Masjid
ku yaal Magaalada Buruc
Masjid ku yaal
Buruc |
Range Resources oo si
Qarsoodi ah dad ugu dirsatay Degaanka Buruc, Shacabkuna ay
Arrintaas ka digeen...
(SomaliTalk.com,
Boosaaso: July 30, 2006):- Warar ka imanaya degaanka
Buruc ayaa sheegay in dad ay dirsatay shirkadda Range
Resources ay si qarsoodi ah ku tageen inta u dhexaysa
Boosaaso iyo Qandala, gaar ahaan waxaa warku sheegay in ay
tageen agagaarka magaalada Buruc xagga xeebta oo dhanka Bari
ka xigta Boosaaso, magaaladaas oo shacabka deggani ay hore
ugu digeen una sheegeen in shirkadaasi aysan imaan
degaankaas.
Waxaa warku intaas ku daray
in shirkadda Range Resources looga digay in ay timaado aagga
magaalada Buruc iyo degaannada ay ka mid yihiin: Baxaya,
Qurac, Warmadow, Ribbad, Karingubad, Cayra, Dhacadiid,
Cinjirka, Raabka Salamaco, Jiica, Nirga-Laaye, Duqayga,
Qolab, Cambarka, Fargaraar, Ragar Barre, Ragar Boqor, Misig,
Ceelxaar, iyo Qorayo. Waxaa warku aad ugu adkeeyey in
shirkaddaasi (Range) aysan iman karin degaanadaas ayadoo aan
lagala tashan shacabka degaanka, haddiise ay timaado
degaannadaas in cawaaqibka ka dhasha ay qaadi doonaan cidda
mas'uulka ka ah.
Toddobaadkan ayey ahayd
markii shacabka ku dhaqan degaannada Majayahan/Dhalan &
Buruc ay shirkada Range Resources uga digeen in ay tagto
degaanadaas oo ahaa kuwo ay hore uga dhaceen iska hor
imaadyo la xiriiray shirkadda Range.
Shacabka degaanada
Majayahan, Dhalan iyo Buruc ayaa tibaaxay in shirkadda Range
Resources ay Puntland ka wado kala geyn iyo iska hor-keen,
waxana ay dowladda ugu baaqeen in ay arrintaas si degdeg ah
wax uga qabato.
Majayahan/Dhalan & Buruc
ayaa sida shacabka degaanadaasi ay sheegeen aan dowladdu
haba yaraatee ka hir gelin wax adeeg dadweyne ah oo loogu
danaynayo shacabka (Sida: Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha,
iyo guud ahaan adeegyada kale ee bulshada).
Degaannada Majayahan/Dhalan
iyo Buruc ayaa lagu tilmaamaa in ay ku jiraan macdano ay ka
mid yihiin: Dahabka, Tiinka, Gypsum-ka, iyo macdano kale oo
qaali ah, iyo sidoo kale shidaal (Batrool).
Dhanka kale waxaa
toddobaadkii hadda tegey Puntland ka socdey in Dowladdu ay
dadaal ugu jirtey sidii golaha Garsoorka loo hoos geeyn
lahaa Wasaarada Caddaalada, arrintaas oo uu si xoog leh uga
hor yimid Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ee
Ramaas Political Party, Daahir
Ciiro, warqadna waxa uu u diray golaha wakiilada in aysan
ansixin qorshahaas Dowladda. Baarlamaanka Puntland cod uu
July
29, 2006 u qaaday ayuu ku diidey qorshahaas dowladda ee
ahaa in garsoorka la hoos geeyo dowladda.
Qorshahaas dowladdu wadatey
ayaa shacabka Puntland waxa ay u arkeen dowladda oo
qorshayneysa in muuquuniso shacabka haddii uu u hir geli
lahaa qorsheheedii ahaa in dowladda la hoos keeno garsoorka
oo hadda ka madax bannaan wasaaradda caddaalada. [AKhri:
Golaha Wakiilada DGPL oo Madaxtooyada Puntland dib ugu
Ceshay Xeer Oranayay in Garsoorku uu hoos-yimaado Wasaarada
Caddaalada]
Faafin: SomaliTalk.com |
Boosaaso | July 30, 2006
Wararkii hore ee warkaan la
xiriira hoos ka akhri:::
Shacabka Majayahan, Buruc
iyo Garoowe oo Ka soo Horjeestey Shirkadda Range
Resources...
- Range oo looga
digey in ay soo caga dhigato Majahan/Dhalan & Buruc
- Shacabka Garoowe oo
aad uga caroodey Suuq Geynta Sawirka Issimada Puntland
- Reer Puntland oo Digniin
Kulul u Jeediyey Shirkadda 'Range Resources'...
"Range Resources Cagaha
Masoo Dhigi Karto Majayahan/Dhalan & Buruc..."
(Boosaaso July 28,
2006
| Upadetd: July 29):-
Wararka ka imanaya Gobolada Sanaag iyo Woqooyi
Bari ee Soomaaliya ayaa sheegay in waxgaradka magaalooyinka
Majayahan/Dhalan iyo Buruc ay DGPL ugu baaqayaan in ay
faraha kala baxdo shirkadda Range Resources oo sida
ay sheegeen ah shirkadda uu madaxweynaha Dowlad Goboleedka
Puntland, Cadde Muuse, ku tilmaamay in ay tahay shirkad "JIRRI"
ah, sidaas darteedna aysan deegaanadaas ka baari karin ama
ka qodi karin wax macdan ah - waxana shirkadaas looga digay
in ay soo caga dhigato gebi ahaanba aagga degaannadaas.
Waxana ay intaas ku dareen:
in sababo la xiriira shirkadda Range Resources awgeed ay dad
shacab ah ugu dhinteen magaalooyinka Majayahan iyo Buruc,
sidaas awgeedna shirkad ayada darteed dhibaatada intaas
le'eg loogu geystey shacabka inaysan ka hawl geli karin
degaanaddaas. Waxana ay sheegeen in haddii shirkaddaasi ay
degaanadaas soo caga dhigato, iskuna daydo in ay macdan ka
baarto ayadoo aan lagala tashan shacabka, in wixii dhibaato
ah ee ka yimaada ay qaadi doonaan cidda mas'uulka ka ah
keenitaanka shirkadaas.
DGPL haddii ay la
macaamisho shirkad aan wax tixgelin ah u hayn shacabka
Puntland, ahna shirkad ku hawlan kala qaybinta shacabka,
ayey yiraahdeen waxgaradka Majayahan/Dhalan & Buruc, in ay
ka dhalan karto shacabka oo gebi ahaanba ka aamin baxa
Dowladda, isuna abaabula sidii ay degaannadooda uga difaaci
lahaayeen shirkad aan tixgelin u hayn shacabka horena
dhibaato uga geystey deegaanada Puntland.
Waxa kale oo ay arrin aan
laga fiirsan ku tilmaameen in Baarlamaanka Puntland uu July
12, 2006 si degdeg ah u ansixiyey heshiiskii shirkadda
Range/Consort, taas oo la ansixyey ayadoo aan baarlamaanku
si xeel dheer uga fiirsan dhammaan arrimaha la xiriira
shirkadaas, waxana ay taas ku tilmaam mid meel kadhac ku ah
arrimihii shacabku u xilsaartay ama ka sugayey baarlamaanka
DGPL oo ahayd in uu ilaaliyo danta guud ee shacabka.
Waxaa dowlad GPL looga
digey in ay mar dambe xoog ku muuquuniso shacabka deggan
degaanada Puntland ayadoo u qoor qabaneysa shirkad aan la
aqoon qorsheeda. Sidoo kale Range Resources waxaa looga
digey in ay timaado degaannada Majayahan, Dhalan iyo Buruc
iyadoo aan ogolaansho ka haysan dadka degaanka sababtoo ah,
ayey yiraahdeen, xilligan dalka Soomaaliya kama jirto dowlad
dhexe oo awood u leh in ay heshiisyo la gasho shirkado
shisheeye, baarlamaanka Puntland-na ma ahan mid DGPL kula
xisaabtami kara heshiisyada ay soo geleyso shirkadaha
shisheeye.
- Majayahan iyo
Dhalan: Waa laba magaalo oo ku yaal galbeedka
magaalada Boosaaso, waana meelihii ay macdanta ka qodi
jirtey shirkaddii reer Bulgaria sanadihii sideetamaadkii.
Waxaa lagu tilmaamaa in macdanta ugu badan ee sida fudud
loo soo saari karo ee halkaas ku jirta ay tahay macdanta
loo yaqaan tiinka ee laga sameey biraraha. Deegaanka
Majahayan/Dhalan waxaa lagu tilmaamaa aaga ay hagratay
DGPL, aan ka ahayn in markii ay keentay shirkada
Consort/Range in ay garwaaqsatay in ay yihiin degaan
muhiim ah, laakiin ay markaas dowladu isku dayday in ay
xoog ku muquuniso daweynaha degaanka taas oo dhimasho
keentay. [Marka laga rebo macdanka korka saaran ee
Tiinka, waxa kale oo Majayahan/Dhalan lagu sheegay
macdanaha ay ka mid yihiin Dahabka iyo macdano kale, iyo
Batrool]. (AKhri waraysigii 2000 ay SomaliTalk.com
la yeelatay
Dr.
Cusmaan Salaad Xersi:
www.somalitalk.com/drosman).
- Buruc: Waa
magaalo dhanka Bari ka xigta Boosaaso - waxana ay u
dhexaysaa Boosaaso iyo Qandala. Aagga magaalada Buruc
iyo buurta Baxaya oo ah buurta labaad* ee ugu dheer
Soomaaliya oo u dhow Buruc waxaa lagu tilmaamaa inay ku
jirto macdanta ay ka mid tahay Gypsum oo laga sameeyo
quraaradaha. Buruc waxa ay ka mid tahay magaalooyinka
aan wax taageero horumarineed ka helin dowladda
Puntland, haba yaraatee, dhinac kasta oo kamid ah
adeegyada bulshadana aysan dowlad goboleedka Puntland
waxba ka qaban. Markii ay shirkadda Consort/Range timid
Puntland waxaa ka dhacay iska hor imaad sababay dhimasho.
[Marka laga reebo macdanta korka saaran ee Gypsum-ka,
waxa kale oo aagga Buruc iyo Baxaya lagu tilmaamay inay
ku jiraan macdano ay ka mid yihiin Dahab iyo macdano
kale, sidoo kale waxaa lagu tilmaamay in ay ku jiro
batrool).
DGPL ilaa hadda wax wada
hadal ah lama yeelan shacabka dega deegaanadaas oo ku
saabsan dhacdooyinkii ka dhashay iska hor imaadyadii ku
xiriirsanaa shirkadda Consort/Range.
Isha warka: waxgaradka
Majayahan/Dhalan & Buruc
Sawirka Issimada Puntland
oo loo Suuq Geeyey Australia...
- Shacabka Garoowe
waxa ay DGPL ka dalbanayaan in ay arrintaas si degdeg ah
jawaab uga bixiyaan....
(Garoowe, July 28,
2006):- Wararka ka imanaya magaalada Garoowe oo ah
caasimada Dowlad Goboleedka Puntland iyo jaaliyadaha
qurba-jooga ee Garoowe ayaa sheegay in shacabku ay aad uga
xumaadeen markii ay ogaadeen/maqleen in shirkadda Range
Resources kolkii ay weydey saxiixii Madaxweynaha Soomaaliya
in qoraal ay u dirtay suuqa Ganacsiga Australia ay ku
lifaaqday sawirka issimada Puntland oo jeeg dacallada hasta,
arrintaas ayey sheegeen in ay sharaf dhac ku tahay issimada
sida weyn looga xushmeeyo Puntland, oo magacooda loo
adeegsaday qaab aan ku haboonayn sumacadda Puntland,
maadaama aan arrinta ay shirkaddani watado loo cadayn
shacabka.
Warku waxa uu intas ku
daray, sababta shacabka ka caraysiisay in ay tahay qaabka
loo adeegsadey magaca issimada Puntland iyo sida sawiradooda
loogu daabacay saylad ama suuqa lagu soo bandhigay saamiyada
lacagta ee shirkada Range Resources gaarka u ah, arrintaas
oo meel ka dhac ku ah issimada Puntland ee u khidmeeya
shacabka oo dhan iyo in issimadu aysan shaqo ku lahayn
shirkad shisheeye oo saamiyo u gaar ah ku raadsaneysa
sawirkooda.
Eeg Sawirka oo weyn
| Sawirka: ASX
Saamiyada
Range Resources ee ASX |
Date
|
Last
|
% Change |
27
Jul 2006 |
0.031 |
-3.13% |
26
Jul 2006 |
0.032 |
-3.03% |
25
Jul 2006 |
0.033 |
0% |
24
Jul 2006 |
0.033 |
-2.94% |
21
Jul 2006 |
0.034 |
0% |
|
Dhaqanka Soomaalida ayaa ah
in issimada, suldaanada, malaaqyada iyo ugaagsadu ay yihiin
dad u dhexeeye, kuwaas oo meesha magacooda loo adeegsanayo
ay tahay meel u cuntanta gebi ahaan shacabka ay metelaan oo
shacabku raali ka yihiin, arrintaas oo muuqata in shirkadda
Range Resources aysan wax tix gelin ah siin, ayey yiraahdeen
waxgaradka Garoowe, ayagoo markaas dawlad Goboleedka
Puntland ka dalbanaya inay arrintaas jawaab cad ka bixiso
maadaama ay DGPL shirkadaas keentay Puntland.
Sawirka qaar ka mid ah
issimada Puntland waxaa July 25, 2006 lagu daabacay
shabakada suuqa Ganacsiga Austria (ASX) kaddib markii ay
shirkadda Range Resources qoraal ay sawiradu la socdaan u
dirtay suuqa ASX, taas oo ka dambeysey markii xubno ka
socdey Range Resources ay booqdeen Garoowe oo ay sawir ka
qaadeen qaar kamid ah issimada Puntland oo sida wararku
sheegeen lagu wareejinayey jeeg ay ku qornayd $250,000.
Xubnaha Range Resources waxa markii hore qorshahoodu ahaa in
ay helaan saxiixa Madaxweynaha Dowaladda Dhexe ee Soomaaliya,
markaasna ay saxiixaas iyo ogolaanshaha madaxweynaha u
diraan suuqa ganacsiga si saamigoodu kor ugu kaco [Habkaas
oo Australia looga yaqaan "Market
Manipulation"], laakiin markii uu Cabdullaahi Yuusuf
la kulmay wakiilada shirkaddaas oo uu su'aalo weydiiyey ayuu
u sheegay in uusan waxba u saxiixayn, arrintaas oo sababtay
in Madaweynaha DGPL uu fadhiga uga kacay madaxweynaha
Soomaaliya ilaa markii dambe loo kala dabqaaday oo la is hor
fariisiyey, laakiin Madaxweynaha DFKMG uu ku adkaystay in
uusan xilligan waxba u saxiixayn Range Resources, markaas
ayey Range sawirka ka qaaday issimada Puntland.
Warqadda ay Range Resources
u dirtay suuqa ASX waxaa ka horeeyey warqad ay halkaas u
direen July 14, 2006, taas oo ay ku qornayd in la hakiyey
ganacsiga saamiyada shirkadda Range ee suuqa ASX ilaa laga
gaarayo July 18, 2006, xilligaas oo ay qiyaasayeen in ay
heli doonaan saxiixa madaxweynaha Soomaaliya, markii taasi
hir geli weydey ayey warqadan (July 25, 2006) ee ay la
socdaan sawirada issimadu u direen suuqa Ganacsiga
Australia, arrintaas oo ah tan hadda muranka cusub ka taagan
yahay.
Waxa kale oo isla
qoraalkaas ay Range Resources u dirtay ASX ku sawirnaa daar
ku taal magaalada Boosaaso ee caasimada ganacsiga ee G/Bari
oo ay ku sheegtay in ay tahay xafiiska Range. G/Bari waxa uu
ka mid yahay degaannada sida xoogga leh uga soo hor jeeda
joogitaanka shirkadda Range Resources.
Eeg Sawirka oo weyn
| Sawirka: ASX
Lacagtii $250,000 Dowlad
GPL miyaa loo dhiibey mise issimada Puntland
"Range
also met with local tribal leaders and government
and presented a cheque for US$250,000 to the
Government as a contribution to the upgrade of the
Garowe Airport."....
(PDF) |
Waxaa markey taariikhdu
ahayd July 17, 2006 saxaafadda Soomaalida loo sheegay in
shirkadda Range Resources ay $250,000 oo loogu talo galay
dhismaha garoonka Garoowe lagu wareejiyey issimada Puntland.
Laakiin Range waxa ay warfaafinta Australia u sheegtay in
lacagtaas loo dhiibey dowladda, taasna waxa ay ku cadaysay
qoraal Shirkadda Range Resources ay July 25, 2006 u dirtay
suuqa ganacsiga Australia (ASX) oo ay ku qortay erayadan:
..... Range sidoo kale waxa ay la kulantay hoggaamiyayaasha
qabiilka iyo dowladda, waxana ay dowladda u dhiibtey jeeg ah
$250,000 oo doolarka Maraykanka oo loogu talo galay in lagu
dhismaha garoonka diyaaradaha ee Garoowe. [Qoraalkii
Range (PDF)]. Arrintaasi waxa ay
mugdi gelisey cidda lacagtaas maamuleysa iyo cidda loo
dhiibey.
Isha Warka: Waxgaradka
Garoowe iyo jaaliyadaha Garoowe ee qurba-joogga.
Reer Puntland oo Digniin
Kulul u Jeediyey Shirkadda 'Range Resources'...
- 'Range Resources'
oo looga digey in ay tagto aagga Majayahan/Dhalan.....