Khudbadihii Gen. Cadde
Muuse iyo Dr. Gaagaab ay Jediyeen Habeenkii ay Terry
magaalada Dubai ugu Saxiixayeen Qandaraaska...
- Tarjumadii
SomaliTalk.com | Oct 12, 2005
Sida la ogyahay waxaa
bishii Agoosto 2005 Hoteel ku yaal magaalada Dubai ee dalka
Imaaraadka Carabka qandaraas ku kala saxiixday Cadde Muuse
iyo nin Reer Australi ah oo layiraahdo Terry, heshiiskaas oo
lagu sheegay in shiidaal iyo macdan lagaga baarayo Puntland.
Heshiiskaas waxaa ka hor yimid DFKMG. Waxaa qoraal soo
saaray Jaaliyada Soomaalida Puntland ay ku dalbaneysey in
Puntland ay arinta si degdeg ah guddi ugu saart, Puntland
guddi ayey dhistay kala xaajooda DFKMG. Laakiin waxaa
muuqata in aan arrintaas labada dhinac (DGPL iyo DFKMG) wax
heshiis ah ka gaarin.
Haddaba waxaan
akhristayaasha halkan ugu soo tebineynaa khudbadihii ay
habeenkii qandaraaska la saxiixayey ay jeediyeen
Madaxweynaha DGPL, Maxamuud Muuse Xirsi (Gen. Cadde Muuse)
iyo Wasiirka Maaliyada DGPL Maxamed Cali Yuusuf (Dr. Gaagaab).
Khudabadahaas oo aan dhowaan helay iyagoo ku qoran Af
Ingriis maadaama markii hore dadka loogu talo ahaayeen
shisheeye. Balse khudbadihii oo aan Afka hooyo ee Soomaaliga
ku tarjumney waa kuwan.
Khudbadii Dr. Gaagaab
Caweysin
wanaagsan dhammaantiin martida sharafta leh. Caawa oo ah
30-ka Agoosto 2005 waxaan saxiixnay qandaraas taariikhi ah
oo aan ku saxiixnay Hilton Dubai, kaas oo u dhexeeya Dawlada
Puntland iyo Consort. Qandaraaskan, sida uu Dr. Black xusay,
waxa uu qaatay wadahadal socdey muddo 7 bilood ah oo labada
dhinac u dhexeeyey, caawa waa gabagabadii shaqadaas adag.
Qandaraaskani waxa uu ku saabsan yahay baaritaanka iyo ka
faa'iideysiga macdanta Puntland.
Wadankanagu waxa uu u
baahan yahay horumarin badan, waxaana muddo la isla dhex
marayey in aan haysano carro qani ah, sababtoo ah xadidaada
aanaan cilmi baaris ku samayn karin ama xataa qodi karin,
waxaan go'aan sanay in aan siino shirkad naga caawin karta
hirumarintaas si ay dadkanagu uga faa'iideystaan oo aan
sidaas ugu hor maro sida dalal kale ay sameeyeen waqtiyadii
la soo dhaafay.
Dadka caawa suurtagal ka
dhigay (in arrintani qabsoonto) waxay natuseen adkaysi badan
iyo dhiiranaansho, been badan ayaa laga sheegay, Soomaaliya
keliya ma ahee xataa dibadadaha. Waxaa arrimahaas ka qayb
qaatay dalal shisheeye iyo shirkado waxa keliya oo ay rabaan
ay tahay in ay Puntland ahaato meel iyaga u xayiran oo ay
iman karaan waxna ka soo saari karaan markii ay iyagu
doonaan. Consort iyo Dr. Black waxay adduunka intiisa kale
tuseen in Puntland ay ganacsi diyaar u tahay. Waxay
indhihooda ku arkeen waxa wargeysyada ku qoran in aysan
xaqiiqo ahayn. Sawirka ay (wargeysyadu) ka bixinayaan
Soomaaliya in uusan ahayn mid sax ah. Waxayna taas ku
saleeyeen khibradooda Puntland. Consort waxay rabtaa in ay
timaado oo ganacsi nala gasho.
