SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - OIL

DEKEDDA BOOSAASO OO AY KU SOO FOOL LEEYIIN LABO DOONYOOD OO LA SHEEGAY IN AY HUB KA KEENAYAAN YEMEN....

  • Ilo wargal ah ayaa sheegay in hubkaas loogu talo galay in lagu muquuniyo shacabka Puntland, laguna ilaaliyo shirkadaha Batroolka ee Puntland heshiiska la gashay iyo in lagu dheereeyo xukunka madaxweynanimo ee Gen. Cadde Muuse ilaa 2013...

Boosaaso, Feb 11, 2008: Warar laga helay ilo wargal ah ayaa tibaaxay in magaalada Boosaaso ay kusoo fool leeyihiin laba doonyood oo la sheegay in ay sidaan hub laga soo raray dalka Yemen.

Warku waxa uu tibaaxay in arrintan ay ka danbeysay ka dib markii GEN. CADDE MUUSE uu xilkiisii madaxtinimadda soo dhawaaday (Jan 8, 2005 - Jan 8, 2009) asagoo ka ballan qaaday Odayaal uu shir u qabtay (horraantii Febraayo 2008) in uu xilka sii hayn doono ilaa 2013 iyo uu jiro qorshe ay soo jeediyeen shirkadaha sheegay in ay batrool kabaarayaan Puntland oo ahaa in shacabka Puntland xoog lagu muquuniyo, shirkadahaas  bixiyey lacag arrintaas lagu fuliyo. Si rasmi ah weli looma oga in lacagta hubka lagu soo gaday ay tahay tii khilaafka dhalisay ee ay bixiyeen shirkadaha Batroolku.

Waxaa warku wuxuu tibaaxay in hubkan uu toos gacanta ugu gali doono madaxweynaha DGPL, Maxamuud Muuse Xirsi. Arrintan ayaa lagu tilmaamay in ay caddeyn u tahay in xukunka Puntland uu sii hayn doono Gen. Cadde Muuse afar sano oo kale maadama aysan cid ka hor imaan kartaa jiri karin.


Dekedda Boosaaso oo lagu sawiray dayax gacmeed | isha: GoogleEarth.

Arrimahan is-huwan ee ah hadalka Gen. Cadde Muuse u sheegay odayaasha iyo hubka la sheegayo in uu ka soo degayo Boosaaso ayaa ku soo beegmeya dhawr (ilaa 4) bilood ka dib mar uu C/laahi Yuusuf garoonka magaalada Garoowe ka sheegay in: Cadde Muuse uusan madaxtinimadda ku helin si fudud, balse uu u soo jabhadeeyay. G/sare C/laahi Yuusuf oo hadalkiisa sii watay ayaa yiri hadeynu aniga iyo Cadde Muuse runta ka hadalno waxaa dhexdeena ku naf waayay dhallin yaro badan (oo ah ilaa 350). Hadalkaan ayaa waxaa dhageysanaayay dhammaan isimadda, waxgaradka, iyo shacab weynaha magaaladda Garoowe. Arrintan oo la yaabeen dad badan oo maqlayay hadlkaas.

Ilo wargal ah waxay tibaaxeen: "Hubkan la sheegayo waxaa ka soo raray magaalada Sanca ee dalka Yemen Cali Cabdi Awaare oo ah wasiiru-dowlaha Iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda Gen. Cadde Muuse uu dhowaan soo magacaabay, oo maalmahan ku sugnaa dalka Yemen.

Xafiiska Mataaxtooyada Gen. Cadde Muuse oo ka hadlay safarka Awaare ku tegey Yemen ayaa war uu faafiyey February 6, 2008 waxaa lagu sheegay in: Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada ee arrimaha xiriirka caalamiga iyo arrimaha Bulshada, mudane Cali Cabdi Awaare, ayaa beryahan waxa uu booqasho howleed ku joogay Dalka Yamen. Wasiirka ayaa intii uu joogay dalkaasi Yamen waxa kulamo kala duwan la yeeshay qaybaha kala duwan ee dalkaasi Yamen. Mudane Cali Cabdi Awaare ayaa waxa uu Febraayo 6, 2008 la kulmay wasiirka arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyada Yamen, Dr. Abuubakar Al-Qirbi, kulankan ayaa waxa wasiirka ku weheliyey qunsulka Guud ee Soomaaliya Mudane Mukhtaar Maxamed Xasan (Mukhtaar Jeyte). Waa sida uu hadalka u dhigay xafiiska madaaxtooyada Gen. Cadde Muuse.


Cali Cabdi Awaare  oo la kulmay Dr. Al-Qirbi, Yemen Feb 6, 08. Sawirka: Madaxtooyada DGPL.

Mukhtaar Jeyte, Awaare iyo Al-Qirbi | Feb 6, 08, yemen: Sawirka: Madaxtooyada Puntland...

Cali Cabdi Awaare oo Idaacada Codka Maraykanku ay (Feb 6, 2008) wax ka weydiisey ujeedada safarkiisa Yemen ayaa sheegay in uu la kulmay Wasiirka Kalluumaysiga iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Yemen, arrimaha uu kala hadlayna ay ka mid ahaayeen tahriibayaasha ka soo dhoofa Xeebaha Puntland, taas oo weriyuhu weydiiyey maxay Yemen ka qaban kartaa dadka soo tahriibaya maadaama dhulka ay ka soo dhoofayaan uu yahay Puntland.. [Waraysigaas Dhegeyso 'mp3')..

Dawladda Yemen waxay u muuqataa mid dan weyni ugu jirto in uu sii jirto xukuumada Gen. Cadde Muuse, maadaama ay tahay xukuumad aan ka war hayn waxyaabah ay Yemen ka samaynaso xeebaha u dhexeeya Jasiirada Suqadara iyo Caluula, halkaas oo wararku tibaaxeen in yemen ay baaritaan shidaal ka wado, gaar ahaan aaaggaga loo yaqaan Block 92, 94, & 95.

Hubka la sheegayo in uu kusoo wajahan yahay Boosaaso ayaa waxaa walaac ka muujiyey shacabka Puntland.

Dadka deggan Puntland qaar ayaa waxeey ku leeyihiin "madaxtinimadda haloo daayo Cadde Muuse haddii kale bur bur aynu u diyaar garoowno". Waxaase jira in guud ahaan shacabka Puntland aysan wax kalsooni ah ku qabin xukunka Gen. Cadde Muuse oo dib u dhac weyn, kala-faquuq, musuq-maasuq, nin-tooxsi, cabsi gelin, dhaqaale xumo, waxbarasho la'aan iyo ammaan darri ka dhalatay intii uu xukunka Puntland hayey Janaraal Cadde Muuse.


Gen. Cadde Muuse iyo S/G Cabdulahi Saciid

Dhanka kale waxaa safarka Cadde Muuse ku tegey Addis Ababa (Febraayo 5, 2008) ku wehliya S/Guuto C/laahi Saciid Samatar oo uu dhowaan ku wareejiyey gacan ku haynta dhammaan aammaanka Puntland, sida Booliska, Nabadsugidda (sirdoonka) iwm. Arrintaas oo dad badan shaki gelisey maadaama uu (S/Guuto C/laahi Siciid) dhowaan heshiis qarsoodi ahaa la soo galay shirkadaha sheegta in ay Batrool ka baarayaan Puntland - heshiiskaas oo ka dhacay magaalada London ee dalka UK, laguna dhamays tiray magaalada Dubai ee Imaaraadka Carabta, iyadoo lacagtii ugu horeeysay oo dhan $200,000 Dollar lagu wareejiyey Wasiirka Amiga DGPL [S/Guuto C/laahi Siciid] ka hor intii uusan Boosaaso ku soo laaban Jan 21, 2008. Inkasta oo lacagtaasi ay khilaaf ka dhex dhalisay madaxda sare ee Puntland dhexdooda, haddana waxaa loogu talo galay in lagu muquuniyo shacabka Puntland si aysan wax su'aal ah uga keenin heshiisyada ay Puntland la gashay shirkadaha shisheeye, loona dhereeyo waqtiga madaxweynanimada Gen. Cadde.

Waxaa kale oo jira in dhowaan uu madaxweyne ku xigeenka Puntland, Xasan Daahir (Afqurac), uu idaacad ka hadasha Boosaaso u sheegay: in aan laysku mashquulin cunto dad makhaayad laga siiyo ka dibna la dhaho 'musharax ayaa ahay', qofkii doonaaaya in uu musharax noqdo Laascaanood marka hore ha soo xoreeyo. Hadalkaas Afqurac ayaa waxaa loo arkay in ay dhabar jab ku yahay musharaxiinta hantidooda ku bixiya sidii ay isugu sharraxi lahaayeen jagada madaxweyna-nimo ee Puntland, kuwaas oo dad weynaha maalin walba makhaayadaha cunadda ka siiya marka ay qorshahooda soo bandhigayaan, ama dadka la hadlayaan.

cabaaskk
cabaaskk@hotmail.com
somalitalk.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 11, 2008

BAARID | SEARCH


CADDE MUUSE: Xilka Waxaan Heynayaa ilaa 2013ka

nuur caddeKulan Ku Saabsan Batroolka oo Addis Ababa uga socda Yusuf, Cadde Muuse & Nuur Cadde: G/Sare Nuur Cadde Ma aqbali Doonaa heshiiska Range iyadoo aan Baarlamaanka Baydhabo ansixin Sharciga Batrool DFKMG.. Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: