SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA SOOMAALIYA


Puntland hal Waraabe Dilay? Faallo Siyaasadeed....

Marka aan si qoto dheer u jaleeco saansaanta siyaasdeed ee ee Xiligaan Puntland ka jirta , waxaa markiiba dareenkayga ku dhibcaaya Waayadii sagaashamaadkii saansaantii burburkii Siyaad Barre . Markaasi ayaan misna isweydiyaa Horta yaa Dalkaan Maamulkiisa lagu ogaa? Jawaabatu waa fududahay waa Madaxawne Cadde Muuse . waxaan kaloo si deg deg ah isu waydiiyaa yaa la taliyaal u ah?

Aan taas jawaab ka bixiyee Madaxawayne Cadde Muuse waxuu nasiib u helay in ay la Taliyaal u noqdaan Koox Rooxaaniyiin ah oo inta badan Odorosaad ka bixiya waxa mustaqbalka Puntland noqon doono kuwaasi oo inta badan ka bixiya fasiraad khaldan . kooxahaan Rooxaaniyiinyta ayaa ah rag ka soo mid ahaay siyaasiyiitii ka haray dawladii Barre iyo rag ka soo jeeda jabhadii JBB ee Cadde Muuse hoggaanka gobolka ku helay, ragani waxay inta waqitigooda ku dhumiyaan Qayilaad iyo sidii ay u alifi lahaayeen sheeko xiiso gelisa masuuliyiinta oo ay hor geeyaan inta badan waxay socdaan Habeenkii.

Yaanan ku dheeraan sheekada rooxaaniyiinta ee bal aan u micneeyo akhristaysha ciwaanka qormadaan oo aan filayo in ay sugayaan. Abwaan Cali Cilmi afyare ayaa gabay u tiriyey waxaa isagoo xilligaasi aad mooddo inuu ka cabanaayey dawladii jirtay uu Yiri: LIBAAXAA HILBAHA QAAR BAXSHOO LAGA HAMBEYSTAA, oo HABAR DUGAAG IYO HAADU DHEREGTAAYE. HAL WARAABE DILAY WAA INUU KALIGII HIIGAA". Taasina waxay tusaale u noqonysaa sida maamulka Cadde Muuse u tuuntunsaday shaqooyinkii Puntland intii ugu muhiimsaneyd isagoo indha ka dabooshay cabashooyinkii beelaha kale Puntland.

Khayraadkii dalka ayaa jeebka loogu shubay rag madaxawaynaha ku dhow dhow iyadoo shirkaddii ilaalinta xeebha Puntland loo dhiibay rag lagu sheegay mujaahdiin xiligii Jabhdii JBB taas oo xiligaan muran weyn iyo isku hayni ka dhexyso shirkadii hore ee Somcan.

Ma loo dulqaadan karaa in wadanka gacanta u galiyo rag u guntadey in ay xiligaan ka fekeraan oo keliya tabacashada dhaqaale dabaqyo looga dhisaayo dalal shisheeye kuwaasi oo indhaha ku kala qaaday dib u heshiisiintii Puntland.

Haddaba xeeladaha noocaasi waxay galaafteen kacaankii barakaysanaa waxaana hadda socota in ay galaaftaan habka siyaasadeed ee aan loo meeldayin ee ka noqday puntland Qabiil lagu faano sida Kacaan diid xabsi baad ku uraysaa, oo ah inta badan erayo ay adeegsadaan ragga xilligaan u muuqda kuwa ilaalinaya masiirkii dawladda Cadde Muuse miyeey hilmaansanyihiin in la wadaago maamulka uuna yahay kii 1998 Garoowe lagu dhidbay Wadajirka.

Hadaba ka sokow takri falkaa hantdii dalka iyo tii dabeeciga ahayd ka sokow maxaa cade muuse intii la doortay dalka soo wajahay

1. Amaan xumo

2. Lacago faalso ah

3. Khayradkii dalka oo la gurto

4. mushahar la'an

5. shaqo la’aan Baahday Marka laga reebo inta isaga ku xeeran

6. baarasho jidka la galo

7. buracd badeed

hadaba doorashdii cade muuse iyo barnaamjikisii ayaa ahaa mid soo jiitay dhegaha bulshada reer Puntland lakiin waxaa lagu macneeyey lagama arag Madaxawaynaha hadaqii barnaamijkii xilligii doorshdisa.

Isugeynta umuurahaasi dhaliilitaanka ee ka dhanka ah hawlihii loo doortay oo aan marnaba xil iska saarin xakamaynta Musuqmaasuqa , sugidda amaanka asaasiga ah, aaya la oran karaa waxaa ka soo fuufi kara kacdoono xoog badan oo wiiqi kara awooda maamulkii Puntland looga bartay hadaan la helin go’aan wadatashi wadajir ku dhisan oo lagu dhaqaaqo oo uusan madaxawaynuhu wax kaga bedelin haanaan socodka dawlada.

Ma xuma in la is dhaliilaa, waayo dhaliisha waxbaa ku saxma, laakiin ma ahan waqtigan in aynu ka aamusno khaladaadka jira ee kicinaya niyaddaha dadka, kaasoo ka caraysiinaya dad badan oo hurday, tussaale ahaan madaxweynaha ayaa Cafiyey dhalinyaradii lugta ku lahayd dagaalkii Majayahan, waxaa la diiday dhawr maalmood in la sii daayo, ma waxaa jira dad ka awood badan Madaxaweynaha oo Amarkiisa Burinaya, yaan ahayn masuul oo danta Puntland u xilsaarayn inay si daacad ah wax uga qabtaan.

Ma waxaan jira dad gaar ah oo si gooni ah u ilaashanaya dawlad goboleedka Puntland, maxaa la iska xigaa kursiga awooda, sow beri qof kale kuma fariisan karo, ma haboon tahay inaan maamulka ka dhigno mid qabiil leeyahay?

Guntii iyo gabagabadii ayaa la is weydiin karaa niyad samida Madaxweynaha ma waxaa ka xoog badan kooxaha ku xeeran oo doonaya inuu bohol ka dhaco ama ku macnoobo in hogaankii loo hanweynaa ee uu horseedka ka ahaa Cadde Muuse loo fasirto Hal Waraabe Dilay.

Waxaa qoray qoraa  C/risaaq sheekdauun Boosaso  00252527387
email sheekhaduun@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | June 10, 2006

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD