SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - OIL

Aragtidayda ku aadan soo saaridda Macdanta - Aar

  • Qore: Maxamed Xasan Aar

Marka hore waxaan salaamayaa hawl wadeenada Somalitalk.com. Salan kadib...

Waxaan ka mid ahay dadka hawl maalmeedkoodu kamid yahay inay Web-ka Somalitalk booqdaan. runtii waxaan aad ula socdaa wararka iyo faalooyinka ku saabsan arintan Patroolka P/land taasoo xiisad ka dhex abuurtay DGPL iyo DFKM.

waxaan jeclahay inaan arintaa ka soo dhiibto aragtidayda idinkoo raali iga ah.......

waxaana muuqata inaad arintaa xooga saaraysaan si shacabka soomaaliyeed aad ugu iftiimisaan sida xaqiiqda iyo sharcigu yahay ..

Aragtidayda

waxaa iska cad in DGPL aanay wax qaynuuna ama sharci ay cuskan karto aanay haysan ilaa iyo hadda . waxa ay ku warwareegaysaa ay tahay inay Shirkado shisheeye heshiis lagashay isla mar ahaantaana waxay ka werwreegaysaa in shariciga lagu gar naqsado..

Aniga aragidayda waxay ila tahay umadda Somaaliyeed waxay u igmadeen arimohooda masiiriga ah Dawladda dhexe, iyadaana masuul uga ah umadda Soomaaliyeed wixii masiiri u ah Sida:- macdan soo saaridda. P/landna waxaa isku waafiqi la' hadaladeeda kala dhantaalan ee ay leedahay mar anakaa DFKM ah taageersan kana mid ah, mar kalena hawlihii dawladda dhexe maroorsanaysa, iyadoo waliba u samaysatay Wasiir u harraadan cabista Patroolka, Sharciyaddisana layskuba haysto, waxa intaa dheer inay soo yagleeleen Sharci Patrool.

Hadaba waxaa la rumaysanyahay in Golaha wakiiladu arintaas ay laba garab oo is le eg ay ugu qaybsameen, markay arintu soo gaadhay in sharcigaa la ansaxiyo, iyadoo aan waqti ay kaga soo baaraan degaan la siin golaha wakiilada,

waxaa xusid mudan Gudoomiyaha Barlamaanka P/land oo muujiyay xil kasnimo la'aan kadib markii uu ku degdegay inuu cod dheeri ku ansaxiyo halka ay lagudboonayd inuu arinta u miyiriyo isla mar ahaantaan la tashiyo dhinacyada ah uu bilaabo, waxaase shacabku qaaday dareen ah in Gudoomiyaha ay ka muuqatay inuu u jidbaysanyahay qaabilaadda shirkadaha shisheeye ee baaraya Macdanta.

Waxaana jirta dhulka ay leedahay waxbaan ka soo saaraya P/land dhulku waa gobolo iyo deegaan wax isku darsaday, hadii ay sidaa P/land ku adkaysato aragtidayda waxaa imanaysa in cid kasta Goofkeeda waxa ku jira ilaashato ayna sugto waqti aan loo kala dhexayn doonin iyada iyo Dawladda dhexe...

Mahadsanidin

Maxamed Xasan Aar
aar30@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | March 26, 2008

"Itoobiya oo Ilaalinaysa Meelaha Shidaalka Laga Baarayo ee Puntland"?
iyo khilaaf xooggaan oo soo kala dhex galay DFKMG iyo DGPL oo ku salaysan shirkadaha ay Puntland heshiisyada la gashay iyo xeerka batroolka iyo hadallo ay is.... Akhris/Dhegeysi

caddeQoraal ka soo baxay Gen. Cadde Muuse...
ayaa shaaca ka qaaday in Puntland aysan xilligan ka mid ahayn DFKMG ilaa..... Akhri....


BAARID | SEARCH


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: