran karaa, wey dhici kartaa in wax baddan ay isbadalaan oo uu golahan Cusub shaqeeyo. Runtiina marna lagama quusto naxariista Alle. Waxaana leeyahay hambalyo tallaabada uu qaaday Madaxweyne Cadde Muuse. 

Laakiin waxa isweydiin mudan Wasaaradda Maaliyaddu miyaanay ka mid aheyn wasaaradaha hoos taga maamulka, waayo dhibta ugu weyn iyo dibudhaca ugu weyn ee Puntland laga sheeganayo waa meeshii ay kasoo burqanayeen, haddey noqoto lacagaha la lunsanayo, haddey noqoto lacaga been abuurka ah iyo weliba haddey noqotop Mushaar la’aanta shaqaalaha. Madaxweyne cadde miyaanay u muuqan dhibaatada laga sheeganayo wasaaraddaa mise waxa aan isweydiinay miyaanay maamulkiisu hoos tegin. Waa wax lala yaabo wasiirki inta baddan ay isagu kusoo noqonaysay eedahoo idil in uu weli halkiisi ku magacaaban yahay. 

Runtii arintan waa arin ay isweydiinayaan dhammaan dadka ehelka u ah qaabka ay dowladi u shaqeyso iyo inta jecel horumarka Puntland. Haddaba maamulka Madaxweyne Cadde Muuse waxaanu ka sugeynaa bal inay naga qanciyaan arintan mise waxaa jira arimo kale oo u baahan in duuduub layasaga liqo. 

Mar kale waxaan leeyahay hambalyo isbadalka cusub ee lagu sameeyay golaha wasiirada Puntland, Allaah waxaan ka baryeynaa inuu ka dhigo kuwo garowsada ujeedada loo magacaabay kuna socda waddada xaqa ah iyo horumarkaba. 

Waxaan kaloo fursaddan uga faa’ideysanayaa inaan cudurdaar yar ka bixiyo, in aan qoraaladeyda loo qaadan in aan wax ku duminayo ee waa in wax lagu dhiso , oo mar walba waxaan jeclahay wanaaga iyo horumarka Puntland iyo Soomaaliya oo dhan.  

Qoraalkeygi waa iga intaa haddii aan xaqa asiibay waxey ka sugnaatay Allaah, haddii aan ku khaldamayna waa nafteyda iyo sheydaan.  
 

Wabilaahi Towfiiq

Cabdixakiim Jaamac Jooje
Tenancy Services Officer
Housing Department
Leicester City Council
saicentadv@yahoo.com  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 16, 2007

caddeGen. Cadde Muuse oo Tabco Hordhigaya Col. Nuur Cadde, ra'iisul wasaaraha cusub: Wafti ka socda shirkada Africa Oil Corp ayaa Gen. Cadde kula kulmay Garoowe... Akhri...

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH