SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA SOOMAALIYA


Puntland state of somalia
Ramaas political party
RPP/101/06   Garowe    Date: 07/11/06
 
Ku: shacabwaynahya puntland
Ku: saxaafada madaxabanaan ee somalia

Ujeedo: Caasimada Puntland waa Bosaso waxay ka dhigan tahay kutumashada dastuurka ee uu caadaystay Madaxwaynuhu...

Ramaas Ciiro
Daahir ciiro
 
mudanayaa iyo murwooyin waxaan idin ku salaamaynaa salaanta islaamka A/S/L/C.
 
Salaan kadib dhamaan ka soo qaybgalayasha shir saxaafadedkaan looga hadlayo madaxwaynaha puntland oo caadaystay burburinta tastuurka DGPL.
Mudanayaal iyo marwooyin waxaan idin la socodsiinaynaa markii puntland la dhisayay in loo dhisay sadex gole oo siman oo kala ah golaha xukuumada, golaha garsoorka, golaha wakiilada, sidaad ogtihiin wuxuu baabi'iyay golihii garsoorka wuxuuna hoos geeyay golihiisa xukuumada oo uu isagu madaxwaynu u yahay.
 
Mudanayaal iyo marwooyin sidaad ogtihiin markii isaga la dooranayay waxaa dalka ka dhisnaa maxkamad tastuuri ah  oo uu dhisay madaxwaynihii hore maxamed cabdi xaashi, maxkamadaas oo loo dhisay wixii tastuur ah oo la isku qabto xaga golayaasha in la isula noqdo, si aan loo helin wax la isula noqdo wuxuu baabi'iyay maxkamadaas tastuuriga ahayd isaga oo ula jeedadiisu tahay in aan wax wax ku qabsada helin.
 
Mudanayaal iyo marwooyin sida aad la socotaan dalka wuxuu ku soo galay madaxwayne cade muuse dagaal sokeeye oo uu ka soo aaday qaarada America  dalka canada isaga oo u soo tafa xaytay in uu ka qayb galo dagaal sokeeye wuuna ka qaybgalay wuxuuna ku daadiyay dalka dhiigbadan, waxaan nasiib daro noqotay ninkii sidaa dalka ku soo galay in ay golaha wakiiladu ay u doortaan madaxwaynaha dalka.
 
Mudanayaal iyo marwoyin sida aad la socotaan markii la dooranayay wuxuu soo qortay barnaamij quruxbadan oo uu leeyahay wax alle wixii dhib dalka ku ah waan badalayaa, sida aad la socotaana wax dhimid mooyee wax uu soo kordhiyay ma jiraan.
 
walaalayaal  sida aad lasocotaan markii ladooranaayey wuxuu yiri waxaan wax kaqabanayaa nabadgelyada Puntland oo macnaheedu yahay waxaan dhankasta ka dhisayaa ciidamada noockasta oo ay yihiinba, wuxuuna dhisay ciidan beeleed oo uu ku dhisay degmada Qardho lakiin ma jirto ciidan puntland oo uu dhisay iyo wax uu ka qabtay nabadgalyada guud ahaan puntland.
 
Walaalayaal sida aad ogtihiin wuxuu balan qaaday in uu wax ka qaban doono dhaqaalaha dalka uu u dalka u samayn doono miisaaniyad lagu dhaqmo arintaas ruuxeeda wax uu ka qabtay majirto miisaaniyadiina wax ka dhacay mooyee wax ku uu ku siyaadiyay majiraan.
walaalayaal sida aad la socotaan wuxuu markasta caadaystay oo uu degreeto qorayo in uu ku gafo ama uu ku tunto qodobo ka mid ah tastuurka DGPL.
 
Walaalayaal sida aad la socotaanba markasta oo uu hadlayo wuxuu caadaystay in uu yiraahdo dalka gaajaa ka jirta taas oo ah aflagaado dalka iyo dadkaba ah oo uu ku qarinayo maamulkiisa guracan, sida aad ogtihiin dalkeenu waa hodan iyada oo aan la gaarin waxa dhulka hoostisa ku jira waxa baabi'iyay waa musuqmaasuq iyo maamul xumo sida ka muuqata maamulka uu madaxda ka yahay cade muuse xirsi.
walaalayaal sida aad ogtihiin caasimadii somalia waa magaala madaxda Muqdisho sida aad la socotaana waxaa aafeeyay dagaal sokeeye islamarkaana waxaa lagu dhici kariwaayay maamulkasta oo la soo dhiso in la yiraahdo magaala madaxdu  waa magaalo kale waayo Caasimadu waa tastuuri.
 
Hadaba Cade muuse wuxuu caadaystay in uu yiraahdo Garowe waxaan ka badalayaa Magaala madaxda Puntland waxayna ka mid tahay kutumashada sharci ee uusan meelna uga waabanayn.
Walaalayaal sida aad la socotaanba caasimada puntland waa magaala madaxda Garowe waxay cod aqlabiyad ah ku doortay Ergo kakala socota Gobalada Puntland waxayna ka horaysay Cade muuse iyo madaxwaynayaashii ka horeeyay, sida aad ogtihiin wax  tastuuri ah si lagu badalaa waa adag tahay.
Mudanayaal iyo marwooyin shir saxaafadeedkan aan kaga hadlaynay qodabada korkuqoran waxaan  kaga baxaynaa shacab waynaha puntland waxaad maraga ka tihiin in uu caadaystay in uu burburiyo karaamadeenii iyo sharfteenii aynu kaga muuqanay caalamka iyo umada Somaliyeedba.
 
Hadaba waxaa xisbigu har iyo habeen u taagan yahay in uu ilaaliyo nidaamka iyo jiri taanka puntland, wuxuuna idiin ku baaqayaa in aad u diyaar garoowdaan badbaadinta puntland maxaa yeelay hadii ay sidaa ku sii jirto waxaa madaxwaynuhu ka shaqaynayaa in ay burburto dabadeedna uu ka dhasho dagaal sokeeye.
 
Gudoomiyaha Xisbiga Ramaas Daahir ciiro
Email: Daahirciro@hotmail.com | mobile Nu: 747090
Daahir cabdiqaadir daahir ciiro Garowe Puntland Somalia

Xisbiga Ramaas oo si kulul uga horyimid Wareegto kasoo baxday Madaxweynaha DGPL
SomaliTalk oo waraysi la yeelatay Guddoomiyaha xisbga Daahir Ciiro Guji

Gen. Cadde: "Boosaaso waa Magaalo Madaxdii...."
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland oo magaalada Galkacyo kaga qayb galay shir ayaa sheegay in...  Guji...

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 7, 2006

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD