Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha ee Maamulka Somaliland oo Xaqiijisay in
Xiriir Dhexmaray Shirkadda Batroolka ee Lundin Oil ...
Warar
horraantii Febraayo (2008) lagu faafiyey shabakadaha ay xogta isku dhaafsadaan
dadka saamiyada ku leh Suuqa Ganacsiga Australia, oo soo xiganeyey warar ay
faafiyeen warbaahinta Hargeysa, ayaa sheegay in uu wadahadal u socdo Wasiirka
Macdanta iyo Biyaha ee Somaliland, Qaasim Sheikh Yuusuf Ibraahim iyo shirkadaha
Range Resources & Africa Oil, wadahadalkaas oo ku saabsan heshiis
wax-soosaar-wadaag ee Batroolka.
Haddaba, war ay (9 February 2008) faafisay Somaliland Times ayaa sheegay
in Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha ee maamulka Somaliland ay xaqiijisay in uu jiro
xiriir dhex maray wasaaraddaas iyo shirkadda batroolka ee Lundin.
Tarjumadii warkaas oo ku qornaa Af-Ingriisi iyo
faallada SomaliTalk.com hoos ka akhri:
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha (WMB), Axmed Ibraahim
Suldaan ayaa xaqiijiyey in wasaaraddiisa ay la soo xireertay shirkadda lagu magcaabo
Lundin Petroleum ee laga leeyahay dalka Sweden, shirkaddaas oo WMB
kala hadashaday shatiga (ama laysanka) sahaminta batroolka.
Isagoo ka jawaabayey warar ay baahisay warbaahintu ee la xiriirey in WMB ay
ku dhex jirto qorshe ah in batroolka iyo gaaska Somaliland ay heshiis ama
qandaraas kula geleyso shirkadda reer Australia ee Range Resources iyo jaalkeeda
ka hawl gasha Puntland ee Africa Oil iyo shirkadda Lundin Petroleum, waxa uu
Axmed Ibraahim Suldaan qiray in wasaaraddiisa ay wada xiriireen Lundin, waxana
uu sheegay in wararka warbaahinta ay wax run ka yihiin, gaar ahaan in WMB ay
warqad u qortay Lundin oo weydiisey in ay caddayn ka bixiso meesha ay ka taagan
tahay Range iyo Africa Oil. Laakiin Suldaan waxa uu beeniyey in in wasaaraddiisu
ay wax xiriir ah la yeelatay Range.
"Lundin waxa ay si qeexan noogu sheegeen in aysan wax xiriir ah la lahayn
haba yaraatee shirkadahaas la xusay (Range & Africa Oil). Haddii ay caddaato in
shirkadda Lundin ay wax xiriir ah la leedahay Range/Africa Oil ama saamileyda
danaha ka leh Puntland, wasaaradda (Macdanta iyo Biyaha) wax ay ku darsan doonto
ma jirto shirkaddaas Lundin," ayuu yiri Axmed Ibraahim Suldaan.
Agaasimaha Guud ee WMB oo hadalkiisa sii watey waxa uu yiri "Waa qayb ka mid
ah hawlaha wasaaradda in ay wax ka ogaato ama baaritaan/su'aalo weydiiso
shirkadaha danaynaya in ay ka hawl galaan Somaliland, waxayna wasaaraddu xaq u
leedahay cidda ay la xaajoonayaan."
Suldaan oo faahfaahin dheeraad ah bixinayey waxa uu yiri: "Heshiis lama gelin
Lundin, mana siin (shirkadaas) wax shati (laysan) ah oo ay kaga hawl geli karaan
dalka. Xiriirkii na dhex maray (shirkadda) Lundin waxa keliya oo uu ahaa
is-barasho rasmi ah iyo akhbaar, sida xaqiiqada ahna wax war dambe ah kama maqal
shirkaddaas in muddo ah."
Haddaan halkaas kaga gudubno tarjumadii, oo aan faallo kooban ka bixino, aan
marka hore is weydiino su'aasha hoose:
Maxaa ka jira in Shirkadda Lundin aysan Wax xiriir ah la lahayn Africa
Oil?
Sida ku cad qormada sare, shirkadda Lundin Petroleum waxay sheegtay in aysan
wax xiriir ah haba yaraatee la lahayn shirkadda Africa Oil. Haddii ay Lundin
hadalkaas tiri, waxaa halkaas ka muuqata sida shirkadaha usoo sahan tegey dhulka
Soomaalidu degto ay iska dhaadhiciyeen in dadka dega Geeska Afrika aysan waxba
akhrin ama adduunka la socon. Malaha madaxda Soomaalida ayaan wax akhrin!
Xiriirka 'Lundin Petroleum' iyo 'Africa Oil':
Si aan u fahamno xiriirka labadaas shirkadood, waxaan dib ugu laabaneyaa
markey taariikhdu ahayd
March 29, 1993 xilligaas oo ay ahayd markii shirkadda
CANMEX MINERALS laga diiwaan geliyey magaalada Vancouver ee gobolka
British Columbia ee galbeedka dalka Canada. Shirkadaas waxaa loo asaasay in ay
macdan ka baarto dalka Mexico. Haddii aad u fiirsatid CANMEX waxa
laga soo gaabiyey CANADA + MEXICO.
Shirkadaas waxaa lagu tiriyaa in uu maskaxdii asaastay lahaa
Adolf H. Lundin oo ahaa mulkiilihii shirkadda Batroolka
ee reer Sweden ee LUNDIN PETROLEUM. Shirkadda CANMEX waxaa markey
taariikhdu ahayd Sept 24, 1996
madaxweyne u noqday Lukas H. Lundin [oo uu dhalay
Adolf H. Lundin], waxana uu madaxweyne u ahaa ilaa Oct 17, 2006
oo aan arki doono sababtii uu isku casiley.
Lukas H. Lundin, jagada madaxweynaha shirkadda CANMEX ka
socokow, waxa uu ahaa Agaasimaha iyo xubin ka mid ah qaanbixinta shirkadda
LUNDIN PETROLEUM laga soo bilaabo sannadkii 2001 ilaa
hadda. Waxa kale oo shirkaddaas Lundin Petroleum guddoomiye ka ah
walaalkiis Ian H. Lundin, laga soo bilaabo 2002.
Lukas H. Lundin intii uu ahaa madaxweynaha shirkadda CANMEX, waxa ay
shirkaddaasi wada xaajood la gashay shirkadda RANGE RESOURCES ee laga
leeyahay Australia. Wadahadalkaasi waxa uu ku saabsanaa in CANMEX iyo
RANGE uu dhex maro heshiis ku saabsan sidii ay u qaybsan lahaayeen saxiixii
ay Range ka haysatey madaxda Puntland ee ku saabsanaa baaritaanka khayraadka
dabiiciga ah ee kujira Puntland 100%.
Bidix: Lukas &
Ian H. Lundin| Sawirka: lundin-petroleum |
Wadahadalkaasi waxa uu si rasmi ah u soo shaac baxay
October 11, 2006 markaas oo
warsaxaafadeed ay soo saartay shirkadda Canmex Minerals ay ku sheegtay in
ay heshiis is afgarad ah la saxiixatay Range Resources oo ay heshay
xuquuqda 80% baaritaanka dooxada Nugaal iyo Dharoor ee Soomaaliya (Puntland).
October 17, 2006 oo ay dhawr
maalmood oo qura ka soo wareegtey heshiiskii is afgarad ee RANGE iyo CANMEX ee
kusaabsana bartoolka iyo macdanta Puntland kaddib, ayaa warsaxaafadeed ka soo
baxay Canmex Minerals waxa uu shaaca ka qaday in shirkadaas loo sameeyey
madaxweyne cusub oo ah Mr. Richard Schmitt. Arrintaas ayaa ka dambeysey kaddib
markii uu maalintaas is casiley Lukas H. Lundin oo Canmex madaxweyne ka ahaa
ilaa Sept 24, 1996.
Dadka odorosa siyaasadda Geeska Afrika waxay muujiyeen sababta keentay markii
heshiiska Puntland dhacay in shan (5) maalmood kaddib uu jagadii madaxweynaha
shirkadda CANMEX iska casilo Lukas Lundin in loo fasiri karo in magaca Canmex
laga weeciyo reer Lundin, maadaama xilligaas ay shirkadda aabaha u ah ee LUNDIN
ay wadahadal kula jirtey dalka Itoobiya, wadahadalkaas oo kusaabsanaa heshiis la
xiriira dhulka Soomaali Galbeed in meelo kamid ah shirkadaasi Lundin batrool ka
baarato. Qorshuhuna uu yahay in dadka Geeska Afrika deggan loo tuso in Lundin
iyo Canmex aysan xiriir lahayn.
Heshiiska (Itoobiya-Lundin) oo
7dii November 2006 ka
dhacay magaalada Addis-ababa waxaa kala saxiixday wasiirka Ethiopia u qaabilsan
tamarta iyo macdan qodista, Alemayehu Tegenu iyo Ian H. Lundin iyo agaasimaha
guud ee shirkadda Lundin qaybteeda loogu magac daray "Lundin East Africa BV".
[Jaanyo 15, 2008 waxay Addis Fortune sheegtay in shirkadda reer
Sweden ee Lundin Petroleum ay si firfircoon uga hawl gasho Sudan iyo
Somaliland. Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Itoobiya waxay jariidadaas u
sheegtay in ay heshiis la saxiixanayaan shirkaddaas.]
