Shirkad Qaabilsan Ammaanka Batroolka [security
company] oo Loo Samaynayo Puntland....
Gen. Cadde Muuse: "Soomaaliya waxaa loo qaybin doonaa afar ama shan Dawlad Goboleed oo
Federaal ah, gobol kastana waxa uu yeelan doonaa sharcigiisa gaarka ah ee
Batroolka...
- Gen. Cadde oo xiisadda Sool iyo Sanaag ku eedeeyey in ay ka dambayso
Shirkad Weyn oo ah kuwa Shidaalka baara...
- Mike Povey: "Laga soo bilaabo 2005, shirkadda Range Resources
waxay dawlad Goboleedka Puntland siiyeen lacag dhan $20 million ilaa
$25 million...
- Range Resources oo raadineysa shirkad kale oo heshiis kula gasha khayraadka
ku jira badda (offshore) ee Puntland.
- Geyre (Wasiir-ku-xigeenka kalluumaysiga):
Dekedda Boosaaso waxaa sannadkii ka soo xerooda $35 million ilaa $40
million oo doolar...
- Gaagaab: Miisaaniyad [budget] sannadeedka Puntland waa $21.6 million
oo doolar...
Tarjumadii: SomaliTalk.com | March 31, 2008 | Ku darid
Qormo cusub: April 10, 2008
Qoraal
dheer oo ay faafisay jariidadda "AFRICAN ENERGY" caddadkeedii 135aad ee soo
baxay 28-kii MARCH 2008 ayaa si xeel dheer uga warramay arrimo la
xiriira shidaalka Puntland, lacagaha ilaa hadda la siiyey Puntland, shirkad
ammaanka qaabilsan oo loo samaynayo Batroolka Puntland, lacagaha Puntland ka soo gala dekedda
Boosaaso, Range oo Shirkado kale u raadineysa khayraadka badda ee Puntland,
arrinta Sool iyo Sanaag iyo qodobbo kale. Qoraalkaas waxaa qortay Nadine
Marroushi oo ka tirsan jariidaddaas oo dhowaan booqatay Puntland, waraysina
la yeelatay xubno ka tirsan maamulka DGPL iyo xubno qaabilsan ammaanka... Waana
tan tarjumadii qoraalkaas oo SomaliTalk.com soo koobtay:
Dagaal dheeraad ah oo ku soo aadan dalka Soomaaliya oo burbursan, Puntland
waxay rajadeeda ku xirtay xabbada dahabka madow ee "shidaalka" [Black Gold].
"Batroolku wax kasta ayuu u yahay reer Puntland, waxayna rumaysan yihiin
haddii batrool la helo in uu dadka gobolka ka saari doono faqriga, dhaqaalahana
u bedeli-doono sida nooc guul la mid ah Dubai, waxayna taasi midayn doontaa Soomaalida.
Laakiin batrool weli lama helin - Haddiise la helo, waxay si taas la mid ah
dabka ugu shidi kartaa xiisadda (Soomaaliya) oo ilaa hadda galaafatay in ka
badan 1 million oo qof. Haddii arrimahaas walaaca leh dhinac la iska dhigo,
dawladda [Puntland] iyo saaxiibadeed waxay si madax-adayg ah u daba socdaan
mashruuc lagu muransan yahay oo ah sahaminta (Shidaalka)," ayey qortay Nadine
Marroushi oo ah weriyaha booqatay Puntland, oo qormadaas hordhac uga dhigtay
warbixinta.
Jariidadda African Energy waxay ugu horrayn xustay in Maarso 19, 2008
Baarlamaanka
Puntland ansixiyeen sharciga batroolka iyo macadanta, sharcigaas oo ku
andacoonayo in gobolka aan la aqoonsan [Puntland] leeyahay awoodda
khayraadkiisa dabiiciga ah iyo awoodda uu heshiisyo kula saxiixan karo shirkado
ajnabi ah. Arrintani waa mid ku cusub Puntland, ayey tiri jariidaddu, waayo
waxay salka u dhigeysaa in mustaqbalka xeer kasta oo wax-soo-saar-wadaag ah ay
geli karan dawlad goboleedyada deriska ah, kaddib marka la dhiso Dawlad Federaal
ah.
African Energy waxay 19-kii Maarso 2008 magaalada Garoowe waraysi kula
yeelatay madaxweyanaha maamul Goboleedka Puntland, Maxamuud Muuse Xirsi [Gen.
Cadde Muuse]. Waxana uu jariidaddaas u sheegay fahamkiisa dastuurka cusub ee
Soomaaliya, isagoo yiri: "Soomaaliya waxaa loo qaybin doonaa afar ama shan
Dawlad Goboleed oo Federaal ah, gobol kastana waxa uu yeelan doonaa sharcigiisa
gaarka ah ee Batroolka. Sharciga dhawaanta la ansixiyey waxa uu Puntland u
xaqiijinayaa sida ay fursadda koowaad u siineyso dadka danaynaya [stakeholders].
Waxa kale oo sharcigaasi qeexayaa in khayraadka Puntland ay leeyihiin
dadkiisu." Waxana Gen. Cadde Muuse intaas ku daray: "Khayraadka waa la
qaybsaneynaa Dadka Soomaaliyeed, waxana (xeer) kani ahaan doonaa lifaaq ku lammaan
sharciga marka qaybaha (uu khuseeyo) gaaraan hesiis. Laakiin inta la isla meel dhigayo ama
la samaynayo Dastuurka Federaalka waajib naguma aha in aan iyaga wax ka weydiino
(arrimaha Batroolka) - Dawladda Federaalka Kumeel gaarka ah (DFKMG).
Jariidaddu waxay tiri, qodobkaas dambe ee Xirsi [Gen. Cadde]
waxa uu ahaa kan ubucda u ahaa in badan oo la xiriira heshiisyada
Puntland la gashay shirkadda yar ["minnow"] ee reer Australia ee
Range Resources taas oo isu diyaarineysa in ay xagaaga (2008) batrool ka qoddo
dhulka berriga ah [onshore], isla markaasna waxay shirkaddaasi haysataa xuquuqda dhammaan khayraadka badda
ee Puntland [offshore], iyo weliba xuquuqda meelaha berriga ah ee aad
loogu tuhmaayo macadanta iyo batroolka [Dharoor & Nugaal]. Dadka dhaliila waxay
yiraahdeen khayraadka dabiiciga ah ee Puntland waxaa leh Soomaaliya, maadaama
[Puntland] tahay gobol aan adduunka laga aqoonsanayn, laakiin, ayey tiri
African Energy, reer Puntland waa kuwo aad u guul-guul badan [xoog
sheegasho), isla markaasna ku doodaya in DFKMG ee lacagta-caddaaanka ahi
gabaabsiga ku tahay aysan ahayn dawlad shaqayneysa, oo ay tahay mid aan lahayn awood xukun.
DFKMG waxay tahay in ay doorasho qabato 2009, laakiin in badani arrintaas in ay
dhaceyso shaki ayey ka qabaan, ayey tiri jariidaddu.
Kaanje |
Aloore |
African Energy waxay xustay in wasiirka macadanta iyo Tamarta DFKMG,
Eng. Maxamuud Cali Saalax (Kaanje) jawaab kulul ka bixiyey sharciga ay
Puntland isku deyeyso in ay u samayso Batroolka, isagoo yiri "waa mid aan la
aqbali karin", maadaama dastuurka [DFKMG] uu qeexayo "khayraadka dabiiciga"
in loo tixgelinayo "Hanti Qaran, isla markaasna ay DFKMG tahay xukuumadda
ka masuulka ah dadka." Waxa kale oo uu [Eng. Kaanje] sharciga [batroolka
ee Puntland] ku qeexan "Eex/Qaraabo-kiil, bililiqaysi hantida
dadweynaha, musuqmaasuq, iyo khayaano been-abuur ah."
Waxa markaas jariidaddu xustay in hadalkaas uu ka jawaabey Wasiirka Tamarta
iyo Macadanta DGPL, Xasan Cismaan Maxamuud [Aloore], isagoo hadallada Eng. Kaanje
ugu yeeray kuwo "si-xun loola-taliyey oo shucuur kicinaya." Waxa kale oo qormadu
xustay in [Aloore] sheegay in sarkaal sare oo ka mid ah DFKMG u
xaqiijiyey in aragtida wasiirka (Eng. Kaanje) tahay aragtidiisa oo qura, oo
aysan ahayn war-saxaafadeed ay ansixisay DFKMG." Waxayna African Energy sheegtay
in aan hadalkaas weli laga xaqiijin DFKMG markii jariidadda la daabacay.
Gen. Cadde iyo Aamin-sanaantiisa Range...
African Energy waxay xustay inkasta oo muran ka jiro xagga
sharcinimada, haddana in shirkadda Range ay sii wadato mashruuceeda shidaal
qodista [Puntland], maadaama ay taageero xooggan ka haysato madaxweynaha DGPL.
Jariidadda oo ka hadleysey xiriirka ka dhexeeya Gen. Cadde Muuse iyo
shirkadda Range Resources, ayaa xustay sida madaxweynaha DGPL u taageersan yahay
Shirkaddaas, in ay gaarsiisan tahay in shirkadaha kale ee tartanka la geli lahaa
shirkaddaas [Range] uu u sheego in ay marka hore la soo tashadaan Range.
"Shirkadaha kale ee
soo qaabila Puntland waxaan kula talinaa in ay marka hore la soo tashadaan
Range Resources," ayuu yiri Gen. Cadde Muuse, oo intaas raaciyey "Laakiin haddii ay khasaaraan
waxaa dhici karta in aan meel kale aadno."
Geyre |
Gaagaab |
Aaminaadda u dhexaysa Xirsi [Gen. Cadde] iyo Range waa mid ku salaysan dhawr
arrimood, ayey tiri jariidaddu: Range waxay ahayd shirkado faro ku tiris ah oo
muujiyey in ay danaynayaan Puntland, xilli ay shirkado yari awoodaan in ay halis
qaataan. Shirkaddani waxay il dhaqaale ka soo galo siisay dawladda [Puntland]
ee misaaniyaddeedu ciriiriga tahay, taas oo waxa keliya oo [Puntland] quudiya ay tahay
miisaaniyadda ka soo gasha cashuurta dekedda, garoonka diyaaradaha iyo dhulka. Sida uu
sheegay Wasiir-ku-xigeenka Kalluumaysiga ee DGPL, Cabdiweli Cabdiraxmaan Geyre,
dekedda Boosaaso waxaa sannadkii ka soo xerooda $35 million ilaa $40
million oo doolar. Wasiirka Maaliyadda DGPL, Maxamed Cali Yuusuf [Gaagaab] waxa uu yiri
miisaaniyad [budget] sannadeedka Puntland waa $21.6 million oo doolar (oo u
dhiganta 30 billion oo Shilling Soomaali).
Agaasismaha Range, Mike Povey, waxa uu African Energy u sheegay in laga soo
bilaabo 2005 oo ahayd markii shirkadda Range Resources ay hawlaheeda ka bilowday
Puntland, in ay dawladda [Goboleedka] Puntland siiyeen lacag dhan $20 million ilaa
$25 million,
lacagahaas oo ay ka mid yihiin lacag ay ku kaabeen Garoomada Diyaaradaha ee Garoowe
oo ah
caasimadda DGPL, iyo Boosaaso oo ay Range Resources xarun ka dhigatay. Xiriirka
kale ee u dhexeeya (Range & Cadde) waa Liibaan Boqor oo ah Xirsi Adeerkii (aad
uga da' yar), oo wax kusoo bartay dalka Canada, haddana fadhigiisu yahay Dubai. Boqor [Liibaan
Muuse Boqor] waxa kale uu Xirsi kala taliyaa dhaqaalaha, ayey tiri African
Energy.
- Maarso 24, 2008: ayey ahayd markii Ergeyga Qaramada Midoobey u
qaabilsan Soomaaliya, Ahmedou Ould-Abdallah
oo hadal ka jeedinayey machadka lagu magacaabo "United States Institute
of Peace" ayaa sheegay in markii uu booqday Puntland [Boosaaso] uu kusoo
arkay garoon-diyaaradaha oo casri ah oo laga dhisayo, kaas oo aysan jirin,
ayuu yiri, cid Puntland gacan ka siisay dhismahiisa... Waxaana hadda
warbixinta sare ka muuqata in Range sheeganeyso in ay lacag ku
bixisay dhismaha Garoonka Boosaaso....
African Energy oo qormadeedii sii wadatay qortay: Povey [Agaasimaha
Range] waxa uu udub dhexaad u ahaa
qaabilaadii (uu qaabilay) Baarlamaanka Puntland si uu wadax uga dhigo hawlaha Range,
waxana uu u xaqiijiyey reer Puntland in heshiiskoodu meelaysno ama
cadaynayo in Dawladdu [Puntland] heleyso qaybteeda si xaq ah. Waxana uu eedeeyey, in
markii shirkadda Shiinaha ah ee CNOOC [China National Offshore Oil Corporation]
ay muujisay in ay danayneyso aaggaas (Puntland) ay soo jeedisey
Wax-soo-saar-wadaag CNOOC siinaya boqolkiiba 70% ee dakhliga, halka dawladda kaga soo aadey
30%. Sida ay sheegtay Range, Wax-soo-saar-wadaagga ay la gashay Puntland iyo
qaybta ay siisay jaalkeeda Africa Oil, waxay Puntland heleysaa boqolkiiba 60%
faa'iidada.
- Waxaa xusid mudan in shirkadda CNOOC ay heshiis la gashay
madaxweynaha DFKMG, C/laahi Yuusuf, heshiiskaas oo kusaabsanaa sahaminta shidaalka aagga
Garacad (Gobolka Mudug). C/laahi Yuusuf hore waxa uu diidey
saxiixa ogolaanshaha heshiiska shirkadda Range Resources....
Liibaan Boqor (Dhexda),
Adam Maxamed (Midig)
Boosaaso: Guriga xarunta u ah Range Resources..
Isha Sawirka:
Africa Oil
Waxaa shardi ah in
Hawshu socoto...
Range Resources waxay qabsatay ugu dambayn bisha Agoosto 2008 in ay bilaabeyso
qoditaanka batroolka, waxayna gogol dhigga ugu horreeya ee qoditaanka ka
bilaabeysaa ceelka Nogal-1. Riiggii qodi lahaa waxa uu ka soo socdaa Shiinaha.
Range waxay sheegtay in ay 18-kii Maarso 2008 heshay akhbaar
ah in 12 konteenar oo ay ku jiraan alaabta wax lagu qodo ay yimaadeen Jabuuti.
Heshiiska ayaa ah in Africa Oil ay muddo saddex sano gudahood ah afar
ceel ka qoddo dooxada Nugaal iyo dooxada Dharoor iyadoo leh 80% faa'iidada.
Range (waxay markii koowaad qirtay) in ay fileyso lacagta ku bexeysa mashruucaan ay ka
badaneyso qiyaastii markii hore la sheegay oo ahayd $45 million, balse ay ku
bexeyso $80 million (Sidaas darteed, boqolkii 2.5% kharashkaas waa in ay meel
saarto Range). Kaddib marka la qodo afarta ceel waxaa midkiiba ku baxaya
qiyaastii $10 million, waxayna ku qaadaneysaa [in ceel kasta la qodo]
muddo dhan 60 maalmood.
Consort Private, oo ah shirkaddii xuquuqda lahaanshada sahminta Puntland ka
iibisey Range, waxay lahaan doontaa boqolkiiba 15% saamiyada kaddib marka la
qodo ceelka koowaad, waxayna la siinayaa lacag gunno ah oo dhan $20 million
marka afara ceel la qodo. Africa Oil
waxay heshiis la saxiixatay shirkad kale si ay baaritaanka nooca loo yaqaan 2D seismic uga samayso dooxada
Dharoor, bisha May 2008, ayey tiri African Energy.
- Waxaa xusid mudan: Si loo qodo hal-Ceel oo ku yaal meel 135 km
Waqooyi-Bari ka xigta magaalada Lamu ee dalka Kenya [oo xitaa lagu muransan
yahay in meesha la baaray ahayd dhul Soomaaliyeed] in bishii Jan 2007 lagu kharash
gareeyey lacag dhan $100 million. Sidoo kale Shirkadda reer Australia
ee Woodside waxay qorsheysay in bishii Janaayo 2006 ay hal ceel oo ku
yaal dalka Liibiya ku bixiso lacag dhan $194 million si ay u qodo
ceelkaas. Hadda Range iyo jaalkeed waxay inoo sheegeen in halkii Ceel
ee Puntland lagu qodayo $10 million oo qura - malaha dhulka
Soomaalida ayaa ka riqiisisan adduunka kale!!
Qoraal ay shirkadda Range u dirtay Suuqa Ganacsiga Australia 26-kii Maarso
2008 waxay ku sheegtay in 12 Konteenar oo ay ku jiraan qalabkii lagu
dhisi lahaa Kaamka in ay kusii jeedaan Boosaaso iyagoo laga soo qaadayo
Jebal-Cali (UAE) oo la sii marsiin doono Jabuuti, iyo in jaalkeed
Africa Oil ay kordhisey dhaqdhaqaaqeeda shidaal sahaminta ee Puntland. Waxayna
qormadu sheegtay in maamulayaal ka socdey shirkad qandaraas ku qaadatay qodista
iyo shirkadda Africa Oil ay dhowaan booqdeen meelaha la soo jeediyey in ceelasha
laga qodo ee Puntland, waxayna Africa Oil cadaysay in yoolkeedu yahay in
hordhaca qodista ceelka ugu horeeya ay bilaabeyso horraanta July 2008.
Waxaa taas dheer,
sida qormada Range xustay, in Africa Oil ay dhamaystirtay qandaraas ay la
gashay shirkadaha kale ee IMC-Tesla si ay u dhamaystirto 2,600 km
oo ah baaritaanka loo yaqaan 2D Seismic ee Woqooyiga Dooxada Dharoor
[eeg sawirka hoose]. Shirkadahaas qandaraas-laha ah waxay booqdeen Dooxada
Dharoor, ayaa qoraalku xusay, waxaana la rajaynayaa in shaqaalaheedu ay Puntland
gaaraan dabayaaqada bisha (Bishii) Maarso 2008 si ay sahaminta nooca
'seismic' u bilaabaan bisha (bishan) April 2008.
Sidoo kale shirkadda Africa Oil waxay ku sheegtay qoraal ay
faafisay 26/3/2006 in ay heshay macluumaad ama xog
ku saabsan
2D Seismic oo ah 4,000 km oo lagu sameeyey Dooxada Nugaal
sannadihii Sideetamaadkii (1980-naadkii) - ayna sameeyeen shirkadihii xilligaas
qandaraaska ku haystey aaggaas. Dhanka Dooxada Dharoor waxay shirkaddu
sheegtay in ay dhammaystirtay qandaraaska kor ku xusan ee lagu samaynayo
2,600 km oo ah sahaminta nooca 2D Seismic. Waxana qormadu xustay in,
sida ka muuqata khariidada hoose, dhulka Dooxada Nugaal iyo Dharoor ay juquraafi
ahaan la mid yihiin Dooxada
Marib iyo
Masila
ee dalka Yemen - oo ah laba dooxo oo Batrool badan laga helay.
Dooxada Dharoor iyo Dooxada Nugaal.. Isha Sawirka: ASX.
Bedka Dooxada Nugaal: 52,000. Sq.Km (12,849,479 acres)
Bedka Dooxda Dharoor: 29,000 Sq.Km (7,166,056 acres)
Isku darka Bedka laba dooxo (Dharoor & Nugaal): 81,000
Sq.Km
Tallaabada xigta ee ay qaadeyso Range waa in ay jaal kale [shirkad
kale] u hesho khayraadka (dabiicigas ah) ee ku jira
badda (offshore) Puntland. Povey waxa uu African Energy u sheegay in ay
raadinayaan jaal (shirkad) ku siyaadinaya qiime iyo khibrad. Africa Oil waa jaal ku
habboon xagga berriga (onshore), waxaana saami ku leh Lundin Petroleum oo reer
Swedish ah, taas oo Soomaaliya joogtey xilligii ConocoPhillips ka hor dagaalkii
ahliga ahaa. Shirkadda Conoco intii ay Soomaaliya joogtey waxay ku kharash
garaysay lacag dhan $150 million [Sida lagu sheegay warbixintii 14-kii
Maarso 2008 ee Edison
Investiment Research oo ku saabsanayd Range Resources]. Laakiin
Conoco waxay isaga huleeshay khayraadkaas
sababtoo ah Maraykanka oo cadaadis ku saaray in aysan la macaamilin Soomaaliya
iyo iyada oo ka faa'iidey cashuur dhaaf, ayey tiri African Energy, oo
intaas raacisay in aysan helin qoraal rasmi ah
oo arrintaas laga faafiyey.
- Bedka dhulka [1-dii Agosto 1998 loo
bixiyey] Puntland waa: 212,000 sq. Km, halka dhererka
xeebta Puntland lagu qiyaasay: 1,650 Km. Dhammaan khayraadka dabiiciga
ah ee ku jira dhul [onshore] iyo bad [offshore] ee Puntland
waxaa xuquuq baaris loo siiyey Range Resources oo saamiyada ka iibsatey
Consort..
Shirkadda laga leeyahay imaaradka Carabta, Ras Al-Khaimah (RAK), waxay sidoo
kale dhawr heshiish oo kusaabsan sahaminta Batroolka la gashay Dawlad
Goboleedka Puntland, laakiin waxay noqdeen kuwo aan waxa natiijo ahi ka soo
bixin. Agaasimaha Range, Povey, waxa uu ku andacoodey in RAK aysan lahayn wax
dhaqaale ah oo ay bixin karto, ayey tiri African Energy. Range boqolkiiba 70%
saamiga ay dooneyso in ay cid kale kula heshiiso [farm-out] waxay uga
baahan tahay $10 million ilaa $20 million oo hor-maris ah oo ay ka hesho Jaal
(ama cid heshiis la gasha) iyo lacag gaareysa $2 million oo ay ku debirto
baaritaanka ah nooca [seismic].
Boqor-suge, Sheikh Saud Bin Saqr Al-Qasimi, oo ah fikradda ka dambeysa shirkadda RAK oo bartamihii March 2008 waraysi siiyey
African Energy ayaa
sheegay in aan Puntland wax ka soo cusboonaan kaddib markii ay
la saxiixeen heshiiskii ku saabsana in ay sameeyaan Shirkadda Horumarinta Shidaalka
dhulka ku jira [Hydrocarbon Development Company]. Imaaraadka Carabtu waxa ay
Puntland ka caawinayaan Xoolaha Nool, ayuu yiri Sheikh Al-Qasimi. Labada shirkadood
ee RAK (UAE) iyo Al-Jaber Group (ee maalgashadaha Sucuudiga), waxay maal
gelinayaan Maxjar Xoolaha Nool lagu hayo, kaas oo Xoolaha Nool ee Puntland
gaarsiinaya heerka caalamiga ah.
- Waxaa xusid mudan in qoraal ay September 26, 2007 faafisay
jariidadda The Australian xilligaas lagu sheegay in uu wada xaajood u
socdey shirkadda Ex-CANMEX [Africa Oil] iyo RAK.
Walaaca Ammaanka....
Saraakiisha Puntland iyo Range Resources waxay ka walaacsan yihiin haddii ay
helaan batrool sida ay Puntland u sugeyso ammaankeeda, gaar ahaan halista kaga
imaan karta gudaha ama bannaanka, sida Somaliland ama Koonfurta Soomaaliya.
Halista (soo food saari karta Puntland) waxaa Range Resources u soo qiimeeyey
Akela Security, oo xarunteedu tahay Maraykanka, taas oo markii ay qiimayntaas
samaysay sheegtay in Dawladda [Goboleedka] Puntland ay u baahan tahay $5 million
si ay ammaankeeda u sugto.
Taas si loo sameeyo, waxaa hawl badan u baahan in la helo lacagtii lagu maal
gelin lahaa. Haddaba, Gen. Cadde Muuse waxa uu jariidadda u sheegay "Markaan soo
dillaacino Batroolka waxaan heli doonaa lacag, markaasna waxaan awoodi doonaa in
aan is difaacno." Sida ay sheegeen hawlwadeenno ka tirsan Akela waxaa lagu dhex
jiraa samaynta shirkad qaabilsan ammaanka oo ka diiwaan gashan Puntland [security
company], taas oo ay boqolkiiba 98% shaqaaluhu yihiin maxalli, ka imanaya
dhammaan qabaa'ilka Puntland. Akela waxay hadda tababar ammaanka la xiriira
siisaa saraakiil ka tirsan ciidanka Sirdoonka ee loo yaqaan PIS [Puntland
Intelligence Service], waxayna sii wadeysaa in ay samayso shirkadda cusub, ayey
tiri African Energy.
Saraakiisha PIS waxa kale oo tababar militari siiya CIA-da Maraykanka
oo jaaha saaraysaa sidii ay u xididdo siibi lahayd argagaxisada
Islaamiyiinta ah. Taas oo aan dhibaato weyn ka ahayn Puntland sida ay uga tahay
Soomaaliya, laakiin halistu waa jirtaa, ayey tiri African Energy, oo intaas
raacisay; Islaamiyiinta Al-Shabaab oo ka qayb qaadatay rabshadaha Caasimada Soomaaliya ee
Muqdisho, kuwaas oo aan ahayn maleeyshiyo beeleed, ayaa sheegtay in ay ka
dambeeyeen qaraxii Boosaaso ka dhacay horraantii bishii February 2008, kaas oo
ay ku dhinteen 20 Itoobiyaan ah oo isugu jirey laajiyiin iyo shaqaale, ayna ku
dhaawacmeen in ku dhow 100 qof.
Saraakiil ka tirsan Akela waxay sheegeen arrinta kale oo ay ka walaacsan yihiin waa
lacagta been-abuurka ah. African Energy waxaa u suurta gashay in ay aragto
sawirro muujinaya makiinad lagu sameeyo lacagta been abuurka ah oo qiimaheedu
dhan yahay $800,000 oo ay haystaan kuwa lacagaha isku bedela ee reer Puntland.
Wasiirka Maaliyadda, Yuusuf (Gaagaab) waxa uu yiri: "Waan la dagaalameyynaa
arrintaas, waxaana mar hore qabanay makiinado lacagta lagu daabaco oo hore
loo xaday. Waxa kale oo aan qabanay dad arrimahaas ka qayb qaatay, waxaana geyney
maxkamad, lacagtiina waa gubney." Markii la weydiiyey ka warran in ay jirtey fursad
lacagta lagu bedelanayo, waxa uu Gaagaab ku jawaabey "Ma awoodno in aan sidaas
samayno, sababtoo ah waxaa leh dawladda Federaalka iyo bangiga dhexe, laakiin
waa in aan samayno, ka waddan ahaan, sababtoo ah waxaa jira lacag badan oo ku
meelaysan meelo aan meesheedii ahayn..... Wasiirka Maaliyadda Puntland wuxuu kula
talinayaa DFKMG." Waa in uu jiraa nimaad dhaqaale oo aammaan sugan haddii ay
Puntland doneyso in ay samayso nidaam bangiyeed.
Burcad-badeeka iyo Afduubka ayaa sidoo kale curyaamin ku ah [Puntland], gaar
ahaan maadaama la bixiyey lacago madax furasho ah. Marka laga hadlayo hub ka
dhigistana qoys kasta waxa la sheegay in uu haysto qori AK-47. [Sida xeerka
hoose ka muuqatana hadda waxaa Puntland laga mamnuucay hubka..]
Gen Cadde Muuse ayaa March 27,2008 soo saaray Xeer Madaxweyne Lr#48 oo ku
saabsan Mamnuucida hub ku qaadashada Magaalooyinka Puntland, oo u
qoraa sidan:
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka DGPL qodobkiisa 54aad faqradiisa 19aad
Markuu tixgeliyey: amni darada ka dhalan karta hubka Magaalooyinka lagu
sito.
Markuu arkay: Go’aanka golaha xukuumada ee Puntland ee Khamiis 27 March
2008.
Wuxuu xeeriyey:
1.In aan wax hub ah lagu qaadan Karin lalana soo geli Karin magaalooyinka
Puntland.
Dhanka Galbeedka Australia, qoraal ay faafisay 31.3.2008 shirkadda
Range Resource [kuna taariikhaysan
9-dii Maarso 2008] waxay ku faantay in ay tababar soconayey muddo
bil ah u
fidisay saddex xubnood oo ka socdey Wasaaradda Macadanta iyo Gaaska Puntland oo
ay sheegtay in ay fasallo tababar ah ku siisay machadka farsamada ee "institute
Curtin University of Technology", saddexdaas oo kala ah: Ismaaciil
Maxamed, Adam Maxamed, iyo Faarax Xuseen.
Kabilow bidix: Ismaaciil Maxamed, Adam Maxamed, iyo Faarax
Xuseen iyo macallimiin
- Isha Sawirka: Range 31/3/2008
Haddii aan dib ugu laabanno qormadii African Energy, waxa kale oo ay xustay arrinta dhex taal Somaliland iyo
Puntland oo ah gobolka Sool iyo Bariga Sanaag oo labada dhinacba ay sheeganayaan.
Dhulkaas oo lagu qiyaasayo in uu qani ku yahay batrool dhex jiifa. Waxa kale oo
jariidaddu xustay xadkii ka hor xorriyadii 1960 iyo sidii lagu asaasay Puntland
1998, iyo sida ay u jiraan dad deggan degaankaas muranku ka taagan yahay [Sool
iyo Sanaag] oo muujiyey in aan si siman wax looga siin saddexda dhinac ee ah
Somaliland, Puntland iyo DFKMG oo sidaas daraadeedna ay doonayaan in ay
goonidooda u samaystaan Dawlad Goboleed, sida uu nin Soomaali ah oo arrimaha ka
faallooda u sheegay kooxda International Crisis Group.
Khariidad ka calaamadsan badda Puntland ee suuqa loo
raadinayo
iyo aagga Sool iyo Sanaag oo calaamadsan.... Isha sawirka: African Energy
Waxa kale oo African Energy ay sheegtay in Maxamuud Muuse Xirsi [Gen. Cadde
Muuse] uu xiisadda [Sool iyo Sanaag] ku eedaynayo in ay dabka ku shideyso/hurineyso
shirkad weyn oo kuwa batroolka baara ah, shirkaddaas oo haysata heshiis aaggaas
ku saabsan oo la siiyey sanadihii 1980-naadkii [Inkasta oo uusan magacaabin
shirkaddaas]. Waxana uu ku andacoonayaa in kuwa danaynaya shidaalku ay maal
gelinayaan muqaawamada ka imaneysa Muqdisho si ay u carqaladeeyaan gobolka
gudihiisa. Waxana uu [Gen. Cadde] intaas ku daray, "Qaar
ka mid ah shirkadaha batroolka ayaa isku deyaya in ay dabada ka soo wadaan reer
Somaliland, laakiin u ogolaan meyno in taasi dhacdo. Shirkaduhu waa in ay marka
hore dadka kala bartaan."
Gen. Cadde Muuse waxa uu sheegay in madaxweyanaha Somaliland, Daahir
Riyaale Kaahin uu ahaan jirey sarkaal isaga ka hooseeyey xilligii ay labadoodu ku
jireen Militariga. Markii la weydiiyey in ay dhici karto iska hor imaad haddii
batrool la helo, waxa uu Hirsi [Gen. Cadde] ku jawaaabey "Dadkayagu waxay halkaas u joogaan
in ay si isku filaansho ah isu difaacaan". Wasiirka Puntland u qaabilsan
Horumarinta Dumarka iyo Qoyska, Caasha Geelle Diiriye waxay ku andacootey "in
dhibaatada u dhexeysa Somaliland iyo Puntland ay ka imaneyso Muqdisho." Wasiirka
Maaliyadda DGPL Maxamed Cali Yuusuf [Gaagaab] waxa uu yiri "Waxaa naga go'an in
aan dhibaatadayada ku xallinno si nabadeed. Somaliland waxay nala ahaan doonaan
heshiis marka aan soo dillaacino batrool."
Labadaas hab kii ay doonto ha ahaatee, Dawladda [Goboleedka] Puntland waxay
garwaaqsatay in ay u baahan tahay sidii ay ammaankeeda u sugi lahayd, si ay taas u
fulisana waxay ku hawlan tahay saddex-deeda ciidan: Militariga, booliska iyo
ilaalada xeebaha. Dawladda [Goboleedka Puntland] waxay qiyaastay in ay u bahan
tahay 2,000 oo ciidan ah si ay u sugto ammaanka xuduudaheeda. Waxay raadineysaa
Batroolka si ay u maal geliso taas iyo arrimo kale oo badan, ayey qoraalkeeda ku
soo xirtay African Energy.
Dhanka kale DFKMG, gaar ahaan madaxweynaha DFKMG iyo Ra'iisul wasaaraha
DFKMG, weli kama jawaabin hadalladii Madaxweynaha DGPL iyo wasiirkiisa Batroolku
ay sheegeen ee ahaa in Wasiirka Macadanta iyo Tamarta ee DFKMG, Eng. Kaanje, in
war-saxaafadeedkiisii iyo hadalkiisii aan madaxda sare ee Dawladdu la ogeyn.
- Maarso 30, 2008 ayaa wafti uu
hoggaaminayo Gen. Cadde Muuse waxay u kicitimeen Itoobiya, waftiga waxaa ka
mid ah: Wasiirka Ammniga Puntland S/G Cabdullaahi Saciid Samatar, Wasiirka
Hawlaha Guud & Gaadiidka Cabdullaahi Cali Xirsi, Taliyaha Ciidanka
Daraawiishta DGPL G/sare Cabdirisaaq Sheikh Cismaan (Cali Baadiye), Taliyaha
Ciidanka Sirdoonka Puntland (PIS) Cismaan Cabdullaahi Diyaana,
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cali Yuusuf, iyo Agaasimaha
hay’ada loogu yeero Astaynta maamulka Wanaagsan Saciid Faarax Yare. Waxaana
la sheegay in ay 7 cisho ku maqnaanayaan Addis Ababa. [Eeg
waraaysigii Cadde].
Baarlamaanka Puntland oo Xirmay iyadoo Weli la isku hayo Qodob Sharci
ah..
Dhanka Garoowe, waxaa xirmay kulankii Golaha Wakiillada Puntland, iyadoo uu
weli taagan yahay muran-sharciyeed ka dhashay qaabkii loo ansixiyey sharciga
Shidaalka Puntland, 19-kii Maarso 2008. Arrinta muranka dhalisay ayaa ah kaddib
markii baarlamaanka loo furay kulan aan caadi ahayn oo loogu talo galay in uu
socdo 15-30 Maarso 2008 ayaa markii loo codeeyey xeerka Macadanta &
Shidaalka waxaa markii koowaad la isku mari waayey 21 DIIDEY iyo 21
OGOLAATEY iyo 6 KA-AAMUSTEY.. Markaas ayaa durbadiiba waxaa cod
dheeri ah ku ansixiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada DGPL, Axmed Cali Xaashi
- laakiin Xeer hoosaadka Baarlamaanku waxa uu dhigayaa: Qodobka 13.6: Haddii
codadku laba jeer is le’kaadaan Guddoomiyaha ayaa yeelanaya cod dheeri mar
sadexaadka. Taas weeyey qodobka ay diidan yihiin xildhibaano gaaraya
26 oo dalbaday in xeerkaas lagu soo
celiyo baarlamaanka.
Xildhibaan Muse Warsame Cumar oo ka mid ah xildhibaannada diidan sida
xeerka loo ansixiyey oo u waramyey Idaacada Garoowe [31/3/2008] ayaa
muujiyey in shir guddoonka baarlamaanku ka warwareegeen in ay hor yimaadaan
Golaha Baarlamaanka, sababtoo ah cabsi weyn ayaa guddoonka gashay maadaama ay ku
dhaqaaqeen arrin khalad ah. Waxana uu Xildhibaanku sheegay in xeer u qoran yahay
qofkii sharciga ku tunta in markii ku habboon wax laga qaban doono. Waxana uu
muujiyey in arrintaas xisaabtankeedu iman doono kalfadhiga rasmiga ah ee
baarlamaanka oo dhic doona bisha June 2008. Waxana uu hadalka ku adkeeyey
oraahda ah "Soomaalidu waxay tiraahdaa mindida dhulka taal iyo mindida gacanta
lagu hayo tee lagugu gawracaa," oo ah oraah u dheceysey guddoonka
baarlamaanka (oo ka kooban Guddoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen) haddii ay hadda
ka warwareegeen in ay hor yimaadaan Baarlamaanka, in marka ay hor yimaadaan lala
xisaabtami doonaa.
Shir-guddoonka uu xildhibaanku tilmaamay waxaa ka mid ah xildhibaan Salaad
Xareed Cali oo ah Guddoomiye ku xigeenka Golaha Wakiillada, oo idaacadda u
waramayey [29/3/2008] ayaa difaacey ansixintii guddoomiyaha Baarlamaanku uu
cod hal-dheerida ku ansixiyey sharciga Batroolka iyo Macadanta. Waxana uu yiri
"Baarlamaanku kulligood sharci yaqaan ma aha, waa dad bulshada ka yimid, marka
waa in talo la doono in qodobkaasi sharci yahan, dadka sharci yaqaanka ah oo
takhasuskoodu yahay ayey ku haboonayd haddii uu shaki galo."... Waxana uu muujiyey in
la isku haysto fasirka qodobka 13.6.... [Qodobkaasi waxa uu u qoran yahay sidan:
Qodobka 13.6: Haddii codadku laba jeer is le’kaadaan Guddoomiyaha ayaa
yeelanaya cod dheeri mar sadexaadka.]
Waraysiyada Idaacada Garoowe ee labada xildhibaan Muse Warsame Cumar
iyo Salaad Xareed Cali:
April 2, 2008: Dhankaas iyo Baydhabo, Baarlamaanka DFKMG ayaa fadhi ay
yeesheen qodobbadii ay kaga hadleen waxaa ka mid ahaa arrimaha Batroolka
Soomaaliya, waxaana la sheegay in ay arrintaas ka hadalkeeda sii wadi doonaan
kulan ay isugu imanayaan Sabtida (April 5, 2008).
Akhri: Fadeexaddii Ganacsi ee ka Dhacday Australia
iyo Xiriirka Batroolka Puntland
Tarujadii iyo Faafin: SomaliTalk.com | March 31, 2008 | Updated: Apr 10, 2008| xigasho: African Energy,
Range, Ex-Canmex, ASX. |