SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BATROOL

"Ilaa La Soo Celiyo Gobolka Sool ma Suurta Gelayso in Shidaal La Soo Saarayo" Madaxweyne Xigeenka DGPL...

 "...ilaa amniga wax laga qabto lana soo celiyo Gobolka Sool ma suurta gelayso in shidaal la soo saarayo...." sidaas waxaa yiri Xasan Daahir Maxamuud "Afqurac" oo Garoowe waraysi ku siiyey TV ka hawlgala Minnesota....

  • SomaliTalk.com | May 3, 2008

Madaxweyne ku xigeenka DGPL, ahna sii hayaha xilka madaxweynaha, Xasan Daahir Maxamuud "Afqurac" ayaa Sabti May 3, 2008 xafiiskiisa Garoowe waraysi kula yeeshay Tv ka howlgala magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.

afqurac
Xasan Daahir Maxamud "Afqurac"

Waraysigaas waxa uu madaxweyne ku xigeenka Puntland shaaca kaga qaaday in aysan suurtagal noqonayn in shidaal ama batrool laga soo saaro Puntland ilaa amniga wax laga qabto, isla markaana la soo celiyo celiyo Gobolka Sool, waa sida uu hadalka u dhigay.


"...ilaa amniga wax laga qabto lana soo celiyo Gobolka Sool ma suurta gelayso in shidaal la soo saarayo...." Xasan Daahir Maxamuud "Afqurac" May 3, 2008, Garoowe

"Haddii hal gobol haro Governor ayaan ka noqonayaa"? Gen. Cadde Muuse, April 27, 2008, London


Xasan Daahir "Afqurac" isagoo arrintaas ka hadlayey, kana jawaabayey su'aal la xiriirtey xilliga la soo saari doono shidaalka, waxa uu yiri: "waa loo baahan yahay in dad wax loo soo saaro oo ay ka baxaan baahida badan weligeedna waa la rajeynayey in Soomaalidu soo saarto khayraadkeeda, laakiin ilaa amniga wax laga qabto lana soo celiyo gobolka Sool ma suurta gelayso in shidaal la soo saarayo."

Hadalka Xasan Daahir waxa uu muujinayaa khilaaf siyaasadeed ee u dhexeeya hadalkiisa iyo kan madaxweynaha DGPL, maadaama Gen. Cadde Muuse mar uu la kulmay jaaliyadda Puntland ee London (27-kii April 2008), oo la weydiiyey su'aal ahayd "Haddii Goboladii ku bahoobay Puntland qaar la qaatay, oo qaar kale aan maamulku saameynba ku lahayn, sideeb ayuu noqonayaa xeerkeenu?" waxa uu (Janaraal Cadde) ku jawaabey "Haddii hal gobol haro Governor ayaan ka noqonayaa"?

Hadallada is khilaafsan ee Afqurac iyo Gen. Cadde waxay sii xoojinayaan haddallo ay isla dhex marayaan reer Puntland oo ah in "xiriir hoose oo saddex-geesoos ah" oo ku saabsan Gobollada Sool iyo Sanaag uu ka dhexeeyo ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi, madaxweyanaha xilka kororsaday ee maamulka Somaliland, Daahir Riyaale Kaahin (oo xilkiisii ku ekaa April 14, 2008) iyo madaxweynaha maamulka Puntland Maxamuud Muuse Xirsi. Waxaana reer Puntland rumaysan yihiin in "Xiriirkaas hoose" uu Xasan Daahir Maxamuud 'Afqurac' ka soo horjeedo.

Dhanka kale, madaxweyne ku-xigeenka Puntland waxa uu wararsiga TV-ga reer Minneapolis ku xusay in uu hadda diyaar yahay dibu-eegista Dastuurka (Puntland) wejigiisii labaad, iyo in Dastuurkaas la hor keeni doono Baarlamaanka (DGPL) bisha June 2008 (si loo ansixiyo). Waxa kale oo uu xusay in doorashada Puntland dhici doonto Janaayo 8, 2009.

Waraysigaas oo qayb ka mid uu faafiyey Xafiiska Gen. Cadde Muuse, waxaa ka mid ahaa su'aalaha hoose iyo jawaabaha uu ka bixiyey madaxweyne ku-xigeenka, ahna Kusimaha xilka Madaxweynaha DGPL:

Su'aal (TV-ga Minneapolis):  (ka warran) xaaladda nabadgelyada Puntland iyo waxyaabaha aad ka qabateen?

Jawaab (Xasan Daahir): waxaan hadda qabanay waxyaabo la taaban karo sida burcadkii iyo afduubayaashii ku kala kacay falal kala duwan in la qabtay lana xukumay; meela badan ayaa laga soo qorshaynayayaa ammaan xumo in laga abuuro Puntland, sida dhinaca koonfureed iyo dhinaca waqooyi.


