SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - OIL

Khilaaf Xooggan oo Soo Kala Dhex Galay Madaxda Jujuubka Ku Haysta Siyaasadda iyo Dhaqaalaha Puntland...

Khilaafkan 5-Geesoodka ah ayaa u dhexeeya Madaxweyanaha DGPL, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Amniga, Wasiirka Batroolka iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland.... Waxaana bilowday waqti cusub oo raggii siyaasadda Puntland u xirayd ay sii kala fogaanayaan.

Waxaa muran ka taagan yahay sidii madaxda sare ee Maamulka Puntland ay u qaysan lahaayeen $200,000 doolar oo laga soo qaaday shirkadaha Batroolka....

Waxa jira qorshe lagu kordhinayo Cashuurta Puntland boqolkiiba 10% si loogu ilaaliyo shirkadaha Batroolka, shacabkana gacan adag loogu qabto....

  • Ilo wargal ah | Jan 26, 2008

somaliaXaaladda guud ee siyaasadeed ee Puntland ayaa beryahan dambe noqotay mid aad u qasan, waxaa jira hardan siyaasadeed iyo kala horarsi dhaqaalaha dalka. Arrimahan ayaa sababay in ragga shirkada ku ahaa maamulka iyo siyaasadda Puntland inay kala shakiyaan.

Waxaa soo baxaya warar lagu kalsoon yahay oo dibadda yaal oo sheegay in Wasiirka Maaliyadda Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) iyo madaxweynaha DGPL, Maxamuud Muuse Xirsi (Gen. Cadde Muuse) uu u dhexeeyo khilaaf xooggan oo dhinaca siyaasadda iyo dhaqaalaha ah. Intaas waxaa weheliya Gaagaab oo isu arka inuu yahay ninka ku habboon hoggaanka Puntland marka la barbar dhigo Cadde. Hadal uu Gaagaab ka jeediyey Dubai mar uu halkaas Booqasho ku tegey ayuu tibaaxay "inaanu jirin Cid isaga kaga wanaagsan oo meesha joogta (Puntland)."

somalia oilWaxaa khilaafka soo dedejiyey Gen. Cadde Muuse oo u arkay inuu waqtigan xagal daacinayo Gaagaab. Sidoo kale S/Guuto Cabdullaahi Saciid Samatar oo ah wasiirka cusub ee Amniga Puntland ayaa si furan u sheegay inuu doonayo kharashka hawlgalka Wasaaradiisu inuu ka madax bannaanaado Gaagaab. Tan oo ka sii caraysiisay Wasiirka Maaliyaadda oo dadka wargal ah ay ku tilmaamaan in uu isu arkayey ra'iisul Wasaaraha Puntland.

Waxay dadka siyaasadda Puntland ka faallooda ay sheegayaan inuu bilowday waqti cusub oo raggii siyaasadda Puntland u xirayd ay sii kala fogaanayaan.

cashuurWaxaa la qorshaynaayaa in S/Guuto C/laahi Saciid, Wasiirka Amniga Puntland, la siiyo kharash gaar ah oo loo saaro canshuurta (boqolkiiba 10%). Tan oo uu aad uga soo horjeedo Gaagaab oo aaminsan in aan C/laahi Saciid waxba ka duwanayn Wasiiradda kale ee Puntland.

Siday doonaan arrimuhu ha ahaadeene, warar xog ogaal ah ayaa tilmaamaya in Dr. Gaagaab uu qorshaynayo inuu booska ka saaro Cabdulaahi Saciid siduu wasiiro badan oo hore uu booska uga saaray, markaanse xaalku waa ka duwan yahay sidii hore. Liibaan Muuse Boqor (oo Wakiil u ah qorshaha shirkadaha ajnebiga ee Batroolka) ayaa isaga waxaa la sheegayaa inuu markii hore aad ugu xirnaa Gaagaab balse hadda uu jaal la noqday Cabdulaahi Saciid oo ay isku beel yihiin dano gaar ahna dhowaan dhex mareen.

Xiriirka gaarka ah ee Sarreeye Guuto Cabdullaahi Saciid iyo Liibaan Muuse Boqor ayaa salka ku haya qorshe ay dejiyeen shirkadaha sheegaya in ay batrool ka baarayaan Puntland ee heshiiska la galay madaxda sare ee Puntland. Qorshahaas oo ah in shacabka Puntland iyo dadka ka soo horjeeda maamulka Cadde Muuse in gacan bir ah lagu qabto si aysan wax su'aal ah uga keenin waxa ay shirkadahaasi ka samaynayaan Puntland. Heshiiskaas oo qarsoodi ahaa ayaa ka dhacay magaalada London, UK, waxaana lagu dhamays tiray magaalada Dubai ee Imaaraadka Carabta, iyadoo lacagtii ugu horeeysay oo dhan $200,000 Dollar lagu wareejiyey Wasiirka [S/Guuto C/laahi] ka hor intii uusan Boosaaso ku soo laaban Jan 21, 2008.

cadde muuse
Gen. Cadde Muuse iyo S/G Cabdulahi Saciid

Waxaan muran weyn ka taagan yahay sidii loo qaybsan lahaa lacagtaas dhan 200 kun oo dollar oo ay bixisay shirkad kamid ah kuwa heshiiska Batroolka la galay Puntland, taas oo la sheegay in shirkadaasi ugu talo gashay in lacagtaas lagu xalliyo sugidda amni xumada Puntland oo ay ku hoos jirto in arrimaha Puntland lagu muquuniyo gacan bir ah.

Xasan Cusmaan Maxamuud (Xasan Aloore), oo ah wasiirka cusub ee Batroolka Puntland, ayaa ka caraysan in aan isaga loo dhiibin kharashka laga soo qaaday shirkadaha Batroolka maadaama uu isagu yahay wasiirka batroolka Puntland.

gaagaabWaxaa arrimaha sii kululaynaya taliyaha Booliska Sareeye Guuto Cabdicasiis Saciid Maxamuud (Gacamay) oo isna ku doodaya inuu isagu xaq u leeyahay inu u maamulo hawlaha Booliska iyo dhaqaaalahoodaba oo ay tahay in isaga loo dhiibo dhaqaalah laga soo qaaday shirkada ee loogu talo galay ammaanka.

Guud ahaan jaahawareerka soo dhexgalay qolyaha awoodda Puntland jujuubka ku haysta ayaa soo dedejin kara inuu dhexdooda ka dilaaco dagaal awooda la isku qabsanay. Taas oo uu Gaagaab ku qorshaynayo inuu Cadde iyo Cabdulaahi Saciid hal mar booska ka saaro.

Waxaa jira warar soo baxaya oo tibaaxaya si lacagtaas dhan $200,000 loo kala qaybsado, ayadoo aan lagu wargelin shirkadii laga soo qaaday, in qaar ka mid ah Madaxda maamulka Puntland ay qorshaynayaan in lacag dhan boqolkiiba 10% la saaro canshuurta Puntland taas oo loogu magac darayo in miisaniyad loo sameeyo Aminga.

Laakiin waxaa khilaaf kale ka taagan yahay yaa loo dhiibayaa lacagtaas cashuurta la saaray. Ma waxaa loo dhiibayaa wasiirka maaliyadda (oo sheegaya in wasaaradiisu xaq u leedahay maaraynta maaliyadda dalka), mase wasiirka amniga (oo sheegaya in uu isagu ammaanka qaabilsan yahay), mase taliyaha Booliska (oo sheegaya in uu isagu yahay kan amniga maxalliga qaabilsan), mase wasiirka Batroolka (oo sheegay in wasaaradiisu tahay tan batroolka arrimihiisa qabilsan), mase madaxweynaha si uu isagu toos ugu maamulo.

Khilaafkan shan geesooska ah ayaan la ogeyn waxa uu ku dhammaan doono.

Waxa kale oo la ogeyn xilliga uu golaha wakiillada Puntland ka doodi doonaan sharci batrool oo uu wato Gen. cadde Muuse in la ansixiyo.

Dhinaca kale waxaan weli war cad oo ku saabsan batroolka Soomaaliya laga hayn Eng. Maxamuud Cali Saalax (Kaanje) oo dhowaan uu Col. Nuur Cadde u magacaabay Wasiirka Macdanta & Tamarta DFKMG. Sidoo kale waxaan war sugan laga hayn xilliga uu baarlamaanka Baydhabo ka doodi doonaan sharciga Batroolka Soomaaliya ee lagu soo qoray Malindi.

kaanjeWasiirka cusub ee Tamarta & Macdanta, Eng. Kaanje, oo maalintii la magacaabay uu waraysi la yeeshay Radio Laasqoray ayaa sheegay in hawlaha wasaaradiisa iyo waxa ay qabanayaan ay wax badan kaga xiran yihiin ansixinta sharciga batroolka ee horyaal baarlamaanka Baydhabo. Waxa kale oo uu waraysigaas ku sheegay in Soomaaliya ay ka jirto hal dawlad sidaas daraadeedna ay Puntland ka mid tahay Dawladda FKMG. Waraysigaas (in kasta oo uu aad iyo aad khadka telefoonku u liitey oo aan si wacan loo maqlayn shucaac badana ku jiro) Hakan ka dhegeyso ama Halkan(mp3)

oil

ISHA WARKA: Ilo wargal ah...

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 26, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com