Shirkadda Kuwait Energy oo Ganafka Ku Dhufatay Hadalkii Wasiirka
Batroolka Soomaaliya ee ahaa in 100% Saamiga Hay'adda Batroolka ay
yeelan Doonto Dawladda Soomaaliya.
Idaacada
Australia oo Waraysatay Wasiirka Batroolka Soomaaliya, Madaxa Shirkada
Kuwait Energy, iyo Lataliyaha Madaxweynaha DFKMG ee Xagga Batroolka....
Waraysiyada
oo Dhamaystiran - Dhegeyso
Raadiyaha SBS ee Australia ayaa Arbacadii (Aug 15, 2007) waraysi la
yeeshay Lataliyaha Madaxweynaha DFKMG xagga batroolka iyo khayraadka
dabiiciga ah iyo madaxad shirkadda Kuwait Energy.
Waxa kale oo idaacaddu su'aalo weydiisey wasiirka Batroolka ee DFKMG,
Cabdullaahi Yuusuf Maxamed xilli uu kulan la yeeshay qaar ka mid ah
Jaaliyadda Soomaalida ee Melbourne, Australia. Waxana uu wasiirku
xilligaas sheegay in Hay'adda ama Shirkadda Batroolka Soomaaliyeed ee la
qorshaynayo in la dhiso ay noqon doonto mid 100% ay yeelan doonto
Dawladda Soomaaliyeed, taas oo meesha ka saartay qorshaha ay wataan
shirkadaha Kuwait Enargy iyo MedcoEnergi ee Indonesia ee ahaa in
boqolkiiba 49% saamiga Haby'adda Batroolka Soomaaliyeed ay shirkadahaasi
yeelan doonaan.
Wasiirka oo arrintaas wasaaraddiisa ka fogeynaay waxa uu yiri:
Wararkaas waxaan ku arkay (jariidadda) Financial Times iyo Reuters,
dadka ka hadlayna u malayn maayo in ay ku jiraan cid ka socota
Wasaarradda Batroolka. Waxayna wasaarradu qaban doontaa shir jaraa'id oo
ay mowqifkeeda ku caddayn doonto. Xilliga shirkaas jaraa'id xilliga la
qaban doono waxa ay noqon doonaa bishan aan kujirno ee Agoosto inta u
dhexaysa 20-keeda ilaa 27keeda.
Waxa uu wasiirku si cad u sheegay in 49% saamiga Hay'adda Batroolka
Soomaaliya in aan la siin doonin Shirkado balse 100% ay yeelan doonto
Dawladda Soomaaliya.
Laakiin Sara Akbar ayaa ganafka ku dhifatay hadalka Wasiirka.
Ciise Dhoollawaa oo waraysiga qaaday ayaa si toos ah waxa uu Sarah,
oo ah madxa shirkada Kuwait Energy, u weydiiyey in wasiirka
Batroolka Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Maxamed, uu sheegay in aan
shirkadeedu heli doonin 49%, iyo in isla markaas Hay'adda Batroolka
Soomaaliya ay 100% yeelan doonto Dawladda Soomaaliya. Waxay ku
jawaabtey: Arrintaas (wasiirku) weligiis wax la mid ah nooma sheegin ama
naguma oran, waxaa uu nala joogey tababar (Workshop) arrrin sidaas la
mid ah nooma uusan sheegin.
Dhinaca kale, Faysal Axmed Yuusuf (oo ku magac dheer Faysal Howard),
oo ah lataliyaha madaxaweynaha DFKMG, C/Laahi Yuusuf Axmed, kala taliya
Xagga Batroolka, ayaa isaguna dhankiisa ganafka ku dhuftay hadaladda
Sarah Akbar. Isagoo sheegay in shirkado yaryar aysan wax dan ah ugu
jirin Soomaalida.
Xagga sharciga Batroolka ee la samaynayo, oo la sheegay in Ra'iisul
wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geeddi, uu haysto aqlabiyad Baarlamaanka
Baydhabo (85%) ay ogol yihiin ansixinta Sharcigaas, waxa uu Faysal
arrintaas ka yiri: Sharci ay shirkadi samaysay lama aqbali karo in uu
noo noqdo sharciga Batroolka Soomaaliya.
Lataliyuhu waxa uu ka hadlay arrimo aad u farabadan oo khuseeya
batroolka Somaaliya iyo shirkadaha. Waxana uu si cad u sheegay arrinta
shirkadda Range Resource ee heshiiska la gashay Puntland in ay tahay mid
aan macquul ahayn ama caqilga gelikarayn.......
"Sida aan xilligan u arag xunnahay haddaan nahay Soomaali, uma qali
xumin ka Soomaali ahaan..." ayuu yiri.
Waraysiyada
oo Dhamaystiran Halkan Ka Dhegeyso
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 15, 2007
Xaqiiqada Dhabta ah ee ka dambaysa "Sharciga Batroolka Soomaaliyeed"
Waa duudsin Khayraadka Shacabka Soomaaliyeed muddo 70-ka sano ee soo
socota.. Waxaana la is weydiinayaa in Baarlamaanka DFKMG uu xeerkaas
ansixin doono....
Akhri [Xog iyo warbixin]....
DFKMG oo Baabi'ineysa Heshiisyadii Batroolka ee ka dambeeyey 30kii Disember 1990...
SomaliTalk.com | Aug 14, 2007
- Heshiisyada Batroolka ee ka dambeeyey December 31, 1990 waxaa
loo qabtay sannad.....
- Shirkadda Chevron oo Sheegtay in aysan Dhaqso ugu laaban
doonin Soomaaliya....
Kaddib Disember 31, 1990
Sharciga cusub "Batroolka Soomaaliya" ee la qorshaynayo in uu
baarlamaanka DFKMG ka doodo dhowaan, haddii la ansiyo, waxa uu meesha ka
saarayaa dhammaan heshiisyadii batroolka ee la galay wixii ka dambeeyey
30kii December 1990.
Qodobka 48aad ee xeerka hordhaca ah (Draft)
waxa uu qorayaa sidan:
"Heshiis kasta oo lagu fuliyey hawlgalada batroolka oo la ijaaray ka
dib Disember 30dii 1990kii waa la joojinayaa, waxayna
noqonayaan waajibaad aan dawladdu ku khasbanayn inay dhawrto. Dawladdu
masuul kama aha waxkastoo khasaare, kharash, qaan sheegasho ama wax
dhibaal ah oo ka yimaada joojinta caynkaas oo kale. Dawladdu, ka Qaran
ahaan, waxay xaq u leedahay in ay ku dhawaaqdo in aan sinnaba loogu
qabsan arrin uu soo bandhigay shakhsi, loolana jeedo joojinta xaqqa
noocaas oo kale ah."
Markii ay soo shaac baxday arrintas ah in la joojinayo heshiisyadii
ka dambeeyey burburkii Soomaaliya, ayaa waxaa aad hoos ugu dhacay
saamiyadii shirkadda Range Resources oo ka mid ah shirkadaha heshiiska
batroolka la galay Soomaalida (Gaar ahaan Puntland) wixii ka dambeeyey
bilowgii 1991-kii.
Hoos u dhaca saamiyada suuqa Australia ee
Range Resources intii u dhxeysey Aug 8-14, 2007
Isha: Suuqa Ganacsiga Australia (ASX) |
Waxaa saamiga shirkadda Range Resources uu aad hoos ugu dhacay
Talaadadii Aug 14, 2007 (hoos u dhac gaaraya ilaa
-12.74%) - [Eeg shaxda dhanka bixid]
Hoos u dhacaas ka dib waxay isla Aug 14, 2007 ay shirkadda Range
Resources warqad u dirtay suuqa Ganacsiga Australia ay ku hakineyso
saamiyadeeda suuqa ganacsiga [Akhri
Range Resources Trading Halt..]
Puntland iyo Somaliland oo ka mid ah maamullada heshiis-yada la galay
shirkadaha shisheeye wixii ka dambeeyey Dec 31, 1990, weli arrinta
sharcigaas wax war ah kama soo saarin (Aug 14, 2007).
Sidoo kale waxaa jira in shirkad Shiine ah [CNOOC]
ay heshiis la gashay DFKMG. Haddii markaas sharciga cusub ee batroolku
uu dhaqan galo waxay noqoneysaa in DFKMG ay isku xukuntay heshiiskii ay
gashay in uu yahay waxba kama jiraan. Lama oga sida arrintaasi ay
saamayn ugu yeelan doonto xiriirka labada xafiis ee DFKMG.
Waxay u muuqataa in Range Resources [Australia] iyo CNOOC [China] ay
ganafka ku riixeen shirkadaha cusub ee ku soo biiray tartarnka
Khayraadka Soomaaliya, shirkadahaas oo ka mid ah lataliyayaasha Sharciga
Batroolka ee loo dejinayo Soomaaliya - waa Kuwait-Energy [Kuwait] iyo
MedcoEnergi [Indonesia].
Ka hor Disember 31, 1990
Dhanka kale, sharciga cusub ee batroolka haddii la ansixiyo waxa uu
shirkadihii heshiiska batroolka la galay Soomaaliya wixii ka horeeyey
1991 u qabanayaa muddo hal sano ah in ay hehiiskaas u bedelan
Wax-soosaar Wadaag.
Qodobka 48.3 ee "Sharciga Batroolka Soomaaliya" ee hordhaca
ah (Draft), waxa uu
dhigayaa in Heshiisyadii lala galay Jamhuuriyaddii Dimuqraadiga
Soomaaliya, ka hor 30kii Disember 1990 in muddo sannad dhexdiis ah loogu
bedelo Wax-Soosaar Wadaag, haddii kale heshiisyadaasi waxay noqon
doonaan kuwo la baabi'iyey.
"Haddii heshiiskii hore aan loo badalin heshiis Wax-Soosaar Wadagaa,
sannad guurada koowaad markuu sharcigani dhaqan galo, markaas heshiiskii
hore waa la joojinayaa, wuxuuna noqonayaa waajibaad aan dawaladdu ku
khasbanayn inay isku laasimiso."
Shirkadda Chevron oo Sheegtay in aysan ku laaban doonin
Soomaaliya....
Shirkadda Batroolka
baarta ee Chevron Corp. ma qorshayneyso in ay ay Soomaaliay ku laabato
mustaqbalka dhow, sidaas waxaa Talaadadii (Aug 14, 2007) sheegay
afhayeen u hadlay shirkadda, sida ay NEW YORK ka soo werisey wakaladda
wararka ee Reuters.
Waxaa wakaaladda xustay in xeerka qabyada ah ee batroolka Soomaaliya
uu shirkadaha batroolka oo hore Soomaaliya uga tegey 16 sano ka hor in
ay ay hawshoodii dib uga bilaaban karaa Soomaaliya.
A draft hydrocarbon law obtained by Reuters would allow oil majors who
declared force majeure and quit Somalia 16 years ago to resume their
activities there. Waxaana warku intaas ku daray in shirkadaah waaweyn ee
reer galbeedka ee batroolka baara oo ay ka mid yihiin oyal Dutch Shell,
BP, ConocoPhillips, Chevron, ENI ay haystaan heshiisyo qandaraas batrool
ah oo ku siman sanadihii 1980-maadkii, kahor intii aysan kasoo bixin
dalka 1991 markaas oo la ridey xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre.
Chevron waxay heshiiska batroolka Soomaaliya la saxiixatay 31kii
January 1986 .. Hoos ka akhri waqtiyadii iyo heshiisyadii shirkadaha
batroolka la galeen Soomaaliya ka....
Shirkadaha Heshiisyadii Hore ee Shidaal Qodista La Galay Dawladda
Soomaaliya ka hor 1991..
Ka hor burburkii Soomaaliya, waxaa jirey shirkado heshiisyo iyo
qandaraasyo ku saabsan baaritaanka iyo qodista shidaalka la galay
dawladda Soomaaliya. Xilliyadii heshiisyadaas la saxiixday iyo
shirkadaha heshiisyadaas la saxiixday Soomaalida waxaa ka mid ah:
- January 31, 1986: CHEVRON iyo Soomaaliya waxay kala
saxiixdeen heshiis shidaal laga baarayo dhulka loo yaqaan Guban, aag
baaxadiisu dhan tahay 40,509 Km2 oo oo ku dherer san
xeebta Woqooyi Galbeed...
- July 8 , 1986: CONOCO iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday
heshiis batrool laga baarayo dhul baaxaddiisu dhan tahay 98,700 Km2
oo ka mid ah Gobolada Nuqgaal, Sool iyo Togdheer...
- May 5, 1987: AMOCO iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday
heshiis batrool laga laga baarayo dhul baaxadiisu dhan tahay 35,091
Km2 oo ah aagagga loo bixiyey Blocks 6, 9, iyo 12, oo ah
Woqoyiga iyo Koonfurta magaaladda Muqdisho.
- October 19, 1988: CONOCO ayaa ballaarisay baaritaankii
shidaalka ee ay ka waddey Soomaaliya kaddib markii ay Soomaaliya la
gashay heshiis ay ku baxaysey lacag dhan 20 million dollars oo loogu
talo galay agagga blocks 33 iyo 34 oo ku yaal ari, Sool iyo
NugalWoqooyi-Bari ee Soomaaliya [Bari, Sool iyo Nugal]....
- November 29, 1989: PHILLIPS uiyo Soomaaliya ayaa kala
saxiixday heshiis shidaal lagaga baarayey dhul baaxadiisu dhan
14,165 km2 tahay oo ka mid ah Soomaaliya...
- September 6, 1989: PARKER iyo CONOCO ayaa kala saxiixday
heshiis shidaal looga baarayo aagga Magaalaad Laascaanood ee
Soomaaliya..
- August 30, 1990 : MOBIL iyo SHELL ayaa heshiis waxay ku
gaareen baaritaan shidaal lagu samaynayo meel ka mid ah dhulka
Soomaalida ee Badweynta Hindiya. Shirkadda Shell waxay xilligaas
baaritaan ku samaysay aag baaxaddiisu dhan tahay 60,300 Km2....
Faahfaahin Heshiisyadaas hoos ka akhri....
Shirkadda CHEVRON INTERNATIONAL oo Heshiis Shidaal baaris la
saxiixatay Soomaaliya - 1986
January 31, 1986
SAN FRANCISCO - Shirkadda Chevron International Ltd., oo ay leedahay
shirkadda Chevron Corp., ayaa waxay 31kii January 1986 shaaca ka qaaday
in ay heshiis ah qandaraas shidaal baaris la gashay Dawladda
Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya. Heshiiskaas shidaal qodistu waxa
uu ku saabsanaa dhul ka kooban saddex aag oo ku yaal meesha loo yaqaan
Guban oo ku taal dhanka woqooyi ee Soomaaliya. Sidaa waxaa magaalada SAN
FRANCISCO ka soo werisey hay'adda wararka ee PR Newswire.
Aagga heshiisku waxa uu ku dherersan yahay xeebta Waqooyi Galbeed ee
Soomaaliya, dhanka bad iyo berrigaba ilaa laga gaarayo Gacanka Cadan.
Aaggaas lagu heshiiyey waxa ay baaxadiisu dhan tahay 40,509 Km2
(ama 10,009,744 acres.).
Baaritaan dhuleed in aaggaas lagu samaynayo ayaa la qorsheeyey labada
sano ee ugu horeysa ee heshiiska, waxaana la qorsheeyey in ay xigi
doonto shidaal qodista.
Isha: PR Newswire, 31 January 1986 | Tarjumadii SomaliTalk.com 2007
Soomaaliya oo Heshiis Batrool Baaris la saxiixatay CONOCO - 1986
July 8 , 1986
Heshiis shidaal baaris ayaa waxaa uu dhex maray JDS [Jamhuuriyadda
Dimoqraadiga Soomaaliya] iyo shirkadda Conoco Inc. ee USA. Heshiiskaasi
waxa uu ku saabsanaa dhul baaxaddiisu dhan tahay 98,700 Km2
oo ka mid ah Gobolada Nuqgaal, Sool iyo Togdheer ee dalka Soomaaliya.
Sidaas waxaa werisey British Broadcasting Corporation, 8 July 1986.
Wasiirkii Macdanta iyo Biyaha, Jaalle Axmad Maxamuud Faarax, oo xubin
ka ah golaha dhexe rr siyaasadda ee XHKS [Xisbigii Hantiwadaagga
Kacaanka Soomaaliyeed], ayaa u saxiixay Soomaaliya, dhanka shirkaddana
waxaa u saxiixay Mr. Raymond, oo wakiil ka ahaa shirkadda, oo ah kan
hawshaas (shidaal baarista) u joogi doona Soomaaliya. Wasiirka iyo
wakiilku waxa kale oo ay ka wada hadleen sidii loo hir gelin lahaa
shidaal baarista. Waxaana munaasabadaas goobjoog ka ahaa wasiir ku
xigeenka wasaarada Macdanta iyo biyaha Eng. Maxamuud Sheikh Mursal, iyo
xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda Jaalle Muxamad Cumar (Asad).
Isha: The British Broadcasting Corporation, 8 July 1986 | Tarjumadii
SomaliTalk.com 2007
Shirkadda AMOCO oo heshiis Batrool Baaris ah la saxiixatay Dawladda
Jamhuuriyyada Dimoqraadiga Soomaaliya- 1987
May 5, 1987
MOGADISHU - Shirkadda Amoco Somalia Petroleum ayaa heshiis la gashay
Dawladda Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya, heshiiskaas oo ku
saabsan in shidaal laga baaro dhul ka mid ah Soomaaliya oo baaqdiisu
dhan tahay 35,091 Km2 (8.67 million acres). Sidaas waxaa
magaalada MOGADISHU ka soo werisey hay'adda wararka ee PR Newswire 5 May
1987.
Dhulka heshiiskaasi ku saabsanaa waa aagagga loo bixiyey Blocks 6, 9,
iyo 12, oo ah Woqoyiga iyo Koonfurta magaaladda Muqdisho. Baaxadda aagga
Block 6 waa 12,347 Km2 (3.05 million acres), aagga
block 9 waa 9,515 Km2 (2.35 million acres), iyo aagga block
12 oo ah 13,229 Km2 (3.27 million acres).
Heshiiskaasi waxa uu dhigayey in waqtiga baaritaankaasi soconayo uu
yahay saddex sano, taas oo loo kordhin karo heshiiska saddex sano oo
kale oo sanad-sanad ah, marka lagu qanco hawsha baaritaanka ee asaaska
ah ee la fuliyo. Baaritaankaas oo la adeegsanayo aalado iyo habab kala
duwan oo shidaalka loo baaro. Waxaana la qorsheeyey in baaritaankaasi
bilowdo muddo saddex bilood gudahood ah oo ku beegnaa Agoosto 1987.
Wasiirkii macdanta iyo biyaha ee xilligaas Axmed Maxamuud Faarax ayaa
dhanka dawladda heshiiskaas u saxiixay, dhanka shirkadda Amoco waxaa u
saxiixan Charles H. Moerbe, oo ahaa madaxweyne ku xigeenka Amoco
Somalia.
Amoco Somalia waa shirkad hoos timaada Amoco Production Company, oo
ah shirkad caalami ah oo hoos timaada Amoco Corporation.
- Sannadkii 1998 waxaa midoobey oo hal shirkad isku noqday labada
shirkadood ee Amoco iyo BP, waxayna noqdeen BP Amoco,
Isha: PR Newswire 5 May 1987 | Tarjumadii SomaliTalk.com 2007
Shirkadda Dupont unit Conoco Inc. oo Ballaarisay Baaritaanka
Batroolka Soomaaliya - 1988
October 19, 1988
NEW YORK- Dupont unit Conoco Inc. ayaa sheegtay in heshiis qiimihiisu
dhan yahay 20 million oo dollar ay la saxiixatay Dawladda Soomaaliya, si
ay shidaal uga baarto Woqooyi-bari ee Soomaaliya, sidaas waxaa magaalada
NEW YORK ka soo werisey hay'adda Reuters, 18 October 1988.
Afhayeen u hadlay shirkadda ayaa sheegay in heshiiskaas la kala
saxiixday October 16, 1988, taas oo ay shirkadda Conoco ku kharash
garaneysey lacag dhan 20 million dollars agagga blocks 33 iyo 34 oo ku
yaal Woqooyi-Bari ee Soomaaliya.
Sida uu xilligaas [maalin Isniin ah] sheegay raadiyaha ay Dawladu
gacanta ku haysey ee Radio Muqdisho, shirkadda Conoco waxay
qorshayneysey in ay baaritaan batrool ku samayso gobolada Bari, Sool iyo
Nugal oo ku yaal dhanka Woqooyi bari ee Soomaaliya, muddo saddex sano ah
[1989-91].
War xilligaas laga baahiyey British Broadcasting Corporation ayaa
sheegay in heshiiskaas lagu kala saxiixday magaalada Muqdisho maalin
Axad ah, waxaana baaritaanka la qorsheynayey in uu bilowdo muddo saddex
bilood gudohood ah [taas oo ku beegnayd bilowga sannadkii 1989].
Afhayeen u hadlayey shirkadda Conoco ayaa sheegay in qorshahooda
shidaal baarista ee Soomaaliya uu yahay bilow. Conoco waxay shidaal ka
rajayneysey dhanka Woqoyi ee Soomaaliya laga soo bilaabo sannadkii 1986.
Shirkad kale oo laga leeyahay Maraykanka oo ah Amoco Corp, iyo
shirkad laga leeyahay dalka Talyaaniga oo ah Agip SpA ayaa sidoo kale
baaritaan shidaal ka wadey gobolka.
Isha: Reuters Limited , 19 October 1988 | Tarjumadii SomaliTalk.com,
2007
Shirkadda PHILLIPS Petroleum oo Soomaaliya la saxiixatay heshiis Shidaal laga
baarayo dhul baaxaddiisu dhan tahay 3.5-million Acres - 1989
November 29, 1989
Oklahoma City- Shirkadda Phillips Petroleum International Corp. ee
Soomaaliya ayaa sheegtay in ay heshiis la gashay Jamhuuriyadda
Dimoqraadiga Soomaaliya si ay batrool iyo gaas uga baarto dhul
baaxaddiisu dhan tahay 14,165 km2 [oo u dhiganta 3.5-million
acre], sidaas waxaa magaalada Oklahoma City ka soo werisey hay'adda
McGraw-Hill, Inc. 28 November 1989.
Heshiisku waxa uu dhigayey in shirkadda Phillips loo ogolaaday muddo
laba sano ah in ay samayso baaritaan batrool. Kaddibna ay shirkadaasi
haysato fursad ay heshiiska ku cusboonaysiin karto hal mar sannad kasta.
Shirkadda Phillips waxay qorshayneysey in ay baaritaanka nooca loo
yaqaan "seismic" ay samayneysey horraanta sannadkii 1990. Wax faahfaahin
ah oo intaas dheer lama bixin.
Agga heshiiskaasi khuseeyo cid kale kuma wehelin shirkadda Phillips
taas oo macnehedu tahay in 100% macaashka [faa'iidada ka soo baxda]
aaggaas ay leedahay shirkadaasi. Taas oo ka dhigeysa in xilligaas ay
shirkadda Phillips lahayd macaashka dhul baaxadiisu dhan tahay 38,851 Km2
[oo u dhiganata 9.6-million acres] ee dhulka Soomaaliya. Waxay xilligaas
shirkaddu ku dhex jirtey qoditaanka ceel ku yaal Soomaaliya, oo ay wada
qodayeen shirkadaas [Phillips] iyo shirkadda Conoco. Ceelkaas oo ku yaal
meel ka baxsan dhulka heshiiska cusubi uu ku saabsanaa. Xilligaas waxa
uu afhayeen u hadlay Phillips uu sheegay in ay Soomaaliya ka qodeen ilaa
50 ceel oo shidaal laga baarayey.
- August 30, 2002, waxaa midoobey labada shirkadood ee Conoco Inc.
iyo Phillips Petroleum waxayna noqdeen ConocoPhillips
Isha: Source: McGraw-Hill, Inc. 29 November 1989 | Tarjumadii
SomaliTalk.com, 2007
Shirkadda Parker Drilling oo Gashay Heshiis aad u baaxad weyn oo
Shidaal Lagaga Baarayo Soomaaliya - 1989
September 6, 1989
TULSA, Okla.- Shirkadda Parker Drilling Co. ayaa shaaca ka qaaday in
shirkad isla shirkadaas hoos timaada ay heshay heshiis aad u baaxad weyn
oo ku saabsan shidaal qodista Soomaaliya, sidaas waxaa werisey PR
Newswire, 6 September 1989.
Shirkadda Conoco Somalia Ltd. ayaa waxay heshiis la gashay shirkadda
Eastern Hemisphere Ltd. oo hoos timaada Parker Drilling Co. Heshiiskaas
oo ku saabsan baaritaan shidaal laga baarayo ceelal ku yaal Laascaanood,
Soomaaliya. Heshiiskaas awgeed shirkadda Parker waxay xafiis mar
kale ka furatay magaalada caasimaidda ah ee Muqdisho.
"Shirkadda Parker waxay ku faraxsan tahay in ay mar kale ku laabato
dal aad muhiim u ah," sidaas waxaa yiri Robert L. Parker Jr. oo ah
madaxweynaha shirkadda iyo hoggaamiyaha hawlgalka shidaal baarista.
Waxana uu intaas ku daray "waxaan si gaar ah ugu faraxsanahay in aan mar
kale cusuboonaysiinay xiriirkayagii wanagsanaa ee aan la lahayn
Saraakiil Soomaaliyeed oo kala duwan."
Waxaa heshiiskas loo hawl geliyey Riigga shirkadda Parker ee lagu
magacaabo TBA 2000 Rig 195. Riigaas oo xilligaas iska yaaley dalka
Suudaan, waxaana loo jiidayey dekeda Suudaan. Halkaas oo laga saarayey
doonida xamuulka jiida oo lagu geynayey dhanka Woqooyi ee Soomaaliya
magaalada Boosaaso, kaddibna lagu qaadayey gaari xamuulka qaada oo la
marsiinayey dhul dhererkiisu dhan yahay 430-mile, kaddibna lagu geynayey
xaruntii hore ee Conoco. Sidoo kale dekeda magaalada Mombasa, Kenya
waxaa laga rarayey alaabada kale ee shirkadda Parker oo loo rarayey
Boosaaso.
Wayne Hazelwood oo ka mid ahaa shaqaalihii shirkadda Parker oo ka
shaqeeyey Soomaaliya sannadkii 1986 ayaa loo magacaabay agaasimaha
hawlgalka shirkadda ee mashruuca Soomaaliya. Hawlgalka shidaal qodistana
waxaa la qorsheeyey in ay bilaabato November 15, 1989.
Shirkadda Parker waa shirkad baarta batroolka iyo gaaska oo
qandaraasyo ka haysata ka haysatey hawlgalka shidaal baarirta ee
15 dal.
Isha: PR Newswire, 6 September 1989 | Tarjumadii SomaliTalk.com, 2007
Heshiiskii Mobil iyo Shell ee Baaritaanka Shidaanka Soomaaliya -
1990
August 30, 1990
FAIRFAX, Va. - Shirkadda Mobil ayaa shaaca ka qaaday 30kii Agoosto
1990 in faraceeda loogu magac daray "Mobil Exploration Somalia Inc" ay
heshiis Wax-soosaar wadaag ah la gashay shirkadda Pecten Somalia Co. oo
hoos timaada Shell Oil Co. Heshiiskaas oo ah in baaritaan batrool laga
sameeyo meel kamid ah Badweynta Hindiya oo ku dhow xeebta Soomaaliya.
Sidaas waxaa magaalada FAIRFAX, Va., ka soo werisey hay'adda Reuters Aug
30, 1990.
Aagga heshiiska lagu galay waa aagga sannadkii 1988 loo qoondeeyey
ama la siiyey shirkadda Pecten in ay shidaal ka baarto. Halkaas oo ay
baaritaan ku samaysay dhul baaxaddiisu dhan tahay 14.9 million acre [oo
u dhiganta 60,300 Km2]. Shirkadda Pecten waxay hoos tagtaa
Royal Dutch/Shell Group.
Shirkadda Mobil waxay xilligaas sheegtay in ay shirkadda kale ee
Pecten ay si siman u wadaaigi doonaan baaritaanka batroolka halistiisa
iyo wax kasta natiijo ah oo ka soo baxa. Waxayna xilligaas rajaynayeen
in ay ceelka ugu horeeya qodaan sanandkii 1991.
Xigasho: Reuters 30 August 1990 | Tarjumadii SomaliTalk.com, 2007
|