Xasan Daahir oo u waramaya Sakariye Aaden (Xaayow), Garowe, May 3, 08
waa Sawir  uu faafiyey Xafiiska madaxweynaha DGPL,  Gen. Cadde Muuse

Su'aal: Shidaalka goorma ayaa la soo saarayaa?

Jawaab: (waxaa) la siiyey shirkado meelaha qaar oo ay ka mid yihiin Nugaal oo ah meelaha hada la sheegay in uu ugu badan yahay baaritan badan ka dib, waana loo baahan yahay in dad wax loo soo saaro oo ay ka baxaan baahida badan weligeedna waa la rajeynayey in Soomaalidu soo saarto khayraadkeeda, laakiin ilaa amniga wax laga qabto lana soo celiyo Gobolka Sool ma suurta gelayso in shidaal la soo saarayo.

Su'aal: Muddo lix bilood ah ayey maamulka isku magacaabay Soomaaliland uu gacanta ku hayaa gobolka Sool, (ka warran taas)?

Jawaab: (waxaan) ku jiraa diyaargarow si aan u gaarno dalkayaga naga maqan oo dhan oo aanan dib uga soo noqon taana ayaa nagu kaliftay in ay muddo qaadato diyaargarowga.

dfkmg
DGPL oo eedaysay DFKMG Akhri

Su'aal:  Goorma ayey dhacaysaa doorashada (Puntland) iyo in aad isa soo sharaxayso?

Jawaab: (waxay) dhacaysaa 2009 bisha Kowaad siddeeda (January 8, 2009), laakiin inta doorashada ka horraysa waxaa waajib nagu ah in aan xorayno dalka inta naga maqan, laakiin ma dhici karto in aan isa soo sharaxno dalkaygii oo maqan, waana qaban doonaa.

Su'aal: Goorma ayey (Puntland) ka hirgelaysaa habka Dimuqraadiyaddu?

Jawaab: Hadda waxa diyaar ah dibu eegista Dastuurka wejigiisii labaad waxaana la hor keeni doonaa Baarlamaanka (Puntland) bisha Juun (2008), marka la ansixiyo (dastuurkaas) ayaa waxa la dhisi doonaa Guddiga Doorooshooyinka iyo Asxaabta, laakiin intaasi waxa ka horraysa in wax laga qabto nabadgelyada dadkana lagu wacyi geliyo Dimuqraadiyadu waxa ay tahay.

Waraysigaas xilligii laga qaaday madaxweyne xigeenku Xasan Daahir, waxa uu madaxweynaha DGPL ku maqnaa dalka Itoobiya.

"Laascaanood Lama haysan karo Xoogna Laguma Goosan Karo" C/laahi Yuusuf

Dhanka kale waraysi uu madaxweynaha DFKMG siiyey TV ka hadla magaalada Rochester ee Gobolka Minnesota xilligii uu booqashada ku joogey New York (intii u dhaxaysay April 15 ilaa April 24, 2008) ayuu ku sheegay in uusan raali ka ahayn in la qabsado Laascaanood.

C/laahi Yuusuf oo ka jawabayey su'aal ahayd waa maxay mowqifka dawladaada dhexe ee ku aaddan arrimaha ka taagan Gobolka Sool, gaar ahaan magaalada Laascaanood,waxa uu ku jawaabey "Adeer Laascaanood arrinta soo gaartey oo ka dhacday.... lahjadaada waan garanayaa inaad Woqooyi ka timid, ama woqooyigaas ahaw ama woqooyiga dadkii ahaan jirey ahaw lahjaddaada waan u jeedaa.... Laascaano in la qabsado anigu dadka raali ka ahna kuma jiro, Laascaanoodna in xoog inta lagu qaato dad aan Soomaaliya in ay ka go'aan rabina xoog laguma goosan karo man soconeyso, sidaas ayaan yeeli doonaa iyo waxaana aayaan yeeli doonaa haddee ma qumana, madaxweynihii qaranka ayaan ahay, madaxweynaha qarankuna wuxuu rabo in uu ku hadlo ma aha, Laascaanood lamana haysan karo, xoogna laguma goosan karo. Intaas ayaa kugu filan" [Halkan Dhegeyso - mp3]

Kulanka Baarlamaanka Puntland ee June 2008

Baarlamaanka DGPL ayaa kulankiisa caadiga ah isugu iman doona bisha June. Waxaana jira xildhibaanno hore u soo saaray bayaan ay ku dalbanayaan in sharciga batroolka dib loogu soo celiyo baarlamaanka. Waxa kale oo jira in shacabka Puntland u arkaan in guddoonka sare ee Baarlamaanka DGPL uu ku milmay xukuumada sidaas daraadeedna ay luntay hab xisaabtanmkii maamul.

Gen. Cadde Muuse oo ku Laabtay Itoobiya
Madaxweynaha DGPL ayaa markale ku laabtay Addis Ababa, iyo warar kale oo GoosGoos ah.. Akhri.... May 3

Faafin: SomaliTalk.com | May 3, 2008

BAARID | SEARCH


C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS