Qofna kuma Dhiman Hawlgalkii
Puntland, sidaas waxaa ku adkaystay Shirkadda Range
Resources...
-
Range Resources oo
Cadaysay in ay Puntland siiso $200,000 doolarka
Maraykanka Bil kasta sida heshiisku ahaa...
-
Agaasimaha Range
Resources, Mike Povey, waxa uu sheegay in uusan
ogeyn wax dagaal ah oo ka dhacay Puntland.
-
Agaasimaha Range
Resources waxa uu sheegay in dhawr qof oo gaaraya 20
qof oo jooga Puntland ay kasoo hor jeedaan
heshiiska Range Resources
Tarjumadii: SomaliTalk.com | April 19, 2006 | isha:
www.smh.com.au
Arrimuhu waa wanaagsan
yihiin ama meel xun ayey marayaan – Waxa ay taasi ku
xiran tahay qofka aad weydiisid. Sidaas waxaa ku
bilowdfay warbixinta Jamie Freed oo ka tirsan Jariidada
Sydney Morning Herald kuna soo baxay jariidadaas
caddadkeedii Isniin April 18, 2006, taas oo ku saabsan
Puntland iyo shirkada Range Resources. Tarjumadii
qoraalkaas ka akhri hoos..
Wararka
ka imanaya Puntland, Dawlad Goboleedka Soomaaliya, ma
ahan mid wanaagsan ilaa intii ay Range Resources ka
bilowday baaritaanka macdanta iyo batroolka,
dabayaaqadii bishii February (ee 2006).
Haddii
ay tahay in la rumaysto ilaha laga helayo Soomaaliya,
qiyaastii 10 qof ayaa ku dhintay iska hor imaadka u
dhexeeya askarta daacada u ah madaxweynaha Puntland iyo
qabiilka kasoo hor jeeda shirkada Australianka ah
mashruuceeda baaritaanka.
Halkii
saami ee shirkadda Range Resource waxa uu suuqa
Ganacsiga ee Australia ka joogaa 0.038 oo ah
Centi oo Australian ah (Waa qiimihii April 12,
2006), sida shaxda hoose ka muuqata, shaxdaan oo
an ka soo xiganey suuqa Ganacisga ee ASX. |
Date
|
Last |
% Change
|
12 Apr
2006 |
0.038 |
-5% |
11 Apr
2006 |
0.040 |
-4.76% |
10 Apr
2006 |
0.042 |
0% |
07 Apr
2006 |
0.042 |
2.44% |
06 Apr
2006 |
0.041 |
-2.38% |
|
Isbarbar Dhig
shirkada range Resource iyo shirakada
Shidaalka baarta shidaalka ee Australia lag
ayaqaan ee magaceeda la yiraahdo Woodside. |
Halkii saami
ee shirkadda Woodside waxa uu suuqa ASX ka
joogaa $48.67 doolarka Australia (Xusuusnow
in saamiga Range Resource uu ahaa 0.038 centi
oo Australian ah.
Waxaa kale oo
xusid mudan in shirkadda shidaalka Baarta ee
Australia ay dalka Liibiya ka baareyso Shidaal
taas oo baareysa hal ceel oo qiimahiisu dhan
yahay $US194 million oo u dhiganta 226
million oo lacagta Australia ah. Taas barbar
dhig in shirkada Range Resource ay gebi ahaan
dhul baaxadiisu dhantahay
212,500 Km oo labajibaaran ay kula
heshiisey Puntland in ay bishiiba ka siiso
$200,000 oo keliya, taas oo xitaa DGPL aysan
qirsanayn in ay bil kasta hesho lacagtaas,
laakiin shirkaddu ay ku celcelisey in ay bixiso
bil kasta..
LIIBIYA IYO SHIDAALKA
LAGA QODAYO SIDA UU UGA LACAG DUWAN YAHAY KAN
PUNTLAND: Liibiya waxaa tegey shirkado la yaqaan,
oo wata qalabkoodii baaritaanka, sida ka muuqata
sawirka hoose.
Akhri halkan...
Isha: TheAge, |
Askartaas ayaa ah kuwo waardiye ahaa ula socda
Joolajiistayaasha Range Resources iyo shaqaalohooda una
raacaya meelaha la qodaya. Laakiin guddoomiyaha Range
Resources oo magaciisa la yiraahdo Mike Povey, waxa uu
sheegay in aan hal qofna ku dhiman sabab ka dhalatay
baaritaanka shirkaddu ay ka wado gobolka.
“Dawladdu waxa ay mar kasta isku daydaa in ay shirakadda
difaacdo,” ayuu yiri Povey. “Waxa ay adeegsadaan
ciidankooda… [kuwaas oo] hubaysanaan kara.”
Range
Resources waxa ay bil kasta Dawladda sii saa $200,000
doolarka maraykanka (oo u dhiganta
$274,725 doolarka
Australia)
taas oo qayb ka ah heshiiskii baaritaanka.
Povey
waxa uu yiri, ogaanshahayga, dhibaatadii ugu weyney waxa
ay ahayd isku day ay burcad isku dayday in ay dhacaan
gaari alaab u sidey.
“Waxa
kasta oo aad akhriday waxa uu ahaa wax laga badbadiyey,”
ayuu yiri.
Xaaladda Range Resources, sida in badan oo ka mid ah
shirkadaha qodaalka ee uu muranku ka dhasho meesha wax
laga qodayo ee geeska kale ee adduunka, waxaa aad u adag
in dadka maal gashanaya ay xaqiijiyaan xaaladda meeshaas
ka jirta.
Waxaa
taas bedelkeeda ah, in inta badan ay arrintu noqoto
kelmeda shirkadda oo dhinac ah iyo dhinaca kale oo ah
hadalka dadka meeshaas deggan ama hay’adaha aan dawlada
lahayn.
Xaaladda Range Resources, waxaa heshiisyo lagu kala
saxiixday labada dhinac ee badweynta Hindiya laga soo
bilaabo heshiiskii bishii October (ee 2005), kaas oo
siinayey xuquuqda boqolkiiba 50.1% ee dhammaan macdanta
iyo shidaalka Puntland. Markii ay shirkaddu heshiiskaas
gashay ayaa waxa ay uu soo jiidey kooxo badan oo
maalgashadaal ah – oo u badan ganacsadayaasha
maalinleyda – ee Australia.
Range
Resources waxa ay ku andacoodeen in shirkado baara
shidaalka oo Maraykan ah oo ah Conoco iyo kuwo kale ay
muujiyeen rajo wanaagsan ka hor intii aysan sida
dhaqsaha uga bixin (dalka Soomaaliya) markii uu ka
dhacay dagaalkii ahliga ahaa ee 1991.
Saamiyada Range Resources waxay kor u kaceen boqolkiiba
70 maalintii lagu dhawaaqay heshiiska (eeg shaxda
midig oo muujineysa saamiga Range ee aan ka soo qaadanay
suuqa Ganacsiga ee Australia). Inkasta oo aan wax
shiidaal suuqa la geeyey hadda ka hor laga helin, Range
Resources waxa ay rumaysan tahay in dhulka aan la baarin
in ay kujiraan balaayiin (billions) ah fuustooyin oo
shidaal ah – madaxdeeda sarena waxa ay heshiiskaas ku
tilmaameen in uu inqilaab u yahay shirkaddan aadka u yar
oo kale.
Laakiin
isla mar ahantaas, heshiiskaas waxa ay in badan oo reer
Puntland ah – iyo xitaa dowladda dhexe ee Soomaaliya –
su’aalo ka keeneen sida ay shirkad aad u yar oo reer
Australia ah u maaraysay in ay hesho xuquuqda gebi
ahaanba dhulka baaxadiisu dhan tahay 212,500 kilomitir
oo laba jibbaaran.
Wax yar
ka dib markii heshiiskaan lagu dhawaaqay, Ra’iisul
wasaaraha Soomaaliya, Cali Maxamed Geeddi, waxa uu
warqad u diray Suuqa ganacsiga ee Australia oo su’aal
geliyey jiritaanka heshiiskaas. Waxa uu ku dooday in
Dowladda Dhexe oo keliya ay xaq u leedahay in ay
saxiixdo heshiisyada Baaritaanka macdanta ama qodaalka.
Inkasta oo Puntland ay tahay dawlad goboleed, hadana
caalamka oo ay ku jirto Dowladad Ausstralia waxa uu u
aqoonsan yahay in ay tahay qayb ka mid ah Soomaaliya.
Toddobaadyo gudahoos, xurguftii Dowladda Dhexe waa ay
yarehe qabowdey, waxana uu Cali Geeddi warqad u soo
qoray Range Resources oo arrintaas la xiriirta, isla
markiiba waxa ay shirkadu warqadii soo gelisey
websitekooda.
Markii
la gaarey Febraayo, Range Resources waxa ay bilowday
barnaamijkoodii “hanweynida ahaa’ ee baaritaanka. Povey
waxaa uu ka soo kicitimay Perth waxana uu tegey Dubai si
uu uga ag dhowaado Puntland.
Shiradda Range Resources waxay markaas heshiis la gashay
shirkad laga leeyahay Bariga dhexe oo kuwa shidaalka ah
oo ay siineyso boqolkiiba 15% ee xuquuqda khayraadka
(Puntland) taas oo ay ku bedelaneyso in ay hesho khubaro
taqaan shidaalka, maalgelina u hesho ceelasha. MEPS
waxaa maamula Tasmania's Ken Fellowes, oo markii hore
hoggaamiyey arrintii markii hore lagu daatay, lakiin
markii dambe khasaartay ee baarista Shidaalka ee Coplex
sannadihii sagaashanaadkii (1990-naadkii).
Range
Resources waxa kale oo ay kiraysatay ama shaqaalaysiisay
nin joolajiiste ah oo khibarad u leh Afrika, Geoff
Blackburn, OAM, si uu u hoggaamiyo kooxda baaritaanka.
Geoff
Blackburn oo jooga Puntland | Sawirka: RR.
Kahor
intii aysan Range Resources kooxdeeda dirin, dawladda
deriska ah ee Somaliland ayaa soo saartay whadal aad u
adag, taas oo uga digtey kooxda shirkadaas in aysan soo
tallaabin xusuuda la isku haysto, si aysan u
‘carqaladayn ammaanka iyo deganaanshaha dhammaan Geeska
Afrika.”
Inkasta
oo taasi jirtey, haddana warbixinadii ugu horeeyey ee ka
imaneyey Puntland waxa ay ahaayeen kuwo rajo leh.
Wareegto ay Range Resources u dirtay suuqa Ganacsiga ee
Australia (ASX) horraantii bishii Maarso (ee 2006), waxa
ay Range Resources ku sheegtay in ay booqdeen meelo hore
loo baaray ama meelo xusub oo rajo laga qabo in ay ku
jiraan dhuxul-dhagax, lead, qalin iyo dahab.
Iyadoo
wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga ee Australia (DFAT)
ay ka digtey dhammaan safarrada Puntland iyo qaybaha
kale ee Soomaaliya iyo iyadoo aysan halkaasi ka jirin
Safaarado ay maamulaan dawladaha Australia, Maraykanka
iyo Britain, Range Resources waxa ay sheegtay in
kooxdeedu in aysan la kulmin ‘wax caqab ah’ oo la
xiriira xagga gaaritanka, ammaanka ama isku dubbaridka.
Sida ay
sheegtay Range Resources ma jiraan wax carqalad ah oo ka
jira xadka oo u dhexeeya Puntland iyo Somaliland, sida
ay sheegtay qoraalka shirkaddu.
Laakiin
dhawr toddobaad ka dib markii arrintaas ay shirkaddu ku
dhawaaqday, Websiteyada Wararka Soomaalidu waxa ay
sheegeen in aan rabshado ka dhex dhicin Puntland iyo
Somaliland, laakiin ay ka dhex dhaceen Ciidamada
Puntland ee difaacayey Range Resources iyo qabiilka ku
nool xadka.
Maarso
29, 2006, hay’adda wararka ee Reuters waxa ay sheegtay
in lix qof ku dhinteen dagaal ka dhacay tuulada
Majayahan taas oo u dhow xadka Puntland-Somaliland.
Waxaa arrin cad ahayd in dagaalku u dhexeeyey ciidamada
ammaanka Puntland iyo qabiilka Warsangeli, kuwaas oo
xiriir la leh wasiiro Somaliland ah, oo lagu yaqaan ka
soo horjeedsiga xuquuqda Range Resources ay ku baareyso
Puntland.
April
3, 2006, websiteka wararka Puntland ee Garowe Online
waxa uu weriyey in saddex qof oo kale ay dhinteen markii
ay maleysiyada qabiilku weerareen ciidanka ammaanka ee
Puntland ee difaacayey kooxda Range Resources isla
aaggaas ay ka buuxdo macdanta loo yaqaan zinc (waa
Majayahan).
April
9, 2006 Garowe Online waxa uu weriyey in uu dhintay ugu
yaraan hal qof oo ka tirsan maleysiyada Puntland, ayna
dhaawacmeen shan kale kaddib markii ay ku qaraxday miino
meel u dhow isla tuuladaas (Majayahan). “Ilo lagu
kalsoon yahay” ayaa websiteka u sheegay in qabiilka
Warsangeli ay miino dhigeen jidka taas oo ka mid ah
qorshaha la rabo in aaggaas laga hor istaago maleysiyada
Puntland iyo Range Resources .
Povey
oo ka tirsan Range Resources waxa uu yiri waa jirtey
dhacdo la xiriirtey miino dhulka la dhigay, in kasta oo
uusan hayn war toos ah oo arrintaas la xiriirta. Dawlad
Puntland waxa ay uga digtey kooxdiisa baaritaanka
samayneysa in ay jiraan miino dhulka la dhigay meelaha
qaarkood.
Laakiin
Povey waxa uu sheegay in uusan ogeyn wax dagaal ah oo
deegaanka ka dhacay. Kaddib markii ay toddobaadkii hore
halkaas soo booqdeen, waxa uu ku andacoodey in Puntland
ay tahay meel ku habboon baaritaanka. Kooxda Range
Resources waxa ay sameeyeen qiyaas samayn la xiriirta
halista oo ay ka sameeyeen Australia taas oo ay la
socota warbixin madax bannaan oo ku saabsan xaaladda
ammaanaka, taas oo aan weli la faafin.
“Waxaa
naloo soo dhoweeyey si diirran,” ayuu yiri Povey. Oo
intaas ku daray: "Ma jiraan wax muujinaya in dhibaato
jirto.”
Sida uu
dhigayo heshiiska Range Resources, waxa ay hadda siiyaan
Dawladda $200,000 doolarka Maraykanka bil kasta, waxana
ay ugu yabooheen in ay ka caawinayaan dhismaha garoonka
diyaaradaha ee caasimada Garoowe. “Waxaan aaminsan nahay
in ay tahay meel ammaan ah oo la maal gashan karo,” ayuu
yiri Povey. Waxana uu ku daray “Waxaan lacagtanada
geliney meesha afkanagu yahay.”
Iyadoo
aan la dhayalsan karin digniinta Autsrlia (DFAT) ay ka
soo saartay safarka iyo in la tago aaggaa Puntland,
awgeed waxaa adag si madaxbannaan loo xaqiijiyo dagaalka
la sheegay in uu ka dhacay Majayahan.
Laakiin
agaasimaha guud ee Jaamacadda Puntland State University
ee Garoowe, Muxammad Sheikh Xaamid, waxa uu u sheegay
jariidada Herald in, ilaa xadka uu ogyhay, ay ugu
yaraan shan qof ku dhinteen iska hor imaadka la xiriira
xuquuqda qoditaanka (macdanta/shidaalka).
“Waxaan
u malaynayaa in beeshani ay rabtey in ay heshiiska ka
hesho qaddar faa’iido ah,” ayuu ku yiri email.
Hormuudka Jaamacadda Puntland State University,
CabdiSamad Ibraahim Jaamac, waxa uu ku racay in y jireen
isku dhac u dhexeeyay qabiilka iyo xoogagga maleysiyada,
laakiin waxa uu ku daray “in dhibatadii hadda degan
tahay kaddib markii dadkii deegaanka ay maamulka
Puntland u heleen xalka ku haboonaa.”
Maxammed Cilmi, oo deggan magaalada caasimada ee
Boosaaso, Puntland, waxa uu website Soomaaliyeed ku
qoray isagoo weydiinaya in heshiiska Range Resources ay
Dawladda Puntland dib u qiimaysto si loo dhameeyo iska
hor imaadka.
“Labada
ciidanba waxay dardar gelinayaan maleysiyadooda, waxana
ay isu diyaarinayaan dagaal. Taas oo u muuqata in ay
sabab u tahay kooxda khubarada ah ee Range Resources ee
joogta aagga,” ayuu ku yiri email uu u diray Herald
bilowgii bishan (April 2006). “Govarnatooraha waxaa lagu
eedeeyey in uu yahay hoggamiye musuq-maasuq kaas oo raba
in uu si xoog ah uga macaasho khayradka dalka iyadoo la
raacayo dhaqanka qabiilka halkas deggan
“Qabiilka Warsangeli, oo ah qabiilka halkaas deggan,
kama soo horjeedo in baaritan aaggaas laga sameeyo iyo
in macdan laga soo saaro, laakiin waxa ay ku
adkaysanayaan in wax kasta oo la samaynayo lagu sameeyo
ogolaanshahooda.”
Povey
waxa uu soo kormeeray aagga muranku ka jiro – oo
qiyaastii 40 Km u jira Boosaaso – taas oo qayb ka ahay
booqashadiisii Puntland toddobaadkii hore.
Waxa uu
yiri meeshu tuulo ma ahan, lamana deggana aagga – waa
kaam ay macdanta ka qodi jireen Bulgarian intii aysan
iskaga tegin qiyaastii 30 sano ka hor. “Waa buuro, laga
huleelay,” ayuu yiri.
Povey
waxa uu aaminsan yahay in dhawr qof oo gaaraya 20 qof oo
jooga Puntland ay kasoo hor jeedaan heshiiska Range
Resources . “Waxaa weligeed jireysa xoogaa yar oo laga
tiro badan yahay oo laga yaabo in ay ka soo hor jeestaan
sababo kala duwan awgeed.” Ayuu yiri. “Ujeedadoodu inta
badan waa in aan horumar la gaarin iyo mararka qaar in
ay helaan uun lacag qalalan uun.” ayuu raciyey Povey.
Range
Resources waxa laga filayaa in ay faafiso faahfaahin
dheeraad ah oo la xiriira barnaamijkoodii baaritankii ay
sameeyeen dhowaanta – laga yaabee in ay ku soo daraan
arrin la xiriira xaaladda siyaasadda – oo laga yaabo in
ay maanta soo gaarsiiyaan suuqa ganacsiga ASX, taas oo
xireysa ganacsigii la hakiyey Arbacadii hore.
Tarjumadii
SomaliTalk.com
Isha:
http://www.smh.com.au/
YAA SAX-SAN: Ma
Dalwadda Puntland mise Shirkadda Range Resoureces:
Puntland waxay qirtay
in dagaal ka dhacay meesha macdanta laga qodayey ee
Majayahan, halka Range Resource ay ankirtay, sida ku cad
qormada sare. Sidoo kale Range Resources waxay ka
hadashay lacagta Muranka dhalisay ee ah $200,000 doolar
oo ay cadaysay in ay bil kasta siiso dawladda Puntland.
Dawlada Puntland waxay arrintaas lacagta ka tiri, iyo
arrinta dagalka waxay ka tiri
ka dhegeyso halkan.... .
Warkan dambe ee Range
Resources, ee lacagta iyo arrimaha kale, weli dawlad
goboleedka Puntland iyo Dawladda dhexe war kama soo
saarin.
Faafin: SomaliTalk.com | April 19, 2006
»Maxaa
kalahasyta Godka Majayahan iyo Maafiyada Caalamiga ah!!.
- "Dibitaatiyasha
(Xildhibaanada) ayaan la hadleynaa, Wasiirada ayaan
la hadleynaa, Madaxwene ku xigeenka ayaan la
hadleynaa si loogu caqli celiyo Maxaxweynaha
Puntland (Cadde Muuse), faraska cad ee uu ku joogona
ka soo dego, Gartona dantu in ay ku jirto nabad iyo
xasiloonaan in meeshaas laga helo." ayuu yiri
Xildhibaan Casharo...Halkan
dhegeyso