MACDANTA & BATROOLKA PUNTLAND
MA-REER INDHOOLE HOGGAANSHO BAA???
Qore: Eng: Mohamed Bashi Abdullahi
(tallaabo-cade) Email:
mbaashimbc@hotmail.com
Hordhac:-
Waxaa sharaf iyo mahad leh Eebe,
Isaga ayaa inaku uumay dhulka Somaliyeed ee hodonka ah gaar ahaana Puntland.
Waxaa sharaf inoo leh, shaqsi kasta oo Somali ah in uu dacalka uu ku nool yahay
amaankeeda sugo, iyadoo la wadaago miraha guud.
Miraha guud waxaa hoos imanaya
Badaha, Macdanta, Shidaalka, Beeraha iyo Daaqa. Miraha guud shaqsi kasta oo
Soomaali ah ayaa iska leh waayo waxaynu nahay qoomiyad.
Qoomiyadi waxay qoomiyad noqotaa
markay ulajeed, dan, xiriir iyo dheefba wadaagaan, taasoo ay waliba iska
kaashadaan Baahida guud (sida, difaaca guud, iswaydaarsiga waxyaabaha meelna
yaal meelna aan oolayn). Tusale ahaan, Puntland beeraha kuma fiicna sidaas
awgeed waa in ay qoomiyada Soomaalinimo la kaashataa in ay koonfurta kale qudaar
ka hesho.
Dowladdan rafaadsani macdan iyo
batrool tabar iyo taagba uma hayso ee waxay wadaa waa hanti lumin shacab.
Tusmada Qoraalkan.
- 1- Dawlada iyo dhaqankeeda.
- 2- Shacabka iyo waajibka khayraadka.
- 3- Askarta iyo waajibka ka saran shacabka.
- 4- Shirkadaha iyo shuruudaha in ay buuxiyaan
looga baahan yahay.
- 5- Caalamka iyo dhibka ka taagan macdanta &
batroolka.
- 6- Lacala hadii macdan &
batrool la soo saaro ay noqoto.
- 7- Talo soo jeedinta arimaha
macdanta & batroolka.
1- DAWLADA IYO HAB DHAQANKEED:-
Waxaa maanta
sharaf daro inoo ah shaqsiyaadkii aynu dhalnay, korinay, tabo barnay, shaqo
siinay, dooranay inay ina hagaan, abaal marin inooga dhigaan dibin daabyo aan
naxariis lahayn. Halka aan ka sugaynay shacabka 17 sano dhibanaa in ay daweeyaan
nabadna dhex dhigaan, balse ma noqon kuwo sidaas yeela ee waxay noqdeen kuwo
dabka uun huriya.
Waxa aynu ognahay
khayraad la soo saaro in uu aad u dhib badan yahay uuna u baahan yahay nabadayn
iyo shacab is jecel. Maadaama wax is neceb mooye wax kale aysan jirin, shaqsi
kastana qabiil ku tiirsan yahay. Macdan iyo Batrool soo saaridu miyeysan ahayn
in dagaal qabiil ka oogmo cariga reer Puntland. Waxa aynu ognahay mudo in aynu
nabad ku hurudnay taasina waxay u muuqataa mid gabaabsi ah. Hantidii xaalufinta
badaha meel ku sheega??? Canshuuraha meel ku sheega???
Baarlamaankii
shacabku (shaati qabiilba ha qabeen balse shacab ayey u joogaan) u soo doortay in
ay halka cod ay leeyihiin si caqliyeysan, miisaaman, hubaalsan, eextiran ugu
hiiliyaan dadkii keenay, waxay u dilaaceen kuwo maalinkasta wax holciya, waxaana
inoo macalin ah siday Xamar oo gubnay usii holciyeen, Kismayo siday uga hurdaan,
Iyaga dhexdoodi siday isu neceb yihiin oo aynu ogayn siday isugu dilayeen iyaga
oo dal shisheeye jooga, hadana Puntland oo nabad ahayd batroolkana kuwii
maamulayey ay ku daadsheen baarlamaankuna hada dabkii ama kibriidkii holcayey
gacanta uga gasheen dowladda aan siyaasadda lahayn ee marinkii laga sugayey ka
dagtay (Puntland). Waxaa la oran karaa baarlamaanka kaliya ee aduunka
calooshooda la cayaara, waxay somalidu tiraahdaa 20 jirku intuu geed ka boodo
ayuu talo ka boodaa marka kuwaana midba midkuu ka jeebab wayn yahay waa ka caqli
daran yahay. Cay igama aha ee waa iga dhiiri galin iyo in ay jeebka xuquuqda
shacabka ka hormariyaan.
Xukuumada tirada
yar & Garsoorkiiba way ka daran yihiin baarlamaanka inta ay uga dhowyihiin isha
dhaqaalaha ayeey cadaalada ka fogyihiin waayo way ogyihiin dalka xaaladuu ku
jiro sow ma ahayn howshii loo diray in ay kasoo baxaan taas oo ahayd nabadayn,
noolaynta sharciga, baraarujinta dadka dawladaba aanan aqoon, tirocoobka
shacabka si loo helo “nidaamka hal qof hal cod” [one man one vote system].
Hawlahaas oo dhan intay ka seexdeen ayeey u dhaqaaqeen in ay huriyaan dub horleh
iyaga oo ka fakaraya xagee cun cun iyo garaabo kaa soo gali kartaa. War miyeysan
ahayn wax laga noxo ma dadkaas baa doonaya in ay wax hor mariyaan, in ay dhibka
nala qayb sadaan. Walee tanay nin ba dacal ku goosay sidii niman u dhalan ama
bari ka guuraya. Waaba run oo shaqsi kasta oo xil haya wuxuu ka yimi dibada
walaa xaas, caruur iyo waalidkiiba ma joogaan ee waxaa soo dirsaday dawlado
shisheeye oo doonaya in ay dalka bur buriyaan.
2- SHACABKA & WAAJIBKA
KHAYRAADKA:-
Waxaa shacabka u
macalin ah indhahooda in aan loo turayn, loo aabe yeelayn, uuna xaalku yahay
kana saar kana sii, marka waxaa la inooga baahan yahay dhaxalkii soo jireenka
ahaa ee aabe yaasheen ina siiyeen in aynu ilaashano si aynu uga faa iidaysano
naf ahaanteenu ama u gaarsiino kuwa inaga danbeeya siday inoo soo gaartay
kuwaasoo aan ahayn cadow ee ah awlaadeena inaga danbeeya.
Digniin:- Waxa
aynu la socodnaa dakhligii horay usoo bixi jirayba in uu oday iyo caruurtiisa oo
ka dhaxasha xaaraanta jeebkood gali jiray, hadana iyadii oo ay sidaas ahyd ayeey
usoo aftaageen in ay deegaankiina inaga raraan oontii aan ku neefsan lahayna ay
dhaxaltooyo shaqsi ay noqoto. Illah inagoo ka baqayna wali ma aragteen nin
dowlada u shaqeeya oo xitaa sadaqo bixinaya? Taasi waxay tahay waad gowracnayd
ee kafantana iska daa anaa shaati cad ka tolanayee, ama iyadoo abaar ah aan
haamaha kaa gado, meeshaan biyo iyo ceelal aan ka sugaynay. Waxa inoo banaan hal
wado taas oo ina faraysa in aan dalkeena aayahiisa aynu ka tashano difaacno
haday ku tahay af, adin, maal iyo xeeladba. Waxa aynu ognahay dowlad aan iyaduba
lugaheeda ku socon inaysan adimada inoo fidin karin. Waxaa sharaf inoo leh si
guud iyo si gaar ahaaneedba in aynu ilaashano xaqa iyo sharafta soo jireenka ah
ee aynu ku faano, taas oo ah inaynaan qaadan wax khayaamo ah, waxaan sal iyo
raad lahayn, in aynu ajaaniibta tuugada ah iska qabano.
Waxa aynu ognahay
in aan cadaalad iyo dowladi jirin haday jirtona waxa aynu kor kusoo xusnay ah.
Ee waa inaynaan noqon kuwo iska hurda. Shaqsiyada qaar markay arkaan qoraalkan
wuxuu is oranayaa khayr buu naga hortaagan yahay, khayrkaas oo ay bar bar
dhigaan kan carabaha yaala balse waligaa indhaha ku hay cadaala iyo dowladaha ka
jira dhulkaas kuwaaso u ogol ama siiya shacabkooda lacag u bilaabanaysa markuu
dhasho markuu guursadona lacag intii saami kusoo aaday farta laga saarayo, inta
uu ardayga yahayna loo qabo wax barasho hadba tii uu qofku u qalmo ama ka bixi
karo. Ha ilaawin qodobadaas niyada ku hay.
3- ASKARTA IYO WAAJIBKA KA
SAARAN SHACABKA:-
Waajibka askarigu
uu ku dhaarsan yahay waxa weeye dalkiisa iyo sharafta shacabka in uu ilaaliyo,
ka ilaaliyo cadowga sokeeye iyo midka dibadeed. Ma aha in maalin kasta shaqsi uu
duufsado. Askarigu wuxuu xaq u leeyahay wixii shacabka aan dan ula muuqan
inuusan ku dag dagin, waayo shacabku waa dadka shaqaalaha loo yahay oo dhiig iyo
dhaqaalba u hura, waa dadkii aad ka dhalatay kuna soo bar baartay, waa dadka aad
askariga u tahay ee laguuma dhaarin in aad askari u tahay wasiir madaxwayne ama
wixii la mid ah. Markay intaa kasoo gudubto maalin kasta waxaa dhacda in askarta
si xun loo adeegsado taasna eedeeda dabluhu shaqo kuma laha ee saraakiisha wax
og ayaa khaladkeeda leh, waayo iyagaa amarka baxsha siyaasadana war ka haya amar
diidona iyagay u banaan tahay ee waxaan oran lahaa joojiya hagista xun.
Waxa aynu ognahay
askariga in uu xuquuq daawo, mid wax barasho iyo mid mushaharba uu leeyahay.
Kuwaas adigoon heli jirin soona qaadi jiray canshuur aad maalin kasta ogtahay,
waa idinku ceeb in la idiinku sheekeeyaa khayraadku markuu soo boxo ayaad wax
helaysaan ee waxa la idiin ka baahan yahay xaqiini hore in aad waydiiseen iyo
kan shacabka. Shacabkuna cadow ma aha ee mar kasta tiina ayeey u doodayaan oo
waa aabe yaashiin, hooyo, walaal, iyo xigaal.
4- SHIRKADAHA IYO SHURUUDAHA IN
AY BUUXIYAAN LOOGA BAAHAN YAHAY:-
- a- Waa in ay (G8) wadamada
qaniga ah ka mid tahay ama laga lee yahay.
- b- Waa in uu bankiga aduunku
masuul ka yahay.
- c- Waa in ay noqdaan kuwo
khibrad u leh shaqadooda.
- d- Waa in la hayaa guulo hore
ay kasoo hoyday aduunka.
- e- Waa in marka hore
dowladooda heshiiska lala galaa, taas oo iyana doonaysa dowlad masuulliyad qaadi
karta in aad leedahay oo xiriir la samayn karta dowladaas kale.
- f- Waa in ay ka mayran yihiin
musuq maasuq waayo mudadaan danbe shirkado badan oo horay u jiray ayaa suuqa ka
baxay is daba maryeyn awgeed kuwaasoo khibrad leh, shahaadooyin soo samaysan
kara.
- g- Waa in lagu qancaa wakhtiga
ay qabsatay in ay sheerka badan ama isbadelka sheerku uu soconayo iyo shaqaalaha
qaabka loo qaybsanaayo. Taas oo dhalinaysa in shacabka somaliyeed cod guud laga
qaado si loo ogaado badidood in ay ku qanacsan yihiin shirkadan.
