SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - AUSTRALIA

Australia: Xafiis Ku Yaal Magaalada Perth iyo Xiriirka uu la leeyahay Qisada Dahabka iyo Hubka...

Isha: www.theage.com.au
Qore: Mark Hawthorne
June 3, 2008

  • Tarjumadii SomaliTalk.com  | June 3, 2008

"GOOFKA, Goofka, Goofka, (ama Goobta, Goobta, Goobta)" waa hal ku dheg ay isticmaalaan maalgashadayaasha daafaha dunida. Shirkadaha rajaynaya macdan qodista ee Galbeedka Australia, ma heleysid cinwaan uga wanaagsan 34 Parliament Place, West Perth. Sidaas waxaa qoraal ku bilowday jariidadda The Age ee ka soo baxda Australia.

Peter LandauGurigaas oo ay mar lahaan jirtey Dawladda Galbeedka Australia, oo meel dhagax la tuuro gaari karo u jirta Aqalka Baarlamaanka. Waa meel koox yar oo isku dhafan ay ganacsigooda kaga hawl galaan gadaasha derbiyada aadka loo xafiday ee dhismahaas.

Shirkad halkaas xarunteedu tahay waa Range Resources, oo ah shirkad yar ee sahaminta batroolka iyo macdanta oo hadda batrool ka qodeysa Puntland, Soomaaliya.

Range Resources hadda ka hor waxay soo gashay diiradda barnaamijka Daah-furka jariidada (The Age), kaddib markii uu dhacay dhaqaale burburkii shirkaddii Opes Prime.

Shirkadda Range waxaa saamile ka ah, isla markaana la taliye u ah ninka reer Melbourne ee maalintii ganacsada ee urursada gawaarida loo yaqaan GT Falcon oo magaciisu yahay Leo Khouri, kaas oo burburkii Opes Prime ay kaga khasaareen saamiyo qiimahoodu dhan yahay tobanaan malyan.

Agaasmiha Guud ee Range Resources waa Peter Landau, oo deganaan jirey Melbourne. Landau shirkaddiisa khaaska ah oo ah Lacka Consulting waxay xafiiskeedu yahay 34 Parliament Place.

Shaqo qoris badan waxaa shardi ah in ay ka dhacday miiska lagu qaxweeyo, sababtoo ah waxaa hore loo arkay in shaqaalaha shirkadda Lacka ay xoghaye u noqdaan shirkadaha kale ee ka hawl gala isla cinwaankaas.

Xoghayahii hore ee shirkadda Range Resources oo ah Joanna Kiernan waxa ay ka soo shaqeeysay Lacka ka hor intii aysan dalka ka tegin. Sidoo kale Jane Flegg oo shaqaale ka ahayd Lacka waxay uu xoghaye ka tahay shirkad kale oo macdanta sahamisa oo ah Contact Uranium oo xafiiskeedu yahay isla cinwaankaas 34 Parliament Place.

Waxaa kale oo xiisa leh in la sheego in Flegg ay qayb ku leedahay shirkadda lagu magacaabo Thirteen Eleven Pty Ltd, taas oo ku diiwaan gashan cinwaanka 34 Parliament Place. Sidoo kale ka hor intii aysan ka tegin shirkadda Range Resources, Kiernan waxay qayb ku lahayd shirkadda Thirteen Eleven. Bishii  December [2007], shirkadda Thirteen Eleven waxay ahayd mid ka mid 20-ka shirkadood ee saamiyada ugu badan ku leh shirkadda kale ee Continental Capital, taas oo ay ku lahayd saami gaaraya 1.975 million, oo u dhiganta 1.24% saamiyadii shirkaddaasi bixisay.

Xaqiiqadii shirkadda Continental Capital waxay ka hawl gashaa daarta 34 Parliament Place, waxaana guddoomiye u ah Peter Landau.

Shirkadda khaaska u ah Khouri ee Bejjal Super, waxay bishii December [2007] saami dhan 6.2 million ku lahayd shirkadda Continental Capital.

Shirkadda kale oo macdan sahaminta ee Artemis Resources waa shirkad kale oo ka hawl gasha cinwaanka 34 Parliament Place.

Bishii March 31 [2008], shirkadda Continental Capital waxay sheegtay in shirkadda Contract Uranium ay noqotay mid saami badan ku yeelatay shirkadda Artemis - Saxiixyada Flegg iyo Barry Woodhouse oo ah agaasimaha Artemis waxaad ka heleysaa Dukumiintiga lagu baahiyey shabakada Suuqa Ganacssiga Australia (ASX). Dhammaan saddexda shirkadood waxay ha hawl galaan ciwaanka 34 Parliament Place.

Laakiin, inkasta oo ay jiraan arrimahaas is dhex gashan ee isku qasan, maanta sheekada ku xeeran cinwaanka cinwaanka 34 Parliament Place waxay jaaha saareysaa mid kale oo ka shaqeeya cinwaankaas - waa ninka British-ka ah ee millionaire-ha ah oo magaciisa la yiraahdo John Stratton, kaas oo June 2, 2008 lagu soo qaatay barnaamijka Four Corners ee TV-ga Australia ee ABC.

Barnaamijka TV-ga ee Four Corners waxa uu sheegay in Stratton lagu magacaabay in uu qayb ka ahaa shirqoolkii lagu diley madaxii shirkadda Randgold & Exploration (R&E) oo ahaa Brett Kebble oo 2005 lagu diley magaalada Johannesburg. Wax yar ka hor dhimashadiisii, waxaa soo shaac baxay in Kebble uu qayb ka ahaa khiyaano saamiyada lagaga dhacayo shirkadaha - Randgold, Western Areas iyo JCI  - waxaana la lunsaday lacag lagu qiyaasay $400 million.

Stratton waxa uu agaasime ka ahaa shirkadaha R&E iyo JCI waxaana waqtigaas ka dib magaciisa lagu xusay dacwad madani ah oo lagu oogey lacag dhan  $US1 billion oo ka dhan ah PricewaterhouseCoopers (PwC) oo uu soo oogey agaasimaha cusub ee R&E.

R&E waxay ku eedayneysaa PwC taxadar la'aan (dayacid / isku-ladid) markii ay xisaab hubinta (xisaabi xil maleh) ku samayneysey hantida shirkadda (R&E) laga soo bilaabo 2000 ilaa 2003. PwC waxay qorsheyneysaa inay eedayntaas iska difaacdo.

Warqadda dacwada (affidavit) waxaa kale oo lagu xusay magaca Hendrik Buitendag, oo hore xagga miisaaniyada ugu maarayn jirey R&E, kaas oo isaguna deggan Perth. Dacwaddu waxay ku eedayneysaa in agaasimayaasha JCI,  oo ay ku jiraan Kebble, Stratton iyo Buitendag, "iyagoo ku shaqaynaya awooda agaasimayaasha shirkadda JCI iyo tooda shakhsiyadeed, in ay agaasimeen qaab looga dan lahaa in si khadlan ayadoo la sii marayo hab tuugo ah in Randgold looga marooqsado" 2 million oo ah saamiyada Roodepoort Deep Ltd.

Stratton waa beeniyey eedaynta ka soo yeertay Koonfur Afrika, wax faallo ahna kama bixin markii ay la xiriirtay jariidadda The Age barnaamijkeeda daah-furka ee Full Disclosure.

Dabcan, shirkado badani waa wadaagi karaan hal dhisme, iyaga oo aan wax xiriir ah dhex marin - laakiin taasi waxay u muuqataa in aysan sidaas ahayd xaaladan (hadda laga hadlayo) ee cinwaanka 34 Parliament Place.

Mar sii horeysey sanandkii 2004, ka hor intii aysan helin xafiisyadooda cusub, saddexda agaasime ee ku qoran shirkadda Continental Goldfields waxay ahaayeen John Stratton, Peter Landau iyo Hendrik Buitendag.

ABC: FOUR CORNERS
Barnaamijii TV-ga ABC ka daawo halkan:
[Broadband] ama [Dialup]

Sida laga dheehanayo barnaamijka TV-ga ee Four Corners, iyo sheegashooyin ku baahsan suuqyada Koonfur Afrika, waxay muujinayaan in shirkadda Continental Goldfields ay ku jiraan maal gashadayaal kala duwan oo xiiso leh.

Sida ku cad qoraal ay faafisay shabakada Suuqa Ganacsiag Australia (ASX) oo uu saxiixay Landau bishii January 2005, waxa ku cad in shirkadda Continental Goldfields ay saamiyo gaaraya 60 million ku leedahay shirkadda JCI, taas oo u dhiganta 2% saamiyadii la bixiyey. Sidoo kale shirkadda Continental Goldfields waxay saamiyo aad u badan ku leedahayd Western Areas Ltd iyo R&E.

Stratton iyo Buitendag waxay agaasimayaal ka ahaayeen shirkado Koonfur Afrika ah oo ay saamiyo ku lahayd shirkadda Continental Goldfields iyo shirkado saamiyadoodii la waayey (meel ay jaan iyo cirib dhigeen).  Landau warqaddiisii uu u diray Suuqa ganacsiga Australia waxa uuu ku qeexay in helitaanka saamiyada JCI in ay ahaayeen "yeelasho istaraatiijiyadeed". Markii la soo gaarey bartamahii 2005 waxaa Koonfur Afrika ka soo shaac baxay eedaymo in la xaday saamiyo shirkadaha Western Areas, JCI and R&E.

Bishii August 2005 ayaa Kebble waxaa laga eryey agaasme-nimadii shirkadaha. Bishii September 2005 ayaa la diley, kaddib markii lagu dhuftay toddoba xabadood oo laga ridey meel aad ugu dhow.

Stratton iyo Buitendag waxay 2005 ka tageen agaasime-nimadii shirkadda Continental Goldfields, waxaana markaas magacii shirkadda loo bedeley Continental Capital. Landau waxa uu ku negaadey in uu ahaado guddoomiyaha shirkaddaas Continental Capital. Cinwaanka shirkaddaasina waa xaggee? Dabcan waa 34 Parliament Place.

Landau kama soo jawaabin telefoonadii ay u dirtay Jariidada The Age barnaamijkeeda daah-furka ee Full Disclosure.

English Version: Akhri halkan..

Faafin: SomaliTalk.com | June 3, 2008
 

BAARID | SEARCH


Xog ma ka Haysaa Shirkadda Consort Ltd?... Akhri

aloreWasiirka Batroolka Puntland oo Jawaabo Kala Duwan ka Bixiyey Sababta Dib Loogu Dhigay Qoditaanka Ceelka Shidaalka ee Nugaal... Akhri...

gacamayTaliyihii Iscasiley ee Booliska Puntland oo Eedayn Kulul u Jeediyey Wasiirka Amniga
"Waxaan qabaa wasaaradda Amniga in ay tahay Wasaaradda dhibta keentay, waxaan aamin sanahay dhib kale oo wadanka ka jirta in aysan jirin... Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS