Maxaa ka hirgalay ballanqaadyadii faraha badnaa ee
Maamulka Madaxweyne Cadde Muuse
Cabdixakiim
Jaamac Jooje
Social Development
Adviser
Leicester UK.
saicentadv@yahoo.com
Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo
nabadgelyana Rasuulkeeni Muxammad ahaa ayey korkiisa
ahaatay.
Maamul Goboleedka Puntland ayaa waxaa markii ugu
horeysay dhidibada loo aasay sanadkii 1998di, markaas oo
Madaxweyne loogu doortay Cabdullaahi Yuusuf. Muddadii uu
Cabdullaahi Yuusuf xilka ka hayey Maamul Goboleedka
Puntland, wax horumar ah oo la taaban karo oo uu ka
qabtay ma jirin, laakiin waxa leysla wada qiray in uu
nabadda Puntland uu gacan bir ah ku hayey, taasoo soo
jiidatay in ay dad badani maal gashadaan Puntland. Sidoo
kale Cabdullaahi oo lama arag ballanqaadyo been ah
sameeynaya, oo uusan wax ka qabaneyn.
Haddaba muddo haatan laga joogo saddex sano, waxaa
maamulkaas loo doortay Madaxweyne Cadde Muuse, inuu
ummaddaas reeer Puntland uu isagu garwadeen u noqdo.
Isla markii uu jagadaas la wareegay Madaxweyne Cadde,
wareysi uu bixiyay ayaa waxa uu soo jiitay dad baddan oo
daneynayey horumarka Puntland, isagoo markiiba yiri waxa
aan soo dhisi doonaa gole wasaaradeed oo ku dhisan aqoon
iyo karti. Runtii hadalkaas aad iyo aad ayaa loogu
riyaaqay. Nasiib daro arintaas ma dhicin oo waxa uu dib
usoo celiyay raggii maamulkii hore. Sidaa si la mid ah
Madaxweyne cadde wax uu sameeyay ballanqaadyo ciidaas ka
baddan oo wax ka fulay aysan jirin waxaana ka mid ahaa:
-
- Dhisitaanka Airpoorka Boosaaso.
- Soo saaris Shiidaal iyo macdan kaleba
- Ogolaansho Xisbiyo Siyaasadeed.
- Heshiiskii uu la galay Culumada Puntland ee ahaa
inuu qaadan doono shareecadda.
- Dhisitaankii waddooyinka aada magaalooyinka
Caluula, Qandala, xaafuun iyo beyla.
- In uu la dagaalami doono kooxaha dadka
tahriibiya.
- Iyo heshiisyo kaloo fara baddan oo aanan hadda
halkan kusoo koobi karin.
Intaas oo heshiis illaa iyo hadda ma heyno mid qura oo qabsoomay.
Haddaba waxa isweydiin leh miyaanay jirin marjac loo
noqdo oo qofkan mas’uulka ah ugu yaraan xasuusiya
khaladaadkiisa. Waxaase kasii yaab baddan Puntland in
wax loo qabto daayee ay ka dhaceen waxyaalo uusan
damiirku qaadan karin sida: -
- Mashiinadii la keensaday Boosaaso ee lacagaha
been abuuradka.
- Dadka tahriibayaasha oo aad iyo aad ugu sii
batay deegaanadaas, oo weliba ay kumanaan qof
tiradoodu ay kor u dhaaftay dadka badahaa ku
dhintay.
- Xabsiyadda Puntland oo maxaabiista lagala baxo.
- Laascaanood oo faraha ka baxday, oo aan welina
la hadal heyn.
- Maaqarlaan oo nagu Cusub, iyo Beelaha warsangeli
oo gooni u goosed aclaamiyay.
- Wasiiro baddan oo xilkoodii iska casilay, iyagoo
wax ka tabanaya maamul xumada ka jirta Puntland.
- Waddada isku xirta min Gaalkacayo illaa iyo
Garoowe oo aad iyo aad u burbursan taasoo sababta
shilal baddan oo ay dad baddan ku geeriyoodaan.
- Waddada Isku xirta Boosaaso iyo Qardho oo
iyaduna ay khatarteedu aad iyo aad u baddan tahay
aana marna wax laga qaban.
- Lacagta canshuurta kasoo xeroota, oo meel ay
marto aan leys weydiin.
- Ammaankii Puntland oo faraha kasii baxaya.
Waayaabee khaladaadkaas faraha baddan, yaa ka mas’uul ah, yaasee laga
doonayaa in uu xalkeeda helo. Jawaabtu wey caddahay oo
waxaa ka mas’uul ah maamulka uu Madaxweyne cadde
garwadeenka u yahay.
Haddaba anigu waxaan oran lahaa arimahaas haddii
daacad laga yahay si sahlan ayaa lagu sixi karaa, ee
waxa isweydiin leh diyaar maloo yahay in wax laga qabto.
Dadweynaha ruuxooda haddey dad wanaagsan yihiin waxaan
qabaa annigu Allaah ummaddu haddey fiican tyahay wuxuu u
hagaajiyaa maamulkooda, laakiin dadka ayaad moodaa in ay
wax baddan iyagu qaadanayaan mas’uuliyadeeda waayo
waxaad arkeysaa shaqsi wax uu u qabanayo aysan jirin oo
qabiil lagu taageerayo, oo maalintuu is arko inuu
daaqadda kasii bixi rabo u habar wacda dadka. Marka
kalena xitaa lagama yaabo inuu keeno ama ku fekero inuu
ka hadlo danaha dadkaas oo u cararayo goorta uu
dhibaateysan yahay.
Waxaan Hadalkeyga kusoo gabagabeynayaa war reer
Puntland wixi dhacay wey dhaceen ee hadda iyo wixi ka
danbeeya ka fiirsada cidda aad xilka gobolka ku
aaminaysan, oo yuusan idiin dagin nin la wareegaya
boorso ay ka buuxdo lacagaha been abuuradka. Sida aad
arintaas wax uga qaban kartaana waa idinkoo baarlamaanka
u dirsada rag ay tayadooda sareyso oo ka baaraan degi
kara qofka ay dooranayaan. Laakiin maalinti aad
geysataan baarlamaanka nin ku siman ama la qiimo ah
$1000/- dollar Allaha idiin naxariisto.
Intaas ayaan hadalkeygii kusoo xirayaa wixii aan
saxay ama asiibay waxey ka sugnaatay Allaah, wixii aan
ku khaldamayna waa nafteyda iyo sheydaan.
Wabillaahi Towfiiq
Cabdixakiim Jaamac Jooje
Tenancy Services Officer
Housing Department
Leicester City Council
saicentadv@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 15, 2007
Gen.
Cadde Muuse oo Tabco Hordhigaya Col. Nuur Cadde,
ra'iisul wasaaraha cusub: Wafti ka socda shirkada Africa Oil Corp ayaa
Gen. Cadde kula kulmay Garoowe...
Akhri...
|