Madaxweynaha Shiinaha oo Safar ku
maraya Siddeed Dal oo Afrikaan ah
"Xiriirka ay reer Yurub
iyo wadamada Reer Galbeedku la leeyihiin Afrika waa xiriirkii gumeysiga. Gumeystayaasha addoonsiga
ee jaqaya Afrika waxaa is hor taagaya oo joojinaya waa wada shaqaynta
Afrika iyo Shiinaha." Sidaas waxaa yiri
Safiirka Itooobiya
u fadhiya
Beijing, oo magaciisu yahay
Haile-Kiros Gessesse, oo difaacayey
Shiinaha oo lagu tilmaamay in uu ka indhaha ka leexiyo xuquuqul Insaanka
marka laga hadlayo batroolka Afrika....
-
Tarjumadii iyo Faalladii: SomaliTalk.com | January 30, 2007
Madaxweynaha dalka Shiinaha, Hu Jintao,
ayaa magaalada Beijing ka ambabaxay Talaada Jan 30, 2007 asagoo ku sii jeeda safar uu ku marayo siddeed dal oo Afrikaan ah, safarkaas oo qaadan doona
12 maalmood oo ah inta u dhexeysa Jan 30 ilaa Feb 10.
Siddeeda dal ee uu safarka ku marayo waa Cameroon, Liberia, Sudan, Zambia, Namibia, South Africa, Mozambique iyo Seychelles.
Inta uu safarka ku jiro, madaxweyne Hu, waxaa la filayaa in uu la kulmo hoggaamiyayaasha siddeedaas dal, oo ay is weydaarsan doonaan aragtiyahooda ku aadan xiriirkooda, sidaas waxaa werisey warbaahinta
Shiinaha oo soo xiganeysey wasaaradda arrimaha dibadda ee China.
"Safarkani waa mid diblomaasiyadeed oo weyn oo loo qaaday xagga dalalka Afrika, tan iyo markii uu qabsoomay kulankii
lagu qabtay magaalada Beijing ee November 2006." sidaas waxaa laga soo xigtey afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee
China.
Safarka uu madaxweynaha Shiinuhu ku tegeyo Afrika waa safarkiisii labaad muddo hal sano gudeheed ah.
Safarkii kan ka horeeyey waxa uu ahaa bishii April 2006, markaas oo dalalkii uu
tegey ay ka mid ahaayeen Morocco, Nigeria iyo Kenya.
Markii uu soo baxay warka safarka madaxweyne Hu uu ku tegayo Afrika,
ayaa mid ka mid ah warbaahinta caalamka oo safarkaas ka hadleysey waxay warka ku bilowday: Madaxweynaha Shiinaha Hu Jintao ayaa bilaabay safar ka mid
ah isku daygii ugu dambeeyey ee dalkiisu uu Afrika ku xod-xodanayo deeqda iyo ganacsiga, safarkaas oo uu ku tegayo siddeed dal."
Shirweynihii Beijing ee Shiinuhu uu ku marti
geliyey 48 dal oo Afrikaan ah, waxa uu dalka Shiinuhu uu Afrika u ballan qaaday in uu siin doono $5 billion oo deyn ah, oo ay la socoto in uu laba laabayo caawinaada.
Sannadkii 2006 ganacsiga u dhexeeya China iyo Afrika waxa uu gaarey $55.5 billion, kaas oo kor u kacay boqolkiiba 40% marka
la barbar dhigo sannadkii ka horreeyey, sidaas waxaa (Isniin Jan 29, 2007) werisey shabakada wararka ee Xinhua oo soo xiganeysey xogta wasaaradda ganacsiga
ee China. Maalgelinta tooska ah ee reer China ay maalgashadeeen Qaarada Afrika waxay gaarey $6.6 billion, ayey tiri Xinhua.
Dadka siyaasadda odorosa waxay aad indhaha ugu hayaan sida xawliga leh ee uu u kobcayo xiriirka dhaqaale iyo siyaasadeed ee u dhexeeya Afrika iyo Shiinaha. Waxaana la odorosayaa in ujeedada ugu weyn ee xiriirka degdegga ah ee Shiinuhu ka leeyahay Qaarada Afrika in ay ugu weyn tahay Batroolka aadka loogu tuhunsan yahay Qaaradda.
Joshua Kurlantzik oo ka tirsan Carnegie Endowment for
International Peace ee Washington, ahna dadka sida gaarka ah ula
socda Shiinaha, oo raadiyaha VOA uu Jan 30, 2007 weydiiyey su'aal ku
saabsan Batroolka Afrika iyo Shiinaha iyo raadka uu ku leeyahay
shirkadaha reer Galbeedka, waxa uu ku jawaabey in aan Shiinuhu raadweyn hadda
ku yeelanayn shidaalka Afrika, maadaama, ayuu yiri, shirkadaha reer galbeedku ay aad
ugaga horeeyaan xagga farsamada lagu soo saaro shidaalka [Hadalkaas
halkan ka dhegeyso].
Waxa kale oo Shiinaha lagu eedeeyaa in
uusan si toos ah ula xisaabtamin dalalka Afrika ee uu mucaaqinada
siinayo.
Some accuse China of
turning a blind eye to human rights when it comes to oil deals,
but others like the Ethiopian ambassador think those views are
just sour grapes.
"The relationship of Europe and the western countries with
Africa is a colonial relationship," Ambassador Gessesse says.
"Colonial masters milking Africa is going to be stopped by
cooperation of Africa and China."
Haile-Kiros Gessesse, Ethiopian Ambassador to Beijing..
Aljazeera
Eeg halkan.... |
Telefishanka
Aljazeera waxa uu weriyey in Xaqiiqo ahaan quwadda dhabta ah ee ka
dambaysa ganacsiga Shiinaha iyo Afrika in ay tahay macdanta dabiiciga ah,
gaar ahaan Batroolka. Waqtigan la joogo dhaqaalaha Shiinaha ee kobcaya
waxa uu Qaarada Afrika ka helaa 1/3 batroolka dalkaasi soo gala.
Shiinuhu waxa uu Bilyanno doolar ku bixiyaa helista xuquuqda shidaal
qodista iyo saamiyada shirkadaha ugu waaweyn Batroolka Afrika, si ay u
xaqiiqsadaan in Shidaalka la soo qodo uu dib ugu laabto dalka
Shiinaha, si aan dalka Shiinuhu Batrool u waayin.
Aljazeera oo warkeeda
sii wadata waxay tiri: Qaar ayaa Shiinaha waxay ku eedeeyeen in ay iska
indha saabayaan tacadiga xuquuqul insaanka lagu hayo, marka ay arrintu
noqoto heshiisyada Batroolka, laakiin qaar kale oo eedayntaas loo
jeediyey Shiinaha ka soo hor jeestey waxaa ka mid ah Safiirka Itooobiya
u fadhiya
Beijing, oo magaciisu yahay
Haile-Kiros Gessesse.
"Xiriirka ay reer Yurub
iyo wadamada Reer Galbeedku la leeyihiin Afrika waa xiriirkii gumeysiga",
ayuu yiri safiirka Itoobiya
Gessesse, oo intaas ku daray "Gumeystayaashii addoonsiga
ee jaqaya Afrika waxaa is hor taagaya oo joojinaya waa wada shaqaynta
Afrika iyo Shiinaha."
Hadalkaas
ugu dambeeyey ee ka soo yeeray Itoobiya waxa uu hor dhac u noqon doonaa
in reer Galbeedku arkaan laba wajiilaynta Itoobiya, oo hadba qofkii ama
dalkii ay dan ku wadato ammaanta, dalkii hore gacanta u siiyeyna ay u
illowdo (Sida uu Zenawi ku sameeyey Soomaalidii soo dhoweysey xilligii
uu fakadka ahaa ee lagu soo dhoweeyey Muqdisho, kaddibna uu ugu abaal
gudey taangiyaasha iyo diyaaradaha lagu duqeeyey, ayuu maanta markii ay
xukuumada Zenawi danteedii ka gaartey reer Galbeedka waxay bilowday in
ay Shiinaha ammaanto, reer galbeedkana sidaas ula hadasho).
Hadalka
Safiirka Itoobiya u fadhiya China ayaa u muuqda mid muujinaya carada ay
Itoobiya u qaaday reer Galbeedka kaddib markii Dawlada Britain ay Zenawi
u dirtay dhambaal xambaarsan erayada "AAMUS AMA CADAYN KEEN" oo ahayd
markii uu Zenawi cadaynta u waayey in Muwaadiniin reer Britain ah ee uu
sheegay in ay ka garab dagaalameen Maxkamadaha Islaamiga oo uu sheegay
in uu baasabooradooda hayey.
Sida ay qortay jariidada ka soo baxda
dalka Ingriiska ee Telegraph caddadkeedii 14/1/2007: Maalintii Jimacadii
(toddobaadkii warkaas la qoray) ayey ahayd markii ugu dambeysey ee
Xafiiska Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Britain ay Itobiya u dirtay
dhambaal ah xogta aad haysid keen ama iska aamus, taas oo ilaa hadda
aan wax jawaab ah laga helib. Waxa kale oo warku sheegay in Britain oo
arrintaas ka welweshan ay baaritaan gaar ah oo arrintaas ku samaysay
iyadoo adeegsaneysa safaaradeeda Kenya iyo M16, laakiin aan la helin wax
muujinaya ama cadayn u ah waxa ay Itoobiya ku andacooneyso. [Akhri
Halkan....]
Shabakada
Sudan Tribune oo Jimcadii (29 December 2006) faallo dheer qortay
ayaa sheegtay in dagaalka Soomaaliya uu yahay mid Meles Zenawi uu reer
Galbeedka kaga dhisanayo magac cusub ama sawirkiisa-cusub. [Somalia’s
War: Zenawi’s Quest for a new self-image in the West]. Waxayna
shabakadu faahfaahin ka bixisay xasuuqii loo geystey shacabkii ka
mudaharaaday codbixintii Itoobiya kuwaas oo ay Sudan Tribune tiradooda
ku sheegtay ugu yaraan 193 qof oo naftooda ku waayey iyo 763 oo loo
geystey dhaawac aad u halis ah, waxaana xildhibaan Dr. Getachew Jigi uu
tirada dhimashada gaarsiiyey 600 oo qof. 193 qof oo keliya ayaa noqon
kara kuwo dacwadda Xasuuqa lagu soo oogi karo Zenawi, ayey tiri Sudan
Tribune, oo warkeeda intaas ku dartay in Judge Aberra oo qareen ahaa 12
sano uu yiri in muddo dhawr sano ah la diley 15,000 ilaa 20,000 oo ah
qowmiyadda Oromada. Sidoo kale xasuuqii ka dhacay gobolka Gambella intii
u dhexeysey 13-16 December 2003, waxaa xilliggaas ay xukuumada Zenawi
si taxadar leh u qor shaysay in dil lagu fuliyey 400 oo qof oo deggan
magaalada Gambella, kuwaas oo badankoodu ahaa Annuak. "Haddii Itoobiya
uu libaax ku cuno neef ari ah waxaa lagu sheegaa wararka, laakiin haddii
ciidanka Itoobiya ay dilaan qof ah Anuaks taas warka laguma sheego.
Dadku cabsi ayey la aamusan yihiin, haddii aad tiraahdid wax uun ayaa
kaga soo hor jeedaa dawlada, markaas waxay helayaan si uun oo laguu xiro."
Shabakada Sudan Tribune oo hadalkeeda
sii wadata waxay tiri: Keligii taliyaha Itoobiya xaqiiqo ahaan ma ka
welwelsan yahay Jihaadiistayaasha ama argaggaxiso? Dadka la caburiyey ee
Itoobiya arrintaas waxay u arkaan in aysan ahayn yoolka saxda ah ee
Zenawi, balse in uu magac ku raadsanayo la dagaalanka Argaggaxisada.
Xukuumadiisuna waxay fulisey xasuuq isaguna waxa gacmaha ka wasasheeey
dhiigga bini aadamka, ayey tiri Sudan Tribune. [
Akhri Halkan....].
Haddii
aan u soo laabano China iyo danta ay ka leedahay Afrika, khubaro badan
oo arrimaha caalamka falanqeeya waxay muujiyeen in qaaradda Afrika ay
tahay meel dihin ama aan weli khayraadkeeda laga faa'iideysan oo ay
xilligan ku tartamayaan reer Galbeedka iyo Shiinuhu.
Faafin: SomaliTalk.com | Janaayo 30,
2007
Shiinaha iyo Tartanka
Batroolka Qaaradda Afrika
- Isha: Wakaaladaha |
Tarjumadii: SomaliTalk.com |
Jan 16, 2007

Hu iyo Kibaki oo ku kulamay Nairobi. Sawirka: AP
Kulankii
xiriirka Shiinaha iyo Afrika(Forum on China-Africa Cooperation)
waxaa ka qayb galeen Shiinaha 48 dal oo
African waxana lagu qabtay magaalada Bakiin (Beijing)
intii u dhexeysey 4tii ilaa 5tii November 2006.
Soomaaliya waxay ka mid ahayd dalalkii ka qayb galay. |
Dalka Shiinaha waxa uu ka
mid yahay dalalka Aasiya ee dadaalka xoogga leh ugu jira
sidii ay xiriir sokeeye ula yeelan lahaayeen dalalka
Afrika, taas oo qorshaha ugu weyn ee dalka Shiinaha uu
yahay sidii uu uga qayb qaadan lahaa tartanka shidaalka ee
loogu jiro Qaaradda aan weli khayradkeeda sida rasmiga ah
looga faa'iidaysan ee Afrika. Sidoo kale waxa dalka Shiinaha uu danaynayaa shidaalka Bariga dhexe.
Arrintaas
si ay uga miro dhaliso xukuumada Shiinahu waxay xiriiro
badan la samaysay dalal badan oo dhulkooda laga helay
shidaal ama lagu tuhunsan yahay in shidaal ku jiro.
Xiriiradaas si loo sii xoojiyo madaxweynaha Shiinaha waxa uu
safar qaatay April 22-29, 2006 ku maray dalalka Saudi
Arabia, Morocco, Nigeria iyo Kenya.
On April 26, 2006, ayey
ahayd markii madaxweyna China Hu Jintao uu booqashada ku
tegey magaalada Abuja ee caasimada dalka Nigeria halkaas oo
ay uga bilaabatay booqasho ay xukuumada Shiinuhu ku sheegtay dardar gelinta xiriir saaxiibtinimo
ee
horumarineed oo dhexmara Afrika iyo China. Intii uu dalka
Nigeria joogey Hu waxa uu la kulmay madaxweynaha Nigeria
Olusegun Okikiola Aremu Obasanjo, waxa kale oo uu la kulmay
afhayeenada golaha baarlamaanka iyo aqalka odayaasha ee
Nigeria. [Shirkadda CNOOC ee Shiinaha waxay markaas dalka
Nigeria la saxiixatay heshiis ah in shirkaddaas la siiyo
shatiga /laysanka shidaal qodista Nigeria heshiiskaas oo
ahaa
$4 billion oo doolar.]
On April 27, 2006 ayaa
madaxweyne Hu Jintao waxa uu yimid magaalada Nairobi, ee
caasimada Kenya Kenya, si uu sii wado xiriirkii uu la
samayneyey madaxda Afrika. Intii uu joogey Kenya waxa uu la kulmay madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki.
Intii uu Madaxweynaha
Shiinuhu ku sugnaa Kenya, waxa heshiis ku saabsan
baaritaanka shidaalka uu dhex maray Kenya iyo Shiinaha,
baaritaanakaas oo ay ka qayb qaadaneyso shirkadda ay
leedahay xukuumada Shiinaha ee CNOOC Ltd. Heshiiskani waxa
uu dhacay laba maalmood ka dib heshiiskii ay shirkaddaasi la
gashay Nigeria, ee kor ku xusan. Heshiiska CNOOC kenya la
saxiixatay waxa uu ahaa qandaraas wax-soosaar wadaag ee lix
goobood (6 blocks) oo ah Lamu, Anza iyo Mandera. [Shirkadda
CNOOC waa shirkaddii
July
16, 2006 magaalada Garoowe kulanka kula yeelatay madaxweynaha
DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo madax ka tirsan Dowlad
Goboleedka Puntland.
Waxaa reer Puntland aaminsan yihiin in shirkaddani ay tahay
mid ay wadato DFKMG taas oo ka duwan shirkadda Range
Resources/Consort ee ay wadato DGPL.]
Intii uu madaxweynaha
Shiinuhu safarka ku marayey afarta dal ee kor kuxusan, waxa
dalka Shiinuhu uu dalalkaas la saxiixday 28 heshiis oo ay ka
mid yihiin: heshiisyo siyaasadeed, ammaan, dhaqaale, ganacsi,
tamar (shidaal qodis), waxbarasho, aalad caafimaad, dhaqan-isweydaarsi iyo
dalxiis.
Xiriirka dhaqaalaha ee u
dhexeeya Afrika iyo Shiinaha waxa uu sannadkii 2005 gaarey
$40 billion oo doolar (waxaana la qiyaasayaa in
dhaqaalahaasi uu gaari doono
$100 billion oo doolar sannadka 2010.)
Waxa kale oo xusid mudan
shir-weynihii lagu qabtey magaalada Beijing, China intii u
dhexeysey 4tii ilaa 5tii November 2006, oo ay ka qayb
galeen dalka Shiinaha iyo 48 dal oo Afrikaan ah, shirkaas oo
ahaa sii horumarinta iyo xoojinta xiriirka Afrika iyo
Shiinaha.
Horumarradaas uu dalka
Shiinuhu ka gaaray xiriirka dhaqaale ee uu la leeyahay
qaarada Afrika ayaa dadka siyaasadda
adduunka odorasa ay ku tilmaameen mid keentay in reer
galbeedku ay il gaar ah ku fiiriyaan horumarka degdeg ah ee
sida xawliga ah ku socda ee dhex maraya Shiinaha iyo
Qaaradda aan weli kharaadkeeda laga faa'iidaydsan.
Walaacaas waxaa soo koobay
jariidada Guardian ee ka soo baxda dalka UK caddadkeedii
Arbaca November 1, 2006, oo ah maalmo ka hor intii uusan
dhicin kulankii Afrika iyo China, oo ay ku qortay qoraal ay
cinwaan uga dhigtay "Beijing xusul-duubka ay ugu jirto
Afrika", waxana ay jaridadu tiri: Dalka China waxa uu jeebka ku shuban doonaa inta badan tartanka cusub ee loogu jiro Qaarada Afrika marka uu marti geliyo shirka aragtida-dheer ee ganacsiga,
maalgelinta iyo caawinaad ee lagu qabanayo Beijing, waa markii qoraalka la qoraye'e,
oo ay ka qayb gelayaan madaxda 48 dal oo African ah. Laakiin, ayey tiri jariidadu, in kasta oo kulanku loogu talo galay in
in uu Shiinaha u kordhiyo rabitaankiisa caalamiga ah ee khayradka, alaabta ceyriin, iyo suuqyada
ganacsiga, hadana waxaa isa-soo taraya
walaaca laga qabo in koboca Beijing aysan wax dan ah oo weyn ugu jirin qaarada Afrika, waxaana
dalalka reer Galbeedka laga jari doonaa
ganacsiga Mustaqbalka ee qaaradaas.
Su'aasha is weydiinta leh
waxay tahay Afrika maku baraarugsan tahay in lagu tartamayo
Khayraadkeeda ay qarniyaasha ka faa'iidsaysan la'ayd.
DAGAALKA,
BATROOLKA IYO SOOMAALIYA
Qofkii raba in uu si dhab ah u fahmo cinwaannada wararkii ugu dambeeyey
Akhri..
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 16, 2007
Isha/Sawirkada:
http://english.focacsummit.org iyo Google images,
www.Eastandard.net, AP, Yahoonews,
Kenya London News, Daily Nation, Guardian