Haddaan nahay dawlada
Puntland ujeedanadu ma aha in aan qaadano wax aan ka ahayn
waxanaga, waxa keliya ee aan rabnaa waa horumarin waxa ay
leedahay Puntland.
Waxaan u mahad celinayaa
qof kasta oo ka qayb qaatay in qandaraaskani qabsoomo, laga
soo bilaabo Madaxweynaha, dadka Consort, iyo marti sharafta
kale ee dawladda. Si gaar ah waxaan ugu mahad celinayaa
Liibaan Boqor, oo lixdii bilood ee la soo dhaafay ilaawey
qoyskiisa, oo dhinac u dhigay shaqiisii si uu heshiiskani
uga dhigo mid ay labada dhinac ku heshiin karaan.
Marti sharafta waxaan u
sheegayaa, laga bilaabo maanta waxaa Consort iyo dawlada
sugaaya shaqo culus, laakiin waan ku kalsoonahay in labada
dhinacba ay ka gudbayaan caqbadaha. Dawladu waxay ballan
qaadeysaa wax kasta oo suurta gal ah si ay Consort ugu
caawiso si ay shaqadooda u fushadaan.
Mahadsanidin, hadana waxaan
magarafoonka kusoo dhoweynayaa madaxweynaha.
Khudbadii Cadde Muuse:
Caweysin
wanaagsan madaxa shirkadda, wufuuda, iyo gaar ahaan Dr.
Black iyo Terry. Qandaraaska aan caawa saxiixnay waqti yar
ma qaadan, laakiin waa hawshii toddoba bilood. Xilligaas
waxaan helay, lagayaabee, in ka badan laba iyo toban
shirkadood oo danaynaya horumarinta khayraadka dabiiciga ah
ee Puntland, laakiin waxaan go'aansanay in aan doorano
shirkada (Consort) taas oo aan caawa la saxiixanayno, sabab
sahlan awgeed oo ah in heshiiskoodu uu bara-dheereeyey
horumarinta macdanta. Waxaan eegnay arrimo badan, waxaana
aaminsanahay in ay isbedel weyn samayn doonaan.
Waxaa jira in wax badan la
isla dhex maro oo ah in aan qani ku nahay khayraadka
dabiiciga, waxaan rabnaa in aan ogaano waxa ku jira
ciidayada. Qayb dadka kamid ah ayaa weydiinaya, maxaan
arrintaas bedelkeeda heleynaa ama meeqa lacag dhan ayaan ka
samayneynaa heshiiskan, laakiin anigoo ah hoggaamiyaha
dawlada waxaan aad u xiisaynayaa abuurida fursadaha shaqo ee
dadka, tusaale ahaan, haddii kun qof ay shaqo si toos ah ama
si dadban uga helaan waxaan u malaynayaa in aan wax uun
gaarney. Wargeys maanta soo baxay ayaa waxa uu sheegay in
aan qaadanay laaluush, ii ogolada in aan idiin xaqiijiyo in
aanan xiisaynay laaluush, iyo in aanan u baahnayn, laakiin
waxaan u baahanahay shirkad naga caawisa in aan lugahayaga
isku taagno.
Consort waxay na tuseen in
ay rabaan in ay na caawiyaan, Dr. Black waxa uu na tusay in
uu awoodo caawinaad. Terry, oo ah mudanaha ag fadhiya Dr.
Black waxa uu Puntland u yimid in uu carruurtanada caawino,
laakiin markii uu arkay beenta laga faafiyey dalkayaga, sida
beenta ah deggananasho la'aanta, ammaan darrida, dilka
baahsan (looga faafiyey), iyo socodkiisii uu dalka ku safray
waxa uu xaqiiqsaday masiibada ay beentaasi abuureysey, waxa
uu noo ballan qaaday in uu noo caawin doona si kasta oo uu
awoodo. Waxa uu na baray Consort.
Maxaan rajeyneynaa? Waxaan
rajayneynaa caawinaad badan, gaar ahaan dib u dhiska
adeegyada asaasiga ah. Consort waxay noo sheegtay in aysan
keliya eegayn macdanta, laakiin waxa kale oo ay dalka ka
caawineysaa xoogaa horumarin ah.
Waxaan idin weydiisanayaa
dhammaantiin in aad u hawl fudusdeysaan shirkaaan shaqadeeda,
aadna xaqiijisaan in aan siino dhammaan caawinaada ay ka
heli karaan dhankeena. Waxaa dalkan ka jirey fursado badan,
lakiin kama aynaan faa'iideysan. Waxaan qaxiijineynaa in aan
arrintaas oo kale mar kale dhicin. Inaga (Dawlada) waxaan
ballan qaadeynaa inta aan xukunka haysano inaan siin doono
wax kasta oo mashruucaan ka dhigaya mid guuleysta.
Ugu horayn markii aan
xukunka la wareeey waxaan hir geliyey in aan wax Visa dal ku
gal ah la weydiin ajnebiga (Shisheeyaha), taasina waxay
sababtay in dad badani ay yimadeen, waxay rabaan in ay
caawiyaan, welina waa yimaadaan maalin kasta, waa in aan
arrintaas ka faa'iideysanaa.
Gabagabadii, waxaan rabaa
in aan u sheego dawladda Federaalka in aan nahay qayb muhiim
ah oo kamid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo in
Puntland ay lacag badan ku bixisay si loo hirgeliyo
Soomaaliya oo federaal ah, laakiin waxaan ka xumahay in ay
Raadiyaha kula wareegayaan hadal (faallo) ah in aanaan
heshiis la saxiixan karin shirkadaha shisheeye.
Haddaba, ii ogolaaa in aan
idiin sheego anagu waxaan haysanaa sharci xuquuq noo siinaya
in aan qandaraas (heshiis geli karo). Waxaan leenahay sharci
anaga gaar noo ah kaas oo noo ogolaanaya in aan sidaas
samayno, anaga oo keliya ayaa ah dadka ka mas'uulka ah wax
kasta oo khuseeya Puntland.
Allah ayaa mahad leh in ugu
dambayntii aan qandaraaskan saxiixnay.
Haddii ay jiraan wax
su'aalo ah mar dambe aayaan aqbalayaa.
Mahadsanidin.
###
Khudbadii Cadde Muuse oo Ingriisi ah [pdf]
Khudbadii Gaagaab oo Af Ingriisi ah [pdf]
###
Khudbadahaas waxaa
Madaxweynaha DGPL, Maxamuud Muuse Xirsi (Gen. Cadde Muuse)
iyo Wasiirka Maaliyada DGPL Maxamed Cali Yuusuf (Dr. Gaagaab)
ay ka jeediyeen Hoteelka Hilton oo saxiixa qandaraskaasi
lagu qabtay.
Waxaa dhowaan soo baxay,
sida ay shaaca ka qaaday shirkad kale oo cusb oo lagu
magacaabo "Range" in "Shirkada Consort" ay tahay in ay qayb
ku yeesheen madaxda Puntland. Akhri
halkan...
Faafin: SomaliTalk.com |
Oct 12, 2005
Heerarkii ay soo mareen
Shirkadaha shidalka ka baaraya Soomaaliya hoos ka akhri:::
December
2002: Heshiis ayaa dhex maray madaxda Somaliland
iyo nin lagu magacaabo Meier oo reer Norway ah. Mr.
Meier oo uu lasocdey nin asakiisu Hindi yahay oo la
yiraahdo Rajan wax ay la kulmeen Daahir Rayaale
Kaahin, heshiiskana waxaa la saxiixay wasiirkii
Biyaha iyo Khayradka Dabiiciga ah, Mohamed Abdi
Farah (Malow). [Eeg halkan]
January
2005 ayey ahayd markii afar dhakhtar ay shegeen
in ay woqooyi bari Soomaaliya u safri doonaan bisha
Febraury. Dhakhaatiirtaas oo kala ahaa Graham
Forward, Wayne Pennington, Mark Salib iyo Debbie
Wilson (kalkaaliso). Bishii Febraayo ayey
dhakhaatiirtaas reer Australian ah waxay Puntland u
yimadeen in ay caawinaad gaarsiiyaan dadkii ay
dhibaatadu ka soo gaartey bad-gariirka (Tsunami).
Waxaa
dhakhaatiirtaas soo racay Terry oo reer Australia ah
oo markaas sheeganayey in uu ka socdey hay'ad
samofal oo caawisa carruurta magaceedana la yiraahdo
"Kids In Need".
May
2005: Waxaa magaalada Nairobi ku kulmay Ra'iisul
wasaaraha DFKMG iyo mr. Meier oo uu la socdo wiil la
yiraahdo C/raxmaan Liibaan oo reer Norway ah.
Wiilkii waxaa markiiba loo magacaabay Qunsulka
Soomaalida u fadhiya Norway, ninkii reer Norwayna
lataliyaha gaarka ah ee Ra'iisul wasaaraha
Soomaaliya kala taliyaha arimaha soo saarida
Shiidaalka.
June
10, 2005: Terry waxa uu ka mid noqday wafti uu
hoggaminayey madaxweyna DGPL, Gen. Cadde Muuse,
waftigaas oo sii maray dubai, kaddibna aadey Nairobi
si ayug aqayb galaan xafladii guuritaanka e DFKMg
ayugu guureysey Soomaaliya. Waxaa kale oo waftigaas
ka mid ahaa Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirika
Caalamiga ah ee DGPL, Dr. Faroole. [Eeg
halkan]
Waftigii
Puntland, Markii
ay Nairobi tageen waxay la kulmeen madaxweynaha iyo
ra'iisul wasaaraha DFKMG, halkaas oo ay ku kala
xanaaqen Gen. cadde Muuse iyo C/Laahi Yuusuf kadib
markii DFKMG diidey in heshiis loo saxiixo Terry. [Eeg
halkan]
August 25, 2005: Ayaa waxaa si weyn u soo shaac baxay heshiiska hoose
ee DGPL l agashay Terry in uu ku saabsan yahay
dhammaan waxa ku jira dhulk ahoos tiisa, sida macdan,
bartool ama gaas. Heshiiskaas oo si qarsoodi ah u
socdey.
August
26, 2005: Waxaa maxkamad lasoo taagey ninkii
Reer Norway ee heshiiska la galay Somaliland,
noqdayna lataliyaha gaarka ah ee Ra'iisul wasaaraha
DFKMG ee xagga soo saarida shiidaalka, mr. Meier.
August
28, 2005: ayaa ra'iisul wasaraha DFKMG waxa uu war
ka soo saaray magaalada Nairobi uu shaaca kag
aqaadayin heshiis caalami ah oo ay gasho Puntland uu
yahay waxba kama jiraan... [Eeg
Halkan]
August 29, 2005:
ayaa DGPL waxay u jawaabtey hadalkii Ra'iisul
wasaaraha Soomaaliya, ayagoo soo saaray war
saxaafadeed uu ku saxiixnaa
Axmed Cabdi Xaabsade oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga
ee DGPuntland. [Eeg halkan]
August
31, 2005: Magaalaad Dubai ee dalka isutaga
imaaraadka carabta waxaa heshiis ku saabsan
baaritaanka khayraadka dabiiciga ah kala saxiixday
Terry iyo DGPL, waxaana heshiiskaas goob joog ka aha
madaxweynaha DGPL iyo wasiirka maaliyada (Dr.
Gaagaab).. [Eeg halkan]
September
9, 2005: Madaxweynaha Soomaaliya, C/Laahi Yuusud
Axmed oo jooga Jawhar ayaa yiri: "Sharci ahaan marka
maanta in Puntland laga gar leeyahay anaa maanta
qiraya, weliba Puntland-na waa ka imid, waana ku
dhashay, madaxweyne waa u ahaa, ninkii dembi
gelayaa yeelkiis anigu lama wadaago, ninkii khalad
gelayaa yeelkiis." [Eeg halkan]
September 10,2005:
Wasiirka maaliyada DGPL, Dr. Gaagaab ayaa shir ku
qabtay Boosaaso, waxana uu sheegay shirkada bishiiba
ay bixin doonto $200,000 iyadana ammaankeeda loo
sugi doono, waxana uu sheegay in ay hawsheeda
bilaabi doonto October 2005. [Eeg
halkan] |
|
|
|