MUUSUQMAASUQ HANTIYEED: SIDII LOO RABEY IN LOO DHOCO
HANTIDDA DABIICIGA OO DHAN EE PUNTLAND
11kii JUNE
2006
QORE: DR.
NUUR CILMI GAASHAAN
Email:
nurelmigashaan@hotmail.com
_______________
_______
___
(Taxanahaan oo u qaybsan saddex dhudhumood waa mid ka hadli
doona Marka hore sida loo qiimeyo hantidda ay shirkaduhu
leeyihiin khaas ahaan kuwa raba in ay baaraan hantidaa
dabiiciga ah. Qaybta kowaad, waxaanu fiirin donaa shirkadda
layiraahdo Consort Iyo Range. Qabta labaadna, waxaanu
fiirin donaa sidaa loo khiyaamayay wadamada saboolka ah ee
loyaqaano “aduunka Sadexaad” tan ugu dambaysana waxaanu
fiirin donaa sidaa looga Gaashamankaro Masiiboyinkaas,
horuumarna loo gaari karo
[English
Version: Read here
http://www.somaliatalk.com/terry/gaashaan.pdf (pdf)])
Muddo
laga joogo tobban billood waxaa waddanka Somaaliya (khaas
ahaan Puntland) yimid shirkad markeedi hore ku timid in ay
suubiso hawlo samafal ah laakiin kaddibna isurogtay in ah
tahay shirkad layiraahdo Consort Pty Ltd. Halkaas oo nin
layiraahdo Terry uu shirkadaas hor boodayay.
Terry
markaas meesha waxaa geeyay rag Soomaali ah oo Australian ah, laakin muddo kaddib wuxuu la xirtay nin layiraahdo Liiban Muuse
oo ay aad isugu dhowyihiin Madaxwayne Cadde Muuse. Raggii
kaloo xaqqa kutaagnaana oo rabay waddanka in wax laga soo
saarana waa laga xawaarayay oo arintu waji kale ayay
yeelatay.
Waxaa
marka iswaydiin leh horta Shirkadahaan yaa weeye? ma waxay u
shaqeysaan shirkado ama waddamo kale oo aan rabin in wadanka
Soomaaliya wax khayraad ah in lagasoo saarin (akhri: buuga
layiraahdo
the Confessions of an Economic Hit
Man)? Sidaanu
uga warqabno shirkadahaan yaryar ee addunka saddexaad rogay
haddii ay arintu ku adkaato suuqa ay kabaxaan oo gacmaha
ayay laabtaan (bankruptcy declaration) wixii qasiyad ahna
waxay uga tagaan wadamadaas oo qaan ay ku noqoto. Arrinta
berrito imaankarta waxa weeye arrin qaanuun caalami ah salka
ku haysa oo laga yaabo in shirkadihii markii hore lacagta
waddanka gashtay aan lala xiriirin, ama lagu tashan in lala
xiriiro.
Markii
wadahalkaas uu socday waxaa arrinta loo soo bandhigay
Shirkaddo qareemo ah lakiin waxay ku taliyeen waa laga
booday oo heshiskaas oo xogaa lacag ah lugu bixinayay ayay
hogamiyaasha Puntland doorsadeen. Waziiradii kasoo
horjeedsaday arintaasna qaarkood waa la rukhseeyay.
Shirkadii Consort oo xataa wax hanti ah aan lahayn ayaa
heshikii waxay kasii gadeen shirkad yar oo Australian ah oo
layiraahdo Range Resources kuwaas oo xataa lahayn wax
khibrad ah xagga soosaarka shidaalka iyo xataa macdanta.
Iyaguna waxay kasii gadeen Shirkad layiraahdo MEPS oo xataa
laftikooda aan haysan wax RIIGAG ah ilaa iyo haatan iyaguna
waxay isku dayeen in ay kasii gadaan shirkadoo caalami ah
lakiin shirkadahaas way ku gacan sayreen. Isku soo koob oo
waxaa la rabaa in wakhtiga Puntland laga dilo oo
sumcadeeda Dowladdnimana shaki lagaliyo.
Akhristoow waxaa iswaydiin leh marka ,in aanu fiirino
shirkadaan hantideeda oo ku lifaaqsan qoraalkaan oo afka
qalaad ku qoran hase yeshee waxaan kusoo koobikarnaa
siddatan:
-
In aysan wax dakhli ah
uusan jirin ilaa iyo 1996 - waa ku dhowaad toban sano
-
In Shirkaddu aysan waxna
gaddin ilaa iyo 1996 oo ku lug leh khayraadka dhulka
-
In wax shaqaale ah uu
lahayn aan ka baxsaneen mulkiilayaasha
-
In lacag aysan soo galin
shirkadaan
-
In Shirkadaan aysan lahay
wax khibrad ku saabsan soo saarka shidaalka
-
In ay saddex mulkiilayaal
yihiiin shirkadda oo dhan
-
In laga yaabo birito in
sharci lalataagsaddo taas oo ka imaankarta waxa loo
yaqaano “force Majeure”
-
In shirkadaan iyo
mulkiilayaasheeda loo qabsan doono dadkii ku dhintay
MIJIYAHAN
-
In heshiiska ay consort
lagashay uu san marin jidkii habonaa ee barlamaanka
Puntland xataa midka golaha waziiradda(xataa midka DFKS)
-
Shirkadda in marar badan
suuqa dhaqaalaha Australia hakad lagaliyay
-
Mulkilayaal ka tirsan
shirkadaan in ay iscasileen dhawaan
Waxaa
layaab leh marka in Dowladda Puntland ay heshiis lagasho
shirkad xataa an lahay wax khibrad ah xagga khayraadka midda
kale dakhliga Puntland waxaa lagu qiyasaa in uu gaaro ilaa
35 Milyan oo doolar marka ay shirkadda Rangena ay leedahay
wax ku dhow 1 milyan oo doolar. Marka walaalayaal ma ahan in
markii la arko nin duubcad loo maleeyo in ay lacag ka buxaan
ama ay dadka kale ka caqli badanyihiin, mida kale maxaanu u
isticmaaliwaynay caqliga iyo hantidda ku duugan dadka u
dhashay Soomaaliya. Waxaanu soo bandhigi karnaa in ay
qaadato ilaa iyo 15 milyan oo doolar in hal ceel ah lagu
qoddo iyadoon xataa loo dhaadhicin wax soo saarka iyo
sifeeynta kowaad ee shidaalka, dismaha tuubooyinkii
qaadilahaa iyo wax lamid ah (crude production, pipeline
construction, etc). Marka waxaa is waydiin leh halkee bay
Range Iyo MEPS lacagtaas ka keenayaan?
Waxaan
kusoo gabagabayn lahaa in baarlamaanka Puntland uu sharci la
tiigsaddo wixii muusuq maasuq ah lana joojiyo in ay Sumcadda
Puntland wax soo gaarto oo la hakiyo heshiiskaan mugdigga ku
jira ee Range Resources caqli kalana la isticmaalo. Ugu
dambayn ma xaqbaa in Maddaxwayne Cadde Muuse uu Madax ka
ahaado Puntland marka uu wiilka adeerka ugu aadana uu
Mulkiile ka ahaado Range resources? maxaa ku dhacay “QOODHAA
IYO XERADDAA?” maxaa ku dhacay kala dambayntii lagu yaqaanay
Puntland? Mise boob baa la xalaal laystay?
Source: Commonwealth Securities Australia
(
https://www.comsec.com.au/)
English Version:
http://www.somaliatalk.com/terry/gaashaan.pdf (pdf)
QORE: DR.
NUR ELMI GASHAAN
Email:
nurelmigashaan@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com |
June 11, 2006
|