SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PUNTLAND



Wararkii Puntland: July 17, 2006

  • Saxiixa C/Laahi Yuusuf oo ku xiran Ciidamo Loo Asaaso Cabdi Qaybdiid...
  • Garoowe: Kulan Dhexmaray Shirkad laga leeyahay Shiinaha, DFKMG & DGPL...
  • Garoowe: Shirkad Chinese ah oo ku soo Biirtay Loolanka Macdan Baariseed ee Puntland.
Garoowe: Shirkad Chinese ah oo ku soo Biirtay Loolanka Macdan Baariseed ee Puntland.

(SomaliTalk.com - Garoowe July 17, 2006):- Shirkad laga leeyahay dalka china qaabilsana dhanka macdan/shidaal baarista oo lagu magacaabo CNOOC {China National Offshore Oil Corp.} shirkadan ayaa waxay ku soo biiraysa Shirkadaha loolanka ugujira in ay Puntland ka baaraan Khayraadkeeda dabiiciga ah gaar ahaan Shidaalka iyo macdanta.

Xasan Aloore oo ah Agaasimaha Guud ee Wakaalada Macdanta Puntland ayaa qaabilay Wafdigaan oo shalay July 16, 2006  soo gaaray magaalada Garowe.

Xubnaha wafdigan ka socoda china ayaa ka kooban 2 nin waxayna kulamo la qaadanayaan madaxda Puntland waxayna caawa marti u yihiin dawlada iyada oo dhanka kalena ay garowe ku sugan yihiin wafdigii madaxwaynaha somalia C/laahi Yuusuf Axmed. 

Dhanka kalena warar ay SomaliTalk.com si hoos  ahaana u heshay ayaa la xaqiijinayaa in 2 xubnood oo iyana ka socda shirkada macdanta ka baaraysa puntland ee Range Resources  ay ka soo dageen garoonka diyaaradaha ee Conoco  oo 35 km dhanka Bari ka xiga magaalada Garoowe.

Labadaan xubnood ee ka socda shiraka Range Resources  ayaan laga warhayn imaanshahooda oo la xiriira indha indhayn ay ku sameeyeen ceelka shidaalka ee Conoco.

Wasiirka maaliyada puntland Maxamed Yuusuf Gaagaab ayaa  tagay garoonka Conoco qadar yar inta aysan soo caga dhigan diyaaradii waday 2 xubnood ee ka socday Range Resources.

Wasiirka ayaa ilaaladii garoonka ka dhaadhiciyaya in ay imaanayso diyaarad wada wafdi ka socda DFKMG ee Soomaaliya isla mar-ahaantaana loo baahan yahay in amaanka si wayn loo adkeeyo, mid ka mid ah ilaaladii garoonka oo ka gaabsaday in magiciisa la shaaciyo ayaa SomaliTalk.com u xaqiijiyaya warkaas.

Waxana uu intaas ku daray in 2 xubnood ee ka socday  shirkadda macdanta ka baaraysa Puntland ay ku soo wareegeen garoonka isla markaana ay dul tageeen ceelka Conoco oo la rumaysan yahay in shidaal uu ceegaago waxana uu intaa ku daray in ay ku sugnaayeen garoonka wax ka yar saacad kadibna ay ka duuleen garoonka si cadna looma shaacin ujeedada socdaalka 2 xubnood ee yimid Conoco.

Majirin cid mas'uul ah  marka laga reebo wasiirka maaliyada oo isagu qaabilay xubnaha wafdigan taasina waxay ku tusinaysaa sida ay gacan saarka iskula leeyihiin wasiirka maaliyada puntland iyo Range Resources  oo ayaamahan ay soo baxayeen warar sheegaya in saamiga ama sheerka shirkada Range Resources uu ku leeyahay saami wasiirka maaliyada Puntland Maxamed Yuusuf (Gaagaab)

c/risak koronto | Garoowe
Email: koronto@somalitalk.com

SomaliTalk.com, Conoco, Garoowe, Soomaaliya | July 17, 2006

Saxiixa C/Laahi Yuusuf iyo Ciidamo La isugu Dubbarido Cabdi Qaybdiid...

(Garoowe: July 17, 2006):- Wararka ka imanaya magaalada Garoowe ee xarunta u ah Dowlad Goboleedka Puntland (DGPL), oo ay hadda (July 17) ku sugan yihiin wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Dowladda Federaalka Kumeelgaarka (DFKMG), ayaa tibaaxay in DGPL ay ku gorgortameyso in madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf uu u saxiixo heshiiska ay Puntland la gashay shirkadda Range Resources ayadoo aan weli baarlamaanka DFKMG ka doodin sharcigii lagu maamuli lahaa khayraadka dabiiciga ah (macdan/shidaal) ee dalka Soomaaliya.

Markii uu Garoowe tegey Cabdullaahi Yuusuf Axmed, MDFKMG, waxa uu isla markiiba kulan albaabadu u xiran yihiin la yeeshay madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse Xirsi Boqor.

Ilo wargal ah oo weydiistey in aan magacooda la sheegin ayaa sheegay in marka uu madaxweynaha DFKMG uu saxiixo heshiiskaas (Puntland iyo Range) in bedelkeeda ay Puntland DFKMG ee fadhigeedu yahay Baydhabo ay gacan ku siin doonto bixinta lacagta lagu agaasimayo ciidamo la isaga dubbarrido Gobolka Mudug oo loo abaabulayo in uu hoggaamiyo Cabdi Cawaale Qaybdiid, oo ah qabqablihii dagaalka ee ugu dambeeyey ee laga soo cayriyey magaalada Muqdisho. Cabdi Qaybdiid waxa uu ka mid ahaa waftigii la socdey Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf, waxana uu waftiga kaga haray Galkacyo, waxana uu markiiba u dhaqaaqay dhanka Koonfureed ee magaalada Galkacyo asagoo uu la socdo wasiirka arrimaha gudaha ee DFKMG, Xuseen Maxamed Faarax Caydiid.


Saddexda dhallinyarada  ee ka tirsanaa Daraawiishta Puntland ee ku xiran Thailand, waxay muujineysaa heerka ay Dowladdu ka taagantahay shacabkeeda oo aysan dan ka lahayn: 
[AKHRI::: XABSIGA THAILAND::: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 ]


Dad badan oo reer Puntland ah ayaa aad uga carrooday booqashada Cabdi Qaybdiid uu ku tegey Puntland, laakiin cabursanaan baaxad weyn oo ka jirta Puntland ayaa waxaa adag in shacabku ay fikradooda si xor ah u cabbiraan. Dhanka Baydhabo, sida uu weriyey Radiye Daljir, bayaan ay soo saareen aqoonyanno iyo waxgaradka beelaha Digil iyo Mirifle ayaa waxaa lagu xusay sida ay beelahaasi uga xun yihiin in DFKMG ay soo dhoweyso qabqablayasha dagaalaka ee looga awoodda roonaaday Muqdisho, waxana ay sheegeen in ay ka xun yihiin in ay Baydhabo yimaadaan Maxamed Dheere iyo Cabdi Cawaale Qaybdiid oo ka mid ahaa is bahaysigii burburay ee loogu yeeri jirey 'ladagaalanka Argagxisada'. [Dhegeyso: Daljir: 16/7/2006].

Dhowaan ayey ahayd markii Qiimaha sarifka Doolarka Mareykanka ee suuqyada lacagaha lagu sarifo ee Puntland aad kor ugu kacay, iyadoo 100 Doolar uu isku shareeray 1.600.000 Sh.So. Sare u kaca sarifka Doolarka ayaa sariflayaashu ku eedeynayaan in uu sababay kadib markii uu Bangiga magaalada Boosaaso uu suuqyada soo dhigay lacag dhan 20 Bilyan Sh.So, taasoo loo sarrifayo dowladda Federaalka ee fadhigeedu yahay magaalada Baydhabo, sida uu weriyey Radio Midnimo. Waxa kale xildhibaan ka tirsan Golaha Baarlamaanka Puntland uu raadiyaha u sheegay in bil walba ay Puntland soo gasho hanti dhan 24 Bilyan iyo 500 oo Milyan (Sh.So), taasoo ku jaango’an miisaaniyada Maamul goboleedka Puntland oo ay ku jiraan Madaxyada deynbixinta, Gurmadka Degdega ah iyo Horumarinta, madaxyadan oo inta badan ah kuwa ay dhibaatadu ka taagan tahay sida loo maamulay lacagahooda. [Eeg: 13/7/2006].

Wasiirka maaliyada DGPL oo ka hadlayey arrimaha la xiriira miisaaniyada DGPL meelaha ay ku baxaan ayaa sheegay in ay u badan tahay warqadaha Caafimaadka oo inta badan 2-da Gole ay soo qortaan, Arday Jaamacado loo diro, Dhaqaale deg-deg ah oo la siiyo saraakiisha ammaanka marka ay yiraahdaan xaalad deg-deg ah baajirta , baabuur tira-badan oo loo gaday dawlada iyo masuuliyiinta dawlada , kharashaad badan oo ku baxa safarada iyo booqashada ay Masuuliyiitna DFKS ay ku yimaadaan gobolka... (Arrinta la xiriirta "Aradyda Jaamacaha loo diro" ee wasiirku sheegay waxaa si weyn uga hor yimid Ardayda Puntland) [Eeg: 16/7/2006].

Puntland ayaa waxaa ka jira muqusmaasuq baahey, ayadoo Dowladda Cadde Muuse aysan hir gelin ballamadii ay doorashada ku heshay, oo aan waxba laga qaban adeegyada shacabka iyo arrimaha bulshada ee degaankaas, shacabkuna aysan xor u ahayn in ay fikradooda cabiraan. Qodobka shanaad ee barnaamijkii Cadde Muuse ayaa ahaa: "in xil wayn la iska saaro horumarinta adeega bulshada, sida Caaafimaadka, waxbarashada, biyaha, tamarta , dawooyinka, garoomada diyaaradaha, dakadaha deegaanka iyo nolasha reer guuraaga, hawlahaas oo lixdii sano ee puntland dhisnayd aan wax badan laga qaban." [Eeg: 18/12/2004].

Garoowe: Kulan Dhexmaray Shirkad laga leeyahay Shiinaha, DFKMG & DGPL


Xubnaha ka socda CNOOC ee la shiray DFKMG & DGPL

Habeenimadii Axadda July 16, 2006 waxaa magaalada Garoowe kulan ku dhex maray shirkad lagu magacaabo CNOOC (China National Offshore Oil Corporation) iyo waftigii uu hoggaaminayey madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed, MDFKMG, iyo madax ka tirsan Dowlad Goboleedka Puntland.

Kulankaas wax go'aan ah markiiba laguma gaarin, laakiin madaxweynaha DGPL ayaa soo jeediyey in guddi uu isagu hore u magacaabay in ay shir la yeeshaan shirkaddan CNOOC ayna weydiiyaan meelaha ay rabto in ay baaritaanka ku samayso, kaddibna ay go'aan gaaraan isla maanta.

Xubnaha kasocda shirkaddan waxa ay Garoowe yimaadeen Axaddii July 16, 2006.


Xasan Abshir oo gacanta ku haya buug ay ka muuqato calaamada CNOOC

Shirkadda CNOOC waa shirkad ay leedahay dowladda Shiinaha. Waxaana la asaasay sannadkii 1982, xarunta shirkaddaasina waa magaalada Beijing ee dalka China. Waana shirkad dalka Shiinaha saliidda ceyriin/shidaalka uga baarta badaha. [Webisteyada CNOOC: www.cnooc.com.cn iyo www.cnoocltd.com].

Kulankii lala yeeshay shirkadda CNOOC ee Garoowe intii uu socdey waxaa la arkaayey Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka badda ee Dowladda Federaalka KMG Xasan Abshir Faarax, oo gacanta ku wata buug u samaysan qaab qoraal lasoo diyaariyey oo ay dusha kaga sawiran tahay calaamadda shirkada shiinaha ee CNOOC. (Eeg sawirka midig). Xasan Abshir waxa uu ka mid ahaa waftiga la socdey madaxweynaha DFKMG ee Soomaaliya.

Waxa ay u muuqataa shirkadda CNOOC ee dalka shiinaha mid Puntland kula tartami karta shirkadda Range Resources ee ay wataan madaxda sare ee DGPL.

Wararkii safarka waftiga DFKMG hoos ka akhri.

Faafin: SomaliTalk.com | July 17, 2006


C/laahi Yuusuf oo ka soo degey Garoonka Conoco ee Garoowe

Safarka Puntland oo la xiriira sidii shirkadda Range Resources ay u heli lahayd Saxiixa Madaxweyne C/laahi Yuusuf....

Safarka Cabdullaahi Yuusuf ee Galkacyo, Garoowe, Boosaaso iyo Yemen....

(Garoowe: SomaliTalk.com July 16, 2006):- Madaxweynaha DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo wafti ka kooban labada gole oo uu hoggaaminayo ayaa Axad July 16, 2006 ka soo degey garoonka diyaaradaha ee Conoco oo 35 km bari ka xiga magaalada Garoowe. Waxaana garoonka kusoo dhoweeyey madaxweynaha DGPL, Maxamuum Muuse Xirsi Boqor uu xubno ka tirsan Dowlad Goboleedka Puntland.

Waftigan ayaa kusoo hakaday magaalada Galkacyo kaddib markii ay kasoo duuleen magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka u ah DFKMG.

Waftiga madaxweyne Cabdullahi Yuusuf u raacay Puntland oo ka kooban in ka badan 30 xubnood, waxaa ka mid ah: Wasiirka Arrimaha Gudaha DFKMG Xuseen Maxamed Faarax Caydiid, Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka badda ee Dowladda Federaalka KMG Xasan Abshir Faarax, Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Taliyaha Ciidanka Booliska DFKMG Cali Madoobe iyo xubno kale.


Maxkamadihii oo Madaxtooyada Degeya iyo Madaxweynihii iyo Wafdigiisii ( Cabdi Qeydiid iyo Xasueen Caydiid) oo ka Degay Gaalkacyo: Qore C/Waaxid Khaliif


Waxaa kale oo waftiga madaxweynaha ka mid ah qabqablihii ugu dambeeyey ee laga cayriyey Muqdisho, Cabdi Cawaale Qaybdiid, waxana uu ku haray Galkacyo oo uu markiiba u dhaqaaqay dhanka Koonfureed ee magaalada Galkacyo, waxaana la sheegay in Xuseen Caydiid sii raacay.

Madaxweynaha DGPL, Gen.Cadde Muuse waxa uu sheegay in Puntland ay casuntey Cabdullaahu Yuusuf si ayuu yiri loo saxo arrimo ku kala dhex jira DGPL iyo DFKMG kuwaas oo sida uu sheegay ku saabsan Khayraadka Dabiiciga ah ee Puntland (Macdanta).

Shirkadda Range Resources ayaa madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse waxa ay ka dalbatay in heshiiska shirkadaas iyo Puntland uu saxiixo Madaxweynaha Federaalka (Dhegeyso:7/11/06). Inta saxiixaas la sugayona waxaa hakad la geliyey ganacsiga saamiyada shirkadaas ee suuqa ganacsiga ee Australia ilaa July 18, 2006 oo la qiyaasayo ka hor in la helo saxiixa C/laahi Yuusuf si loo tuso suuqa ganacsiga si kor loogu qaado saamiyada shirkadaas (Eeg: TRADING HALT: July 14, 2006).

Madaxweynaha DFKMG, Col. Cabdullaahi Yuusuf Axmed isla markiiba waxa uu shir albaabadu u xiran yihiin oo aan saxaafadda iyo cid kale loo ogolaan la yeeshau  Madaxweynaha DGPL, Gen. Maxamuud Muuse Xirsi Boqor, ilaa haddana lama garanayo arrimaha ay kulankaas kaga wada hadleen.

Cabdullaahi Yuusuf ayaa lagu wadaa in inta uu joogo Puntland uu tegi doono magaalada dekedda ah ee  Boosaaso. Kaddib ayaa la filayaa in uu ka sii aadi doono dalka Yemen oo la sheegay in uu martiqaad ka helay Cali Cabdalla Saalax. (July 11, 2006 ayey ahayd markii uu madaxweyne Cadde Muuse sheegay in Itoobiya wixii ay doonaan ayey kala soo degi kartaa Dekedda Boosaaso. Dhowaan ayey ahayd markii wasiirka maaliyadda Puntland oo ka hadlayey meesha uu ku baxo dhaqaalaha Puntland waxa uu xusay: kharashyo badan in ay ku baxaan safarrada iyo booqashada ay Masuuliyiitna DFKMG ee Soomaliya ay ku yimaadaan gobolada Puntland.)

Ra'iisul wasaaraha DFKMG iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG ayaa labaduba hore u sheegay marka hore dalka loo sameeyo xeer ama sharci ku saabsan khayraadka dabiiciga, sharcigaas oo kaddib markii lagu soo sameeyey Malindi, Kenya lagu wareejiyey ra'iisul wasaare Cali Maxamed Geeddi si uu u hor geeyo golaha Baarlamaanka DFKG si ay uga dodaadaan, arrintaas oo aan weli dhicin. Si aad arrintaan u si xeel dheer ugu fahamtid AKHRI FAALLADA HOOSE:::: (Sidoo kale AKHRI: Safarka Cabdullaahi Yuusuf ee Puntland Qoraaladii ay ka Qoreen Warbaahinta Puntland)

  • Ardayda Puntland oo ka Hadlay Hadalkii Wasiirka Maaliyadda DGPL
    Wasiirka maaliyada ayaa sheegay in ay u badan tahay warqadaha Caafimaadka oo inta badan 2-da Gole , ay soo qortaan , Arday Jaamacado loo diro , Dhaqaale deg-deg ah oo la siiyo saraakiisha ammaanka marka ay yiraahdaan xaalad deg-deg ah baajirta , baabuur tira-badan oo loo gaday dawlada iyo masuuliyiinta dawlada , kharashaad badan oo ku baxa safarada iyo booqashada ay Masuuliyiitna DFKS ay ku yimaadaan gobolka... [AKHRI....]

  • [AKHRI::: XABSIGA THAILAND::: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 ]

:: Wararkii ugu horreeyey Safarka Puntland ee waftiga Madaxweynaha DFKMG ::

Madaxwaynaha DFKG Soomaaliya c/laahi yuusuf  ayaa soo Gaaray Caasimada puntland ee Garowe.

Madaxwaynaha DFKG Soomaaliya c/laahi Yuusuf Axmed ayaa ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee Conoco oo magaalda Garoowe ka xiga dhanka  bari una jira qiyaastii 35 km  waxana u soo gaaray abbaare 2:00 duhurnimo oo daqiiqado dhiman saacada geeska afrigada bari ee maanta (July 16, 2006).

Waftdiga madaxwaynaha Soomaaliya c/laahi yuusuf oo saacado ku soo hakaday magaalada Galkacyo ee xarunta gobalka mudug ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay magaaladaasi  Galkacyo, wafdiga madaxwaynaha oo ka badan 30 xubnood oo kakala tirsan labada gole ee dawlada somalia.

Hogaamiye kooxeedkii ugu danbeeyay ee lagaga itaalka roonaaday magaalada muqdisho  Cabdi Cawaale Qaybdiid ayaa ka mid ahaa wafdiga madaxwaynaha kuna haray magaalada Galkacyo loona galbiyay dhanka koonfureed ee magaaladaasi galkacyo. 

Wafdiga madaxwaynaha ayaa waxaa ka mid ahaa Xasan Abshir Faarax wasiirka kaluumaysiga, xuseen maxamed caydiid wasiirka arimaha gudaha, maxamed cabdi xayir maareeye wasiirka warfaafinta, iyo xubno kale oo katirsan 2 gole ee dawlada somalia.

Ujeedada wafdiga ayaan cadayn si cadna shaaca loogama qaadin balse waxaa la ogsoonayahy in madaxwaynah DGPL Cadde Muuse uu casuumay madaxwaynaha somalia c/laahi yuusuf isla markaana  uu dadajiyay sharciga macdan baarista puntland kaasi oo ay anxisiyeen golaha baarlamaanka puntland, u jeedada  ayaa ah in wadahadal laga yeesho baarista macdanta laga wado puntland. 

c/risak koronto | Garoowe
Email: koronto@somalitalk.com

Faallo:: Madaxweyne C/Laahi Yuusuf ma tegi doonaa Puntland July 17, 2006?

Haddiise uu tago ma ansixin doona heshiis aan barlamaanka DFKMG ka doodin....?

SomaliTalk.com | July 14, 2006 | Warar cusub: July 15, 2006

Garoowe:- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Gen. Maxamuud Muuse Xirsi Boqor ayaa mar uu July 11, 2006 la hadlayey baarlamaanka Puntland waxa uu sheegay in uu madaxweynaha DFKMG ka codsaday in uu Puntland yimaado ilaa 17 bisha July 2006, sababta uu taas u weydiistey qormadan ayaad ka dhex arki doontaa:

Shirkadda Range Resources (oo ay 'Consort ltd' ka iibisey saamiga 50.1% xuquuqda khayraadka Puntland) markii ay heshay saxiixii madaxweynaha Puntland waxa ay heshiisyo la gashay shirkado kale oo ay ku sheegtay in ay leeyihiin khibrad ku saabsan shidaal iyo macdan baarista. Laakiin waxaa dhacday in heshiisyadaasi aan wax badani ka qabsoomin. Sababta arrintaas waxa caddeeyey hadalkii uu madaxweynaha DGPL u sheegay golaha Baarlamaanka July 12, 2006 ee ahaa "(Dowladda) Federaalka lagama maarmo, maxaa jira dowladihii waaweynaa oo dhan ama shariikadihii waxa ay leeyihiin idinku region (gobol) ayaad tihiin, tixgelintiintiina waad leedihiin, laakiin waxaan rabnaa Dowladda Federaalka oo weyn si aysan hadhow noo eryin in aad 'confirm' ka haysataan" (Dhegeyso:7/11/06).

Heshiisyadaas aan weli hirgelin ama socon waayey waxaa ka mid ah:

Heshiiska socon waayey: Dabayaaqadii bishii Febraayo 2006 ayaa waxa uu heshiis magaalada Dubai ku dhex maray Range Resources iyo MEPS (Middle East Petroleum Services Limited) oo ah shirkad  sida la sheegay laga leeyahay Bariga Dhexe, waxana uu heshiiskaasi ku saabsanaa in boqolkiiba 15% faa'iidada la siiyo shirkadaas MEPS maadaama sida la sheegay ay leeyihiin khibarada shidaal soo saaridda, waxana "Range Resources" ay sheegtay in ay la shaqayn doonaan shirkad khibrad u leh baaritaanka shidaalka, iyo khubaro, sida Mr. Ramzy El Adl (reer Masar) iyo Mr. Asker Ali Hussein Al Thahiri (Yemen) oo ka tirsan shirkadaas, sida ku cad qormadii Range ee Febraayo 2006 (Eeg: 23/2/2006), heshiiskaas oo Range aad ugu faantay.. Laakiin qoraal ay Range soo saartay July 12, 2006 ayey ku sheegtay in heshiiskaas la baabi'iyey, lagana baxay heshiiskaas kaddib markii ay Range Resources sidaas ka ogolaatay shirkaddii MEPS. (Eeg:12/7/2006). [Websiteka: MEPS: http://www.mepsltd.com/]

Heshiiska aan weli hirgelin: Heshiis qarsoodi ahaa ayaa Khamiis April 20, 2006 waxa uu magaalada Dubai ku dhex maray Range Resources iyo shirkad laga leeyahay dalka Korea oo la yiraahdo KNOC (Korea National Oil Corporation), heshiiskaas waxa shirkadaas Korea lagu damacsan yahay in laga iibiyo xuquuqda boqolkiiba 75% aagga loo yaqaan 28aad iyo 29aad oo ah Dooxada Nugaal, laakiin waxaa heshiiskaas lagu xusay in muddo 45 maalmood ah (oo ka bilaabanaysey April 20, 2006) uu ku dhaqan geli karo. (Eeg: 21/4/2006). Laakiin heshiiskaasi si rasmi ah weli uma dhicin, waxaana dib loo dhigay ilaa July 31, 2006. Dib u dhacaas waxa ay Range Resources ku macnaysay in ay sugayaan xog iyo macluumaad laga helayo Soomaaliya iyo in la falanqaaynayo xogtii iyo macluumaadkii ay heleen markii ay tageen xarunta shirkadda Conoco ay baaritaanka ka wadey ee Dooxada Nugaal, sidaasna waxa ay Range Resources ku cadaysay warqad ay u dirtay suuqa ganacsiga ee Australia (ASX). (Eeg:12/7/2006).

Halkaas waxaa ku qarsoon saddex arrimood oo is garab socda:

  1. Shirkadda Range Resources oo dooneysa in ay hesho saxiixa dowladda Federraalka Soomaaliya kaddib markii ay suuq geyn kari weydey saxiixii madaxda sare ee Puntland ee uu ku jiro madaxweynaha DGPL, sida uu muujiyey Gen Cadde (Dhegeyso:7/11/06)

  2. Marka ay saxiixaas hesho Range Resources waxaa soo bixi kara arrin xagga sharciga ah, kaas oo la xiriira xog gaar u ahayd shirkad ay Dowladii hore ee Soomaaliya ku ogeyd dalka oo xogteedii la siiyey shirkad kale, arrintaas oo jebineysa xeerka caalamiga (ee Rugta Ganacsiga Caalamiga ah).

  3. Baarlamaanka DFKMG oo aan ansixin xeer u samaynta macdanta Soomaaliya, madaxweynaha Soomaaliya ma saxiixi karaa heshiis shirkadi la geleyso dowlad goboleed.

Baarlamaanka DGPL asagoo aan loo sharxin heshiisyadaas iyo arrimaha la xiriira ayaa la marsiiyey in ay ansixiyaan heshiisyadii ay DGPL la gashay shirkadda consort/Range, waxayna arrintaas si degdeg ah ku ansixyeen July 12, 2006. (Dhegeyso: Doodii BPL). Sidoo kale saxiixyada lala soo galo shirkadaha shisheeye lagama qayb geliyo hay'adaha Soomaaliyeed ama wasaaradaha ku shaqada leh in ay ka soo baaraan degaan. Waxaana meesha ka maqnayn muqusmaasuq baahey, nin tooxsi iyo naas-nuujin.

Markii uu baarlamaanku arrintaas ansixinayey waxaa la soo hor dhigay qoraal ka kooban 9 qodob, kaas oo lagu macneeyey in uu yahay heshiiska ay Puntland la gashay shirkada Consort ltd /Range Resources markey taariikhdu ahayd 30 August 2005 (Xaqiiqadusa ay tahay in heshiiskaas lala galay 'Consort ltd' oo ay dowlada iyo Terry kusoo dhiseen Jasiiradda Maldives).

Intaas oo dhan waxaa ka horeeya in la iska ilaawey isweydiinta sidi ay arrintani ku bilaabatay, oo ahay nin sheegtay in uu ka socdey urur xananeeya carruurta uu markiiba saaxiib la noqday madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse, ninkaas oo la yiraahdo Mr. Terry Donnelly. Kaddibna uu ninkaas iyo wasiiro ka tirsan Dowladda Cadde ay magaalada Male ee Jasiirada Maldivis kasoo sameeyey shirkad ay ugu magac dareen "Consort ltd". (Eeg: Oct 17, 2005). Waxay ahayd October 5, 2005 markii ay Range Resources sheegtay in "Shirkada Consort" ay Saami ahaan 50.1% Khayraadka Puntland ka Iibisey "Shirkada Range Resources".

Sir Samuel Esson Jonah
Sir S. Jonah  Ganacsade ah reer Gaana

[Markii aan qoray faalladaas ka dib, July 14, 2006 waxa ay Range Resources soo saartay qoraal ay ku sheegtay in ay la wareegtey baaqigii ku harsanaa xuquuqda 'Consort ltd' ee khayraadka Puntland ee ahaa 49.9%, sidaasna ay sheegtay in ay Range ku yeelaneyso saamiyada 100%, waxaana guddiga Range lagu daray Sir Sam Jonah oo da'diisu tahay 56 jir (ahna ganacsade u dhashay dalka Ghana oo ka ganacsada Dahabka) kana tirsan shirkadda "Angalo Gold Ashanti Limited" oo ah shirkad xarunteedu ku taal magaalada Johannesburg, South Africa - Eeg July 14, 2006 - Isbedelkaas cusub lama oga in uu baarlamaanka Puntland markale ka doodi doono maadaama markii hore arrinta degdeg loo marsiiyey.].

Waxaa xusid mudan in Mr Marinis oo ahaa agaasimihii shirkada Range Resources uu is casilay, ninkaas oo sheegay in uu wax yar ka ogyahay "Consort", laakiin waxa uu si cad u sheegay "in agaasimayaasheeda ay ka mid yihiin wasiiro ka mid ah dawlada" (Puntland). (Eeg: May 25, 2006).

Waxaa intaas dheer, in ay jiraan warar sheegaya in Dowladda Federaalka kumeelgaarka ay heshiisyo qarsoodi ah magaalada Malindi ee dalka Kenya ay kula soo gashay shirkado gaar ah, heshiiskaas oo lagu sheegay "Qaybsi saami wax soo saar shidaaleed amaba 'Production Sharing Agreement', kaas oo ay DFKMG la gashay Shirkad laga leyahay dalka Indonesia iyo mid ay la gashay shirkad laga leeyahay dalka Kuwait. Heshiiskaas oo lagu gaarey Malindi intii aan xeerka loo samayn shidaalka Soomaaliya, xeerkaas oo isla magaaladaas Malidi lagu soo agaasimey ayaa June 12, 2006 lagu warejiyey Ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geeddi, si uu u hor geeyo baarlamaanka Soomaaliya - lamana ansixin xeerkaas weli. Waxaa tas garab socda in Cadde Muuse uu sheegay in Cabdullahi Yuusuf uu Puntland keenayo shirkado Shiine ah - arrintaas oo khilaafsan heshiiska la sheegay in uu Geeddi wax ka ogaa ee Malindi.

July 15, 2006 mar uu guddoomiyaha baarlamaanka DGPL, Shariif Xasan Sheikh Aaden, la hadlayey baarlamaanka DFKMG ee ku sugan magaalada Baydhabo waxa uu sheegay in aan xukuumaddu muddo lab asano ah hor keenin wax heshiis caalami ah oo ay tahay in barlamaanku ka doodo, arrintaas isagoo ka hadlayana waxa uu yiri: "Anigu waxaan qabaa baarlamaanka xukuumadu wayba ankirtay, sababtoo ah hal heshiis laba sano ay noo keentay ma jirto, hal heshiis oo caalami ah oo xukuumadu hal waraaq ku qoran la yiri hal malin ka hadla ma jirto" [Dhegeyso: 7/15/2006] - Waxaa hadalkaas ka horeeyey in bishii May 29, 2006 mar uu guddoomiyha baarlamaanka DFKMG uu booqasho ku tegey Boosaaso si uu DGPL ugala hadlo arrimaha khayradka dabiiciga ah uu sheegay in dhowaan sharci loo samaynayo khayraadka dabiiciga ah ee dalka, sharcigaas oo la sheegay in ra'iisul wasaaraha lagu warejiyey laakiin aan weli la hor geyn baarlamaanka DFKMG. (Dhegeyso: 5/29/2006).

Hadaba su'aashu waxa ay tahay, arrimhaas oo jira, madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, ma tegi doonaa Puntland marka ay taariikhdu tahay July 17, 2006 sida uu ka codsaday madaxweynaha DGPL, Maxamuud Muuse Xirsi Boqor.? (Waxaana jira qoraal cusub oo ay maanta (July 14, 2006) soo saartay Range Resources oo ay ku sheegeyso in la hakiyey ganacsigii Range Resources ee suuqa ganacsiga ASX. Waxaana xusid mudan in hakadkaas la xusay in uu jiri doono ilaa July 18, 2006, maalin kaddib booqashada laga codsaday madaxweyne C/laahi in uu ku yimaado Puntland si uu u ansixiyo heshiiskaas, markaasna saxiixa C/laahi Yuusuf la tuso suuqa ganacsiga. (Eeg: TRADING HALT: July 14, 2006).

Sidoo kale lama oga in madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf marka uu tago Puntland uu wax ka dhehi doono Qoraalkii ay Isniin June 12, 2006 soo saartay "Northbridge Services Group" (NSG) oo ahaa in dowladda Federaalka Kumeelgaarka ee Soomaaliya (DFKMG) ay NSG u ansixisay lahaanshaha gebi ahaanba xuquuqda bixinta heshiisyada shidaalka Soomaaliya. (AKHIR: "NSG" Waa Shirkad Caynkee ah).

Dad badan ayaa is weydiinaya sida ay cajaa'ibka u tahay: halkii ay dowladdu si toos ah shirkado muctarif ah ayadu ugu tegi lahayd sababata ku kallifeysa in saxiixooda lagu raadsado shirkado kale kuwaas oo saami lala sii gala shirkado saddexaad ama afraad, sidaasna uu kharash aad u badan iyo waqti badan kaga baxo ummadda Soomaaliyeed.. Mase arrintu waa 'qawda maqashii waxna ha u qaban' iyo shirkad heblaayaa berri imaneysa halkii waxa dalka soo gala loogag afaa'iideynaha dadka gaar ahaan xaaggga arrimaah bulshada. Mase waxaa arrinta shirkadaha tirada ka batay ee la kalabedelayo maalin kasta lagu qarinayaa musuqmaasuga baahey si aan dowladda wax kale loogula xisaabtamin.


Kaamkii Conoco ee Dooxada Nugaal | sawir la siiyey Range Resources

Dhanka kale tan iyo markii uu madaxweyne Puntland ka noqday Gen. Cadde Muuse, Sabti, Janaayo 8, 2005, waxaa Puntland ka jirey markasta oo loo malaynayo inuu halkaas imanayo madaxweynaha DFKMG, C/Laahi Yuusuf, in cadaadis gaar ah ay DGPL saareysey saxaafadda gobolka. Cadaadiskaas oo ay ka mid tahay in si toos ah weriyayaasha loogu sheego in aysan qoraal ka qori karin safarka C/laahi Yuusuf inta uu joogo Puntland, ama lagu handado si guud oo saxaafada loogaga hanjabo. Waxaase dad badani is weydiinayaan in arrintaas uu ku baraarugsan yahay Madaxweyne C/laahi Yuusuf.

Dhanka kale waxaa in badan oo reer Puntland ah is weydiinayaan dowlada tixgelin weydey xuquuqda muwaadiniiteeda, dan maka lahaan kartaa wax u qabadka shacabka, arrintaas oo looga tusaale qaadanayo saddexda askari ee ka tirsanaa ciidamada daraawiishta Puntland ee laga qafaashay xeebta badda Soomaaliya ayagoo hawshoodii ay dawladu u xilsaartay gudanayey, haddana ku xiran Thailand oo ay dowladii ay u shaqaynayeen hilmaantay, yey u danayn doontaa dowladdaasi? [AKHRI::: XABSIGA THAILAND::: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 ]

Faafin: SomaliTalk.com | July 14, 2006 | warar cusub: July 15, 2006


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD