SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - OIL

Puntland: Shirkadihii Cadde Muuse Heshiiska Lagalay oo Wali maaweeladii wada

Shaqaalaha Soomaaliyeed ee Shirkadaha Batroolka ka sahamiya Puntland oo aan Mushahar la siin 4 bilood

  • Ilo wargal ah | SomaliTalk.com | April 3, 2009

    Qoraalkani waa hoga tusaalayn...

Wararka ka imanaya Puntland ayaa tibaaxay in (ilaa hadda) aan wax isbedel ah ka muuqan qaabka ay u hawl galaan shirkadaha heshiiska sahaminta shidaalka la galay xukuumaddii hore ee Puntland. Muddo "afar bilood ah shaqaalaha Soomaaliyeed ee shirkadahaas u shaqeeya lama siin mushahar" ayaa warku tibaaxay. Weli shirkadahaasi ma soo bandhigin macluumaadkii iyo xogtii ay ka heleen sahamintii ay ku sameeyeen Dooxada Dharoor (sahamintaas oo ay sameeyeen dhammaadkii sannadkii hore 2008). Waxaana in badani is weydiinayaan "Aaway isbedelkii dhabta ahaa ee laga filayey Puntland, gaar ahaan wakaaladda macdanta iyo batroolka."

Marka hore aan eegno sannadkan 2009 iyo sida shirkadaha shisheeye oo keliya ay uga hadlaan arrimaha la xiriira sahaminta Puntland iyo sida ay wakaallada batroolka DGPL arrimaha uga aamusan tahay.

January 14, 2009 warsaxaafadeed ay soo saartay shirkadda Africa Oil ayey ku sheegtay in ay xog wanaagsan ka heshay sahamintii ay ku samaaysay aagga Dooxada Dharoor, sahamintaas oo ay sheegtay in ay gabagabaysay December 3, 2008. Waxaana warsaxaafadeedkaasi xusay in laba toddobaad gudahood ay bilaabayaan fasiraadda xogtii laga helay sahamintii ay sameeyey shirkadaha heshiiska kula jiray shirkadaas oo ah IMC/TESLA oo laga leeyahay UK iyo Canada. Ilaa hadda (April 3, 2009) ma jirto meel Dawladda, Baarlamaanka iyo shacabka Puntland loogu soo bandhigay natiijadii ka soo baxday sahamintii Dooxada Dharoor, baaritaankaas iyo wixii la ogaadey. Waxay xilligaas shirkaddaasi sheegtay in qoditaanka ceelasha shidaalka la bilaabi doonto sannadkan 2009.

February 4, 2009 qoraal ay soo saartay Africa Oil waxay ku sheegtay in lacag dhan US$20 million ay dhul shidaal sahamin oo Afrikada Bari ah kaga iibsaneyso shirkaadda Lundin Petroleum AB, lacagtaas oo ay ka amaahanayso isla shirkaddaas Lundin, oo ay hore uga qabtey deyn gaaraysa CAD $6 million. (Waxaa muhiim ah in la fahmo, sida qoraalkii hore ku xusan, in shirkadda Lundin tahay tii asaastay shidkadda Africa Oil oo markii hore loo aqoon jirey CANMEX). Si lacagtaas loo helo, shirkadda Africa Oil waxay sheegtay in ay suuqa geyneyso saamiyadeeda qiime u dhigma $20 million doolar.

March 30, 2009 qoraal kale oo ka soo baxay Africa Oil ayaa tibaaxay in ay kordhineyso saamiyadii ay suuqa geysey ee ahaa CAN$ 20 million oo laga dhigayo CAN$30 million. Waxaana qoraalkaasi xusay in la wareegidii dhulka shidaal Sahaminta Afrikada Bari ee ay ka iibsatey Lundin uu dhaqan galayo June 15, 2009.

March 31, 2009 warsaxaafadeed kale oo ay soo saartay Africa Oil ayey ku sheegtay in saamiyo farabadan oo gaaraya ilaa 1,770,000 oo saami ay siinayso qaar kamid ah saraakiisha shirkaddaas iyo dad ka tisan shirkaddaas oo ay sheegtay in ay u qalmaan, waxaana halkii saami lagu qiimeeyay $1.18.

Arrimahaas oo jira ayaa wararka ka imanaya Puntland waxay tibaaxayaan shirkaddaas oo hadda ku sugan Puntland "in afartii (4) bilood ee la soo dhaafay aysan mushahar siin shaqaalaha Soomaaliyeed ee shirkaddaas oo kusugan Puntland."

March 16, 2009 warsaxaafadeed ay shirkadda Range Resources u dirtay Suuqa Ganacsiga Australia (ASX), ayaa sheegay in shirkaddaasi xisaab xirkii lixdii bilood ee ugu dambeeyey sannadkii hore dhammaadkiisii (31 December 2009) ay khasaartay lacag kor u dhaaftay $5.5 million ($5,590,456), islamarkaasna sannadkii ka horeeyey dhammaadkiisii December 31, 2007 waxay khasaartay $8 million (8,276,998). Waxa kale Range qoraalkeeda ku cadaaysay in Lacagta caddaanka ah ee shirkaddaasi haysatay December 31, 2008 ay ahayd $256,654 doolar oo keliya (WAA 250KUN OO DOOLLAR OO KELIYA).

Halkaas waxaa ka muuqda maaweelada shirkadahaasi u dhigayaan shacabka Puntland (laga soo bilaabo 2005). Waxaase taas ka daran in Wakaaladda Macdanta iyo Batroolka DGPL aysan ilaa hadda arrimahaas war cad ka soo saarin.

Janaayo 13, 2009 qoraal ay Range Resources u dirtay Suuqa Ganacsiga Australia oo ay ugu hambalyaysay madaxweynaha cusub ee DGPL, Dr. Faroole, ayay sidoo kale waxay ku sheegtay in "Shirkaddu xiriir shaqo oo wanaagsan la soo lahayd Dawladda Puntland, waxayna aad u jeceshahay inay sii waddo taas. Magacaabidda madaxweynihii hore Hirsi (Gen. Cadde) loo magacaabay lataliyaha khaaska ah (ee DGPL) waxay anaga naga caawin doontaa in uu sii jiro xiriirkaasi" sida uu yiri Peter Landau oo ah Agaasimaha Guud ee Range.


Ciise Dhoolawaa, Agaasimaha Guud ee Macaadinta & Shidaalka DGPL

Janaayo 28, 2009 qoraal ka soo baxay DGPL oo ku saabsanaa "Barnaamijka Xukumadda Dawlad Goboleedka Puntland 2009-2012" qodobkiisa 5aad waxaa ku cad sidan: "Sida aad la wada socotaan waxaa jiray heshiisyo horey loo galay, khilaafna ka jiray, xagga Xukuumada, Golaha Wakiilada iyo cabasho ka imanaysay dadweyne. Heshiisyadaas Xukumaddii hore ayaa la gashaya shirkado ajnebi ah iyo kuwa wadani ah. Mabd’a ahaan waa aqoonsanahay heshiisyadaas, hase yeeshe, dib ayaan u eegidoonaa iyadoo la waafajinayo danaha dadkeena iyo shuruucda Puntland."

Janaayo 29, 2009 wareegto uu soo saaray Madaxweynaha DGPL, Dr. C/raxmaan Faroole, ayaa waxa uu Agaasimaha Guud ee Macaadinta & Shidaalka u magacaabay Ciise Maxamuud Faarax (Dhoolawaa). Waxana uu xilka Wakaaladda la wareegey February 1, 2009.

Xukuumaddii hore ee Dawlad Goboleedka Puntland waxyaalahii ay shacabka ku kasban wayday waxaa ka mid ahaa maaweeladii ay wadeen shirkadaha ay heshiiska la gashay ee sahaminta shidaalka. Shirkadahaas oo maamulkaas u yeerin-jirey waxa ay doonaan. Arrimahaas oo sababay iska hor imaadyo keenay dhimasho oo ka dhacay Puntland.

Xukuumaddan cusub, gaar ahaan Wakaaladda Macdanta iyo Batroolka ee uu hoggaamiyo Ciise Dhoollawaa waxaa laga filayay in ay arrimahaas badesho. Waxaa laga filayay in ay dadweynaha u soo bandhigto wixii ay ilaa hadda shirkadaahaasi ku ogaadeen sahamintii, waxa qorshahu yahay, xilliga ceelasha shidaalka la soo dilaacinayo, in shirkadaha sahaminta lala xisaabtamayo ama lagu bedelayo shirkado kale oo wax soo saari kara iyo soo bandhigid qorshaha guud ee Wakaaladda Macdanta iyo Batroolka iyo jihada/qorshaha ay doonayso in ay ku socoto.

Ilo wargal ah oo arrimahaas wax ka tilmaamay ayaa yiri "Aaway isbedelkii laga filayey Wakaalladda cusub ee Macdanta iyo Batroolka DGPL, isbedelkii ma waxa uu noqday in wakaaladda hadal iyo warbixin laga waayo, isbedelkii ma waxa uu noqday in uu sii socoto mushar la'aantii shaqaalaha u shaqeeya shirkadaha Batroolka oo aan mushahar la siin ilaa 4 bilood, isbedelkii ma waxa uu noqday in shirkadihii ajaanibta ahaa ayaa sidii hore ugu amar ku taagleeyaan khayraadka Puntland oo aysan shacabka u sheegin wixii xog ahaa ee ay heleen. Aaway isbedelkii dhabta ahaa ee laga filayay Puntland."

"Puntland waxaa looga fadhiyay in uu ka dhaco isbedel ballaran xagga: waxbarashada, dhaqaalaha, caafimaadka, waxkaqabashada burcad-badeeda, waxkaqabashada tahriibta oo ilaa hadda laga dhoofiyo sida Hantaara oo aan Boosaaso ka fogeyn," maxaa isbedel ah oo arrimahaas kusoo kordhay ayey is weydiinayaan dad badan oo reer Puntland ah.

Jawaabaha waxaa looga fadhiyaa DGPL, gaar ahaan Wakaallada Macdanta iyo Shidaalka (Batroolka).

Faafin: SomaliTalk.com | April 3, 2009


Askari Soomaali ah oo saaran Maraakiibta Dagaalka ee Jooga Xeebaha Soomaaliya oo AfSoomaali kula hadlaya dad looga shakiyey Burcad Badeed, isagoo magaarafoon ku qaylinaya waxa uu yiri: "War xoog u hadal dee, maxaad dooneysaa, maxaad tiri, xoog u hadal.." Daawo.. (theage.com.au)


"War xoog u hadal dee, maxaad dooneysaa, maxaad tiri, xoog u hadal.." Burcad la qabanayo oo Af-Soomaali lagula hadlayo Daawo.. (theage.com.au)

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS