SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BATROOL

Gen. Cadde Muuse oo ku Laabtay Itoobiya

 Kaddib markii uu London kula soo kulmay C/laahi Yuusuf....

  • SomaliTalk.com | May 3, 2008

Madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse, ayaa Jimcadii (May 2, 2008) lasheegay in uu gaarey magaalada Addis Ababa kaddib markii uu ka soo laabtay safar uu ku tegey magaalada London ee dalka Ingriiska.

Gen. Cadde intii uu joogey Ingriiska waxa uu la kulmay madaxweynaha DFKMG, col. Cabdullaahi Yuusuf oo u saxiixay heshiiska dhex maray xukuumadda Cadde iyo shirkadaha Batroolka. Heshiiskaas oo ay si xoog leh u diidan yihiin guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG iyo Wasiirka Batroolka/Tamarta ee DFKMG.

Maarso 30, 2008 ayey ahayd markii madaxweynaha DGPL uu ka soo dhoofay Puntland oo tegey Addis Ababa, waxana uu April 11, 2008 ka sii aadey Nairobi si uu ula kulmo Madaxwynaha DFKMG oo ka soo dhoofay Xamar. Markaas aaya Gen. Cadde Muuse dib ugu laabtay Addis Ababa halkaas oo uu markale ka dhoofay April 24, 2008 isagoo aadey London, UK si uu markale ula kulmo C/laahi Yuusuf. Kulankaas kaddib waxa uu Gen. Cadde markale dib ugu laabtay Addis Ababa May 2, 2008.

Lama oga inta maalmood ama toddobaad ee Cadde Muuse ku negaan doono magaalada Addis Ababa iyo xilliga uu ku laaban doono Puntland.

Sida ku cad Dastuurka Puntland, Qodobka 54aad, Farqaddiisa 20aad "Madaxweynuhu dalka kama maqnaan karo 60 beri ka badan". Dastuurku ma qeexin in 60-ka maalmood ay yihiin inta uu xilka hayo oo dhan ama in 60-ka beri uga bilaabaneyso mar kasta oo uu baxo, oo aysan xaddidnayn inta 60-aad ee uu dalka ka maqnaan karo.

Safarka Gen. Cadde ee Itoobiya waxa uu kusoo beegmay xilli odaaysha Puntland sheegeen in dad Soomaaliyeed ay DGPL u gacan gelisey Itoobiyaanka.

May 2, 2008: Siddeed (8) nin oo ka soo jeeda Dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya gumeysato ayaa ciidamada Puntland ka qabteen magaalada Galkacyo, waxaana loo dhiibey Itoobiyaanka oo kaxaystay, sidaas waxaa sheegay Cabdallah Jaamac Jibriil oo ka mid ah Odayaasha Puntland, gaar ahaan Gaalkacyo. Wararysi idaacada British Broadcasting Corporation ka Dhegeyso halkan ama halkan( mp3)

Sidaas oo kale waxaa 22/04/08 magaalada Garoowe laba nin oo lagu magacaabo Maxamed Axmed Caafi (Dhiirre) iyo Cabdi Nuur Maxamed Sooyaan loo gacan geliyey Itoobiyaanka oo ay sidaas ku kaxaysteen, arrintaas oo ay cambaareeyeen Odayaasha Puntland.

May 2, 2008: Masaajidda Boosaaso iyo Gaalkacyo ayaa khudbadihii saladda Jimcada si kulul loogu cambaareeyey ficillada ay Puntland rag Soomaaliyeed oo ka soo jeeda gobollada ay Itoobiya Gumeysato loogu gacan geliyey Itoobiyaanka. Culimada arrimahaas sida kulul uga hadlay waxaa ka mid ahaa Sheekh Axmed Daahir iyo Sheekh Daahir Aw Cabdi.

Kalluunka Sharci Darrada Looga Gurto Soomaaliya oo gaaraya lacag dhan 300 million oo doolar sannadkii...

May 1, 2008: (Dooxa, Qadar) - Barnaamij looga hadlayey sidii wax looga qaban lahaa Burcad badeedka Soomaaliya oo laga soo daayey TV-ga Aljazeera ayaa mid ka mid ah khubaradii ka hadashay barnamijkaas oo ah Dr. Franz Lehr oo ka tirsan Jaamacadda University of St. Andrews (UK) waxa uu sheegay in kalluunka sida sharci darrada ah looga gurto badaha Soomaaliya uu sannadkii gaarayo lacag dhan saddex boqol oo million oo doolar ($300 million). Waxana uu intaas ku daray in kalluumaysatada maxalliga ah (kalluumaysatada degaanka ee Soomaaliyeed) ee wata doonyaha yaryar in ay ka xoog badiyaan oo xusulka ku riixaan maraakiibta waaweyn ee badda kalluunka ka jiraafa.


Video: La Dagaallanka Burcadda Badda Soomaaliya | Aljazeera

Arrinta ku sabsan in 300 million oo doolar kalluun qiimihiisu yahay si sharci darro looga gurto badda Soomaaliya waxa uu  Franz Lehr sheegay mar la weydiiiyey su'aal ku saabsan sida uu u arko Faransiiska, Maraykanka iyo UK oo diyaarinaya Qaraar Qabyo ah oo la geynayo Qaramada Midoobey si loola dagaalamo burcad badeeda Soomaaliya, waxa uu markaas sheegay in arrintaasi tahay in boogta korka laga dhayayo oo aan loo daadegin arrinta rasmiga ah ee ay tahay in la xalliyo, kalluumaysiga sharci darrada looga guranayo xeebaha Soomaaliya. Hadalka Franz Lehr [Halkan ka daawo, gaar ahaan eeg Qaybta 2aad ee Video-ga]


Video: La Dagaallanka Burcadda Badda Soomaaliya | Aljazeera

May 1, 2008: (Baydhabo) - Ra'iisul wasaaraha DFKMG, col. Nuur Cadde, ayaa Baydhabo kaga qayb galay kulan ay yeesheen Baarlamaanka DFKMG, waxana uu halkaas ka sheegay in la dhisayo "Ciidan Qaran" isagoo intaas ku daray in ciidamada hadda ku sugan dalku ay yihiin "shisheeye". Waxa kale oo uu sheegay in dakhliga ay DFKMG hesho uu ka soo galo dekedda Muqdisho, waxana uu xusay in ilaa xilligii la doortay [Nov 22, 2007]  ilaa hadda [May 1, 2008 oo ah markuu hadalka jeedinayey] ay xukuumaddiisa soo gashay lacag dhan 3 million oo doolar oo uusan caddayn sida ay ku baxday.

[May 3, 2008 ayuu  Col. Nuur Cadde dib ugu laabtay Muqdisho, waxaana intii uu joogey Baydhabo ay xildhibaanada DFKMG weydiiyeen su'aalo kulul oo la xiriira waxqabadka xukuumaddiisa, dhaqaalaha soo gala iyo meesha ay ku baxday lacagta uu sheegay in ay dekeda Muqdisho ka soo xerootay oo muddo shan bilood ah taas oo dhan 3-million oo doolar iyo sababta uu baarlamaanka u hor keeni la'yahay miisaniyadda xukuumadiisa.]

May 1, 2008: (Boosaaso) - Israsaasayn dhex martay ilaalada Wasiirka Amniga DGPL, Cabdullaahi Saciid Samatar, iyo koox wadatey gaari ay waxaa ku dhintay saddex qof, waxaana dhaawacmay saddex kale. Waxaa jira warar is khilaafsan oo tibaaxaya sidii dhacdadaasi u dhacday. Wasiirka Aminiga oo saxaafada la hadlay mar uu May 2, 2008 shir jaraa'id ku qabtay Boosaaso ayaa sheegay in isaga la weeraray oo la sigay - hadalka Wasiirka Amniga DGPL ka dhegeyso halkan ama halkan (mp3).

May 1, 2008: (Dhuusamareeb)- Maraykanka ayaa duqeeyey magaalada Dhuusamareeb kaddib markii gantaal (Cruise Missile) laga soo gamey markab taagan badweynta Hindiya ee xeebaha Soomaaliya, waxaana duqayntaas ku geeriyoodey Aadan Xaashi Cayrow [oo 32-jir ahaa] iyo xubin sare oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo lagu Magacaabo Shiikh Muxyadiin Maxamuud Cumar. Duqayntaas waxaa kale oo ku dhintay dad tiradooda ay hay'adda Reutets ku sheegtay ilaa 30 qof, waxayna geysteen burbur - Eeg sawirka hoose, sidoo kale daawo War ah Video ah...


Dad ku dul socda burburkii ay geysteen diyaarada dagaalka. Sawirka: Reuters - May 1, 2008

April 30, 2008: Col. Nuur Cadde ayaa gaarey magaalada Baydhabo isaga oo ka soo dhoofay magaalada Muqdisho. Markii uu ka dhoofayey Muqdisho waxaa Villa Soomaaliya ka soo qaaday gawaari qafilan oo ciidamaad AMISOM oo aad loo ilaalinayey.

April 30, 2008: Wareegto uu soo saaray Ra'iisul wasaaraha DFKMG ayaa xilgii looga qaaday guddoomiyahii Gobolka Hiiraan Yuuusuf Axmed Xagar [Yuusuf Dabageed]. Waxaana wareegtadaas lagu sheegay in uu Dabageed wax ka qaban waayey ammaanka Gobolka Hiiraan sidaasna looga qaaday xilkii. Yuusuf Dabageed xil ka qaadistaas waa diidey waxan auu ku tilmaamay sharci darro.

Faafin: SomaliTalk.com | May 3, 2008

"Ilaa La Soo Celiyo Gobolka Sool ma Suurta Gelayso in Shidaal La Soo Saarayo"
sidaas waxaa yiri Madaxweyne Xigeenka DGPL. Akhri

BAARID | SEARCH


oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH