Khudbadii Gaalkacayo ee Cadde Muuse
Cabdiraxmaan Xariri –
Saudi Arabia
xariri@hotmail.com
Markaan Dhegeystey
Khudbadii Madaxweynaha
dowlad gobolleedka Puntland ee Gaalkacayo waxaa ii muuqatay in Khudbada
"boqorka" madaxweynaha ahi jeediyey oo sida la sheegay toos looga soo tebinayey
warbaahinta gudaha ay ahayd mid aan waafaqsanayn dareenka Soomaalinimo ee ay
caan ku noqdeen reer puntland waxayna ahayd baa la orankara mid aad moodo in si
khalad uu akhriyey madaxweynuhu oo uu ugu akhriyey dad khalad ah oo looga
akhriyey meel khalad ah (wrong man, wrong people and wrong place).
Ma doonayo inaan Madaxweynaha ama Boqorka
xasuusiya doorka ay beesha uu ku halqabsaday ku lahayd la dagaalankii gumaysiga
iyo taabagelinta dowladnimadii aynu qaadanay 1960kii ee inaga burburtay 1991,
mana rabo inaan madaxweynaha xasuusiyo in reer Puntland ay ku guulaysteen in
ilaashadaan maamul goboloodkooda iyagoon u yeeran shisheeye ama aan
soomaalinimada ceel dheer ku ridin mudadii 15ka sano ahayd ee wadanku dagaalka
ku jirey.
Sidoo kale Ma doonayo inaan madaxweynaha u sheego hadal uu hoos iigu yiri
Jeneral Maxamed Abshir Muuse oo ahaa "Beelaha soomaliya beel waliba wax bay ku
nooshay anaga beeshayadu waxay ku nooshahay soomaaliweyn-nimo iyo qaranimo hadii
soomaali lawaayana waa nala waayey, hadii soomaali la helana waa nala
helay…Balse aan meel dhow ka soo qabto oo tibaaxo lix qodob oo aan is leeyahay
inta hadalkii madaxweynuhu raadka ku reebay aad ku dhaydid.
1. Markii dagaalka sokeeye halka ugu sareeya
marayey ee gobolada koonfureed ee soomaaliya ay adkayd in si sahal ah loo
dhexmaro ama loogu noolaado gaar ahaan hadii aad ka soo jeedid beeshii loo
tirinayey inay isku hayb ahaayeen dowladii milateriga ahayd, gobolada puntland
waxay ahaayeen meel soomaali u dhex ah oo cid waliba ku noolaato, reer
puntlandna waxay sharaf ku mutaysteen inaanay dagaalkii hayb-haybta ahaa ee
koonfur ka socday aanay u soo dhoofin goboladooda, waana ta keentay in
goboladaasi ilaa maanta ay xarun u noqdaan dadka tahriibayaasha ah ee Geeska
Afirka oo dhan ka socdaala. Xassan Buulle oo aanu dugsigii sare isku fasal
(galas) ahayn ayaan ku arkay magaalada Jiddah ee wadanka Saudi Arabia isagoo
safar tahriib ah kaga soo galay dhinaca Yaman soona maray magaalada dekeda ah ee
Boosaaso isagoo igu yiri markaan waydiiyey siduu arko waxa soomaaliya ka
soconayey "Weligay isma oran xamar baa qabiil-qabiil u kala xirmaysa oo
goboladii soomaaliya ugu yar yaraa baa soomalinimo iyo wadaniyadi ka
dhalanaysaa".
2. Gobolada Puntland waxay ahaayeen meeshii ugu
horeysey ee maamul diini ah oo ay horkahaysey Al-Itixaad laga dhiso iyadoo
madaxdooda sar-sare ay ahaayeen Sh. Xasan Daahir Aweys iyo Sh.Cali Warsame oo
labaduba ka soo jeeda gobolo ka baxsan Puntland xili dagaalo beel beel ihi ka
aloosnaayeen soomaliya inteeda kale.
3. Markii dowladii Carta lagu soo dhisay
Jabuuti, ee madaxweynaha loo doortay Cabdilqaasim Salaad Xasan (waxaa wax lagu
qaybsaday 4.5 oo ah qabyaalad) dadweynaha reer Puntland waxay muujiyeen
taageerada ay u hayeen maamul qaranimadeedii Soomaaliya soo celiya cidii
doonaysaaba madax haka noqotee, waxayna bilaabeen culays ay saareen madaxdii
Puntland si ay ula shaqeeyaan maamulkii Carta lagu soo dhisay taasoo aakhirkii
keentay inay ku khasbaan in Madaxweynihii xiligaas Cabdilaahi Yusuf Axmed inuu
iskaga baxo caasimada Puntland ee Garoowe.
4. Intii shirka dib u heshiisiinta soomaaliyeed
uu ka socdey Kenya, shacabka Puntland waxay hiil iyo hooba ku taageerayeen
shirka si uu u guulaysto oo looga baxo dowlad la'aanta, taageeradaas oo dadka
qaar u arkayeen mid lugu bari-taarayey madaxweynaha dowlada federaalka ah ee
xiligan ayaa xaqiiqadu ahayd in shacabka puntland ay kala weyneyd dowladnimadii
oo soo noqota in cabdilaahi Yusuf madaxweyne noqdo…..Taasna waxaa cadeeyey
waraysiyo ay soo qaaday shabakada wararka ee qaramada midoobey IRIN xiligii uu
socdey shirka dib u heshiisiintu ee Nairobi.
5. Xiligii Abaaraha Ba'ani ka jireen meelo ka
mid ah gobolada koonfureed ee soomaaliyeed reer puntland waxay ku
tabaruceen maaliyadii ugu badnayd ee mar qura la gudoonsiiyo gudigii gurmadka
abaaraha.
6. Taageerada joogtada ah ee ay siiyaan dowlada
federaalka ah ee Soomaaliya taasoo aan puntland la'aanteed shaqayn karteen,
gudaha soomaaliyana u soo guuri karteen. Waxaana xusid mudan in mar uu tababar u
furayey ciidamo Boolis ah degmada Carmo, PM, Cali M. Geedi ay dadkii soo
dhoweynayey raisul wasaaraha oo tiradoodu kumaankun ahayd oo safnaa inkabadan
20km, iyadoo ayaamo ka-horna la doonayey in lagu khaarajiyo Bam galaaftay
nolosha qaar ka mid ilaaladiisii mar uu booqasho ku tegey magaalda uu asal ahaan
ka soo jeedo ee Muqdisho. Hadaladii RW waxaa ka mid ahaa "Hadii Soomaaliya
sideedii hore ku soo noqota, abaalka reer Puntland soomaliya u galaya lama
iloobi doono.
Markaan eegno lixdaas qodob ee kor ku xusan iyo kuwo kaloo badan luuqada qudha
ee ay reer Puntland fahmaan waa ta soomaalinimada, midnimada, qaranimada iyo
walaaltinimada mana aaminsani in Soomalinimada loo wax yeeleeyo si looga hortago
Maxkamadaha Muqdisho oo iyaga qudhoodu jecel in logu yeedho Islaamiyiin halkii
laga oran lahaa Soomali.
Markaa Madaxweynaha Puntland waxaa la gudboon
in uu shacabka reer puntland uu mariyo dhinaca ay jecelyihiin inay maraan oo
ah dhinaca wadaniyada iyo Somaaliweynimada, taasoo ah dariiqada keliya ee lagu
kasban karo qalbigooda iyo ka soomaalida kalaba laguna joojin karo Maxkamadaha u
tafa-xaytey inay ku xaliyaan mashaakilka Soomaliya iyo kuwa deriskaba qori
caaradii, iyo dagaalo diineed.
Walaahu Aclam
Cabdiraxmaan Xariri – Saudi Arabia
xariri@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 8, 2006