Terry oo Xusuusan waayey Wax Kasta oo Ku saabsan Heshiiskii Dhex Maray "Shirkada Consort"
iyo Dawlad Goboleedka
Puntland ee ku saabsanaa Lahaanshaha Xuquuqda Macdan iyo Shidaal Qodista
Soomaaliya....
Soomaaliya oo ka digtey
Heshiisyada Macdanta/Shidaalka Soomaaliya..
- "Ma
wanaagsana xasuustayda ku saabsan taariikhihii iyo
dhacdooyinkii (Heshiiska), xanuun dhowaan igu dhacay awgeed"
Terry....
- Ra'iisul wasaare Cali
Maxamed Geeddi oo Mar kale ku celiyey in heshiiska Puntland
iyo Shirkadaha shisheeye uu yahay waxba kama jiraan...
Tarjumadii:
SomaliTalk.com | Oct 17, 2005
Qoraal dheer oo maanta oo
Isniin ah (xilliga Australia) ay daabacday jariidad ka
soo baxda Australia oo lagu magacaabo "The Age" ayaa
si faahfaahsan ug ahadlay shirkadaha u ay Puntland heshiiska
la gashay iyo dadka shirkadahaas wada iyo hadaladii ay
yiraahdeen.
Ugu horayn Jariidada 'The Age' waxa ay
reer Australia u daah furtay in "Shirkada Consort" ay
ka diiwaan gashan tahay dal aan Australia ahayn. Markii ay
arrintas ka hadleysey waxa ay tiri: Consort Private oo loo
malaynayo in ay ka diiwaan gashan tahay Maldives, kuna hawl
gasha iyadoo la sii marayo qareeno reer London (UK) ah, ayaa
heshiis Dubai kula gashay Puntland".
Jariidadu waxa ay sheegtay
in shirkada Range Resource (oo ah shirkada
saamiga 50.1% ka iibsatey Consort) ay sheegtay in ay heshay qoraal gooni ah oo ka yimid
DFKMG kaas oo xaqiijinaya in
aysan (Dawladu) soo dhex geleyn. Waxaase taas ka duwan in
Jariidadu cadaysay in Ra'iisul wasaaraha DFKMG uu warqad u
diray suuqa Ganacsiga Australia uu ka digayo cawaaqibka ka
dhalan kara heshiiska lala galay Puntland ee ku saabsan
macdanta iyo shiidaalka.
Waxa kale oo Jariidada 'The
Age' shaaca ka qaaday shirkada cusub ee hadda saamiyada
iibsatey ee "Range" agaasimeheeda guud oo magaciisa Jim
Marinis uu yiri "Puntland... waxa ay leedahay awood ay ku geli karto wada xaajood ayna ku
saxiixi karto qandaraaska Consort Private" -
hadalkaas oo si toos ah uga hor imanaya erayada ku
qoran warqada uu Ra'iisul wasaaraha Dawlada Dhexe ee
Soomaaliya, Geedi, ee uu u diray Suuqa Ganacsiga Australia.
Maldives
(Republic of the
Maldives) waa dal ku yaal badweynta Hindiya meel
Soomaaya kaga aadan dhanka Bari. Waa dal ay ku
dhaqan yihiin dad Sunni Muslim ah oo bishii July
2005 tiradooda lagu qiyaasay 349,106 qof.
Madaxweynaha dalkaas waa
Maumoon Abdul Gayoom.
Isha dhaqaalaha ee dalkaas ugu muhiimsani waa
dalxiiska iyo kalluumaysiga
|
Jariidada "The Age" waxa ay
xustay sida uu jaah wareer ugu jiro heshiiska ay ka soo
shaqeeyeen Terry Donnelly, Michael Povey,
Malcolm MacLeod iyo Anthony Black, heshiiskaas oo lagu
raadinayey in la helo yeelashada gebi ahaan xuquuqda
macdanta iyo shiidaalka Soomaaliya oo ay yeelato Consort Private kaddibna laga iibiyey
Range Resources.
Waxaa kale oo aad u yaab
badan markii Terry iska fogeeyey "Shirkadii Consort" ee uu
garwadeenka qudhiisu ka ahaa markii heshiiska lala
saxiixanayey madaxda Puntland. Jariidada oo arrintaas ka
hadleysay waxa ay tiri: Shirkada Range
Resources ayaa sheegtay in Mr Donnelly (Terry) uu u shaqeeyey sidii la
taliyaha Consort, laakiin Terry arrintaas waa diidey,
waxana uu yiri wax abaal marin lacageed ah kama
helin isku soo dubaridka heshiiskan. Danta keliya ee uu ka
lahaana waxa uu ku sheegay in ay ahayd in uu caawinayey
dadka Soomaaliyeed isagoo u sii marayey hay'adiisa samafalka
ee "Kids In Needs". Isla mar ahaantaasna Terry waxa uu
sheegay in xanuun ku dhacay awgeed uusan waxba ka xusuusan
dhacdooyinkii iyo taarikhihii heshiiskaas.
