Boosaaso:
Waxaa Arbacadii Maarso 22, 2006 dalka Yemen u ambabaxay madaxweynaha DGPL,
Cadde Muuse, waxana uu ka duulay garoonka diyaaradaha ee
magalada Boosaaso.
Lama
faahfaahin ujeedada Safarka Yemen ee xilligan iyadoo
Puntland ay hadda ka jiraan xaalado muran oo la xiriira
Shirkad asalkeeda ka diiwaan gashan Jasiirada Maldvis,
laakiin sheegata in ay tahay Australian, taas oo rabta in ay
Macdan ka qotado Puntland. Arrintaas oo aysan Dawlada Dhexe
iyo DGPL isku waafaqsanayn, isla mar ahaantasna aan
Baarlamaanka Puntland xeer ka soo saarin.
Idaacad
ka hadasha Dalka Australia oo la yiraado SBS ayaa Arbacadii
arrinta shirkadaas iyo xaalada Puntland waraysi kala
yeelatay Xildhibaan Axmed Cawed Casharo oo Jooga Baydhabo.
Waraysigaas waxa
uu Casharo kaga hadlay shirkada sheegata in ay tahay
Australia, laakiin ka diiwaan Gashan
Jasiirada Maldavis, taas oo uu
ku tilmaamay shirkad cashuur ka carar ah.
Cawed Casharo waxa
uu muujiyey sida uu walaaca uga qabo shirkadaas ay wataan
maamulka DGPL. Waxa uu sheegay in Madaxweynaha Puntland uu u
garab dhiibiyey oo uu maqli waayey oo uu labaatan Tekniko ah
geeyey halkaan. Waxana uu Casharo sheegay in sharcigu uu
dhigayo in arrin dawlada dhexe ay sharci u leedahay in aan
Dawlad Goboleedku geli karin. Waxana uu intaas ku daray in
shariikadaas la siiyey Puntland oo dhan aysan ahayn shirkad
jirta, taas oo uu ku tilmaamay in ay tahay shirkad u
dhaqmeysa sidii burcadii. Waxana uu digniin cad siiyey
shirkadaas si ay uga laabtan Puntland.
Xildhiban Casharo
waxa uu baq u diray Dawlada Australia, Suuqa Ganacsiga
Austria iyo Jaaliyada Soomaaliyeed sidii arrintaas wax looga
qaban lahaa. Waxana uu sheegay in barlamaanka Dawlada Dhexe
ay soo wadaan qorshe ama Mooshan looga hadli doono xaalada
iyo arrimaha ka jira Puntland.
"Dibitaatiyasha (Xildhibaanada)
ayaan la hadleynaa, Wasiirada ayaan la hadleynaa, Madaxwene
ku xigeenka ayaan la hadleynaa si loogu caqli celiyo
Maxaxweynaha Puntland (Cadde Muuse), faraska cad ee uu ku
joogona ka soo dego, Gartona dantu in ay ku jirto nabad iyo
xasiloonaan in meeshaas laga helo." ayuu yiri Xildhibaan
Casharo.
Waraysigaas oo uu qaaday Ciise Maxamuud Dhoolawaa
Halkan dhegeyso (Casharo oo u waramay Australia SBS)
Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ka hadlay arrinta
Majayahan....
HESHIISKA OO AF-INGIRIISI AH ....
Faafin:
SomaliTalk.com | Maarso 23, 2006