Cadde Muuse oo si Qeexan u caddeeyey in uu Xumaan Doono Xiriirka
DFKMG iyo DGPL Haddii Baarlamaanka DFKMG uu ansixiyo sharciga
Batroolka ee hadda Horyaal....
- Cadde Muuse oo Ra'iisul wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka
DFKMG ku eedeeyey in ay wataan shirkado Batrool.. sidaas waxa uu ku
cadeeyey waraysi uu siiyey Idaacada British Broadcasting
Coporation...
Waraysigii
Cadde Muuse (Sept 8, 2007) halkan ka dhegeyso...

Janaraal Cadde Muuse: hadday mariyaan wax aanaan ogeyn iyaga
ayey jirtaa. |
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Gen. Cadde Muuse oo Sabtidii
(Sept 8, 2007) waraysi siiyey Axmed Kismaayo oo ka tirsan Idaacada
British Broadcasting Coporation laanteeda Af-ka Soomaaliya, isagoo
joogey Dubai, ayaa si qayaxan u caddeeyey haddii ay Baarlamaanka DFKMG
ansixiyaan sharciga batroolka ee hadda horyaal in uu xumaan doono
xiriirka u dhexeeya Puntland iyo DFKMG.
"Markaan akhriyey sharciga la rabo in la mariyo, ma aha mid Puntland
ay dani ugu jirto, Federaalkana dan ugu jirto" ayuu yiri Cadde Muuse oo
intaas ku daray in sharcigaas lagu soo sameeyey meel ka baxsan
Soomaaliya, yahayna sharci ka duwan wixii ay ku heshiiyeen DFKMG iyo
Puntland.
Waxana uu intaas ku daray "Sharcigaas markii la samaynayey nalagama
tashan. Danina kuma jirto waxa sharcigaas ku qoran".
Waxa kale oo uu xusay in loo sheegay (Puntland) in ay aan waxba ka
jirin heshiisyadii shidaalka ee ay hore u galeen, ayna tahay in
shirkadaha ay Puntland heshiiska la gashay ay dalka ka baxaan.
Waxa kale oo uu xusay in shirkado kale ay jiraan kuwaas oo ay wataan
qaar ka mid ah madaxda Sare ee DFKMG, sida ra'iisul wasaaraha iyo
guddoomiyaha baarlamaanka DFKMG. "ma aqaan waxay u wataan
(shirkadahaas)" ayuu yiri.
Heshiisyada la gelayo ee dhulka Puntland waxaa xaq u leh Puntland,
ayuu yiri Cadde Muuse.
Mar la weydiiyey in uu arrintaas kala hadlay madaxda DFKMG intii uu
joogey Dubai, waxa uu sheegay in uu laba jeer telefoon u diray Ra'iisul
wasaaraha DFKMG oo kusugnaa Jabuuti, nasiib darro labadii jeerba waayey,
laakiin uu arrintaas kala hadlay madaxweynaha DFKMG iyo guddoomiyaha
baarlamaanka DFKMG.
Guddoomiyaha baarlamaanku waxa uu Cadde Muuse u caddeeyey in
sharcigaas la hor geynayo baarlamaanka, sida uu sheegay Cadde Muuse.
Haddii baarlamaanku hirgeliyo sharciga baatroolka hadda hor yaal
taasi wax ma u dhimeysaa xiriirka Puntland iyo DFKMG markii la weydiiyey
waxa uu Cadde Muuse ku jawaabay: Waa u dhimeysaa... Puntland go'aan ayey
gaareysaa, markii cunaha lagu qabto bini'aadamku waa in ay is difaacaan,
maxaajira tani ma ahan dan Soomaali loo samaynayo, waxaa weeye in
Puntland la burburinayo oo keliya, marka go'aan adag ayey ka
gaareysaa...
Baarlamaanka DFKMG oo Buuq ku saabsan Sharciga Batroolka
Soomaaliya awgeed loo xiray kalfadhigii Sabtidii (Sept 8, 2007)
Baarlamaanka DFKMG ee xaruntiisu tahay magaalada Baydhabo ayaa la
xiray kaddib markii uu buuq ka dhashay qaanuun loo qaybiyey Baarlamaanka
, kaas oo ku saabsanaa sharciga Batroolka Soomaaliya.
Buuq iyo sawaxan kabacdi ayaa iyadoo la cuskanayo xeer hosaaska
Baarlamaanka waxaa la xiray kulankii baarlamaanka ee Sabtidii (Sept 8,
2007)..
Arrinta buuqa dhalisay ayaa waxaa ka hadlay Cawad Axmed Cashare oo ka
tisan Baarlamaanka DFKMG, isagoo u waraamay British Broadcasting
Coporation...
Sept 8, 2007
Jibriil Cali Salaad: Kama mid nihin Puntland & Somaliland
Madaxweynaha DG Maakhir oo u waramay idaacada Australia ayaa ka hadlay
baaritaanka macdanta/batroolka Majayahan iyo arrimo kale: Dhegeyso:
Play Real |
Play MP3
Caasho Axmed C/le oo ka hadashay arrimaha Maakhir
Xildhibaanada oo waraysi siisay idaacada Australia ayaa ka hadshay
shirka Casmara, kii xamar, Puntland iyo Maakhir.. Dhegeyso:
Play Real |
Play MP3


|