....Taarikh Nololeed kooban ee Col. Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde)...
Nov 22, 2007: Madaxweynaha DFKMG Soomaaliya Col. C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqey in Ra’iisul Wasaaraha cusub ee DFKMG Soomaaliya uu nasiib u helay Col. Nuur Xasan Xuseen {Nuur Cade},iyadoo dadka qaarkiisa ay ciil u qabaan in loo magacaabo xilkaan cusub, halka dad kalena ay ka naxsan yihiin in ay waayaan xubin nimadii Wasiirka, islamarkaana madaxweynuhu Ra’iisul Wasaaraha kula dardaarmey inuu soo dhiso dowlad adag. “Waxaan xilka Ra’isul Wasaarenimada ee Soomaaliya u magacaabay Nuur Cadde, waxaana u rajeynayaa Nuur Cadde inuu xilkaasi ka soo dhalaali doono, waqtigaan adagna uu ka samata bixin doono dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxaana looga fadhiyaa inuu soo dhiso xukuumad adag oo ilaalisa shuruucda dalka iyo maskaxada Shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri madaxweynaaha DFKMG Yuusuf oo munaasabadii maanta ka akhriyey wareegtadii uu xilka Ra’isul Wasarenimada cusub ee DFKM Soomaaliya u magacaabayey, wuxuuna ka codsadey in dadweynaha Soomaaliyeed iyo hey’adaha dowladda in ay la shaqeeyaan Ra’isul Wasaaraha cusub”.
Col. Nuur Xasan Xuseen (Nuur cadde) ayaa khudbadiisii ugu horeysay ku balan qaadey inuu soo dhisi doono Xukuumad cusub oo wax ka qaban doonta marxalada adag ee dalku uu ku sugan yahay, kana saarta shacabka Soomaaliyeed dhibaatada ay ku soo jireen mudada dheer, wuxuuna Nuur Cade u mahd caliyey Madaxweynaha, islamarkaasina xusay inuu xilkaasi uu u magacaabay, inta uu hayo waajibaadkiisa shaqo uu u gudan doono si daacadnimo ah oo waafaqsan Axdiga ku meel gaarka ah iyo shuruucda dalka u taala, wuxuuna sheegey Ra’isul Wasaaraha in xilkaasi uusan aheyn mid fudud bacdamaa dalku uu ku sugan yahay marxalad aad u adag” . Munaasabada magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub ayaa waxaa goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Sh. Aadan Madoobe, ku simaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Prof. Saalim Caliyow Ibrow iyo gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Prof. Max’ed Cumar Dhalxa iyo qaybaha kala duwan ee Warbaahinta dalka iyo dibada.
Magaalada Baydhabo ayaa waxay ahayd saaka mid ka duwan sidii maalmihii hore, dadka ku nool Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka muuqdey mid ay ku dareemayeen in magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub uusan ku ahayn mid cusub balse ay sugayeen oo kali ah, in la maqashiiyo magaciisa oo kali ah.
Laakiin magacaabista Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya uu magacaabey Madaxweynaha marka laga reebo ayaa waxaa jira hadalo hoose oo ay dadka qaarkood isla dhexmarayaan, hadaladaan dadka ay isla dhexmarayaan ayaa waxaa ka mid ah Dowlada Ethobia iyo Max’ed Cumar Xabeeb {Max’ed Dheere} oo ah Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Fursadii labaad helay, sababtoo ah Dowlada Ethobia ayaa waxay xiriir hoose la soo sameysay Max’ed Dheere, islamarkaana ka dhaadhicisay in ninkani ay la shirtagaan, taasoo la sheegay markii uu la kulmaayey Madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu in u sheegey Beelaha Mudulood in Beesha Caalamka ay wataan Nuur Cadde, hase ahaatee wax kasta oo la soo maro qabashada xilkaan cusub ayaa wuxuu u muuqdaa mid ay dadku ku kala aragti duwan yihiin, marka laga hadlo shekh-si ahaanta Mas’uulkaan cusub dadka qaar waxay marinayaan Amaan weyn, waxayna leeyihiin wuxuu ku ad adag yahay sharciga, laakiin taasi waxay u keeni doontaa in labada Mas’uul uu mid meesha kabaxo ayey carabka ku adkeynayaan, halka Koox kale ay iyaguna qabaan in Mas’uulkaan cusub uu yahay mid la mid ah midkii hore maadaama labaduba ay yihiin Koox si weyn ay u taageerayso Dowlada Ethobia.
Dhinaca kale warar hoose oo is burinaaya oo aan helnay waxay sheegayaan in magacaabista Mas’uulkaan cusub ay keeni doonto in madaxweynaha dib loogu celiyo magacaabista mas’uulkaan cusub, islamarkaana ay jiraan xubno ku hawlan arinkaan, halka xubno kale ay sheegayaan in mas’uulkaan sidii loola shaqeyn lahaa ay diyaarinayaan dad ka mid ah xubnaha Baarlamaanka. Xuubsireed “ciidamada imaandoona tiradooda hada lama sheegayo…”
“Madaxweynuhu uu mahadceliyey Dowladaha Burundi iyo Nayjeria oo
diyaariyey ciidamadii ay u soo diri lahaayeen Soomaaliya….”
Hadalkii oo
dhameytiran halkaan ka dhegeyso ama
Halkan Dhegeyso
(MP3).
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 22, 2007 Taarikhda Col. Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde)Taariikh kooban ee ra'iisul wasaarah acusub hoos ka akhri... Intii ka dambeysey shirkii Carta (Jabuuti) ee 2000 waxaa Soomaaliya soo maray 7 ra'iisul wasaare iyo ku simayaal oo kala ah:
Taas oo Soomaaliya ka dhigeysa in celcelis ahaan ay sannad kasta yeelaneysey ra'iisul wasaare cusub, taas oo muujineysa siyaasadda aan deganeyn ee soo wajahdey Soomaalida. Taarikh Nololeed kooban ee Col. Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde)
Col Nur Hassan Hussein oo loo yaaqaan (Nuur Cadde) waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho sanadkii 1938. Markii uu soo barbaarayna waxa uu ku biiray ciidankii Ilaalinta canshuuraha somaaliyeed (Guardia Di Finanza) sanadku markuu ahaa 1954, kadibna waxa uu ku soo wareegay Ciidanka Boliiska Somaaliyeed oo la aasaasay sanadkii 1965. Col Nur waxabrashadiisa waxa uu ku qaatay wadanka gudahiisa iyo dibadiisa, gaar ahaan Kuliyadda Sharciga ee jaamacadda Umadda, Machadaka Sare ee Boliiska Aduunka (USA Washington DC) iyo Machad Sare oo ku takhasusay sharciyada la xiriira baarista dembiyada, ilaalinta canshuuraha iyo shuruucda caalamiga ah. Col Nur waxa uu leeyahay khibrad shaqo iyo maaamul muddo ka badan afartan sanadood. Waxaa uu madax ka soo noqday qeybaha ugu muhiimsan ee Taliska Ciidanka Boliiska Somaaliyeed muddadii u dhaxeysay (1965- 1990). Haatanna waa Xoghayaha iyo Hey’adda bisha Cas ee Soomaliyeed oo Xoghaye Guud ka ahaa 17kii sano ee ugu danbeysay. Howlihiisa Ku aadan Ururka Bisha Cas ee Somaaliyeed
Xiligii ay dagalada sokeeye aafeeyeen dhamaan bulshada Somaaliyeed waxaa uu kaalin weyn oo lama ilaawin ah ka qaatay badbadinta shacabka Somaaliyeed ee waxyeelada ka soo gaartay dagaalada sokeeye.
Col Nur Cadde waa nin lagu yaqaan deggenaan, wadatashi, xog ururin iyo gaarid go’aan laga fiirsaday. Waana nin lagu yaqaan howlkarnimo, daacad iyo wadaninimo. Howlihiisii Ciidanka Boliiska Somaaliyeed
Saraakiisha iyo dhamaan ciidanka Boliiska Somaaliyeed waxa ay rumansan yihiin Col Nur inuu ka mid ahaa Tiirarka aqoonta iyo maamul wanaagga u sameeyey Ciidanka Boliiska Somaaliyeed. Sanadihii 1976 – 1983 waxaa uu ahaa Madaxa Xafiiska tababarada iyo qorsheynta ee Ciidanka Boliiska Somaaliyeed. Sida la wada ogayahayna tayada Ciidanka Boliiska Somaaliyeed waxay aheyd mid ku dhisan aqoon iyo maamul wanaagsan. Sanadkii 1986 Col. Nur Cadde markii uu ka soo noqday wadanka talyaaniga halkaasi uu ugu maqnaa tababar muddo labo sano ah oo ku saabsan culuunta takhasuska Baarista Canshuuraha iyo sharuucda caalamiga ah, ayaa waxa loo magacaabay ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Badbaadada, si uu talo uga bixiyo denbiyada la xiriira canshuuraha iyo mamul xumada. Sanad ka dibna waxaa loo magacaabay Xeer Ilaliyaha Guud ee maxkamadda Badbaadada Dalka Somaaliyeed. Taariikhda ra'iisul wasaaraha waxaa isku soo dubaridey Faafin: SomaliTalk.com | Nov 22, 2007
Hay'adda Qaramada
Midobey ee UNICEF oo carruurta Soomaaliyeed siisay
Boorash Sumaysan
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
| © www.SomaliTalk.com
|
MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside |
|