SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BATROOL

Qoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)

Sannadka 2010 ayuu ku eg yahay heshiiska koowaad ee sahaminta ee lala galay shirkadaha...

"Hadda waan keenayaa Amxaarada. Hadhow ninka iga dambeeya ayey u taallaa siduu uga saari lahaa (dalka)." Gen. Cadde Muuse...

  • Faalladii SomaliTalk.com | April 28, 2008

Shirkadda Africa Oil (Ex-CANMEX) ayaa shaaca ka qaaday inay dib u dhigtay qorsheheedii ay ceelasha batroolka kaga qodi lahayd Puntland, sidaas waxay ku caddaysay warsaxaafadeed ay soo saartay Isniin April 28, 2008.

Shirkadda Afrika Oil waa shirkadda ay heshiiska la gashay Range Resources si ay shidaal uga baarto labada dooxo ee Dharoor iyo Nugaal oo shirkaddaasi (Ex-Canmex) laga siiyey saamiga boqolkiiba 80% ee labadaas dooxo.

Africa Oil waxay warsaxaafadeedka ku sheegtay in ay si habsami ah u socoto qaban-qaabada kooxdii sahaminta ee baaritaanka nooca [seismic] ku samaynaya dooxada Dharoor. Waxaana weli qorshaysan in la bilaabo sahamintaas bisha May (2008). Waxaana u qorshaysan in ay Dooxada Dharoor ka qaadaan sawirrada loo yaqaan 2D (ilaa 2600 km).

canmex
Rick Schmitt | Isha sawirka

Laakiin, warsaxaafadeedka oo ka soo baxay magaalada VANCOUVER ee Gobolka BRITISH COLUMBIA ee galbeedka dalka CANADA oo xarun u ah shirkadda Afrika Oil, uuna soo saaray madaxweynaha shirkaddaas, Rick Schmitt, ayaa si cad u sheegay in ay dib u dhigeen qoditaankii ceelka koowaad ee Batroolka ee Dooxada Nugaal. Qoraalka ay Africa Oil arrintaas ku caddaysay waxa uu u dhignaa sidan:

"Diyaar garowga qoditaanka ceelka Nugaal waxa uu u socdey si wanaagsan. Inkasta oo uu meel fiican marayey qorshihii ahaa in bisha July (2008) ceelkii koowaad ee Batrool laga qoro Dooxada Nugaal, laakiin waxaa la go'aamiyey in dib loo dhigo mashruuca qoditaanka Batroolka [drilling program]. Kacdoonkii shacabka ee dhawaan ka dhacay Koonfurta Soomaaliya iyo burcad badeedka xeebaha ku xeeran Soomaaliya waxay keeneen caqabad weyn oo ku timaada in aan makiinado/matooro waaweyn iyo sahayda qalabka la gaarsiin karayn goobta shidaalka laga qodi lahaa. Markii aan si dhow ula tashannay Dawladda [Goboleedka] Puntland, waxaa la go'aamiyey in ay ku habboon tahay in si kumeel gaar ah dib loogu dhigo mashruuca Shidaal qodista inta la xallinayo arrimaha maxalliga ah oo ay ka xallinayaan maamullada ku aaddan."

Qoraalka Africa Oil [Ex-Canmex] waxa kale oo ay sheegtay in hawl-galladooda (shidaal sahaminta) loo bandhigay Madaxweynaha DFKMG, oo ay ogolaansho ka haystaan. Warsaxaafadeedka oo qodobkaa ka hadlayey waxa uu hadalka u dhigay:

"Africa Oil waxay ku faraxsan tahay in ay shaaca ka qaado in madaxweynaha Dawladda Federaalka Kumeel gaarka ah, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, in si buuxda loogu bandhigay hawlaha shirkadda. Markaas kaddibna uu soo saaray [C/laahi Yuusuf] in uu si guud u ansixiyey hawl-galladaas iyo in uu qiray sharci ahaanta heshiisyada qandaraaska [shidaal sahaminta ee ay la galeen Puntland], waxana uu ballan qaaday in uu si buuxda u taageerayo mashruucayaga shaqo." [Ma jiro war rasmi ah oo weli ka soo baxay C/laahi Yuusuf ama xafiiskiisa toona oo arrintaas ay shirkaddu ku andacooneyso caddaynaya ama beeninaya.] - (Qormadan markii aan daabacnay kaddib muddo kooban ka dib waxaa warqad uu ku saxiixan yahay C/laahi Yusuf oo ayideysa heshiiska shirkadahaas faafiy xafiiska Gen. Cadde Muuse.. Eeg halkan)

geyreCabdiweli C/raxmaan Geyre,Wasiir-ku-xigeenka Kalluumaysiga ee DGPL ayaa yiri "dekedda Boosaaso waxaa sannadkii ka soo xerooda ilaa $40 million oo doolar", waraysi uu siiyey African Energy, March 28, 2008

Waxa kale oo Africa Oil sheegtay in ay hore u qorshaysay in jadwalka shidaal qodista ee Dooxada Nugaal uu ahaa ka hor inta aan la gaarin Janaayo 2010 oo ah waqtiga uu dhacayo ama ku eg-yahay heshiiska koowaad ee sahamintu. Waxana shirkaddu sheegeen in ay qorshahaas hore u sameeyeen in ay ka faa'iidaan jaaliyadaha Puntland iyo Soomaaliya. "Laakiin, xalladda hadda jirta awgeed, waxaa arrin indheer-garad ah in la debciyo jadwalka hawl-galka" ayey tiri Africa oil.

Waxa kale oo Africa Oil sheegtay in "shirkaddu xiriir fiican la leedahay Dawladda [Goboleedka] Puntland iyo in ay si buuxda ula shaqayneyso DGPL inta ay ku hawlan yihiin sidii ay arrinta u xallin lahaayeen. Waxaana shirkaddu indhaha ku hayneysaa xaaladaha, waxayna mashruuceeda shidaal qodista dib u bilaabeysaa marka ugu horeysa ee xaladdu saamaxdo," ayaa warsaxaafadeedka ku sheegtay Africa Oil [Ex-Canmex].

March 26, 2008 ayey ahayd markii Shirkadda Africa Oil warsaxaafadeed ku sheegtay in dalka Jabuuti la keenay qalabkii ceelka batroolka lagaga qodi lahaa Dooxada Nugaal, oo la qorshaynayey ay Somaaliya gaaraan toddobaad gudihiis (ama bilowga April 2008). Laakiin, waxaa taas ka dambeeyey warsaxaafadeedka  April 28, 2008 oo shaaca ka qaaday in dib loo dhigay qoditaankii shidaalka Puntland xilli aan la cayimin.

Xukuumadda DGPL ee Gen. Cadde Muuse, oo la doortay Janaury 8, 2005, waxaa waqtigeedu ku eg yahay Janaury 8, 2009.

Gen. Cadde oo markale sheegay in uu heshiis la galay shirkaddo Jirri ah:

gen cadde miuuse
Gen. Cadde Muuse

Dhanka kale madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse, oo April 27, 2008 magaalada London ee UK shir kula yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed [reer Puntland] ayaa markale ku celiyey in uu heshiis la soo galay shirkaddo jirri ah.

Gen. Cadde oo su'aal la weydiiyey ka jawaabayey ayaa yiri: "Markii shirkadihii waaweynaa i diideen, ayaan anigu kuwo jirri ah doontay, waa inaan dhaqaale sameeyaa."

Waxa kale oo Cadde Muuse la weydiiyey su'aal ahayd haddii aad u yeerateen Itoobiyaanka ma ka tashateen sidii dalka hadhow looga saari lahaa. Waxa uu Janaraalku ku jawaabey "Hadda waan keenayaa Amxaarada. Hadhow ninka iga dambeeya ayey u taallaa sidii uu uga saari lahaa (dalka)." Waxana uu intaas ku daray "Anigu dhaqaale ayaan raadinayaa, wixii aan heli karo waa soo saarayaa."

Waxa kale oo Gen. Cadde Muuse shirkaas ka sheegay eraya ah "Aniga ma waxaan qarin karaa nin Amxaar ah oo Gaalkacyo dhexmaraya, waa loo jeedaa, mana qarinayo”.

Waxa kale oo la weydiiyey in Puntland ay rag ka mid ah ONLF u dhiibtey Itoobiyaan, waxa uu Gen. Cadde sheegay erayo uu ku qiray in raggaas la qabtay, waxana uu yiri "Ma aanan ogeyn anigu, nimankanna waxaa laga qabtay Galkacyo, xaafadda Baraxley. Waxaan u malaynayaa inay kulug lahayeen barnamijyadii dhawaan Al Jasiira laga siidaayey oo ku saab sanaa Killinka Shanaad kuwaasoo Amxaaradu ka carootay". Erayayaas oo ka duwan kuwii beryahan ka soo baxayey maamulka Puntland oo beeninayey in laba nin oo ONLF ka tirsan ay u dhiibeen Itoobiyaan - labada nin magacyadoodu waa Maxamed Axmed Caafi (Dhiirre) iyo Cabdi Nuur Maxamed Sooyaan. [Waxaa arrinta ragga loo dhiibey Itoobiya baaqyo ka soo saaray odayaasha G/bari iyo Waxgaradka, Aqoonyahanadda, iyo Siyaasiyiinta Puntland... Eeg halkan]

Gen. Cadde Muuse waxa kale oo la weydiiyey su'aalo dhawr ah oo isku xiriirsan oo ay ka mid ahaayeen: Waxaan maqallay in aad Ethiopia ciidan u doonatay, waxa kale oo aan maqalay in aad London u timid inaad shirkado cusub oo shidaalka baara heshiis kula gashid, maxaa arrimahaas ka jira, maxaad ka wada hadasheen adiga iyo C/llahi Yuusuf, maxaase ka jira inaad London u timid sidii aad ogolaansho uga heli lahayd arrimaha ku saabsan shidaal ka baarista Puntland?

Arrimahaas Gen. Cadde Muuse si rasmi ah ugama jawaabin, balse jawaabtii uu Janaraalku ka bixiyey ka daawo Youtube-ka hoose oo uu sheegay in uu "dabadhilif" u yahay C/laahi Yuusuf:

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay kulankii Sabti April 26, 2008 magaalada London, UK ku dhex maray madaxweynaha DGPL Gen. Cadde Muuse iyo madaxweynaha DFKMG col. Cabdillaahi Yuusuf.

Saamiyadii Range Resources ee ASX oo hoos u dhacay:

Warsaxaafadeedka ka soo baxay Africa Oil waxa Suuqa Ganacsiga Australia [ASX] gaarsiiyey shirkadda Range Resources oo jaal la ah Africa Oil.

Waxaana arrintaasi sababtay in saamiyadii Shirkadda Range oo beryahanba hoos u dhacayey ay gaaraan meel hoose oo in ku dhow labaatan senti (Eeg shaxanka midig oo ah saamiyada Range ee ASX - Isha shaxanka asx.com.au).

Waxaana durbadiiba dood ka dhex bilaabatay goobaha xogta la isku dhaafsado ee Suuqa ASX. Mid ka mid ah qoraallada la is weydaarsadey ayaa muujiyey cidda mashruuca shidaal sahaminta Puntland ku faa'iidey in ay tahay koox aan la garanayn oo qoraagu ugu yeeray CONSORT, kuwaas oo lacagtii hore loo siiyey aysan ku soo noqon doonin Range Resources.

Consort ltd waa shirkaddii TERRY ee ka diiwaan gashan Jasiiradaa Maldives, waana shirkadda arrinta sahaminta Shidaalka Puntland ka bilaabaatay, shirkaddaas oo markii hore la siiyey 100% xuquuqda sahaminta ee gebi ahaan dhulka Puntland, taas oo markii dambe saamiyada ka sii iibisey Range Resources. Markaasna ay Range saamiyada qaar, gaar ahaan saamiyada Dooxada Dharoor iyo Nugaal, ka sii iibisey Africa Oil oo loo xil saaray qodista shidaalka. Africa Oil waa shirkadda hadda shaaca ka qaaday in ay dib u dhigtay mashruuca qodista Shidaalka Puntland.

[Warsaxaafadeedkii Africa Oil ee Maarso 2008 iyo April 2008 ka eeg halkan...]

Xigasho: Africaoilcorp press, GO, Range Resources, ASX, Youtube, Google.

Faafin: SomaliTalk.com | April 28, 2008

BAARID | SEARCH


oilC/Laahi Yuusuf Saxiixii Looga Waayey Garoowe iyo Nairobi ma Lagaga Heli Doonaa London...
Dalka UK waxaa kulan ku dhex maray Gen. Cadde Muuse iyo C/laahi Yuusuf.. Akhri..

markabSoomaaliya: Markabkii reer Spain oo Laga Bixiyey $1.2 million oo Madax Furasho ah
Waxaa la siidaayey markabkii lagu haystey xeebaha Soomaaliya kaddib markii.. Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH