SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - OIL

TGS oo soo Gabagabeysey Sahamintii Badda iyo Berriga ee ay ka wadey Somaliland....


Aagga ay sahaminta ku samaysay shirkadda GPX (Australia)

Warsaxaafadeed ay 11-kii April 2008 soo saartay shirkadda reer Norway ee TGS-NOPEC ayaa sheegay in shirkaddasi ay soo gabagabeysey sahamintii shidaal baarista ee ay ka wadey dhulka maamulka Somaliland, sahamintaas oo lagu sameeyey Badda iyo Berriga (sida ka muuqata khariidadda).

TGS waxay sheegtey xogta sahaminta (survey) ee la ururiyey in natiijadii ka soo baxday la heli doono bartamaha sannadkan 2008.

GPX AirborneSida ku cad qoraay ay 27-kii Maarso 2008 faafisay shirkadda TGS, waxaa sahamintaas (survey shidaal) lagu sameeyey Somaliland intii u dhexeysey December 2007 ilaa Febraayo 2008 shirkadaas u sameeyey shirkad kale oo magaceeda la yiraahdo GPX qaybteeda diyaaradaha korka dhulka ka sawira ee GPX Airborne Pty. Ltd. oo ah shirkad xarunteedu tahay magaalada Perth ee Gobolka Galbeedka Australia (WA).

Warsaxaafadeedkii TGS warbixin ay ka qortay Ogaalnews oo ay sii faafisay SomalilandOrg waa kan:

Muxuu ku dambeeyay sahankii macdan-baadhista TGS ee Somaliland?

April 12, 2008

Oslo/Asker, Norway (ABN Newswire/Thomas Financial/Ogaal/TGS) - Shirkadda Sarfayga Shidaalka TGS-NOPEC Geophysical Company (TGS) ee Noorwayjiyaanka ah, ayaa shalay [April 11, 2008] shaaca ka qaaday inay soo gebogabeeyeen hawlgallo ay Somaliland ka wadeen. Sidaana waxa lagu shaaciyay shabakaddaha caalamiga ah qaarkood, oo soo xiganayay shir jaraa’id oo masuuliyiinta shirkaddaasi ay qabteen.

Sida lagu faafiyay shabakadda wararka ABN Newswire, Shirkadda TGS waxay ku hawlanaayeen cabir ahaan qiyaas gaadhaysa 5100 km oo 2D Seismic ah, meelaha muhiimka ah, iyo macluumaadka Cufis-jiidka oo ay kaga hawlgaleen labadaba biyaha sare guudkooda iyo ilaa meelaha taxadka ah. Warku wuxuu intaa ku daray in habaynta iyo tarjumista macluumaadka la xidhiidha baadhistooddaas ay u bandhigi doonaan macaamiisha (shirkaddaha qodaalka shidaalka) danaynaysa rubuca dambe ee sannadkan 2008.

Sidoo kale, Shirkadda TGS, waxay sheegtay sida la faafiyay in wada gaadhay dhul celcelis ahaan gaadhaya 34000 km oo muhiimad aad ah u lahaa meelihii aadka loogu yaqaanay Somaliland inuu baasiin ku jiro. Sidaa daraadeed, waxay shirkadu sheegtay in macluumaadka natiijada baadhistooddaasi ay tahay haatan mid gacanta lagu hayo, isla markaana sidoo kale loo bandhigi doono cidii danaynaysa aakhirka sannadkan. Labada barnaamijba waxa uu warku xusay in ay iska kaashanayeen Shirkadda TGS iyo Wasaaradda Macdanta, Biyaha iyo Khayraadka Dabiiciga Somaliland, isla markaana ay si khaas ah u suuq-gayn doonto isla shirkadda TGS.

Xukuumadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday qorshayaasheeda ay ku doonayso inay qandaraas furan geliso dhamaadka sannadkan ka dib marka macluumaadka la ururiyay la ogaado. Barnaamijyada loo yaqaano Aeromagnetic-ga ee ay soo bandhigtay Shirkadda TGS ayaa saamixi doona macluumaadka looga baahan yahay in la qeexo aasaasiyan meelaha qaab-dhisme ahaan lagu sii wadi karo baadhitaano dheeraad ah. Shirkaddan TGS oo ka diiwaangashan dalka Noorway, ayaa shirkoodan jaraa’id shalay ka sheegay in wixii ka baxsan xogtaa kooban ee ay bixiyeen aanay ogolaan doonin wax war ah oo ay kaga hadlayaan hawlgalladooda Somaliland ee la xidhiidha sarfayga ay ku samaynayeen meelaha xeebaha ah iyo weliba dhulalka loo tuhmayay inuu shidaal ku jiri karo.

Su'aalo Idaacadda Codka maraykanaka ay dadweynihu toos uga weydiiyeen Wasiirka batroolka Puntland....
Halkan ka dhegeyso ama Halkan (mp3) - April 13, 2008

Wargeyska Thomos Financial ee ka soo baxa dalka Noorway, ayaa isaguna shalay daabacay maqaal uu ku soo xiganayo Shirkadda TGS shirkooda jaraa’id. “Somaliland, oo xuduud la wadaagta Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay qandaraas ku bixinayso barnaamijyadooda macdan-baadhista ah,” ayaa ka mid ahaa qoraalkii wargeyskaas. Sidoo kale, waxa shalay faafiyay arrimaha la xidhiidha hawlaha macdan-baadhista Somaliland Wargeys ka soo baxa dalka Jarmalka oo la yidhaahdo Uhr Kommentieren.

Xigasho: Ogaalnews/SomalilandOrg - April 12, 2008


Qoraalladii ka soo baxay shirkadda TGS oo ku qoran Af-Ingiriisi waa kuwan hoos ku qoran:


TGS Acquires Multi-Client Seismic And Aeromagnetic Programs in Somaliland

  • Source: http://www.tgsnopec.no/

Asker, Norway (11 April 2008) – TGS-NOPEC Geophysical Company (TGS) announced today that it has completed acquisition of two new multi-client programs in Somaliland.  Offshore, TGS has acquired approximately 5,100 kilometers of 2D seismic, gravity, and magnetic data covering both shallow and deep water areas. Processing and interpretation of the data should be available to clients by the third quarter of 2008. Onshore, TGS has acquired approximately 34,000 kilometers of high resolution aeromagnetic data covering all known Somaliland petroleum basins. The aeromagnetic data is currently in processing and should be available to clients by mid-2008. Both programs have been acquired in cooperation with the Ministry of Water and Natural Resources and are marketed exclusively by TGS.

 
The Somaliland government has announced its intent to conduct an open bid round later in the year after the data become available. The seismic and aeromagnetic programs being acquired by TGS will provide data needed to define the principle structural elements of the area and allow for the development of leads, plays, and structural highs for further investigation. The area is geologically analogous to Yemen where several oil fields have been discovered to date.
 
Both programs are supported by industry prefunding.
 

TGS-NOPEC Geophysical Company (TGS) is a principal resource for global geoscientific data products and services in the E&P industry. TGS specializes in the design, acquisition and processing of multi-client seismic surveys worldwide and delivers advanced high performance seismic imaging and software solutions. The Company also provides the world’s largest online well-log database, well data management services, multi-client interpretive products and subsurface consulting services to industry. The suite of integrated exploration data products available from TGS is distinctive and unmatched. The Company philosophy is to create unique high-quality data collected in the right place at the right time.

All statements in this press release other than statements of historical fact are forward-looking statements, which are subject to a number of risks, uncertainties and assumptions that are difficult to predict, and are based upon assumptions as to future events that may not prove accurate. These factors include TGS' reliance on a cyclical industry and principal customers, TGS’ ability to continue to expand markets for licensing of data, and TGS’ ability to acquire and process data products at costs commensurate with profitability. Actual results may differ materially from those expected or projected in the forward-looking statements. TGS undertakes no responsibility or obligation to update or alter forward-looking statements for any reason.

TGS-NOPEC Geophysical Company ASA is listed on the Oslo Stock Exchange (OSLO:TGS).

For additional information about this news release please contact:

John Adamick
VP, Business Development
Tel: +1 713 860 2100
Email: jada@tgsnopec.com

Pierre Benichou
President, Africa, M. East, Asia/Pacific
Tel: 713 860 2100
Email: pierre@tgsnopec.com

Arne Helland
Chief Financial Officer
Tel: +47 66 76 99 31/+47 91 88 78 29
Email: arne.helland@tgsnopec.no

Somaliland Aeromagnetic Survey

  • Source: http://www.tgsnopec.no/

Acquisition Parameters
Acquisition Date: December 2007 - February 2008
Data Acquired By: GPX Airborne Pty. Ltd.
Navigation System: GeoNav 1000
Data Acquisition System: Pico Envirotec AGIS PC104
Magnetometer Processor: Pico Envirotec MMS-4 Magnetometer Processor
Magnetometer Sensor: Geometrics G-822A
Fluxgate Magnetometer: Bilingsley Ultra Miniature TFM 100G2
Base Magnetometer: GEM GSM-19W Overhauser Magnetometer
GSP and DGPS Receiver: CSI Hemisphere
Line Spacing: 2500m/5000m/16000m
Line Direction: 045-225 degrees
Tie Line Spacing: 10000m/20000m/16000m
Tie Line Direction: 135-315 degrees
Survey Height: 120m
Magnetometer Sample Rate: 10 Hz
Base Magnetometer Sample Rate: 1 Hz
DGPS Sampe Rate: 5 Hz

 
Processing Sequence

GPX AirborneData processing performed by GPX Airborne Pty. Ltd.

  • Raw, unedited data checked for noise and spikes
  • Magnetic Diurnal Data checked and corrected for spikes
  • Diurnal Correction
  • Parallax Correction
  • IGRF Correction
  • Tie Line Leveling
  • Micro Leveling
  • Gridding and Inspection
Available Deliverables
  • Final digital data as flat ASCII file
  • Final magnetic grids in jpeg format (Total Magnetic Intensity, Reduced To Pole, Digital Elevation Module, Total Magnetic Intensity First Vertical Derivative, Basement Depth Slice, Basement Residual, Band Pass Filter 1, Band Pass Filter 2)

March 27, 2008

Source: http://www.tgsnopec.no/

Tixraac:

  • http://www.tgsnopec.no
  • http://www.gpx.com.au
  • http://www.gpxair.com.au
  • http://www.abnnewswire.net

Faafin: SomaliTalk.com | April 13, 2008

BAARID | SEARCH


Waraysi: Yaasmin C/raxman oo ah maamulaha dusgiaga dadka dhegaha la'a ee Hargaisa /mp3- Radio Australia SBS

batroolFadeexaddii Ganacsi ee ka Dhacday Australia iyo Xiriirka Batroolka Puntland...
Range Resources Xiriirka ay La Leedahay Shirkadda "Opes Prime"ee Burburka Dhaqaale ku dhacay...
Akhri..
 

Black Gold of PuntlandWarbixin dheer oo laga qoray shirkadaha Batroolka DGPL
Gen. Cadde Muuse: "Soomaaliya waxaa loo qaybin doonaa afar ama shan Dawlad Goboleed oo Federaal ah, gobol kastana waxa uu yeelan doonaa sharcigiisa gaarka ah ee Batroolka...
Akhri
 

rangePuntland oo Shirkadda Range u dirtay Warqaddii ay ka sugeysey.
iyo DGPL oo Markii ugu Horeysey Qirtay Lacagta laga Qaatay Shirkada Batroolka in Siiyey DFKMG...
Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: