SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BATROOL

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland oo Puntland kusoo laabtay 52 maalmood kaddib

Madaxweynaah DGPL, Gen. Cadde Muuse ayaa Talaada (May 20, 2008) dib ugu soo laabtay Puntland kaddib markii uu ka maqnaa muddo 52 maalmood ah.

Gen. Cadde Muuse oo ka soo degey garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ayaa hadal gaaban oo uu siiyey saxaafada waxa uu sheegay sababta uu u maqnaa muddada ka badan bil iyo bar in ay ahayd " danaha dalka", waxan auu intaas ku daray "waxaan u socdey dan Puntland, dantaasna waa la arki doonaa waxay ahayd." Waxana uu intaas sii raaciyey waxaa ugu weyneyd nabad gelyada iyo sidii dalku u dhismi lahaa.

Gen. Cadde Muuse waxa uu qiray in khaladka uu wadanka ka sameeyey ay tahay intii uu lahaa dhaqaale raadi oo wax dhis in nabad gelyadii la waayey.

Gen. Cadde Muuse ayaa nabad gelyo xumida ku eedeeyey shacabka. Eedaasna waxa uu soo jeedeyey mar wax laga weydiiyey waxa ay ka wada hadleen isaga iyo C/laahi Yuusuf maadaama ay kulmeen xilli uu jirey khilaaf xagga aaraa'da ah oo ku saabsan shidaalka (Batroolka), waxa uu ku jawaabey:

"Waxayagii waa ka wada hadalay, aniga iyo madaxweynuhuna waa dhamaysanay, Puntland 'Plan-keeda' (oo uu ula jeedey qorshaheeda) ayey leedahay, Dawladda Federaalkana ka mid ayaan nahay, waxaa Puntland masaaliixda caamka ah waanu ku heshiiney waana dhammaadeen, Puntland waxeeda waa soconeysaa ee waxa keliya oo u daran oo aan u sheegayaa shicib weynaha oo aan idaacadahana gaarsiinayaa Puntland waa loo tashaday, nabad baan rabnaa, maanta kabacdi wixii nabad ah.. khaladka aan waddanka ka sameeyey waxaa weeye intaan lahaa dhaqaale raadi oo wax dhis ayaa nabadii la waayey. Dadka ku shaqaysta oo maalin la arko dadka dilaaya waxaas oo dhan insha Allah dhaqso ayaa la qabanayaa, dadka ka hadla badi oo yiraahda 'maxaa waxaa loo sameeyey' dilka iyo baaba' Puntland maanta haysta shicibka ayaa gacan siiyey haddii la qaban lahaa Boosaaso maalin la arko nin baa af soo duubtay oo waxbuu yeelay ma shicbiga intaas dhan baa awoodi u waayey, waxaan idiin sheeegayaa waxaan u tegey nabad gelyada waana ku soo guulaysaneynaa, laakiin shicbiga waxaan u sheegayaa Puntland shicbigeeda ayaa danteeda wada waxaana idiin sheegayaa yeynaan meel kale ku tashan ee inagu aan isku tashanno."

dr ibrahimBoosaaso: Dr. Ibraahim oo Xoriyadiisii Helay
Dr. Ibraahim G. Cali oo bilowgii bisha May la xiray isaga ka dhoofayey garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ayaa laga sii daayey xabsiga.... Akhri....

Gen. Cadde Muuse waxa uu Boosaaso ka dhoofay Maarso 30, 2008 isaga oo tegey Addis Ababa oo maalmo kooban oo uu gaarey Nairobi, London iyo Jabuuti marka laga reebo waxa uu waqtigiisa ugu badan ku qaatay dalka Itoobiya. Waxana uu Bosaso ku laabtay May 20, 2008. Arrintaas oo ilaa hadda aan dadweynaha loo sheegin waxa mudadaas dheer uu Gen. Cadde u fadhiyey magaalada Addis Ababa.

Gen. Cadde Muuse intii uu Addis Ababa ku maqnaa waxaa dad Soomaaliyeed loo gacan geliyey Itoobiya, waxa kale oo jira dad la xirxiray oo qaarkood ka soo jeedaan Soomaalida ku dhaqan Kenya iya dhulka Soomaali Galbeed.

Faafin: SomaliTalk.com | May 20, 2008

BAARID | SEARCH


C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS