Xaqiiqada Dhabta ah ee ka dambaysa"Sharciga Batroolka
Soomaaliyeed".....
Baarlamaanka DFKMG ma ansixin doonaa"Sharciga Batroolka
Soomaaliyeed" ee Khayraadka Shacabka Soomaaliyeed Lagu Duudsinayo 70-ka
Sano ee soo socota....
- Warbixintii iyo faalladii SomaliTalk.com | Aug 12, 2007
Waxaa beryahan magaalada Baydhabo ka socda xusul duub ay xukuumadda
DFKMG ugu jirto in si degdeg ah uu baarlamaanka DFKMG u ansixiyo sharci loogu
magac daray "Sharciga Batroolka Soomaaliyeed".
Haddaba, waxaa SomaliTalk.com soo gaarey xog gaar ah oo la xiriirta qorshaha dhabta
ah ee ka dambayeeya ansixinta xeerkaas lagu qalqaalinayo Baarlamaanka DFKMG ee fadhigoodu yahay Baydhabo. Waana tan qayb ka mid ah xogtaas oo
aan soo koobnay: Bishii June 12, 2006, ayaa
magaalada Malindi ee ku taal xeebta Kenya waxaa xukuumada DFKMG loogu
soo bandhigay qoraal ka kooban 68 bog oo ku qoran "PowerPoint"
oo nuxurkiisu ahaa sidii loo qaybsan lahaa Batroolka Soomaaliya,
kaas oo ka gooni ahaa sharci ka koobanaa 49-qodob oo ku qoran 43-bog
oo ah PDF "Draft" ah 'Sharciga batroolka Soomaaliyeed" oo maraas
gacanta loogu dhiibey DFKMG, si looga ansixiyo baarlamaanka. Waxaa layaab
leh in arrintaas loo soo bandhigay DFKMG ay lataliyaal ka ahaayeen
shakhsiyaad ajnebi ah oo leh ama saami ku leh shirkado lagu xusay isla
qoraalkaas lagu soo bandhay Malindi, isla markasna si qeexan loogu
caddeeyey in ay yeelan doonaan saamiga batroolka Soomaaliyeed
boqolkiiba 49% [Warkaasi makaa daadegey - waxaa dhici karta
in aad maalmahan -Agoosto 2007-
maqashay shirkaddaha Kuwait-Energy iyo MedcoEnergi oo heshiis la galay
DFKMG - laakiin xaqiiqo
ah June 2006 DFKMG waa sii ogeyd heshiiskaas].
Lataliyayaashii DFKMG u soo bandhigay xeerarka "Sharciga Batroolka Soomaaliyeed"
bishii June 12, 2007, waxaa ka mid ahaa:
- Sara Akbar oo madax u ah shirkadda Kuwait
Energy
- Dr Manssour Aboukhamseen agaasimaha Kuwait Energy
- Mohammad Al-Howqal agaasime xagga ganacsiga ee Kuwait Energy
- Hilmi Panigoro madaxweynaha shirkadda MedcoEnergi
- oo ah shirkad laga leeyahay dalka Indonesia
- Patrick Molliere lataliyaha gaarka ah ee madaxa shirkadda
MedcoEnergi
- Indra Prawirodipooero agaasimaha qorshaynta iyo dhaqaalaha ee
MedcoEnergi
- Iman Suseno lataliye xagga sharciga ee shirkadda MedcoEnergi
- J. Jay Park qareen jaal la ah Macleod Dixon LLP oo ah
reer Canada
- Thomas E. Valentine qareen jaal la ah Macleod Dixon LLP
- iyo rag ka tirasan DFKMG...
Waxaa markaas (June 2006) DFKMG loo soo bandhigay jadwalka la
raacayo si loo dhaqan geliyo sharciga batroolka oo markaas gacanta
loo geliyey DFKMG, waxaana la qorshaynayey in sharcigaasi dhaqan
galo bishii July 25, 2006, sida ku cad bogga 42aad ee qorshaha ay
lataliyayaasha kor ku xusani u soo bandhigeen DFKMG. [Dabcan
sharcigaasi weli -Aug 12, 2007- ma dhaqan gelin, waana arrinta hadda la rabo in la mariyo
baarlamaanka Baydhabo.] Waxaa kale oo aad u layaab badnayd in kooxdaas isku
magacaabay lataliyayaasha DFKMG ay bogga 43aaad ee qoraalka ay ku soo
bandhigeen Malindi oo uu goobtaas fadhiyey ra'iisul wasaaraha DFKMG,
Cali Maxamed Geeddi, in
ay ku qorayd sidan: Jadwalka Qorshe soojeedinta batroolka Soomaaliya...
- June 12- August 15, 2006: in la dhamaystiro qorshaha Wax
soosaar Wadaagga ah, la diyaariyo xeerarka saamileyda iyo sharciga
Hay'adda Batroolka Soomaaliyeed iyo diyaarinta sharciga batroolka Soomaaliya.
- August 31, 2006: in shirkadda MedcoEnergi (Indonesia) iyo
Kuwait Energy (KE - Kuwait) la siiyo 49% saamiga Hay'adda
Batroolka Soomaaliya (HBS). Isla markaasna in Wasiirka batroolku uu
ansaxiyo saddex agaasime oo ay yeelaneyso hay'adda batroolka
Soomaaliya (2 agaasime oo Medco, 1 ka imanaya KuwaitEnergy) kuwaas
oo ka mid ah toddobada agaasime ee Hay'adda Batroorka Soomaaliya [oo
ah hay'adda la qorshaynayo in uu ansixiyo Baarlamaanka DFKMG].
- September 15, 2006: Uu markaas wasiirka batroolku warqad u diro
kuwa hore loogu ogolaaday heshiiska [bal eeg kuwa la
sheegayaa waa shirkadaha la taliyayaasha ah ee KuwaitEnergy & Medco oo
sida muuqata laga qayb gelinayo agaasimidda hay'adda batroolka.]
Waxaa intaas dheer in lataliyayaasha ajnebiga ah ay "u
ogolaadeen" ama u qoondeeyeen hay'dda batroolka Soomaaliyeed
(H.B.S.) ee la dhisayo in ay qayb ku yeelan karto saamiga batroolka
Soomaaliyeed boqolkiiba 40% (saamigaas oo loo kala qaybiyey
30% oo ay yeelaneyso Shirkadda Batroolka Soomaaliyeed -
SH.B.S. "oo iyadana la dhisayo", iyo 10% ay yeelanayaan
Dawlad Goboleedka meesha batroolka laga baarayo - taas oo markiiba
keentay is-herdigii DFKMG iyo DGPL iyo safaradii Geeddi ku tegey
Puntland - taas oo ay dheer tahay in meesha laga saaray shirkaddii
Range Resources oo ay wadatey DGPL]. Haddii aad loo sii dhuuxo
arrinta ay soo bandhigeen lataliyayaashaas ajnebiga ah waxaa soo
bexeysa in aan la sheegin cidda loo qoondeeyey inta ka dhiman
saamiyada la sheegay oo ah 11%. Waayo waxaa la xusay: 49%
[KuwaitEnergy & Medco] + 30% [SH.B.S.] + 10% [DGobleed] oo isku
darkoodu yahay = 89%. [Xaggee arrintu iska qaban la'dahay, mase waa
duudsin aan gabbada lahayn, ayaa dhici karta in aad is weydiisid...]
- Haddii hab kale loo xisaabiyo oo la yiraahdo
30% la siiyey HBS ayaa waxaa 49% kamid ah leh shirkadaha
KuwaitEnergy & Medco, markaas su'aashu waxay tahay in meel la saaray
30% HBS [oo 49% ay leedahay KE&medco iyo 51% Dawladda] + 10%
DGoboleed = 40%. Markaas 100-40=60 : Waa su'aale markaas 60% xaggee
la saaray - Waa xisaab wareersan... Balse aan ku gaabsano in ay
maqan tahay 11% oo keliya si xisaabtu inoogu fududaato, xisaabtanka
rasmiga ahna Baarlamaanka ayaan u dhaafnay.