Intaas oo idil
hadaysan buuxin sharkeedu wuu iska cad yahay ninkii lagu siro iyo kii wax ku
siraba waa labo caqli laawe.
5- CAALAMKA IYO DHIBKA KA
TAAGAN MACDANTA & BATROOLKA:-
Dhibka adduunka
ugu badan waagii hore wuxuu ka dhici jiray (1) Biyo iyo (2) Dhul labadaas oo
dadkii hore noloshoodu aad ugu dhisnayd. Waayo (1) Biyaha waxaa loo isticmaali
jiray waraab dhulkuna biyo ma wada lahayn ee wabiga, iyo ilo waro ah ayaa la
isku dagaali jiray, maxaa yeelay aalad ama cilmi biyo dhulka lagala soo boxo ma
jirin. (2) Dhul kaas oo loo isticmaali jiray dagaan iyo dhul beereed waxaana
daruuri ahayd carradu in ay tahay mid wax curin karta biyona ay ka ag dhow
yihiin, taas oo aad dadka noloshoodu ugu tiir sanayd. Waxa la oran karaa 90%
dagaaladii dadkii hore waxay ka aas-aasmeen labadaas shay.
Dunidaan cusub
waxaa dhibka ugu badani ka dhacaa macdanta iyo batroolka waayo maanta dhaqaale
kasta iyaduu ku tiirsan yahay, la aantoodna wax kala socon karaa ma jiraan,
halka waagii hore biyo iyo dhul ahayd. Biyihii qalab meel kasta biyo lagaga
keeni karo ayaa yaala waa se daruuri, balse dhaqaale lagama helo, dhulkiina
haduuba sii qaaliyoobay isagaaba ugu daran oo qalab wax macdanta lagau sheego
iyo batroolka lagula soo boxo ayaa la helay.
Tusaale:-
- I- Ciraaq wax kale laguma
baa bi-in ee waxay ahayd in shidaal kooda la iska rarto. Falkaas oo ay ku
kacaayaan dawladihii waa waynaa oo salka iyo raadka lahaa, maxaa laga malaynayaa
kuwo helaya meelo ay ku dhuuntaan oo aan lahayn kuwo meel loogu soo hagaago.
- II- Waxaan la soconaa in 25 qof
oo ajaanib iyo Ethoipian isuga jira in lagu laayey dhulka Somalida Ethoipia taas
oo ay dhalisay isku raacsanaan ama jacayl guud oo dhex yaalay labada qoomiyadood
oo la isku khasbaayo. Inagana Somali iskadaa warkeeda ee Puntland ayaa maanta
kala daadsan oo is-qaadi la. Waa tiiyoo waliba bar dhulkii maqan yahay oo laga
seexday.
- III- Tuugonimadii oo badanaysa
mudadaan danbe oo aynaan haysan wax inaga ilaaliya.
6- LACALA HADAY NOQOTO IN
MACDAN IYO BATROOL LASOO SAARO:-
Wadan aan
cadaalad, daganaansho, is-sharfid, iyo nidaamba ka jirin in lacala soconayso u
malayn mayo balse Somalidu way hadal badan tahay ama way khiyaali dhisi ogtahay
ee haku qanacdo ayaan ugu soo daray. Saas oo jirta lacala in wax yaabaha horay u
dhacay lagaga digtoonaado ayeey ku fiicantahay balse ushuuraha ama amuuraha EEBE
khaaska u ah aan loo gudbin, balse waa la is waydiin karaa gaarigaan hadaan xoog
ama xad-dhaaf aan u kaxeeyo maxuu dhalin jiray marka taasi yey kugu dhicin ee ka
joog waa wax banaan.
Waxaa tusaale iyo
tumo lacala inoogu filan inta aan kor kusoo xusnay. Halna niyada halagu hayo wax
hir gali karaa maanta ma jiraan, ee yeynaan riyoon riyooyin khatar iyo halis,
dhabar jab, hoog, iyo murux inagu abuuraya. Habaarna yaan laga kasban shacabka
dhamaaday ee xabada, tahriibta, dhaqaale la-aanta, maamul xumida, iyo qabiilka
la il-daran.
7- TALO SOO JEEDIN ARRIMA
MACDANTA IYO BATROOLKA:-
#- Waxay ila
tahay dawladaani haday ku guulaysato isu-keenka ummadda, tirakoobka, abaabulid
doorashooyin cusub ayeey buro sidaa ee ma aha mid itaal u haysa arrimahaas.
Shacabkuna ma aha shacab diyaarsan oo xitaa waxay u badan yihiin dad aan dawlad
nimoba aqoon iyo waxay tahay ee wacyi galin iyo shuruucda in la baro ayeey
rabaan.
#- Dawlada ku
xigtaa howshaan ma qaban karto oo waxaa looga fadhiyaa in ay shacabkii sharciga
ku dhaqdo si tusmo iyo tusaale ah, waa in ay kalsooni shacab heshaa, iyo in ay
shacabkii tacliinta ka dhisto.
#- Dawlada 3aad
waxay u baahan tahay xiriirka caalamka in ay adkayso, dhallintiina ay khibrad
sii helaan dhammaadka dawladaana ay saxiixyo caalami ah iyo heshiisyo ay galaan.
Wakhtigeedu markuu dhammaado waxaan helaynaa arday maskax furan oo 10 sano oo
tabo-bar ah haysta, wadamada adduunka qaniga ka ah ayaa inaku kalsoonaanaya
halkaas oo aynu qalab iyo tayoba ka helayno, wexeenu wax qiimo leh bay inoo
noqonayaan waayo qofku hadduu wax uu xaday gadayo qiimuhuna qiimo la xaday ayeey
noqonayaan, Dad xisaab tama ayeeynu noqonaynaa, taas oo aayaheena ama aayaha
awlaadeena dan u noqonaysa.
#- Dawlada 4aad
ayaa hawlaha shaqada dar dar galin doonta waxayna qaadan doontaa ugu yaraan 10
sano horayna waxaynu usoo dhaafnay 12 sano. Iskudarka wakhtigaa inooga dhimani
waa 10+12=22 adigu 25 ba iska dheh yaan la sugi waayin wakhtigaa dhow. Qab qable
iyo tuugna wakhtigaas waxay u kala baxayaan wax sakaraad ah, kuwo geeriyooday
iyo kuwo nolol iyo geeri aan u dhexeeya oo meeshii laga arkoba la yiraahdi kuwii
weeye. Wax ugu dari mayo intaas ee waxaan EEBE uga baryayaa in uu soo hadeeyo.
Gunaanad:-
Wax laga
danqadona weeye in aynu qaadano hadal uu ina yiri nin carruurtiisa dhaxal u
raadinaaya, aan dal, dad, agoon, faqiir, iyo dhibbane oo dhan aan aqoon. Waxaasi
wax qof wax kala garanayaa qaato ma aha. Balaq wallow kaana aaya ayeey ahayd
wuxuu nabigu yiri CSW, marka dadka wax garanayaana waa inaysan fariisan qurbaha,
oo ay kasoo baxaan dhuumashada intee god ku jiraysaan. Ma ilowdeen dal dad iyo
duunyo qani ah inaad leedahay. Alle ha u naxariistee Sheikh xaaji Allaa soo
shubay wuxuu oran jiray fow-fowle laamiguu taagan yahay oo garuun wayn yahay
meesha looga baahan yahayna waa ka maqan yahay. Marka meel quraxi ka baxayso
tooshka aad wadataan if dhilin maayee dalkii baa mugdi ah ee ordaha dalkii iyo
dalkii dhaxalkiina geeya.
LA SOCO
QORMOOYINKA DANBE EE KU SALAYSAN HADBA MARXALADAHA TAAGAN.
Mahada koowaad
Eeebe ayaa leh, waad mahadsan tihiin
Qormadaan, waxa
mas-uul ka ah qoraagan ku saxiixan::-
Eng: Mohamed Bashi Abdullahi
(tallaabo-cade)
Email:
mbaashimbc@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Maarso 6, 2008 |