Sidaas daraadeed in magaca reer Lundin laga saaro shirkadda
CANMEX waxay u muuqatay mid siyaasad ahaan muhiim ugu noqon karta shirkaddaas.
Intaas laguma joogin'e waxaa magacii laga bedeley CANMEX,
maadaama magacaasi uu asalkii ahaa CANAD + MEXICO, iyada oo dhulka
hadda heshiiska lala galayna [CanMex/Ranger & Puntland] uu yahay AFRICA waa in
magaca ay taasi ka muuqato.
Si taas loo hirgeliyo,
Agoosto 17, 2007 ayey ahayd
markii warsaxaafadeed ka soo baxay madaxweynaha hadda ee shirkadda Canmex, Rick
Schmitt, uu shaaca ka qaaday in laga bilaabo Agoosto 20, 2007 magacii Canmex loo
bedeley Africa Oil.
Janaayo 29, 2007 madaxweynaha shirkadda Canmex
(oo la baxday Africa Oil), Rick Schmitt, waxa uu jariidada reer Australia ee
Sydney Morning Herald si qeexan ugu sheegay in saamiga Canmex ay
boqolkiiba 13.6% leedahay shirkaadda Abalone Capital, taas oo xiriir toos
ah la leh Lundin Petroleum.
Halkaas waxaa ka cad xiriirka CANMEX iyo LUNDIN.
Hadalkii Agaasimaha Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Maamulka Somaliland:
"Lundin waxa ay si qeexan noogu sheegeen in aysan wax xiriir ah la lahayn
haba yaraatee shirkadahaas la xusay (Range & Africa Oil). Haddii ay caddaato in
shirkadda Lundin ay wax xiriir ah la leedahay Range/Africa Oil ama saamileyda
danaha ka leh Puntland, wasaaradda (Macdanta iyo Biyaha) wax ay ku darsan doonto
ma jirto shirkaddaas Lundin," ayuu yiri Axmed Ibraahim Suldaan.
Haddaba, Su'aasha ku habboon in la weydiiyo mudane Suldaan waxay tahay sidee
ayseysan Somaliland xiriir ula lahayn RANGE, mar haddii ay xiriir leeyihiin
CANMEX iyo LUNDIN. Maadaama CanMex ay u xuub siibatey Africa Oil, iyadoo
aysan qarsoonayn xiriirka ka dhexeeya Africa Oil iyo Range Resources.
Agaasimaha Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha ee Hargeysa waxaa kale oo mudan in
la xusuusiyo in maamulka Puntland ay labaatan (20) cisho guduhood [Oct 11- Oct
31, 2006] markii ay xiriirka la yeesheen CANMEX ay ku caddeeyeen in Canmex
ay hoos timaado Lundin.
October 31, 2006 ayey
ahayd markii Wasiirka Maaliyadda maamulka Puntland, Maxamed Cali Yuusuf (Dr.
Gaagaab) oo la hadlayey golaha baarlamaanka Garoowe uu caddeeyey in shirkadaha
ay heshiiska la galeen ay ka mid tahay shirkad ka diiwaan gashan Canada laakiin
asalkeedu yahay Swedish, waxana uu sheegay in shirkaddaas mulkiilihii lahaan
jirey uu dhintay oo uu kala wareegey wiilkiisa.
Adolf H. Lundin oo sida kor ku xusan loo tirinayo in uu ahaa
maskaxdii ka dambeysey shirkada macdan qodista ee CANMEX, iyo shirkada
macdan/shidaal qodista ee LUNDIN PETROLEUM waxana uu September 30, 2006 (Adolf
H. Lundin) ku dhintay magaalada Geneva ee dalka Switzerland halkaas oo uu
deganaa. Lukas oo uu dhalay Adolf ayaa ahaa madaxweynaha shirkadda macdan
qodista ee CANMEX, ilaa uu iska casiley (October
17, 2006), waana ninka uu xusay Dr. Gaagaab.
Su'aasha ugu dambaysa waxay tahay: Maamulka Somaliland ma sii
wadi doonaa heshiisyada mugdigu ku jiro ee shirkadaha Batroolka, mase waa ka
joogsan doonaan! - Taariikhda ayaa taas qori doonta.
Waxaa dhammaaday waagii ama waqtigii laga aaminsanaa in
Afrikaanku aysan wax akhrin, waxaa hadda dhiman in shacabku la xisaabtaamo
madaxda iyo xukuumadaha Afrikaanka si loo gaaro horumarka ay u oomman yihiin
dadweynaha ku dhaqan Afrika, gaar ahaan Geeska Afrika.
Tarjumadii iyo faalladii SomaliTalk.com
Qoraallo
hore oo laga qoray CANMEX halkan ka akhri (English)
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 13, 2008 | Updated: Feb 14, 2008 |