Shirkadda Kuwait Energy
oo ah shirkad aad u yar oo sida ku cad weysite-kooda la
asaasay bishii Agoosto 2005, ayaa sida kor ku xusan ka mid ah lataliyayaasha xeer
dejinta shidaalka Soomaaliya, waxaana cad in xilligaas shirkaddaas
iyo jaalkeed loo
qoondeeyey 49% saamiga wixii faa'iido ka soo baxa Batroolka Soomaaliya,
marka la dhaqan geliyo xeerka batroolka ee ay isla shirkaddaasi
lataliyayashiisa ka mid tahay!. Haddaba su'aashu waxay tahay sidee
loo aqbali karaa xeer ay dejiyeen kuwa leh shirkadaha iyagu isa
siiyey saamiga ugu badan, isla markaasna ka mid noqonaya kuwa
maamula Hay'adda Batroolka Soomaaliyeed? - Jawaabta waxaan u
dhaafnay cidda arrintaas go'aankeeda leh oo ah Baarlamaanka DFKMG ee
fadhigisu yahay Baydhabo iyo shacabka Soomaaliyeed.
Sharciga la
Horgeynayo Baarlamaanka DFKMG: Inta aynaan u gudbin qodabo ka
mid ah sharciga hordhac ah, waxaa xusid mudan in sharcigaas markii
loo dhiibayey DFKMG in aad looga dhaadhiciyey in ay si degdeg ah u
hirgeliso.
Arrintaasna waxaa daliil u ah jadwalka sare ee ay soo bandhigeen
lataliyayaashu. Waxaa taas dheer in bogga 14aad ee qoraalka
[PowerPoint] in DFKMG lagu xusuusiyey in batroolka dhowaan laga
gudbi boono sidii looga gudbey xilligii loo aqoonjirey waagii
dhagaxa "Stone Age", arrintaas oo looga gol lahaa in DFKMG la tuso
in ay xeerka loo soo bandhigay hore ka aqbalaan. Lataliyayaashu
waxay DFKMG xusuusiyeen in batroolku uu qiimo yeeshay
sannadkii 1870, uusana wax qiima ah yeelan doonin marka la gaaro
2070, iyagoo markale xusuusiyey halkudhegii laga soo xigtey Sheikh
Zaki Yamani oo ahaa wasiirkii hore ee Batroolka Sucuudi Arabiya ,
hadalkaas oo ahaa "Dhamaadkii batroolku waa soo dhow yahay. Xilligii loo
aqoonjirey waagii dhagaxa waa dhammaaday asagoo aysan sabab u ahayn
dhagax la'aan. Xilliga batroolkuna wuxuu dhammaanayaa ayadoo asan
sabab u ahan batrool la'aan". Qodobo ka mid ah Sharciga
Batroolka Soomaaliya:
Sida kor ku xusan sharciga Batroolka Soomaaliyeed ee la
qorshaynayo in la hor geeyo baarlamaanka Baydhabo waxa uu ka kooban
yahay 49-qodob, waxaana hoos ku arki doontaa sharciga hordhaciisa
ama 'Draft" oo dhamaytiran. Balse waxaan marka hore faallo kooban ka
bixin doonaa qodobada nuxurka u ah Sharciga Batroolka Soomaaliyeed
ee la hor dhigi doono baarlamaanka DFKMG si ay u ansixiyaan:
Qodobka 6aad: Qaybta 6.1: Isticmaalka Awoodaha iyo xilalka Shaqo. Waxaa iska leh
Wasaaradda iyo Hay'adda "Batroolka Soomaaliya" (HBS) oo ugu dhaqmaya si waafaqsan sharcigaan iyo xeer nidaamiayaashiisa.....
Qodobka 8aad: Sharcigan waxaa lagu dhisay hay'adda nidaaminaysa hawlaha batroolka, laguna magacaabo Hay'adda Batroolka Soomaaliyeed oo leh shakhsiyad qaanuuni ah, oo hoos imanaysa wasaaradda.
Qodobka 8.2: Maamulka HBS. Dawladu waxay magacaabaysaa guddi maamula hay'adda Batroolka Soomaaliyeed (HBS) oo ka koobnaanaya
ugu yaraan shan (5) ugu badnaana toddoba (7) xubnood....
Guddigu wuxuu haynayaa maamulka ugu yaraan muddo afar sano ah.... [Halkaas
xusuuso in Malidi ay lataliyayaashu ku soo bandhigeen hadalkii ahaa- in Wasiirka
batroolku uu ansaxiyo saddex agaasime oo ay yeelaneyso hay'adda batroolka
Soomaaliya (2 agaasime oo Medco, 1 ka imanaya KuwaitEnergy) kuwaas oo ka mid ah
toddobada agaasime ee Hay'adda Batroorka Soomaaliya - sow warku ma
cadda.]
Qodobka
8.5: Shuruudaha Guddiga Maamulka. Shakhsiga ka mid ahaanaya guddiga
maamulka ee HSB lama magacaabi karo ama looma ogolaan karo xubinimo
haddii uusan muwaadin Soomaali ahayn ama uu yahay milkiile, saamile, agaasime,
sarkaal rafiiq ganacsi, iwm, oo ku dhex jira hawlaha wax soo saarka, gaditaanka, iibinta,
gudbinta, dhoofinta iyo keenista, iwm, ee la xiriira arrimaha batroolka ee wadanka.....
[Qodobkaasi waxa uu diidayaa soo jeedintii lataliyaasha maadaama ay ajnebi
yihiin - malaha waa arrinta sababtay in uu sharcigani daba dheeraado si
labadaas la isu waafajiyo, ayadoo la rabo in baarlamaanka loo sheego kemedda ah
"xubinimo" in aysan la mid ahayn "maamulid" ama "agaasime", oo la yiraahdo qofku
isagoo aan xubin ka ahayn HBS ayuu agaasime ka noqon karaa! - Haddii arrintu
aysan sidaas ahayn malaha waxaa indhaha baarlamaanka laga weecinaya saamiga ah
49% ee HBS ee la siiyey ajnebiga iyo saamiga aan meel la saaray la cadayn.]
Qodobka 9aad: Samaynta Shirkadda Batroolka Soomaaliyeed [SH.B.S]. Shirkadda batroolka Soomaaliyeed waxay leedahay
shakhsiyad qaanuuni oo leh qaab shirkadeed. [Waa shirkad labaad oo ka
duwan Hay'adda Batroolka Soomaaliyeed.] - Ujeedada Shirkadda Batroolku
Soomaaliyeed (SHBS) wa mid ganacsi oo ay kontroosho Dawladdu, si ay u qabato
hawsha batroolka ee Soomaaliya gudaheeda..... Shirkaddu waxay heli kartaa
rukhsad ku salaysan gadasho xuquuq si toos ah iyadoo raacaysa hab tartan oo ay
soo bandhigtay HBS, si la mid ah xaaladaha shakhsi kastoo kale. [Halkaas
dhuux...]
Qodobka 9.2: Golaha Maamulka Shirkadda Batroolka. Shirkaddu waxay yeelanaysaa gole maamul oo ka kooban shirguddoon, Agaasime guud iyo in aan ka yarayn saddex (3) kana badnayn todoba (7) Agaasimeyaal kale.
Waxaa qodobada sare ka muuqda in Wasaarada Batroolka laga hoos samaynayo
Hay'adda Batroolka Soomaaliyeed (HBS), taas oo leh ilaa 7-agaasime. Waxaa kale
oo la samaynayaa Shirkadda Batroolka Soomaaliyeed (SHBS) taas oo leh ilaa
7-agaasime iyo 1-agaasime guud iyo shirguddoon. [Baarlamaanka ayaa arrintaas
laga filayaa in uu su'aal xukuumadda ka weydiiye waxa arrintaas jaahwareerka ah
ka dambeeya.]
Awoodda la siinay hay'adda HBS, waxaa ka mid ah:
Qodobka 21aad: Qaybtiisa 12.1: Ruqsadda Sahaminta. Awoodda Bixinta: Hay'adda Batroolka Soomaaliyeed (HBS)
waxay siin kartaa ruqsad sahamineed, oo la xiriirta goob cayiman, shakhsi qaanuuni ah ama koox shirkado ah;
Qodobka 13aad: (13.1) - Heshiiska Wax-soosaar Wadaagga - Awoodda Bixinta:
Hay'adda Batroolka Soomaaliyeed waxsay la gali kartaa heshiis Wax-soosaar Wadaag ee ku saabsan goob cayiman, shakhsi ama koox ashkaas ah, kadib markay cadaato in shakhsigaas ama kooxdaasi ay galeen heshiis wada shaqayneed
oo ay oggolaatay HBS.... Heshiis kasta oo wax-soosaar wadaaag ah waxaa saxiixaya Wasiirka, isagoo tixgelinaya talada HBS.
Hay'adda Batroolka Soomaaliyeed hawshiidu intaas ka weyn, bal eeg : Qodobka 14aad: (14.1) - Ruqsadda ku dhaqanka dhulka- Awood bixinta - HBS waxay siin kartaa shakhsi ama koox ashkaas ah ruqsad ku dhaqan dhuleed oo la xiriira aag cayiman....
Waxaa aad layaab u leh hay'adda awooda intaas leeg la siinayo in aan lagu xusin
qodobka la xiriira ilaalinta degaanka - qodobka 17aad: Ilaalinta Bii'adda - Waajibaadka wax ka qabashada bii'adda. Shaqsiyaadka ruqsadda haysta ee wada hawlaha batroolka waxaa laga rabaa:
- in ay yareeyaan wax u dhimidda bii'adda, iska ilaaliyaan in khasaare loo geysto batroolka....
[lataliyayaasha ajnebiga ah malahooda halkaas aad ayey tabcada ula heleen
Soomaalida - waa haddii baarlamaanku hirgeliyo xeerkaas'e... waayo.. sidee qof
aan isagu dalka lahayn loogu aamini karaa in uu deegaan kuu ilaaliyo...]
Mas'uuliyadda ilaalinta degaanka si looga fogeeyo HBS waxaa qodobka 17aad, qaybtiisa
(17.2) ku xusan - Xeerka Nidaamiya batroolka. Wasiirka waa inuu soo saaraa xeerar si cad oo buuxda u qeexaya waajibaadyada saaran shaqsiga ruqsadda haysta.....
[Hay'adda batroolka Soomaaliyeed maadaama la qorsheynayey in agaasimayaasheeda
ay ka mid noqon doonaan ajnebi ayaa malaha xilka loogu weeciyey wasiirka aan
awooda lahayn ee la sheegay in uu talada ka qaadanayo HBS...]
Waxaa xusid mudan in qodobada 37aad iyo 38aad ay xuseen ciqaabaha la xiriira bii'ada haddii la kharibo, laakiin ma cadda hay'adda taas dabagalka ku samayn doonta.
Qodobka 24aad: Shirkadda Batroolka Soomaaliyeed iyo ka qaybgalinta Dawlad Goboleedka. (24.1) Heshiis kasta oo wax-soosaar Wadaag ah
waa in ay ku caddahay: (24.1.1) - Xaqa ay Shirkadda Batroolka Soomaaliyeed u leedahay in ay ka qayb gasho hawlaha Batroolka, ugu badnaan ka qaygal dhan
30%; iyo
(24.1.2) - Xaqa qandaraaslaha ee ka midka ah Dawlad Goboleed, taas oo ka mid ah Jamhuuriyadda Soomaaliya dhulka ruqsadda lagu baxshay uu ku yaallo, si ay uga qayb gasho hawlaha batroolka ilaa iyo heer gaarsiisan
10% ugu badnaan marka la eego xaqa ka qaybgalka. [Markale eeg Soomaalida
oo dhan waxaa xeerku u qoondeeyey boqolkiiba 40% oo keliya khayraadkii batroolka
Soomaaliyeed, waxaa soo haray 60%, taas oo 49% la siiyey Lataliyayaasha
Sharcigan. Weli waxaan meelna lagu sheegin 11% cidda loo qoondeeyey.]
Qaybsigii
Batroolka Soomaalida
Qoraalkii lataliyaasha shirkadaha Kuwait Energy & MedcoEnergi ay DFKMG
magaalada Malindi ugu usoo bandhigeen June 12, 06, ee qaybsiga
Batroolka Soomaalida, oo ku qoran:
PowerPoint ama
PDF. |
Qodobka 28aad: Xisaabid iyo Baaris - Kormeere - HBS waxay u magacaabi kartaa shakhsi in uu noqdo kormeere, marka laga hadlayo ujeedooyinka sharcigan, kormeeruhu wuxuu yeelanayaa awoodaha iyo xuquuqaha lagu siiyey xeerkan.
[Kormeerka ama shaqada ugu horeysa ee kormeeraha laga rabo waa in uu caddeeyo
sababta keentay in la siiyo saami ah 49% lataliyayaashii xeerkan dejiyey.]
Qodobka 32aad - Wargelinta Dadwaynaha - HBS waa in ay gacanta u galisaa dadwaynaha shuruudaha muhiimka ah ee la soo koobay, lana xiriira, dhammaan ruqsadaha iyo isbadallada ku saabsan ee la soo bandhigay, haddii ay yihiin kuwo la joojiyey ama haddii kalaba.
[ma la rumaysan karaa Hay'ad qaabkaas lagu soo dhisay in ay xaqiiqo soo
bandhigto...]
Qodobka 5.1: Lahaandhaha iyo hanashada batroolka ku jira
dalka Soomaaliya wuxuu ku salaysan yahay hanti Qarameed oo ay
dawladdu gacanta ku haynayso, dadweynuhuna uu ku aaminteen.
[batrool aanba gacanta lagu hayn ama la hubin in xeerka loo
samaynayo cidda si caddaalad iyo furfurnaan ah u socodsiin weydey,
sidee loo aamini karaa in ay si caddaalad iyo sinnaan ah u qabin
doonto khayraadka laga helo haddiiba la helo bartool!]
Qodobka 5.2: Shaqsi wuxuu yeelan karaa lahaansho batrool,
keliya ka dib markii si sharci ah loo siiyo ruqsad heshiis
wax-soosaar wadaag... [Qodobkan oo ka hor imanaya qodobka ka
horeeyey ee 5.1, waa meesha loogu gogol dhigayo in gebi ahaanba
shakhsiyaad gaar ah lagu wareejiyo batroolka Soomaaliya-- Xusuuso
hadaladii lataliyayaashu ka soo jeediyen malindi June 12, 2006.].
Isku soo duub oo, sharciga loogu magac daray "Sharciga Batroolka
Soomaaliya" waa mid ay taladiisa ugu weyn soo jeediyeen
lataliyayasha leh shirkadaha la siiyey saamiga ugu badan ee
batroolka Soomaaliya. Arrintaas oo bishii June 2006 DFKMG loogu soo
bandhigay magaalada Malindi, qorshahaha soo bandhigidana lagu qoray 68 bog oo
ah "PowerPoint" iyo 43-bog oo ah PDF.
Haddaba, qaybta 68 bog oo ah "PowerPoint" waxaan
soo bandhigi doonaa xilli kale, laakiin hadda hoos ka eeg linkiga
43
-bog oo ah PDF oo ah sharciga batroolka Soomaaliyeed nuqulkiisa
ugu horeeya, kaas oo la qorshaynayo in laga ansixiyo baarlamaanka
DFKMG
Sidoo kale akhri qoraal uu qoray Dr. Mohamed Firimbi oo
cinwaan-kiisu yahay "Somalia:
Can It Escape The Resource Curse?" oo ku qoran Af-Ingriisi -
pdf. [Waxaad qoraalkaas ka heli doontaa magacyada qaar ka mid ah
madaxda Soomaaliyeed ee goob-joogga ka ahaa meesha lagu soo
bandhigay xeerkaas loo samaynayo Soomaalida].
Sidoo kale si aad wax badan uga ogaatid shirkadda KuwaitEnergy
akhri qoraalkii cinwaankiisu ahaa "Muxuu Yahay Heshiiska Qarsoon Ee
Dhex Maray Madax Ka Tirsan DFKGS Iyo Shirkada Kuwait Energy Oo
Sheegatay In Ay Maamuleyso Shidaalka Soomaaliya" ee
S.E.C.G. [Somalia Energy Concern Group].
Sida loogu shaxayo batroolka Soomaaliya ka
akhri qoraalkii Katie Nguyen (reuters) ee cinwaankiisu ahaa
Power play at centre of Somalia oil debate
- English.
LIFAAQ:
Aqoonyahannada Soomaaliyeed ee xirfadda u leh akhrinta waraaqaha
ganacsiga, waxaa la gudboon in ay shacabka Soomaaliyeed u sharaxaan
dakhliga ay haystaan shirkadaha lagu wareejiyey 49% saamiga
batroolka Soomaaliyeed, waayo waxaa la ogyahay in barnaamijka soo
saaridda batroolku in uu u baahan yahay shirkaddo leh miisaaniyad
aad u badan ooka bixi kara hawshaas culus, sidaas daraadeedna aysan
haboonayn in shacabka Soomaaliyeed lagu maaweeliyo shirkadu
dulaaliin ah...
-
Eeg Warbixinta Miisaaniyaddii Dhaqaalaha shirkadda Kuwait Energy
ee 2005-2006....
- Arrintaas waxaad barbar dhigtaa in hal ceel oo ay Kenya
shidaal ka baartay meel u dhow xeebta Soomaaliya in shirkadihii
baarayey ay ku bixiyeen $100 million oo doolar... [Ceelka "Block
L-5" waxa uu ku yaal meel 135 km Waqooyi-Bari ka xigta magaalada
Lamu ee dalka Kenya. Ceelkaasi waxa uu xeebta u jiraa 80 km.
Ceelkani waxa uu ka mid yahay laba ceel oo saddexdii bilood ee
ugu dambeeyey (October - Janaayo) ay ku baxday lacag dhan $100
million... Eeg halkan...]
Xigasho: GaroweOnline.com | kuwaitenergy.com.kw | medcoenergi.com
| GoogleNews | YahooNews | VOA |AP | AFP | Reuters | Iyo ilo wargal
ah....
Warbixintii iyo faalladii SomaliTalk.com | Aug 12, 2007
Heshiiska Is -Afgaradka uu galayay maamul goboleedka puntland iyo
Gudoomiye Shariif Xasan Sheekh Aadan, Ku simaha Madaxweynaha
Jamhuuriyada Federalka KMG.
Heshiis Batrool oo ay kala saxiixiixdeen Madaxweynaha Maamul
Goboleedka Puntland Jen. Cadde Muuse Xersi Gudoomiyahii hore ee
Baarlamaanka shariif xasan sh.adan ahaana xilligaa uu heshiiska Is
-AFgaradka uu galayay maamul goboleedka puntland Gudoomiye Shariif Xasan
Sheekh Aadan Ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka KMG waa sida
uu ku saxiixay Mudane Shariif Xasan. Heshiiskan ayaa ka koobanaa 6-qodob
ayaa mas'uuliyiintan kala saxiixdeen sida ku cad qoraalka heshiiska
rasmiga ah May 30,2006.. Eeg
Nuqulka Heshiiskaa..
Baarlamaanka Federal KMG ayaa iminka waxaa horyaala Sharciga Baroolka
Soomaaliyeed oo maalintii khamiista [Aug 9, 2007] loo qeybiyay nuqulo
Sharciga Bartoolka ah taasoo ay mudayaasha baarlamaanka ee ku sugan
Baydhabo ka doodi doonaan sharciga batroolk.
Maxamed macallin Cismaan{All-man} Somalitalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com |
Aug 13, 2007
|