Gen. Cadde oo Sheegay in Boosaaso u Joogayo
in uu Ka Shaqeeyo Heshiisyadii uu soo Galay.....
Gen. Cadde Muuse ayaa markii uu xilka ku
wareejiyey Dr. Faroole waxa uu jeediyey khudbad ka kooban dhawr qodob uu ka
mid yahay heshiisyadii uu shirkadaha shisheeye la galay intii uu madaxweynaha ka ahaa DGPL.
Arrintaas isagoo ka hadlaya Gen. Cadde Muuse waxa uu yiri:
"Anigu intii aan joogey waxaan ku dadaaley
dhaqaale in aan sameeyo, shariikado ayaan keenay, heshiisyo caalami ah ayaan
soo galay,... wixii oo dhan waa diyaar .... dawladda ayaana ku wareejiyey,
LAAKIIN waxaan u sheegayaa heshiisyadii aan galay - baarlamaankuna waa i
maqlayaa, dawladdii ayey dhaaftay baarlamaankiina waa martay, dawladdana waa
u sheegayaa - sharaftii caalamiga ahayd waa in la xajiyaaaa, anigu waa
joogayaa... hawshana waa ku jiraayaa, shirkadihii iyo shaqadii ... (heshiisyadii
aan soo galay) waan wadaayaa,
awal Kanada ayaan aadi lahaa, hadda Boosaaso ayaan xafiis ka furtay, waana ka
shaqaynayaa......"
Halkan/hoos ka dhegeyso Khudbadii Xilwareejinta
ee Gen. Cadde Muuse:
Khudbaddii uu Xilka Kula Wareegey Dr.
Faroole
Sidoo kale halkan/hoos ka dhegeyso Khubaddii uu
Dr. C/raxmaan Faroole ka jeediyey xafladdii uu xilka DGPL kula wareegey Jan
11, 2009.
Dr. Faroole oo Khadka Telefoonka Kula Hadlay Jaaliyadda Puntland ee
Qurbaha..
Dr. C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa maalinimadii Axadda, Jan 11, 2009 waxa
uu khadka telefoonka (Teleconference) waxa uu kula hadlay jaaliyadda
Puntland ee ku dhaqan qurbaha. Hadalkii uu jaaliyadda u jeediyey hoos ka
dhegeyso:
Dr. Faroole oo Xilkii La Wareegey...
Madaxweynaha loo doortay DGPL, Jan 8, 2009, ayaa Axadii jan 11, 2009 waxa
uu xilkii kala wareegey madaxweynihii hore ee Puntland, Gen. Cadde Muuse.
Hoos ka akhri Qoraal ku saabsan xafladii xilwareejinta oo uu faafiyey
Xafiiska Gen Cadde Muuse
Xaflad xilwareejin ah oo ay xilka kula kala wareegeen Madaxweynihii hore iyo
Madaxweynaha Cusub ee DGPL.
AXAD, 11-Jan 2009
Garowe,Puntland:Xaflad aad loo soo agaasimey ayaa maanta waxa ay ka dhacday
Xarunta Baarlamaanka DGPl,xafladdan ayaa waxa ay ujeedadeedu ahayd sidii ay
xilka ula kala wareegi lahaayeen Madaxweynihii hore ee DGPl Mudane Maxamuud
Muuse Xirsi iyo Madaxweynaha Cusub Dr Cabdiraxmaan Sh.Maxamed Maxamuud(Faroole).
Xafladan ayaa waxa ka soo qaybgalay Madaxweynihii hore ee DFKMG ah Mudane
Cabdillaahi Yuusuf Axmed,Isimo,Baarlamaanka DGPl,musharixiintii ka qaybgalay
doorshada,aqoonyahano,haween iyo dadweyne aad u fara badan.
Hadaba xafladan xilwareejinta ayaa ugu horraynba waxa lagu furay Ayaadaha
Quraanka Kariimka sidii ay caadadu ahayd.
Intaasi dibna ayaa Madaxweynihii hore waxa uu Madaxweynaha cusub ku wareejiyey
qoraal dukumenti ah,wuxuu kaloo ku wareejiyey Ciimada Puntland qaybihiisa kala
duwan,wuxuuna sheegay in dawladiisa qaladka weyn ee ay gashay uu yahay Ciidamada
wuxuuna kala dardaarmay Madaxweynihii hore in ciidanka la mideeyo oo aanay noqon
Ciidan Qabiil ay noqdaan ciidan xoogan oo dalka wax ka qabta loona tiriyo madax
madax oo aanay u dhicin sidii awal hore u dhacday,sidii kaloo Madaxweynihii hore
waxa uu ka hadlay arrimaha dhaqaalaha oo uu heshiis la soo galay shirkado iyo
dawladdo uuna ku wareejiyey dawladda Cusub isna uu la shaqayn doono soona
dhamaystiri doono heshiisyadaas dawladda cusub waxa uu ka codsaday in xiriirka
dibedana la hagaajiyo waayo caalamka oo dhan waxa ay maanta la yaaban yihiin
sida ay doorashadii ugu dhacday dimuqraadinimada,sidoo kale waxa uu Cadde ka
hadlay dhinaca dibuheshiisiinta iyo DFKMG ah in aan taageersanahay sdii uu
shalay uga hadlay Madaxweynaha Cusub ee la doortay waana in aan wax ku yeelanaa
dibuheshiisiintaa oo ay inooga qaybgalaan Mas’uuliyiinta DGPL.
Sidoo kale waxaa hadalkii qaatay Madaxweynaha Cusub ee la doortay Mudane
Cabdiraxmaan Sh.Maxamed Maxamuud(Faroole)wuxuuna ugu horraynba u mahadnaqay
maamulkii hore ee uu madaxda ka ahaa Cadde Muuse Xirsi oo ka dhabeeyey
balanqaadkii ahaa in ay doorashadu ay dhici doonto waqtigeeda ayna ku dhacday si
nabadgelyo ah,wuxuuna Madaxweynaha cusubi intaasi raaciyey in uu Cadde Muuse uu
yahay la taliyihiisa khaaska ah ee uu mar kasta la tashan doono haddii alla
idmo.uuna kala shaqayn doono dhinaca mashaariicda iyo horumarinta dalka.maadaama
uu yahay qof wax walba og uu ula socdo tallaabo tallaabo oo aanan anigu waxba
kala socon. Sidoo kale waxa uu Madaxweynaha Cusubi ka hadlay xaaladda Soomaaliya waxaanu u
diray baaq ku aadan Nabadgelyo in ay ku waaraan heshiiyaana,waxa uu kaloo baaq u
diray Madaxweynuhu beesha Caalamka kana codsaday gargaar kana caawiyaa dhinaca
horumarka iyo Ammaanka si shacabka reer Puntland ay u gaaraan horumar iyo
Barwaaqo.
Dhinaca kale waxa uu madaxweynaha Cusubi ka hadlay degaanada Puntland ay deriska
yihiin kuwaasi oo uu ugu baaqay derisnomo wanaag,degaanada ay haystaana ay isaga
baxaan si nabadgelyo. Waxaa isna xafladaasi ka hadlay guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Cabdirashiid
Maxamed Xirsi wuxuuna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay xilwareejinka ka
dhacaysa maanta hoolka Baarlamaanka,isagoo sheegay in uu maamulka Cusub ka
rajeynayo in ay wax ka qabtaan xaaladaha hadda ka jira Puntland.
Ugu dambayntii waxaa xafladda soo gabagabeeyey Hoggaanka Isimada Puntland Islaan
Ciise Islaan Maxamed,wuxuuna mahad ballaaran u soo jeediyey Maamulkii Hore ee uu
hoggaaminayey Mudane Maxamuud Muuse Xirsi oo soo gaarsiiyey maanta halka ay wax
joogaan,wuxuuna Islaanku la dardaarmay Maamulka cusub in ay u shaqeeyaan dadka
kana shaqeeyaan waayo hadaydaan annagga marka hore wax naga qaban waxba nooma
qaban kartaa ayuu yidhi Islaanku,waxaana idin eegi doonaa waqtigan waqtigiisa
haddii ilaah idmo.
Faafin: Somalitalk.com | Jan 11, 2009
|