SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - AUSTRALIA

Australia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources iyo Shirkadaha Jaalka la ah oo La Xaraashayo...


34 Parliament Place: oo laga guurey oo iib ah | Sawirka: theage.com.au

Source:
http://business.theage.com.au/

  • Tarjumadii SomaliTalk.com | July 8, 2008

Dhammaan Shimbirihii Yaryaraa waa ka Huleeleen Buulkii

Isha Warka: www.TheAge.com.au
Qore: Mark Hawthorne | July 8, 2008

Dhawr bilood ayaa ka soo wareegtey markii jariidadda The Age (Australia) ay warbixinta ka qortay shirkadaha kujira liiska suuqa Ganacsiga ee xaruntoodu tahay guriga cinwaankiisu yahay 34 Parliament Place, ee galbeedka magaalada Perth, waxayna u muuqataa in qaar aysan jeclaysan diiradda la saaray, sidaas waxaa ku bilowday qoraal ay July 8, 2008 faafisay jariidada The Age oo ay cinwaan uga dhigtay "Dhammaan shimbirihii yaryaraa waa ka huleeleen buulka".

Guriga xafiisyada ah waxa uu yahay, ama ahaa, xarunta shirkadaha Range Resources, Contact Uranium, Continental Capital iyo Artemis Resources — oo ah shirkaddo lagu yaqaan in ay ka dhexeeyaan agaasimayaal, oo midba mida kale ganacsi kula jirto ama, marmar, agaasimayaal iyo ganacsiba ka dhexeeyo. Laakiin hadda xafiiskaasi hadda waxaa lagu raadinayaa beec, waxaana laga filayaa in lagu iibiyo in ka badan $3 million marka shirkadda wakiilka ah ee Jones Lang LaSalle ay xaraashka dhigto Khamiista soo socota.

Waxaa xusid mudan, sida ku cad diiwaan gelintii ugu dambeysey ee Australian Securities and Investments Commission, in ay guriga (34 Parliament Place) leedahay shirkadda Bostock, taas oo ninka lagu magacaabo Steven Dellidis ee xaafaadda Doncaster East uu keligiis ka yahay agaasime iyo saamile shirkaddaas Bostock. Ninkaas lagu magacaabo Steve Dellidis waa saaxiibka ninka gawaarida urursada ee ah ganacsadaha reer Melbourne oo magaciisu yahay Leo Khouri.

Laakiin Steven Dellidis kuma qorna in uu yahay kan leh mulkiyadda saamiyada shirkadda Bostock. Waxaa ku qoran waa Khouri qudhiisa, waa sida ay maqashay The Age qaybteeda daahfurka.

Taasi waxay ku tuseysaa, in kasta oo lacag lagu qiyaasay $50 million ay kaga khasaartay dhaqaale burburkii Opes Prime, in ninka loogu yeero "Bastooladdii" [mr. Khouri] uu weli yahay nin lacag caddaan ah haysta.

Warqadda la saxiixo marka guriga la gelayo, waxaa ku qoran in guriga 34 Parliament Place uu yahay mid aan cidi deganayn (oo la faaruqiyey), taas oo isweydiintu ay tahay xaggee ayey hadda xarun ka dhigteen dhammaan shirkadihii gurigaas ganacsigooda ka hagi jirey. Gaar ahaan maadaama aan weli in badan oo shirkadahaasi aysan cinwaanka ay bedeleen u soo sheegin suuqa Ganacsiga Australia (ASX)

Waxaa xusid mudan laba qof oo xiriir la leh shirkadda Bostock iyo guriga 34 Parliament Place. Agaasimaha shirkadda Bostock waa Jane Flegg, oo sidoo kale ah xoghayaha shirkadda Contact Uranium, taas oo xafiis uga kiraysnaa guriga. Jane Flegg waxaa sida muuqata xiriir ka dhexeeyaa shirkado ku xiriirsan ninka lagu magacaabo John Stratton, kaas oo isaga qudhiisu xafiis ku lahaa guriga 34 Parliament Place.

Barnaamijka Four Corners ee TV ABC Australia waxa uu sannadkaas (June 2, 2008) warbixin ku sheegay in Stratton magaciisa lagu qoray in uu qayb ka ahaa dilkii madaxii hore ee shirkadda Randgold & Exploration oo magaciisa la oran jirey Brett Kebble oo lagu diley Johannesburg, Koonfur Afrika sannadkii 2005.

Agaasime hore shirkadda Bostock, ilaa October 2006, waxaa ahaa Peter Landau, oo hadda ah agaasimaha guud ee shirkadda Range Resources, ninkaas oo weliba xiriir weyn la leh Stratton. Shirkagga ganacsiga ee gaarka u ah Landau oo ah Lacka Consulting, waxaa iyadana shardi ku ah in ay xafiis cusub raadsaneynso maadaama la iib geeyey guriga 34 Parliament Place.

Dhanka kale, Dawlad Goboleedka Puntland waxay madax xanuun ku ridey shirkadda Range Resources, maadaama ay koox qabqablayaal dagaal oo xurgufi ka dhaxayso ay isku haystaan awoodda (waa sida ay jariidaddu warka u dhigtey'e). Shirkaddu waxay haystaa xuquuqda aan cidna kula tartami karin ee qoditaanka batroolka  Puntland.

Sida laga soo xigtey ninka Qaybta Daah-furka (ee Jariidada The Age) ay kala xiriirtay magaalada Perth, waxaa kala fogaansho u dhexeeya agaasimaha shirkadda Range Resources Peter Landau iyo maareeyaha guud ee Range Resources oo ah Michael Povey.

Sida muuqata waxaa Landau u qorshaysnaa in uu shirkadda (Range Resources) iskaga tago ilaa uu ogaadey ninka bedelaya isaga in uu yahay Khouri. In kasta oo uu ku khasaaray Opes Prime, hadana Khouri waxa uu ahaa mid maal gashi badan ku samaystay shirkadda Range bilihii ugu dambeeyey. Sida laga soo xigtey isha warka ee ku sugan magaalada Perth, madaxweynaha Puntland Cadde Muuse waxa uu xiriir dhow la leeyahay Landau, sidaas oo kale uguma qanacsana Khouri.

Si arrinta loo sii murgiyo, ayey tiri jariidada The Age, website la socda raadka Range ee dalka, oo hore loogu eedeeyey in uu dacaayad ka faafinayo Range, ayaa toddobaadkii hore ku waramay in Puntland lagu soo rogey xaalad degdeg ah. Kaddib saamiyada Range waxay shalay hoos uga sii dhaceen 6.8% iyagoo gaarey 20.5¢ centi. Saamiyada shirkadda Range waxay hoos u dhaceen in kabadan kala bar laga soo bilaabo horraantii bishii June 2008, iyagoo hoos uga soo dhacay 53¢, laakiin hore waxa ay ka soo kabteen hoos dhacii August 2007 ee ahaa 15¢.

Warar dheeraad ah oo la xiriira Khilaafka Shirkadda Range Resources Dhexdeeda

Sida ay daabacday jariidada The West Australian, cadadkeedii Sabti July 5, 2008, waxaa khilaaf soo kala dhex galay madaxda sare ee shirkadda Range Resources.

Jariidaddu waxa ay sheegtay in khilaafku u dhexeeyo agaasimaha shirkadda Range, Peter Landau, maareeyaha guud ee Range Resources, Michael Povey.

Khilaafkaas oo ay jariidadu sheegtay in uu salka ku hayo in Landau uusan ku faraxsanayn in guddiga shirkadda uu kusoo biiro ninka lagu magaaco Leo Khouri (ee asalkiisu yahay reer Lubnaan) ee lacagta badani kaga luntay dhaqaale burburkii Opes Prime.

Jariidaddu waxay sheegtay in Landau, oo xiriir ganacsi oo muran leh ka dhexeeyo John Stratton, uu qorshaaynayey in uu iska casilo guddiga shikadda Range toddobaadkan, laakiin uu fikirkiisa bedeley iyadoo laga cabsi qabo xiriirka Range iyo Puntland, waxaana uu u duulay gobolka.

Jariidadu waxay sheegtay in xafiiska Povey uu diidey in uu wax jawaab ah ka bixiyo meesha uu jiro iyo xilliga le heli doono.

shidaalSidoo kale Akhri: Khilaafka Soo kala Dhex Galay Gen. Cadde, Liibaan, Aloore iyo Shirkadda IMC... Akhri..

Isha warka: http://business.theage.com.au

Faafin: SomaliTalk.com | July 8, 2008

BAARID | SEARCH


yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
Gen. Cadde "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

Xog ma ka Haysaa Shirkadda Consort Ltd?... Akhri

aloreWasiirka Batroolka Puntland oo Jawaabo Kala Duwan ka Bixiyey Sababta Dib Loogu Dhigay Qoditaanka Ceelka Shidaalka ee Nugaal... Akhri...

gacamayTaliyihii Iscasiley ee Booliska Puntland oo Eedayn Kulul u Jeediyey Wasiirka Amniga
"Waxaan qabaa wasaaradda Amniga in ay tahay Wasaaradda dhibta keentay, waxaan aamin sanahay dhib kale oo wadanka ka jirta in aysan jirin... Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS