Puntland Professional Association
Markii aan aragney xaaladda gurracan ee uu ku suganyahay gayigeena
Puntland, Waxaanu go'aansaney in aan soo saarno bayaankan hoos ku xussan
si aan umaddayada ugu iftiimino xaaladaha qallafsan uu ku suganyahay
gobolladeena xag dhaqaale, iyo xag nabadgelyo intaba.
Aragtida ku aaddan Maamul goboleedka Puntland
Waxaan aad uga xunnahay maamul xumada ka jirta Puntland,
dhaxalkeedana uu leeyahay maamulka hadda jira oo si wayn uga weecdey
dhabahii hagaagsanaa iyo ula jeedooyinkii loo asaasey, isla markaana
waxyeelleyey hab nololeedkii bulshada issir wadaagga ah ee reer Puntland
oo istaahila maamul ku qotoma midnimo, sinnaan, iyo isqaddarin,
hiigsadana horumar u horseeda barwaaqo iyo mustaqbal wanaagsan oo kayd u
ah ubadkeenna.
Marnaba la ogolaanmaayo wax kasta oo bur bur u horseedahaya haykalka
ama hab dhaqanka udub dhexaadka u ah mandaqaddeena Puntland taas oo ah
mid salka ku haysa nabad ku wada noolaansho iyo horumar marba marka
xigta sii kobcahaaya .
Maamulka hadda ka jira waa in uu si shuruud la'aan ah ka noqdaa
khaladaadkii uu galey welina ku dhex jira hadday noqon lahayd Amniga,
ama dhaqaalaha oo si fool xun loo maareeyey taas oo u keentey nolol
hooseeysa oo aysan u qalmin dadka reer Puntland.
Ka yeelimayno maamulka musuqmaasuqa ku caan baxey duminta haykalka
maamul goboleedka Puntland oo ragi aasaaskeeda lahaa dhibaatooyin fara
badan ka soo mareen isla markaana waqti iyo maalba u hurey.
Waxaannu diyaar u nahay naf iyo maalba in aan u hurno jirtaanka
dhulkayaga hooyo oo aan marnaba laga ogolaan shakhsiyaad dana gaar ah
wata in ay dumiyaan.
"Wada jirka maamul goboleedka Puntland waa Muqaddas". Ragga Puntland
u burburka u horseedaya waxaa imaan doonta maalin lala xisaabtamo.
Baarlamaanka Puntland waa in uu ka taxadaraa kana waantoobaa
ansixinta sharciyada aan xaqa ahayn ee xaaraanta ah laguna iibanaayo
sharafkeena, karaamadeena, iyo gayigeena.
Taas oo aan wax maslaxad ah eeysan ugu jirin beelwaynta reer Puntland
ama shacabka soomaliyeed oo idil,
Mas'uulkii ama xildhibaankii cad quureed u qaada umadda isir wadaaga
ah taariikhda ayaan cafinayn, sidaas daraadeed waa in laga xishoodaa wax
allaale iyo waxii wax u dhimi kara sumcadda guud ee shacabka xalaasha ah
ee reer Puntland.
Golaha wakiilada ee Puntland iyaga ayaa mas'uul ka ah sharciyada lagu
hagaayo umadda reer Puntland, sidaas darteed waa in uu fiiro gaar ah u
yeesho go'aamada ay qaadanayaan ayna ogaadaan codkoodu in uu yahay mid
ka turjumaahaya aayaha umadda.
Hadda oo golaha wakiilada la hor keeney
sharciga batroolka oo ah mid aan xalaal ahayn laguna marin
habaabinayo umada isir wadaagga isla markaana lagu kala faquuqayo.
Waxaa taas daliil u ah in si sahal ah goboladii Puntland u ahaa
halbowlaha jiritaankeeda sida Sool, Sanaag, cayn iyo degmada Buuhoodle
farah looga laabtey oo aan wax tixgelin ah la siin looguna xalaaleey
Gobolkeena qaaliga ah ee Sool in uu gacanta u galo maamulka wuqooyiga ee
Somaliland.
Waxaa ayaan darro ah in xildhibaanadii lagu aaminey una dhaartey
masiirka umadda in ay ansixiyaan sharci aan waafaqsanayn qawaaniinta
caalamiga ah iyo kan soomaaliya.
Waxaad moodaa markaad aragto xaaladaha ka ooggan gayigayaga in ay
noqotey arrintu mid shakhsi keliya iyo koox calooshood u shaqaystayaal
ah ay ku amar taagleeyaan xuquuqdii shacabka xildhibaanadii shacabka
masuulka ka ahaana ay qalinka ugu duugaan.
Mudanayaal waxaad ogolaateen in aad shirkad tuugo ah oo
madaxwaynaheena uu hore inoo ku sheegey in ay jirri tahay aad faraha u
gelisaan in ay xadaan khayraadkii shacabka gaar ahaan umada reer
Puntland guud ahaana soomali oo idil.
Wakiillo, intiina u codeeysey sharcigaan xaaraanta ah taariikhda ayaa
idin xusi doonta shacabkuna marnaba idin cafin maayaan.
Sicir bararka ka aloosan deegaanada Puntland waxaa masu'uul ka ah
maamulka hadda jira oo lacagaha been abuurka ah ka keenaya dibadda kuna
daacaya gobolda Puntland qaarkood. Arrintaas ayaa sal u ah dhibka
maantey taagan.
Shacabka reer Puntland ha ka dhiidhiyaan arrinkaas hana ilaaliyo
midnimada marnaba yaan la niyad jabin. Maamulka xun maalmo tirsan ayaa u
hartey
Insha Allahu khayr baa ka dambeeya mustaqbilka dhow.
Puntland Guul Iyo Barwaaqo !
By:Chairman, PPA
Dr. Guled A. Muse
Virginia, USA
La xiriir:
shariifka_6@hotmail.com