Waxana ay Jariiddu hadalkaas
durbadiiba ku xiriirisay in Dukumiinti ay Range
Resource ku daabaceen websitekooda uu shaaca ka qaadayo
in Mr Black iyo Mr
Donnelly (Terry) ay joogeen hoteelkii Dubai ee ay heshiiska
ku kala saxiixdeen DGPL iyo Consort
Private, oo intii ay socotey xafladii saxiixu uu
madaxweynaha Puntland inta uu labadaba ammaanay uu si gaar
ah farta
ugu fiiqay Terry isagoo "dadkana u baray in uu yahay Consort".
Wararka Terry in uusan
xusuusan karayn wax kasta oo ku saabsan hesiisyadii
shirkadii uu garwadeenka ka ahaa ee "Consort" waxa ay soo
baxeen xilli ay Jawhar ka laabteen guddi ay soo dirtay
Puntland, kuwaas oo aysan jirin haba yaraatee wax war ah oo
shacabka laga siiyey wixii ay kala soo kulmeen DFKMG.
Waxaana hadalka warqadda Geeddi u diray Australia ka muuqata
diidmada qayaxan ee DFKMG ay weli diidan tahay heshiisyadaas
macdanta ee Puntland la gashay "Consort".
Qoraalka jariidada The Age
ay kusoo saartay qaybta ganacsiga, oo SomaliTalk.com soo
tarjumtey, waxa uu u qornaa sida hoos ku qoran::
Dawladda Soomaaliyeed oo
miisaan saartay Heshiiska Macdan Qodista
October 17, 2005
Dawladda Soomaaliyeed ayaa walaac weyn ka muujisay Suuqa Lagu kala gato
maal-gelinta shirkadaha ee Australia ee loo yaqaan [Australian Stock Exchange
- oo loo soo
gaabiyo ASX] arrinta ku saabsan heshiiska muqdigu kujiro ee
ay ka qayb qaadatay shirkadda reer Perth ee ku andacooneysa
in ay xaqiiqsatay yeelashada aan cidina kula tartami karayn
ee xuquuqda macdanta iyo batroolka ee in ballaaran
oo ka mid dalka dagaalku halakeeyey ee Afrika.
Warqad uu Ra'iisul
wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Guuleed u diray Suuqa
Ganacsiga Australia (ASX) ayaa waxa uu ku casumey (ASX)
wadashaqayn ku saabsan baaritaanka waxa ay ku andacooneyso (ama
sheegashada)
shirkadaas (heshiiska la gashay Puntland).
"DFKMG oo keliya ayaa leh awooda lagu
geli karta heshiiska iibinta xuquuqda macdanta
iyo batroolka..."
Geeddi |
Warqadaas, oo koobi ka mid
ah uu helay wargeyska The Age, waxa ay sheegtay in
heshiiska dawlad goboleedka bariga Soomaaliya ee Puntland
uu yahay heshiis aan waxba ka jirin sababtoo ah dawlada
Federaalka Kumeel gaarka ah oo keliya ayaa leh awooda lagu
geli karta wadahadalka (heshiiska) iibinta xuquuqda macdanta
iyo batroolka.
Cali M. Geeddi |
Warqadaas waxaa la soo diray
October 6, 2005, maalin ka dib markii Range Resources Ltd ay ku dhawaaqday in ay heshiis shuruudi ku xiran tahay la
gashay
shirkad wadan dibada ah ka jirta, Consort Private Ltd, si ay
uga iibsadaan boqolkiiba 50.1 yeelashada aan cidina kula
tartami karin ee dhammaan baaritaanka macdanta iyo batroolka
Puntland. "Waxaan fahamsanahay xaaladan, haddii aan
waqtigan la joojin, waxay raad ku yeelan doontaa Range
Resources Ltd iyo suuqa ganacsiga ee Australia (ASX),
waxaana dalbaneynaa si dhaqso ah in aan u sheegno suuqiina
dhacdadan." Ayey tiri warqadda (Ra'iisul wasaare Geeddi).
Saamiyada Range
Resources, ay qorshayneyso in ay ku kharashgarayso
arrimaha yeelashada xuquuqda heshiiskan waa $3.45 million, markii
ay ku dhawaaqday aad ayaa loo kalagatay (saamiyada), waxana uu kor u
kacay boqolkiiba 30 isagoo gaarey in ka badan 4¢ (4 centi).
Waxana uu maalintii Jimcada markii suuqu xirmay (saamigu) ahaa
3.8¢ (3.8 centi).
Consort Private oo loo
malaynayo in ay ka diiwaan gashan tahay Maldives, kuna hawl
gasha iyadoo la sii marayo qareeno reer London (UK) ah,
waxa ay markey taariikhdu ahayd Agoosto 30, 2005
Hotelka Hilton ee Dubai heshiis kula saxiixatay dawladda
Puntland.
Heshiiska dhex maray
Puntland iyo Consort waxa uu ahaa dooda ugu weyn ee Shacabka
Soomaaliya, halkaas oo ay korortay xiisada u dhexaysa Dawlad
goboleedka iyo dawlada Dhexe.
Dagaal ahli ah oo u
dhexeeyay qabaa'ilka iska soo hor jeeda ayaa Soomaaliya
halakeeyey in ka badan 10 sano, halkaas oo dawlada dhexe la
soo doortay sannadkii hore.
August 28, 2005 oo ahayd laba maalmood ka hor intii aan heshiiskan lasaxiixin, Ra'iisul wasaaraha
Soomaaliya warsaxaafadeed uu soo saaray waxa shirkadaha
shisheeye iyo maalgashadayasha u digey si ay u joojiyaan
isku daygooda in ay heshiis ku saabsan yeelashada xuquuqda macdan iyo
shidaal qodista la galaan dawlad goboleedyada sida Puntland.
"Haddii la jebiyo hadalkaas
waxa ay sababi doontaa cawaaqib aan wanaagsanayn, cid kasta
oo jibesa gudaha iyo debadaba waxa ay garbaheeda ku qaadi
doontaa cawaaqib keeda" ayaa kamid ahaa hadaladii
warsaxaafadeedkaas (Geeddi).
Wax yar kaddib markii lagu
dhawaaqay heshiiskii Consort Private iyo Range Resources, oo
dhacay October 5, 2005, agaasimaha guud ee Range oo xarunteedu
tahay magaalada Melbourne oo magaciisa la yiraahdo Jim
Marinis waxa uu sheegay in uusan wax badan ka aqoon Consort Private, waxana uu sharaxad ka bixin waayey shababta
ay u doorteen shirkada yar ee aan haba yareetee la aqoon
sida Range Resources oo suuq ahaan maalkeedu yahay
keliya $20 million.
Sikastaaba ha ahaatee
jariidada The Age waxay ogaatey in guddoomiyaha guud ee
Range Resources oo magaciisa la yiraahdo Michael Povey, uu
u
safray Soomaaliya bishii April 2005 isagoo la safray Terry
Donnelly, oo ah ganacsade reer Perth ah oo ah ninka isku doo
dubaridey heshiiska Consort Private iyo dawlada Puntland.
Safarkaas oo uu soo
nidaamiyey Mr Donnelly (Terry) isagoo sii maraya hay'diisa
mucawinada Kids In Need Inc, waxaa kale oo safarka ku jirey Malcolm
MacLeod (oo ah lataliye Joolojiste "geologist" oo reer Perth
ah) iyo Anthony Black (oo ah qareen ahna agaasimaha Consort
Private).
Mr Povey, oo ah Injineer
macdan qodista, Agoosto 26 ayuu ku biiray Range Resources —
afar maalmood ka hor intii aan la saxiixin qandaraaskii dhex
maray dawlada Puntland iyo Consort — waxaana la siiyey
1,125,000 oo saami oo uu ku yeesho shirkada.
Mr Marinis waxa uu yiri
sababta Mr Povey loogu magacaabay guddoomiyaha guud ee Range
Resource waa aqoonta uu u leeyahay Soomaaliya, ee ma ahan
xiriirka laga yaabo in uu la leeyahay kuwa ka dambeeya
heshiiska Consort Private. "Ma ahayn kan ukala dab qaadayey"
ayuu yiri Mr Marinis.
Waxa kale oo uu yiri Mr
Povey faa'iido dhaqaale kuma leh Consort Private
"haba yaraatee maya", ayuu yiri. "Ma jiraan wax la qarinayo
oo arrintaas kusaabsan".
Mr Marinis waxa uu beeniyey
in ay jiraan wax dhibaato ah oo xagga sharciga ah oo ku
saabsan heshiiska, inkasta oo ay jirto warqada Mr. Cali (Ra'iisul
wasaaraha Soomaaliya) uu u diray ASX (Suuqa ganacsiga
Australia).
(Mr Marinis) Waxa uu yiri
Range Resource waxa ay heshay qoraar gooni ah oo ka yimid
dalwada Federaalka Kumeel Gaarka ah kaas oo xaqiijinaya in
aysan (Dawladu) soo dhex geleyn. October 10keedii waxa ay
sherkadu qoraal u dirtay suuqa ASX ay ku sheegtay in dawlada
Federaalka ay siisay "qoraal ogolaansho ah oo la
xiriira xaqiiqo ahaanta, hawlgelida iyo jiritaanka
Heshiiska Puntland."
Mr Marinis waxa uu yiri
dawladda Puntland waxaa loo soo doortay si dimoqraadi ah,
waxa ay leedahay awood ay ku geli karto wada xaajood ayna ku
saxiixi karto qandaraaska Consort Private. Afhayeen u hadlay
suuqa ASX waxa uu xaqiijiyey in ay heleen warqadda ka timid
Mr. Cali.
"Shirkadu waa ku
baraarugsanayd sheegashadaas," ayuu yiri. "Waa fahamsanahay
in ay raadinayeen in ay wax ka sheegaan ku dhawaaqidii
Octoobar 10."
Waxaa jira jaah wareer ku
xeeran qaybta ay ka qaateen Terry Donnelly, Michael Povey,
Malcolm MacLeod iyo Anthony Black in ay isku soo dubaridaan
heshiis raadinaya yeelashada xuquuqda aan cidina kula gorgortami
karin ee macdanta iyo batroolka Soomaaliya ee lasiiyey Consort Private kaddibna laga iibiyey
Range Resources.
Qodobada heshiiska ayaa ka
mid ah in Range Resources ay siin doonto Consort Private lacag dhan $US2.5 million ($A3.3 million), taas oo ay dheer
tahay in muddo 17 bilood ah ay bil kasla la siiyo $US200,000. Waxaa
kale oo Consort la siin doonaa 85 million oo ah
saamiyada Range iyo 85 million oo xulashada Range.
Sida ay sheegtay Range
Resources, Mr Donnelly (Terry) waxa uu u shaqeeyey sidii la
taliyaha Consort, laakiin Mr Donnelly (Terry) taas wuu
diidey, isagoo dhehaya wax abaal marin lacageed ah kama
helin isku soo dubaridka heshiiskan.
Mr Donnelly (Terry) waxa uu
yiri ahmiyadda (ama danta) keliya ee aan ka lahaa waxay
ahayd in aan
caawiyo dadka Soomaaliyeed isagoo u sii marayay hay'adiisa
samfalka ee Kids In Need ee ka diiwaan gashay WA.
(Terry) Waxa uu u
sheegay jariidada "The Age" in aysan wanaagsanayn xusuustiisa
maalmihii iyo dhacdooyinkii sababtoo ah xanuun dhowaan ku
dhacay.
Dukumiinti ay Range
Resource ku daabaceen websitekooda waxa ay muujinayaan in Mr Black and Mr
Donnelly (Terry) ay goob joog ka ahaayeen saxiixii
heshiiskii Dubai ku dhex maray Dawlada Puntland iyo Consort
Private. Intii ay soctey xafladii saxiixa ayaa madaxweynaha
Dawlad Goboleedka Puntland waxa uu amaanay labadoodaba
(Terry iyo Black) isagoo farta ku fiiqaya in Mr
Donnelly (Terry) "dadkana u baray in uu yahay Consort".
Mr MacLeod waxa uu
xaqiijiyey in uu Soomaaliya tegey bishii April isagoo ah
sidii lataliye qiimayney "Qaddar xog ah 'Data'", laakiin
waxa uu diidey in uu si toos ah lug ugu leeyahay Consort
Private ama Range Resources, waxana uu diidey in uu faallo ka bixiyo ama ka hadlo heshiiska. Ayey warkeeda kusoo
gabagabeysey jariidada "The Age" oo aan qoraalka ka soo
tarjumney.
Qoraal kale oo ku soo baxay
jariidada "Sydney Morning Herald" ayaa qoray qoraal u
dhigmaa kan jariidada "The Age", waxana kusii
dartay in waxa kale ee ay Range Resources ku
andacootey ay ka mid yihiin sheegashada wax ku lahaan shada
faa'iidada macdanta Yuraanimka ee Peru (Corachapi uranium |
Puno, Peru.)
ISHA:
The Age oo ka soo baxa Australia...
Tarjumadii SomaliTalk.com
LINK:
Australia Stock Exchange
http://www.asx.com.au/index.htm
Faafin: SomaliTalk.com |
Oct 17, 2005
Khudbadihii Gen. Cadde Muuse iyo Dr. Gaagaab ay Jediyeen
Habeenkii ay Terry magaalada Dubai ugu Saxiixayeen
Qandaraaska...
"Shirkada Consort" oo Saami ahaan 50.1% Khayraadka Puntland
ka Iibisey "Shirkada Range Resources", taas oo yeelanaysa
xuquuqda gebi ahaan Khayraadka ku jira Puntland.....
|