Cadde Muuse oo
Markii ugu horeysey Qiray Shirkadda uu Heshiiska Lagalay in
ay Tahay Jirri hubaysan....
- iyo Shariif Xasan
oo Taageray Hadalkii Cali Maxamed Geeddi ee ahaa in
Sharci loo samaynayo Khayraadka Dalka Soomaaliya...
SomaliTalk.com | May 30,
2006
Madaxweynaha
Dowlad
Goboleedka Puntland (DGPL)
ayaa markii ugu horeysey qiray in shirkadaha ay dowladiisu
heshiiska la gashay ay yihiin jirri, isla mar ahaan taasna
ay hubaysan yihiin ayagoo garabka ku sita qoryo. Hadalkaas
oo ka yaabiyey shacabka ku dhaqan Puntland guud ahaan dalka
Soomaaliya.
Hadalkaas oo ka dambeeyey
si kooban oo ay saxaafadu su'aalo u weydiisey madaxweyne
Cadde iyo Shariif Xasan oo ku sugan magaalada Boosaaso,
halkaas ay booqasho ku joogaan waftiga guddoomiyaha
baarlamaanka DFKMG.
Cadde Muuse waxaa la
weydiiyey:
"Madaxweyne
waxaa la leeyahay shirkaddan aad idinku heshiiska la gasheen
ma ahan shirkad jirta oo ayadaa dallaal sii ah, arrimahaas
maxaa ka jira."
Madaxweynaha DGPL Gen. Maxamuud Muuse Xirsi Boqor oo
arrintaas qiraya waxa uu ku jawaabey: "Waa run weeye, JIRRI*
weeye, annagaana dooranay, shariikad weyn waxba noo qaban
meyso, boqol sano ayey waxna noo qaban waayeen."
Madaxweynuhu waxa uu qiray
in shuruudaha ay shirkadaas ku doorteen ay ahayd in ay tahay
shirkad jirri ah, asagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yiri:
"condition-nada
(shuruudaha) aannu ku dooranay shariikadahaa waxaa weeye,
niman jirri ah iney yihiin, laakiin annaga dantayadu waxaa
weeye in ay Puntland wax nalooka soo saaro. Waxaana hubnaa
iyagu in ay noo soo saarayaan, kuwa kale noo soo saarayn.".
Cadde Muuse oo markii ugu
horeysey qiraya in shirkada ay DGPL heshiiska la galeen ay
huban santahay waxa uu yiri:
"Qolooyinka ku doodaya shariikad yar bey qaateen, maad
keentaan idinku marka hore, haddaanu wax keenay annagaa
keenay jirri qoryana u suran yahay garabka baannu dooranay,
waana shariikad yar, laakiin waxaan rabney bey noo soo saari
lahayd haddii carqaladda nalaka deyn lahaa."
Shariif Xasan, Guddoomiyaha
baarlamaanda DFKMG oo booqanaya Gobolka Bari ee Soomaaliya
ayaa sheegay in dhowaan sharci loo samaynayo khayraadka
dabiiciga ah ee dalka, arrintaas oo uu ku waafaqay hadalkii
ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geedi ee sharci u
samaynt akhayraadka dabiiciga ah ee dalka.
May
18, 2006 ayey ahayd markii uu ra'iisul wasaaraha DFKMG
sheegay in sharci loo samayn doono khayraadka dabiiciga ah
ee Soomaaliya, sharcigasn al ahor geyn doono baarlamaanka.
Arrintaas oo keentay in May 20, 2006 uu Cadde Muuse
kalsoonidii kala laabtay Ra'iisul wasaaraha DFKMG.
Khamiis May 25, 2006 warqad ay shirkadda Range Resources
u dirtay suuqa Ganacsiga ee Australia (ASX) ayey ku cadaysay
in uu guddiga shirkaddaas iska casiley agaasimihii guud, Mr.
Jim Marinis. Faahfaahin dheeraad ah lagama bixin sababta
keentay is casilaadaas.
May 28, 2006 ayaa magaalada
Boosaaso waxa booqasho ku tegey Guddoomiyaha Baarlamaanka
DFKMG. Guddoomiyaha waxa uu Boosaaso kula kulmay
Madaxweynaha DGPL, Cadde Muuse. Markaas ka dib ayaa Shariif
Xasan waxa uu saxaafada u sheegay in sharci loo samayn doono
khayraadka Soomaaliya.
- QEEXID:
Kelmedda JIRRI oo dhowaan kusoo biixtay qaamuuska
Soomaaliga waa kelmed loo adeegsado dad ama koox aan
cidna u nixin oo laaya cid kasta oo aan wax la dhicin,
waxaa kale oo lagu qeexaa ma-naxayaal aan cidna dan u
hayn aan ka ahan in ay waxay arkaan burburiyaan, kelmeda
afafaka kale ugu dhowaan kartaa waa maafiyo. JIRRI waa
kuwa maalin kasa shacabka cabsi gelin ku haya, lama
sheegin JIRRI haba yaraatee wax faa'iido ah keentay.
Isbedellada Saamiyada
Shirkada Range Resources: ee Suuqa Ganacsiga Australia:
Faafin: SomaliTalk.com |
May 30, 2006
Cadde Muuse “Shirkado Mooryaan
ah ayaanu heshiis la galeynaa”, waayo….”
W/D: Amiin
Yuusuf Khasaaro
E-Mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com
Waxaa
magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari ku sugan Guddoomiyaha
Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo halkaasi u tagay
sidii uu gacan uga gaysan lahaa dhameynta khilaafka u
dhexeeya Maamul Gobaleedka Puntland iyo Dowladda Federaalka
gaar ahaan Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi.
Gen, Cadde
Muuse ayaa mar uu kulan gaar ah la yeeshay Guddoomiyaha
Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa saxaafaddu
waxay wax ka weydiisay waxyaabihii ay isla soo qaadeen, waxa
uuna sheegay in guddoomiyaha Baarlamaanka si aad ah isugu
afgarteen arrimihii ay isla soo qaadeen, mar la weydiiyay
Gen, Cadde Muuse in Maamul Gobaleedka Puntland ay Dowladd u
ku heysato in ay heshiis la galeen shirkado Maafiyo ama
Mooryaan ah, waxa uuna yiri “waa run Mooryaan ah ama Jirri
ah ayaanu heshiis la galnay, waayo shirkadihii kale way na
diideen kuwaana waxaan ka sugeynaa in ay wax uun noo soo
saaraan, waayo Gobalku waxa uu u baahan yahay dhaqaale”.
Gen, Cadde
Muuse waxa uu intaa sii raaciyay “Shirkadihii Mooryaanta
ahaa ayay dowladdu noo diidan tahay, may noo keenaan kuwo ka
wanaagsan si ay noogu soo saaraan kheyraadka dhulkeen,
runtii kuwaas ayaanu la macaamileynaa si uu Gobalku u helo
dhaqaale wanaagsan”. Ugu dambeyntii waxa uu sheegay Cadde
Muuse in wixii sharciyan ah ee ay dowladdu ku leedahay ay
fulinayaan balse wixii sharci daro ah ay ka hor- imaan
doonaan.
May 30, 2006
Warqadii uu qoray ra'iisul
wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geeddi, oo ku taariikhaysnayd
May 18, 2006, markii
ay gaartey dalka Australia waxaa durbadiiba dhulka galay
saamiyadii shirkadda Range Resources. 19 May 2006 Waxa
ay saamiyada Range Resources hoos u dhaceen -5.13%, taas oo kadhigtay saamiyadeeda in
lagu kala iibsado sentiyaal (0.037) lacagta Australia.
Arrintaasi markii ay dhacday ayaa isla markiiba (May 19,
2006) shirkada
Range Resources waxay warqad u direen suuqa Ganacsiga ee Australia, warqadaas oo ay ku
weydiisanayaan in gebi ahaanba la hakiyo kala iibsiga
saamiyada shirkaddaasi, (TRADING HALT
ama eeg halkan...), ilaa ay qoraal
ka soo saarayaan ama Talaada May 23, 2006 - Xilligaas markii
la garey oo aan jawaab laga helin shirkada ayaa suuqa ASX
waxa uu si rasmi ah liiska uga saaray kala iibsiga saamiyada
shirkadaas eeg May 22, 2006.
May 25, 2006
ayey Range Resources warqad u qortay ASX ay ku muujineyso in
DGPL ay taageersan tahay shirkadan, sidaasna markale loogu
ogaaladay
in saylada lagu kala iibsan karo saamiyadooda.).
Suuqa ganacsiga
Australia waxaa lagala xiriiri karaa:
Halkan....
Waxaa xusid mudan:
Markii ay soo shaac bexeen iska hor imaadyada Puntland ka
jirey ee la xiriirey macdanta, ayaa waxaa bishii April
12, 2006 ay saamiyada Range Resources hoos u dheceen -5%,
taas ka dhigtay in lagu kala iibsado 0.038,
maalintaas ayey shirkadaasi hakad gelisey saamiyadeeda (EEG
HALKAN), waxana ay sheegeen in ay qoraal soo saari
doonaan . Qoraalkaas waxa ay soo saareen April 19, 2006
(EEG HALKAN...) , waxana ay ku
sheegeen
in DGPL ay taageero dheeraad ah siiday ayaga. Waxa kale isla
maalmahaas soo baxay qoraal lagu soo daabacay warbaahinta
Australia ooay Range Resources ku sheegtay in aan "Qofna
kuma Dhiman Hawlgalkii Puntland", waxa markaas kor u
kacay saamiyadii shirkadaas waxana ay gaareen
0.050. Waxana ay
markaas
Range
Resources oo Cadaysay in ay Puntland siiso $200,000
doolarka Maraykanka Bil kasta sida heshiisku ahaa...
(EEG
HALKAN...
).
Dadka arrimaha dhaqaalaha
odorosa waxa ay nidaamkaas ku macneeyaan waxa afka Australia
lagu yiraahdo "Market
Manipulation"... (Akhir qeexidda uu arrintaas ka bixiyey
suuqa Ganacsiga Australia...
Akhri... ENGLISH....)