SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BATROOLKA SOOMAALIDA

Shirkadda Range oo Sheegtay in ay Lacag dhan $591,000 siisay Garoonka Garoowe sannadkan 2007....

  • Lacagtaas oo sida muuqata ka baxsan $250,000 oo ay sheegeen in Garoonka hore u siiyeen sannadkii 2006....
  • Range waxay sheegtay in ay sannadkan 2007 ay Puntland ku bixisay lacag ka badan $6 million....
  • Waxa kale oo Range Shaaca ka qaaday in ay Puntland ka dhoofiyeen in ka badan 60 dhagax oo aan aysan ilaa hadda sheegin natiijadii ka soo baxday, laakiin  waxaa dhagxaantaas laga guray meelo lagu tuhmayo macdanta Yuraaniyumka....

Tarjumadii iyo faalladii SomaliTalk.com | Oct 16, 2007

Qoraal dheer oo ka kooban 104 bog oo ay shirkadda Range Resources u dirtay Suuqa Ganacsiag Australia (ASX), oo ku taariikhaysan 12 Octoobar 2007, ayey ku sheegeen in Garoonka Garoowe saannadkan 2007 ay siiyeen lacag dhan $591,411, lacagtaas oo sida qoraalkaas ku cad ay sheegeen in ay ku bixiyeen mashruuca ay ugu magac dareen Garowe airport project.

Range waxay isla qoraalkaas ku cadaysay in sannadkii 2006 ay Garoonka Garoowe siisay lacag dhan $250,000. Sida qormadaas ku cadna sannadka 2007 lacagta cusub ee ay sheegtay Range sheegtay in ay siisay garoonka waa in ka badan $590,000. Isku darku markaas waxa uu noqon kartaa ilaa $840,000.

Sida lala socdona waxaa hore loo maqlay $250,000 oo keliya markii Garoowe lagu soo bandhigay Jeeg lagu sawiray Issimada Garoowe. Laakiin lacagta cusub ee ay Range shaaca ka qaaday lama oga meesha ay ku baxday iyo cidda Garoonka loogu dhiibey waayo lacagtaas DGPL wax caddayn ah kama bixin.

Gen Cadde Muuse
Jeegii $250,000 ee lagu sawiray Issimada reer Garoowe, Gen. Cadde Muuse
oo ay hore usoo bandhigtay Range....

Waxa kale oo Range Resources ay sheegtay in sannadkan 2007 ay Puntland ku ku bixyeen maalgashi lacag ka badan $6 million ($6,027,227), laakiin ma sheegin meesha ay lacagtaas ku bixiyeen. Sidoo kale waxay qoraalakaas Range ku cadaysay in ay xuquuqda lahaanshaha macdan/shidal qodista Puntland ay saannadkii 2006 ku iibsadeen lacag ku dhow $5 million ($4,996,321). Waa lacago aad u tiro badan oo ilaa hadda aan shacabka Soomaaliyeed ama reer Puntland loo sharraxin cidda loo dhiibey iyo meesha lagu bixiyey. Madaxda Puntland marar dhawr jeer ay ayey shegeen in aan lacag loo dhiibin...

Range iyo Dhoofinta Macdanta Puntland

Qoraalka ay Range u dirtay Suuqa Ganacsiag Austrlia oo uu ku saxixian yahay Peter Landau, oo kamid ah agaasimayaasha shirkaddaas, ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in ay Puntland ka qaadeen in ka badan 60 dhagax oo ay sheegeen in ay u qaadeen si ay u soo baaraan, dhagxaantaas oo aysan reer Puntland ilaa hadda sheegin natiijadii ka soo baxday iyo nooca macdanta ah ee ay yihiin.

Arrintaasi waxay muujineysaa warar in dhoweydba sheegayey in shirkadda Range ay dardar cusub gelisey sidii ay Puntland uga daadgurayn lahayd dhagxaan lagu tuhmayo in ay yihiin macdano qaali ah iyadoo aan lala socodsiin shacabka.

Madaxda Range waxay marar badan muujiyeen in ay haystaan taageerada madaxweynaah DGPL, Gen. Cadde Muuse.

Cadde Muuse

Dad badan ayaa rumaysan in dhagxaanta laga qaaday Puntland in ay ka mid noqon karaan madan adduunka gabaasiga ee Yuraaniyuumka iyo macdano kale oo qaali ah, waayo meelaha dhagxaanta ay ka qaadeen (inta ay qirsan yihiin) waxaa ka mid ah aagga meesha lagu magacaabo Hantaara, halkaas oo baaritaan la sameeyey sannadkii 1954 lagu ogaadey in ay ku jirto macdanta Yuraaniyuumka (Uranium).

Range Resources meelaha ay qirsan tahay in ay dhagax ka qaadeen waxaa ka mid ah:

  • Meesha lagu magcaabo Aware waxay sheegeen in ay ka qodeen godad dhererkoodu yahay 20m oo isu jira 40m oo hoos u qodan ilaa laba mitir, waxayna halkaas markii hore ka qaadeen ilaa lix (6) dhagax. Waxaa kale oo meel 30 km u jirta Aware ay sheegeen in ay ka qaadeen 13 dhagax. Waxa kale oo ay sheegeen in dhulka ay hoos u qodeen aagga Aware oo ay ka qaadeen 20 dhagax oo kale.
  • Meesha lagu magacaabo Hantaara oo lagu yaqaan Yuraaniyumka oo Boosaaso qiyaastii 50 km ka xigta dhanka Bari waxay sheegeen in ay ka qaadeen ilaa 15 dhagax.
  • Sidoo kale meesha lagu magacaabo Madar Jiifle (oo lagu yaqaan Yuruaanimay) in waxauy sheegeen in ay ka qaadeen 8 dhagax. Madar-Jiifle waxay u dhowdahay Bosoaaso (dhanka Karin-Yalho).

Meelaha kale oo khariidaha lagu muuiyey, loona malaynayo in ay Range ka danayneyso macdan, waxaa ka mid ah Qandala, Buruc, Bacaad, Yalho, Karin, Tisjiic, Geesaqabad iyo goobo kale oo ka tirsan Gobolka Bari.

Hantaara
Khaaridad laga sawiray GoogleEarh oo lagu muujiyey meelo ka mid ah Puntland,
laguna faafiyey goobaha suuqgeynta....

Range waxay madaxda Puntland heshiis kula gashay in ay shidaal ka baari doonto dhulka Puntland, laakiin waxaa la ogyahay shirkadda Range Resources ka hor intii aysan iman Puntland in ay ahayd shirkad yar oo baaritaan la xiriira macdanta Yuraaniyumka ka ka baari jiretey dalka Peru, gaar ahaan meesha lagu magacaabo Corachapi Uranium oo 150km koonfur-bari ka xigta magaalada Cusco ee gobolka Puno ee Koonfur-Bari dalka Peru.

Waxaa xusid mudasn in qoraalka ugu dambeeyey ee Range Resources u dirtay Suuqa Ganacsiag Australia ay ku xustay in ay in ay boqolkiiba 80% mashruucii Peru in ay ku wareejisey shirkad lagu magacaabo Contact Resources Limited (“Contact”) si markaas Range ay ugu madax bannaanaato Puntland.. Taas oo muujineysa in aysan labada mashruuc ee Peru iyo Soomaaliya isku wadi karin.

Isku soo duub oo waxaa isweydiin mudan in la ogaado xilliga ay Range bixisay lacagta ($590,000) ee ay sheegtay in ay siisay Garoonka Garoowe iyo sidoo kale in la ogaado cidda ay Range u dhiibtey lacagta caddadkeedu yahay $6 million. Sidoo kale waxaa shacabka Puntland la gudboon in maamulka weydiiyaan nooca dhagaxa macdanta ah ee ay shirkadda Range Resources ka dhoofiso Puntland, meesha lagu soo baaro iyo natiijada ka soo baxday baaritaankaas.

Gen. Cadde Muuse oo soo Gaarey Garoowe

Madaxweynaah DGPL, Gen. Cadde Muuse ayaa Isniintii (Oct 15, 2007) soo gaarey magaaada Garoowe ee xarunta u ah maamulka Puntland, waxana uu halkaas ku soo beegmay xilli maamulkiisa iyo maamulka Somaliland ay ku muran san yihiin aagga gobolka Sool.

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 16, 2007

Itoobiya oo Gen. Cadde Muuse u sheegtay in ay Qunsuliyad ka Furaneyso Garoowe/Boosaaso
Wararka ka imanaya Addis-Ababa ayaa tibaaxay in....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH