Baarlamaanka Puntland oo Ku kala Qaybsamay Ansixinta Sharciga Batroolka
Puntland
Wasiirka Batroolka/Tamarta ee DFKMG oo si cad uga horyimid Sharciga Batroolka
Puntland
Golaha Baarlamaanka Dawlad Goboleedka Puntland (DGPL) ayaa ku kala qaybsamay cod ay u qaadeen sharciga
Batroolka Puntland. Golaha oo ay fadhiyeeen 48 xildhibaan ayaa codayntii koowaad
waxay noqotay 21 diidey iyo 21 ogolaatay iyo 6 aamustay.
Haddaba halkii laga rabey in cod bixinta mar labaad lagu celiyo, sida uu
dhigayo Dastuurka DGPL, ayaa waxaa hal dheeri ku ogolaaday Guddoomiyaha Golaha
Wakiillada Baarlamaanka, Axmed Cali Xaashi, sidaasna uu ku ansixiyey xeerkii.
Arrintaas waxaa ka dhashay eedayn ay xildhibaanada qaarkood ku eedeeyey
Guddoomiyaha Baarlamaanku in uu awooddii Golaha Wakiilada xoog ku marooqsaday
iyo in aan sharcigaas waqti ku filan la siin uu baarlamaanka kusoo akhriyo oo
kaga doodo. Qaar kale ayaa rumaysan in sharcigaas ay ku qoran yihiin waxyaabo
aan dan u ahayn danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Sharcigan Batroolka Puntland waxaa (3/3/2008)
magaalada Boosaaso ku ansixiyey golaha wasiirada xilli uu goob joog ka ahaa Gen.
Cadde Muuse. Kaddib (Sabti 15/3/2008) Gen.
Cadde Muuse ayaa shir albaabadu u xirnaayeen magaalada Garoowe kula yeeshay
xildhibaannada Baarlamaanka Puntland, markaas ayaa xildhibaannada loo soo
bandhigay sharciga cusub oo ka kooban 121 bog oo cinwaankiisu yahay [SHARCIGA
HORUMARRINTA KHAYRAADKA MACDANTA IYO SHIDAALKA PUNTLAND], waxana loo
furay fadhi aan caadi ahayn oo soconaya 15 maalmood oo loogu talo galay
in ay ku ansixiyaan sharcigaas cusub ee Batroolka DGPL. Maalintii xigtey (Axad
16/3/2008) waxaa baarlamaanka dhexdiisa ka dhashay buuq sababay in (Isniin
17/3/2008) Golaha Wakiilladu Guddi ka kooban 7 Xubnood u saaraan sidii ay u
falaqayn lahaayeen hab ay saxaafadda maxalliga ah ku tilmaantay "Qodobbada uu
Dastuurka DGPL kaga soo horjeedo sharciga cusub ee Batroolka oo la sheegay in
laga soo saari karo Gobollada Bari, Nugaal, Mudug iyo Karkaar, laakiin aan la
xusin Gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn". Guddiga la saaray waxaa haysteen hal
maalin (Talaada 18/3/2008) oo baarlamaanka intiisa kale la fasaxay.
Markaas ayaa (Arbaca 19/3/2008) waxaa cod loo qaaday sharcigaas, kaas
oo codayntii koowaad noqotay barbar dhac, taas oo markiiba uu hal cod dheeri uu ku ansixiyey guddoomiyaha golaha
wakiillada DGPL. Ansixintaas waxaa lagu soo beegay in (19/3/2008) ay Garoowe
yimadeen wafti ka socda shirkada Ex-CANMEX ee la baxday AFRICA OIL ee heshiiska
Shidaal Baarista kula jirta Puntland iyo Range Resources.
Qaar kamid ah xildhibanada Puntland ayaa rumaysan in aysan sharciga
waafaqsanayn golaha xukuumadda Puntland qudhiisu, waxayna arrintaas ku
sababaynayaan in Golahaas Wasiirada ee DGPL in ilaa markii uu dhawaan soo
magacaabay Gen. Cadde Muuse (15/12/2007) aan weli
la hor keenin baarlamaanka Puntland si loo ansixyo, sidaas daraadeedna aysan
golahaasi sharci u lahayn in ay ansixyaan Sharciga batroolka maadaama iyagiiba
aan marka hore la ansixin.
Haddaba Idaacadda Australia ee SBS ayaa waraysi dheer la yeelatay Xildhibaan
ka tirsan Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Puntland (DGPL) oo fikirkaas qaba. Waa
Xildhibaan Mukhtaar Axmed Oday oo ka mid ahaa xildhibaannadii fadhiyey kulankii
baarlamaanka ee Arbaca Maarso 19, 2008 codka loogu qaaday sharciga lagu
maamulayo Khayraadka dabiiciga/Batroolka Puntland, waana xildhibaan ka soo
horjeeda sharcigaas.
Xildhibaan Mukhtaar Axmed Oday waxa uu tibaaxay sida uu uga soo horjeedo
qaabka loo abaabulay sharciga Batroolka iyo sida loogu coddeeyey ama loo
ansixiyey.
Inta aynaan u gudbin Waraysiga Xildhibaanka, waxaa xusid mudan in DFKMG ay
war saxaafadeed ka soo saartay sharciga Batroolka ee Puntland ay ku cadaysay
sida ay uga soo horjeeddo sharcigaas.
Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta DFKMG, Eng. Maxamuud Cali Saalax
(Kaanje) ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray (20/3/2008) isagoo ku sugan Jabuuti
waxa uu ku sheegay "Waxaan war-saxaafaeedka u qabtay, si aan mowqifkayaga ka wasiir ahaan iyo
mowqifka Xukuumadda Federaalka KMG ee Soomaaliya ugu caddayno meesha aan ka
taaganahay arrinta Dawlad Goboleedka Puntland ay waddo."
Eng.
Kaanje oo cadaynaya in khayraadka Dabiiciga ay masuuliyadeeda leedahay DFKMG ayaa
yiri: "Waa
arrin aan la ogolaan karin in Dawlad Goboleedka Puntland oo ah laf-dhabarta
Xukuumadda Federaalka KMG ee Soomaaliya ay si bareer ah ugu tacadido xeerka u
yaal XFKMG ee Soomaaliya, kaas oo si cad u qeexaya awoodda ay kala leeyihiin
Xukuumadda FKMG iyo Dawlad Goboleedyada. Awoodahaas oo sheegaya in khayraadka
dabeeciga ah, sida batroolka, macdanta, iwm ay yihiin hanti qaran masuulna ay
shacabka uga tahay Xukuumadda FKMG ee Soomaaliya; ayna tahay awoodda iyo
masuuliyadda XFKMG, in ay u dajiso siyaasad iyo sharci lagu maamulo si looga
faa'iideeyo dhammaan shacabka Soomaaliya."
Wasiirka Macdanta iyo Tamarta ee DFKMG waxa uu Dawlad Goboleedka Puntland ugu
baaqay in ay "gabi ahaanba joojiyaan ficillada ay wadaan ee ku wajahan sharci u
samaynta khayraadka dabeeciga ah, sida batroolka, macdanta iwm; Ficillada oo ka
hor imanaya xeerka XFKMG ee Soomaaliya."
Qormada Wasiirka DFKMG oo dhamaystiran hoos ayaad ka arki doontaa, balse marka
hore waxaan si dhamaystiran halkan ugu soo gudbineynaa hadalkii Xildhibaan
Mukhtaar Axmed Oday.
Waraysigii Xildhibaan Oday...
Ciise Maxamuud Dhoollawaa oo waraysanayey ayaa Xildhibaanka waxa uu weydiiyey "Maanta
(19/3/2008) waxaa baarlamaanka (Puntland) la keenay shaci, waxaadna sheegtay in
aad sharcigaas ka soo horjeedid, haddaba maxaad sharcigaas uga soo horjeedaa?
Xildhibaan Mukhtaar Oday waxa uu ku jawaabey: "Bismillaahi Raxmaani raxiim.
Horta sharcigaas.. khayraadka in la soo saaro oo sharci loo sameeyo baarlamaanku
diyaar ayuu u yahay, laakiin habka loo maray iyo nidaamka la waafajiyey ayaa la
isku khilaafay."
Ciise Dhoollawaa, radio Australia |
Muxuu yahay marka dhibaatada aad tirsaneysaan ayaa la weydiiyey Xildhibaan
Mukhtaar Oday?
"Waxay tahay horta Puntland waa Maamul Goboleed ka tirsan Dawladda
Federaaliga ah, waxay leedahay baarlamaan ka kooban 66 (xildhibaan) waxayna u
qaybsantaa saddex gole. (1) Golaha xukuumada waxaa la soo dhisay dhowaan,
waxaana sharciga Puntland dastuurku qeexayaa in la hor keeno golaha wakiillada
kaddibna la ansixiyo, kabacdi xukuummaddii oo aan la ansixin ayaa la soo
marsiiyey xeerkan oo qabyo ah oo aan dhammaystirayn, khayraadka iyo nidaamka loo
maamulayona aysan sax ahayn oo si ku filan aysan usoo gudbin. Haddaba mar
haddii aan nahay golaha xeer dejinta awoodaha aannu leenahay (Allah ayaa awood
lehe) waa wax ku daridda, wax ka dhimidda, diidmada iyo ogolaanshaha. Haddii aan
danta u gudbo waxay tahay, dastuurka Puntland waxa uu qeexayaa qodobka
46.8 in sharci kasta oo la
keeno [Golaha] qodob-qodob looga doodo, markaas kabacdi loo codeeyo," ayuu ku
jawaabey.
Xildhibaan Oday oo hadalkii sii watey waxa uu yiri: "Marka (habka) codayntu
ay u dhacday xeerkan waxaa weeye isagoo aan laga doodin ayaa si jajuub ah oo ku
tagri fal awoodeed ah waxaa u marooqsaday guddoomiyaha golaha wakiillada
(Puntland). Waxaa
weeye cod ayuu geliyey, codkiina waxa uu u dhacay 21 diidey iyo 21 ogolaatay
iyo 6 aamustay, waxaa (golaha) fadhiyey 48 xildhibaan.. Intaas markay
dhacday, codkii waxaa waajibka goluhu ahaa in lagu celiyo. Marka labaad hadduu
isleekaado ayaa xeer hoosaadku wuxuu awood u siinayaa in uu cod dheeri ah yeelan
karo [oo markaas Guddoomiyaha goluhu uu isagu codayn karo oo cod dheeri ah la
iman karo]. Waxaa sidaas dhigaya xeer hoosaaska golaha wakiilada, Xeer la
yiraahdo No.4 soona baxay bishii December 2006, uuna saxiixay
madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland markuu arkay Qodobka 54aad,
farqaddiisa 14aad, oo sheegeysa in uu madaxweynuhu leeyahay in uu saxiixo
xeerarka Golaha Wakiilladu ay ansixiyaan, oo sidaas ku dhaqan geliyey
Madaxweynaha DGPL, mudane Maxamuud Muuse Xirsi iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo
isaguna maanta (Maarso 19, 2008) nagu jajuubaya in hal mar markii cod loo qaado
in uu ansax yahay xeerkaas oo isaguna uu saxiixay November 13, 2006, Xeer
Lr. [13.8] XGW/DGPL 16kii [Dec] 2006 kuna saabsan xeer hoosaadka Golaha
Wakiillada DGPL ayaa wuxuu qeexayaa in codka markii laba jeed lagu celiyo oo uu
is leekaado in mar saddexaadka uu Guddoomiyuhu awood u yeelanayo codka dheeriga
ah..
Ma waxaad leedahay markii ugu horeysey xeerkaan lagama doodin, ayaa la
weydiiyey?
Xildhibaan Mukhtaar Oday wuxuu ku jawaabey "HAA, markii koowaad kuma fillayn,
waxaa loo baahnaa in la isla qeexo xuduudaha, khayraadka la qaybiyo gobolkii
laga soo saaro inta uu ku yeelanayo, sida loo qaybsanayo Federaalka oo aannu ka
tirsan nahay, nidaamkii in baarlamaanku ka baaraan dego, qodob qodobna uga
doodo, wixii markaas ka soo horjeeda dastuurka iyo xeerarka u degsan Maamul
Goboleedka Puntland in aannu ka saarno, markaas ka bacdina ay codayntu timaado
ayaan qodobka koowaad ku diidanaa, oo dastuurkuna uu sidaas u qeexayo Qodobka
46.8 ee Dastuurka Maamul Goboleedka Puntland."
Weriyaha Idaacada Australia waxa uu xildhibaanka weydiiyey: Ma waxaad
leedahay waxay ahayd haddii cod la qaadayo in marka ugu horreysa haddii la is
leekaado, oo mar kale la sameeyo cod qaadista, oo haddii markaas la is leekaado
uu mar labaadka uu guddoomiyuhu uu codkiisa dhinac uun ku daro, sidaas miyaa?
Waxa uu ku jawaabey: "Xeer Hoosaadka Qodobka 13.8 ee faafinta rasmiga
ah sidii uu ugu soo baxay aan kuu sheegay, wuxuu qorayaa 'Haddii laba jeer codku
is leekaado mar saddexaadka in guddoomiyuhu cod dheeri ah yeelan karo', taasina
ma dhicin ee hal mar ayaa codka la qaaday, halkii mar ee la qaadayna waxa uu ku
dhacay 21 diidey, 21 ogolaatay iyo 6 ka aamusay, waxaa (golaha) fadhidey 48
xildhibaan," ayuu kujawaabey.
Waxana uu Xildhibaan Mukhtaar Oday intaas ku daray "Marka waxaan halkaan
idiinka cadaynayaa, ka xildhibaan ahaan, anigoo aan diidanayn maslaxadda dalka
iyo dalka, anigoo aan iska hor keenayn shuruucda iyo nidaamka,
adeegsanayana shuruucda dalka iyo dadka u deggan iyo qawaaniinta dalka, in ay
tahay LAAXIN aan jirin oo uu Guddoomiyuhu marooqsaday, xeerakanna uu qabyo
yahay, Goluhuna uusan ka doodin, codayntu sidii ay u dhacdayna aysan sharci
ahayn, isaga ayaana ku saxiixan xeer hoosaadka sidaas u qeexaya Guddoomiye
Axmed Cali Xaashi ayaa ku saxiixan, waxaa kale oo ku saxiixan Maxamuud Muuse
Xirsi oo ah madaxweynaha DGPL, faafinta rasmiga ah ayuu kusoo baxay. Annagu
wixii aan sharci ahayn, maadaama aannu sharci dejin nahay waa naga rebban
yihiin."
Waxa kale oo la weydiiyey: Maxaa marka idiin qorshe ah waayo waxaa jiro
shirkado ajnebi ah oo raba dalka in ay shidaal ka baaraan, maadama arrintani
tahay caalami (International) oo aad moodid in ay meel fog salka ku hayso, marka
arrintan ay hadda DGPL ay sharcigeeda dhamayneyso sidee ayey idiinla muuqataa
idinka (Baarlamaanka) sidey dhibaato ugu keeni karto (Dhexdiina) ama sidee ayey
dhibaato ugu keeni kartaa dadka iyagu doonaya in ay wax ka baaraan ama aysan
baarin-ba?
Waxa uu ku jawaabey "Wax kasta waxay leeyihiin waddo loo maro, qawaaniin iyo
sharci ayaa hore loo degsadey, waxaannu annagu haddaanu nahay xeer dejintii aan
ilaashanaa waa xeerarka aan samaysanay oo na kala haga, qofna hadal tiro iyo
muran waxba kuma qaadi karo, waxay tahay waxaa weeye golihii wakiilladu waa noo
furan yahay, sidaad ogtahayba waxaan fadhinaa (ama socda) fadhi aan caadi ahayn
oo la isugu kaaya yeeray oo 15-cisho soconaya, kaas oo bilowday 15-kii
Maarso 2008. Waa laga doodayaa waana laga wada hadlayaa, wixii ay goluhu
isla qaataan ayaana sharci noqonaya."
Laakiin Mukhtaarow sida aad sheegeysid haddii 15-kii (Maarso 2008) la idiin
furay kalfadhiga oo uu ahaa fadhi dheeraad ah, miyeysan ahayn in dooddu arrintan
ku saabsan ay mar hore bilaabatay?
Waxa uu ku jawaabey: "Haddii aan kuugu noqdo qodobkaas, fadhigu markii uu u
furmay golaha wakiillada, maalintii koowaad waa la isku qabtay oo xeerkan waa
laga dooday, maalintii labaadna buuq ayaa dhashay, kabacdi guddi ayaa loo
qabtay, shalay (18/3/2008) baarlamaanku fasax ayuu ahaa oo guddigii ayaa la
maqnaa, guddigii maanta [19/3/2008] haddii ay keeneen oo wixii ay soo arkeen ay
akhriyeen, waxay ahayd in laga doodo, oo markaas ka bacdi qodob qodob looga
doodo... Waxaa sharcigaani ku ansixi karaa in qodob qodob looga doodo sida uu
qabo Dastuurka DGPL Qodobkiisa 46aad, farqaddiisa 8aad oo tilmaameysa 'Sharci
kasta oo ay soo gudbiyaan golaha xukuummadu waxaa looga doodayaa qodob qodob'
Markaas ka bacdi ayaa cod loo qaadayaa.. Waxaa weeye marka habkaas sharci
darrada ah ee guddoomiyuhu mariyey, baarlamaankuna sidaad ogtahay cod ayuu wax
ku kala helaa iyo aqlabiyad. Markii nidaamka (process) la mariyo haddii ay
noqoto sida ayagu ay rabaanna waxba kama qabno oo waxaa weeye cod ayaa wax laga
helaa, haddii kale oo ay noqoto markaas sidaas ay u dhacdona cod ayaa lagu
lelay. Laakiin habkaan marooqsiga ah oo codkii oo aan dhammaystirnayn uu
guddoomiyuhu ku dhawaaqay oo isaga naftarkiisu uu debmbi ku jiro 'ku tagri
fal awoodeed ee golaha ayaannu ku haysanaa."
Waxaa xildhibaanka la weydiiyey: Miyeysan dhici karin ninka dhinaca kale
jooga oo isagu u codeeyey in sharciga la meel mariyo oo 21-ka ogolaatay ka mid
ah in uu yiraahdo sharcigaan waa laga dooday, dhawr ayaamood ayaa laga
doodaayey, guddi ayaa loo saaray, guddigii loo saarayna markii la keenay waxay
ku taliyeen in loo codeeyo, miyuusan sidaas oran karin, sababtoo ah warar sidaas
ah ayaa jira?
Xildhibaan Mukhtaar Oday waxa uu ku jawaabey: "MAYA, xeerkaan lagama doodin,
markii ugu horreysey oo golaha la keenay buuq ayuu dhaliyey, sida hadda codaynta
kaaga muuqatana baarlamaanku waa ku kala qaysabsamay, qayb ayaa waxay yiraahdeen
BAHALKAANI WAA LAAXINKIISA ayaa badan ama waxaa ku qoran waxyaabo aan dan u ahan
danta dalka iyo dadka, qaybta kalena waxay soo jeedisey in la lafaguro oo la
kala qaybiyo, sidaas ayadoo lagu kala qaysan yahay ayaa guddigii wax ka soo
taataabtay ayagoo aysan ku fillayn muddada la siiyey oo guddiga laftarkiisa
culays lagu saaray isla maalintiiba in ay soo celiyaan. Arrintu si kastaba ha
ahaatee iyadoo markaas aan laga doodin ayaa haddana loo codeeyey. Qodobka la
isku haysta waxay tahay markii hore oo waxyaalo badan oo la isku haystey ay ku
jireen xeerkan oo doodiisii uu soo dhaafiyey oo guddoomiyuhu diidey. Waxaan
marka kuu cadaynayaa in aan lagaba doodin markii horeba ee la isku
qabsaday Xeerkaani Sax ma aha iyo waa sax, kabacdina guddiga sidaas loogu
saaray.
Waxa kale oo la weydiiyey: Iyadoo aan laga doodin, iyadoo codkii la qaaday oo
sidaas u dhacay oo ahaa in uusan isagu [Guddoomiyaha Baarlamaanku] soo dhex
gelin ayaa ka mid ah qodobada ugu waaweyn. Maxaa kale oo aad diidan tihiin,
waayo waxaan maqalay in la yiri waxba lagama baari karo Sool, Sanaag iyo Cayn,
oo dad badani arrintaas ka soo horjeedaan, adigu ma dadka noocaas ku jira ayaad
tahay?
Waxa uu kujawaabey: "Sidaad ogtahayba Puntland waa gobollo la yaqaan oo ku
cad dastuurka DGPL. Sida aad ogtahayna gobollo ka mid ah ayaa la haystaa, iyadoo
marka xuduudihii iyo wadankii khayraadka qaysanayey iyo intii ku bahowdayba ay
qaybi maqan tahay, xildhibaannada qayb ayaa waxay qabaan in marka hore la sugo
xuduudada maamul goboleedka Puntland, marka labaad loo gudbo amniga oo la sugo,
marka saddexaadna loo gudbo sidii khayraadka loo qoondaysan lahaa, loon akala
xadayn lahaa degmooyinka iyo gobollada khayraadkaasi dhex yaallo.
Laakiin haddii Sool, Sanaag iyo Cayn idinkuna dawlad ahaan aydinaan awood u
lahayn aad ku qabsataan magaaladii Laascaanood oo dawlad kale oo leh
Soomaaliland ayaa nala yiraahdaa ay hasato, miyaan markaas la idiin arkayn in
aad cuna-qabatayn ama jajuub aad ku haysataan gobolada kale oo laga yaabo in ay
wax baartaan, ayaa la weydiiyey?
Xildhibaan Oday waxa uu ku jawaabey "Horta Puntland waxa weeye goob nadabeed,
waadna ogtahay Soomaaliya oo dhan waxay u tahay hooyada nabadda. Puntland mar
walba gobollada ka maqan waxay ku dooneysey in ay maslaxad ku raadiso, oo
walaaltinimo ku raadiso, dadka oo dhammi waa is yaqaan, xuduudahana waa la
yaqaan, haddii markaas ay ku imaan weydo maslaxadda iyo nabadda loogu baaqan
nimankaas soo duuley oo yimid Gobollada Puntland oo sheeganaya in ay ka goosteen
Soomaaliya inteeda kale haddii ay ka bixi waayaan ayey imaaneysaa tillaabadii
laga qaadi lahaa, laakiin weli waxaa la wadaa waan-waan in ay ka baxaan sida
madaxweynaha Dawladda Federaalka mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed uu ugu baaqay
in ay ka baxaan gobollada ay kusoo duuleen ayna iyaga laftarkoodu ka mid yihiin
Soomaaliya, inkasta oo iyagu gaar ay isu magacaabeen oo ay rabaan xoog in ay
Soomaaliya ku kala googooyaan, waxaan Soomaalida na dhegeysaneysa u sheegeynaa
Soomaaliya in ay mid tahay oo nin gobolladayadii xoog ku goosanaya aannaan ugu
dul qaadanayn, mar dhowna ay imaan doonto in dib loo soo celiyo markaas ka
bacdina khayraadka iyo wadanka maslaxadiisa laga talin doono.
Mukhtaarow dad badan ayaa waxay isku hayaan dawladdaan (Puntland) awoodeeda
iyo waxqabad keeda in aysan wax sidaas u weyn ahayn, sida laga warqabo Xalay (Maarso
19, 2008) dagaallo ayaa ka dhacay Boosaaso iyo Qardho dhexdeeda,
ciidamo aan dawladda ka mid ahayn iyo ciidamo kale ayaa madaxa isku qaatay,
marka idinku sidee ayaad u raabtaan in sharci noocaas ah (Batroolka) loo gudbiyo
(loo ansixiyo) idinkoo taladii waddanka oo hadda haddii la soo qaado labadii
bilood ee la soo dhaafay inta wax ee dhacay oo afduubka ah oo haddeer
lacagta sicir bararka keentay oo lacagta waddanka laga daabacayo keentay, marka
maxaa idinku mashquuliyey arrintan batroolka iyadoo aad moodo wadankiiba in
kulligiinba uu gacantiina ka baxaayo oo bal mas'uuliyiinta laga yaabee idinka
ruuxiinu aydin waxba ka qaban arrintaas, ayaa la weydiiyey?
Waxa uu ku jawaabey: "Wax kasta waa dhacaan, adduunka oo dhan ayey ka
dhacaan, Maraykanka ayey ka dhacaan, Ingriiska ayey ka dhacaan, oo dhacdoyinkan
aad ka sheekayneysid way dhacaan, xoogaa wa jiraan debecsanaan ah oo xagga
amniga ah, iyadana waa midda uu baarlamaanku doonayo in wax laga qabto gudaha
iyo dibaddaba, oo Puntland waxay ahayd hooyadii nabadda , lasoo celiyo nabad
gelyadii. Baarlamaanku aad ayey ugu dadaalayaan, waana ku dadaaleynaa.
Dhacdooyinkaas hadda dhacayana waannu ka xunnahay, yacni weyna dhacdaayo haddeer
waad ogtahay Maraykanka ayey ka dhacday oo arday iskuul ku jira in qori la iska
mariyey, meelo kale oo la iska laayey, dukaamo la boobay.... wax dhaca weeye"
Laakiin waxa ka dhacaya Puntland hadda ciidamo ayaa jira sida wararku
sheegayaan ciidamo dad dhaqaale leh oo arrintaasi salka ku hayso lacagta
daabacaadda ah oo ciidamada qoriga xabbadu afka ugu wad jirto, marka sidee ayaad
batrool aan la garanayn iyo shuruuc aan la garanayn sida ay u suurta geli karto
iyo baaristeeda aad isugu mashquulineysaan idinkoo isku mashquulin waayey
waddanka nabaddiisa ayaa radiye Australai weydiiyey?
Xildhibaan Mukhtaar Axmed Oday waxa uu ku jawaabey: "Horta baarlamaan waad
taqaanna oo waa rag tiro badan oo meel isugu yimid , ra'yigana waa lagu kala
duwanaan karaa, laakiin waxay ka midaysan yihiin waa maslaxadda dadka iyo dalka,
arrintaas aad sheegeysid sida loo buun buuninayo ma aha, wax waa ka jiraan
laakiin aad ayaa loo buun buuninayaa, haddana in wax laga qabto oo la daba galo
oo arrimahaas aan culaysino ka baarlamaan ahaan ayaan rajayneynaa,
waxaannuna dooneynaa qoladayadan ku-leh xeerkaan kama aanan doodin in laga hor
mariyo wax walba maslaxadda iyo nabad gelyada iyo dib u sixidda iyo golaha
wasiirada oo aan xasaanaddii lahayn...."
Waraysigaas cod ahaan waxaa qaaday Ciise Dhoolawaa oo ka tirsan Idaacada
Australia ee SBS waxaana qoraal ahaan u rogey bahda SomaliTalk.com.
Eng. Kaanje: Sharciga Batroolka Ansixintiisa Wax Puntland ka khuseeya ma
jiraan...
(Sharciga
batroolka Puntland) Ansixintiisa ayaan diidanahay, waayo ansixintiisa iyagu
ogolaanshoba uma leh.... wixii ku saabsan sharci dejinta oo dhan waxaa leh
dawladda Federaalka...
Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta DFKMG, Eng. Maxamuud Cali Saalax
(Kaanje) ayaa (19/3/2008) waraysi uu siiyey Radio Garoowe waxa uu si qeexan ugu
sheegay in sharciga Batroolka Soomaaliya cidda keliya oo samayn karta ay tahay
DFKMG, sidaas daraadeedna Puntland aysan wax shaqo ah ku lahayn in ay samayso
sharci noocaas ah.
Eng. Maxamuud (Kaanje) waxaa la weydiiyey: Dawlad Goboleedka Puntland ma
kaala soo xiriireen arrimaha khuseeeya Batroolka intii aad haysey xilka
wasiirnimo (ee DFKMG)?
Eng. Kaanje waxa uu ku jawaabey: "Waa ila soo xiriireen, mar ayey ila soo
xiriireen, waxaana ila soo xiriiray wasiirka loo xilsaaray macdanta iyo
batroolka (Puntland), markaas waan u sheegnay oo waxaan ku niri in masuuliyadda
ay qaadeyso oo ka mas'uul tahay Dawladda Federaalka oo qur ah, wixii ka soo baxa
markii shuruucdaas la fuliyo in wixii qayb ahaan loo qoondaynayo Dawladda
Federaalka, wixii Dawlad Goboleedyada loo qoondaynayo, iyo meelaha ay ka soo
baxaan ama degmo ha ahaato ama tuulo ha ahaatee in iyaga naftarkooda wax
horumarin ah loo qoondeeyo, waa waxyaabaha aan maskaxda ku hayney, oo aanaan
weli u qoondayn balse ay tahay in waqti dambe la qabto."
Wasiirka Macdanta iyo Tamarta DFKMG waxaa kale oo la weydiiyey: waxa ay ka
DFKMG ka yeeleyso sharciga ay (19/3/2008) ansixyeen baarlamaanka DGPL?
Eng. Kaanje waxa uu ku jawaabey: "Wararka isoo gaaraya waxay sheegayaan in la
isku afgaran waayey (sharcigaas), laakiin haddiiba ay noqoto in la yiraahdo waa
la ansixiyey, waxaad ogaaneysaa in waxan waa khayraad dadka oo dhan ka siman,
innagu maangada iyo cambaha iyo babaayga ka baxa Xamar ma oran karno waannu
idinla leenahay khayraadka Puntland kasoo baxana nalama lihidin wax caqliga geli
kara ma aha, waxa weeye waa dal Soomaaliyeed, Puntland waa laf dhabarka
Dawladda Federaalka (KMG) ama xag dhaqaale ha noqoto ama xag siyaasadeed ha
noqoto sida ay u taageereysey iyo taageeradeeda waxay annaga noo ahayd oo noo
xisaabsanayd in ay tahay laf dhabarka Dawladda Federaalka.."
Waxana uu markaas xusay sida ay muhiimka u tahay in la dhawro heshiisyadii
hore loola galay shirkadaha/dawladaha, isagoo taas ka hadlayeyna waxa uu yiri:
"Dawlado kale oo shisheeye ah ayaa waayadii hore lala galay heshiisyo, dhulku
wuu kala cabbiran yahay, waxyaabo badan ayaa u baahan in la qaddariyo oo
xeerkeeda u baahan. Shariikad yar oo ama Australia aan ka keenay ama Canada
laga keenay oo aan dhaqaalahii iyo Teknoolojiyadii midna lahayn waxay ila tahay
wax weyn ka bedeli meyso tii hore, dadkii hore u maal gashaday,
kunturaadyadii (qandaraasyadii) hore waa burbureen waa sax laakiin haddana la
iskama illaawi karo (shirkadihii hore) iyagoo intaas oo juhdi ah geliyey in
maanta la yiraahdo orda oo iska taga, marka xisaabaad badan ayaa jiraaya."
Eng. Kaanje oo hadalkiisii sii watey waxa uu sheegay in shirkadaha caalamiga ah
aysan kusoo dhiiranayn in ay Soomaaliya yimadaan xaaladda waaqaca ee jirta
awgeed, isagoo taas ka hadlayeyna waxa uu yiri: "Shirkadaha caalamiga ah (International
Campnies) waxaannu ognahay in aanay imanayn, waxa (sababta) aanay u imanayna waxaa
weeye waaqaca wixii ka jira meesha way ogyihiin, marka sidaas awgeed ayaanayba
uguba soo dhiiranayn, marka wax macne ah (oo sharcigaasi) kordhinayo annagu ma
aragno, waayo wixii wax jira maba aha."
Waxaa kale oo la weydiiyey waxyaabaha ay DFKMG ku dhaliileyso arriminta shidaalka ee
Puntland "ma waxay la xiriirtaa in shirkadihii hore heshiisyada loola saxiixday
in aan la iska ilaawin oo kuwa cusub ayaad dhaliileysaan, mase arrintu intaas ma
ahane shidaalka ansixintiisa ayaad diidan tihiin xilligan."
Wasiirka Macdanta iyo Tamarta DFKMG waxa uu ku jawaabey: "(Sharciga batroolka
Puntland) Ansixintiisa ayaan diidanahay, waayo ansixintiisa iyagu ogolaanshoba
uma leh, ansixinteeda waqtigaan xaadirka ah wax iyaga ka khudeeya ayaanba
jirinba. Marka aad unoqotid xeerka Xukuummada Federaalka ee Soomaaliya waxaa ku
qeexan in la dhawro lana qaddariyo shuruucda caalamiga ah ee heshiisyada aannu
dadkii hore la gallay iyo in wax u kala soocan yihiin Dawladda Federaalka iyo
Dawlad Goboleedka. Markaas dawlad goboleedka waxaan iyagu shaqo kuma laha,
waxaan annaga (DFKMG) ayey shaqadayada tahay, heshiisyada annagaa samayna,
xeerarka annagaa u soo samayneyna, wixii ku saabsan sharci dejinta oo dhan waxaa
leh dawladda Federaalka, sidaas awgeed ahal uma aha iyagu (DGPL) in ay sharci
doca-docaynaya kii aan soo saareyney na barbar geliyaan."
Waxaa kale oo jirta warsaxaafadeed qoraaal ah oo uu soo saaray Eng. Kaanje (Hoos ka akhri).
Balse marka hore aan eegno hadalladii wasiirka DGPL u qaabisan Batroolka oo
isaguna ka hadlay sharciga shidaalka Puntland.
Aloore: Sharcigan ayaan ku shaqaynayaa...
Wasiirka Batroolka DGPL, Xasan Cusmaan Maxamuud (Xasan Aloore), oo
warbaahinta maxalligu ay (Maarso 19, 2008) wax ka weydiisey in xildhibaannaada
Puntland
qaarkood ay sheegeen in cod bixinta sharciga batroolka qaabkii ay u dhacday in
ay khalad ahayd, waxa uu ku jawaabay:
"Wasiir ahaan Aniga waxaan ahaa wasiirkii su'aalaha laga weydiinayey oo
buugga keenay, xildhibaannadu awoodda waxay u lahayeen in ay buuggan qodobka 1-aad
ilaa 91-ka uu ka kooban yahay buugga qoran, waxaa weeye iyagaa awood u lahaa in
ay diidaan ama in ay yeelaan, waana yeeleen (ogolaadeen). Guddoomiyaha
baarlamaankuna tiro badi ayuu ku yeelay, wuxuuna ku dhawaaqay in sharcigaas la
ansixiyey, sidii ayaan kusoo qaaday aniguna xukuummadda aan (sharcigaas) ku
dhaqan gelinayaa, kuna shaqaynayaa maanta wixii ka dambeeya."
Wasiir Aan la ansixin....
Dhanka kale, Xildhibaan Mukhtaar Oday ayaa muujiyey wasaarada Macdanta &
Batroolka ee Puntland qudheedu in aysan waafaqsanahayn xeerka (oo xasaanad ama
ansixin ka haysan Baarlamaanka Puntland), waayo ayuu yiri: Miisaaniyadda waxaa
ugu jira (ama ugu qoran) in ay tahay Wakaalad, Wasiirkana waxa uu ahaa Agaasime,
hadda ayaana madaxweynuhu soo magacaabay, golaha wakiilladana lama hor keenin oo
wasiirka lama ansixin.. Haddana sidaas oo ay tahay ayaa la keenay xeerka
(Batroolka Puntland).." sidaas ayaan ku diidanahay ayuu yiri Xildhibaan Oday.
Marka laga soo tago xildhibaannadii markii hore diidanaa sharcigaas, waxaa
kale oo jira xildhibaanno markii hore u codeeyey "HAA", laakiin markii ay cod
bixintii koowaad barbaro noqotay oo guddoomiyaha baarlamaanku uu durbadiiba
ansixiyey ayey aad uga carrodeen arrintaas, iyagoo ku tilmaamay in guddoomiyuhu
ka hor yimid sharciga u deggan Puntland. Waxana markaas ka hor yimaadeen
sharcigii ay "haa" ugu codeeyeen...
Xildhibaan Idiris: Sharcigaasi Ansax ma aha...
Dhanka kale, Xildhibaan Maxamuud Maxamed Idiris oo ka mid ah 21-kii
xildhibaan ee ogolaanshada ugu codeeyey sharciga batroolka Puntland ayaa sheegay
in uu hadda aad uga soo horjeedo qaabkii ay u dhacday ansixinta, isaga oo la
hadlaayey saxaafadda maxalliga ah waxa uu sheegay: in kasta oo uu isagu ka mid
ahaa xildhibaanada ogolaa sharcigaas, in uu haddana ka soo horjeedo sida
guddoomiyaha baarlamaanku uu u ansixiyey sharciga. Isaga oo sheegay in aan la
marin sidii sharcigu ahaa.
Xildhibaan Idiris waxaa la weydiiyey in sharcigaasi dhaqan gelayo in kale,
waxana uu ku jawaabay "MAYA, ma dhaqan gelayo, sababta aannu ku dhaqan geleyna
waxaa weeye: golayaashu waxay leeyihiin xeer ay isku hoggaamiyaan, annaguna
sharci dejintii ayaannu nahay, in markaas sharcigu dhankayaga ka xumaado
munaasab noqon meyso, ee xeerkaasi ansax ma aha. Waxa aanu ku ansaxayn qodobka
xeer hoosaadka ka mid ah ee 13aad, farqaddiisa 6aad ayaa tilmaameysa in codku
haddii uu is leekaado laba jeer ayaa lagu celinayaa, marka saddexaad ayaa
guddoomiyuhu wuxuu yeelanayaa cod labaad oo dheeri ah, markaas qolada uu raaco
ayaa codku ansax u noqonayaa."
Xildhibaan Maxamuud Maxamed Idiris waxa uu sheegay in sharciga lagu celinayo
golaha, waayo mar haddii goluhu is qabto waxaa lagu kala baxaa sharciga.
Waxa kale oo Xildhibaan Idiris sheegay in sharcigaas ay ka muuqdeen waxyaabo
badan oo ka hor imanaya sharciga Puntland, sida in uu gobolo qaar faquuqayo, iyo
in aysan ku caddayn wax qaybsiga sida in aysan ka muuqan saamiyada degaanka,
DGPL iyo DFKMG inta uu mid kasta yeelan doono iyo isagoo u muuqda sharci kala
qoqobaya dadka isku degaanka ah.
Wafti ka socda Ex-CANMEX oo Joogey Garoowe Markii loo codaynayey
sharciga....
Maarso 19, 2008, oo ah maalintii codka loo qaaday sharciga batroolka
Puntland, waxaa magaalada Garoowe soo gaarey wafti ka socdey shirkadda Africa
Oil (Ex-CANMEX) ee heshiiska shidaal baarista kula jirta Puntland iyo Range
Resources.
Wararka ayaa tibaaxay in xubno ka socda shirkaddaas ay yimaadeen Garoowe
maalintii sharciga la ansixinayey ayna isla markii sharcigaas muranka dhaliyey
la ansixiyey ay ka laabteen Garoowe.
Sarkaal Digniin Kulul u Diray Shirkadaha Ajnebiga ah (ee Qandaraaska la
gala Puntland)...
Cabdullaahi Bootaan "Ciilqabe" oo ah Sarkaal ka tirsan Puntland oo ka
mid ah dadka sida weyn uga soo horjeeda xeerka shidaalka ee la hor geeyey
Baarlamaanka DGPL oo u waramayey Idaacada Garoowe (20/3/2008)waxa uu yiri: "Waxaan
xukuummada maamul Goboleedka Puntland la socodsiinayaa in aan shidaal laga soo
saari karin iyo macdan toonna aan ogolaansho looga haysan dadka deegaanka
Gobolka Nugaal aysan xukuummaddu ku tallaabsan karin in ay shaqo k abilowdo
meesha la yiraahdo Conoco," ayuu yiri sarkaalka
reer Puntland isagoo intaas ku daray "Waxaan uga digeynaa shirkadaha
Qandaraaska Beenta ah ka qaadanaya Xukuummadda oo ajnebiga ah wixii soo gaara
iyagaa ka masuul ah haddii aysan haddii aysan dib uga fiirsan."
Maxamed Xaaji Huruuse oo isaguna ka mid ah ciidamada Puntland ayaa si
qeexan u muujiyey in dhaqaalaha soo gala Puntland dad gaar ah ay dibadaha ku
shubtaan, isagoo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yiri "Maamulku maanta meel xun
ayuu marayaa, dad ayaa loo shaqaynayaa meeshan ee dawladnimo loo shaqayn maayo,
dalka wixii soo galay oo dhaqaale ahaana Cummaan, Abu-Dubai iyo Imaaraadka
Carabta iyo Sweden ilaa tan iyo Talyaaniga ayaa lagu shubay. Isimada, waxgaradka
Soomaaliyeed iyo ummada reer Puntland waxaan leeyahay belaayo lama dhawrto
xaaladuna maanta meel adag ayey maraysaa. Dhaqaalaha waddankeena soo galaana
Geeska Afrika (oo dhan) marka uu gaaro waxaa dhaqaale laga siin karaa Reer Yurub.
Bad iyo berriba, maalin walba inta la shubo oo dibadaha laga buuxiyo oo la kala
tuurto in afka caag loo mariyaana dhibkeeeda ayey leedahay. Baarlamaan
shaqaynayaana ma jiro oo dhammaan midkasta boorsadiisa ayuu cabbaystay oo nin
walba waa lala ballamay, nin cod dhiiban karana ma leh, xafiis ay fadhiyaanna ma
leh. Waxaan leeyahay fadhiga hala kaco, isimadu gacanta haku dhigeen dalka,
baaqigayaga harayna iyo difaaca dalka, han asoo celiyeen nolosha ummadda."
Hadalka Cabdullaahi Bootaan iyo Maxamed Huruuse iyo warar GooGoos ah:
Waxay ahayd Maarso 14, 2008 markii
musharax madaxtinnanimada DGPL, Colaad Maxamed Saciid, uu ka digey in
shidaal laga baaro deegaanka Hol-Hol ee hoos taga degmada Taleex ee Gobolka
Sool. Waxana uu intaas ku daray "inay puntland ka jirto xilligan ammaan darro
baahsan oo ka dhalatay maamul xumada masuuliyiinta xilka u haya puntland taasoo
sii murginaysa xaaladda maamul goboleedka puntland haddii la isku dayo in
shidaal laga qodo deegaanada hoos taga deegaanada Sool iyo Nugaal."
Wasiirka Batroolka ee DFKMG oo si cad uga horyimid Sharciga Batroolka
Puntland
Maarso
20, 2008: War-saxaadeed ku wajahan Sharciga Batroolka ay ku dhawaaqday
Dawlad Goboleedka Puntland in ay Golaha baarlamaanka Horgeyneyso.
Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta DFKMG, Eng. Maxamuud Cali Saalax
(Kaanje):
"Waxaan war-saxaafaeedka u qabtay, si aan mowqifkayaga ka wasiir ahaan iyo
mowqifka Xukuumadda Federaalka KMG ee Soomaaliya ugu daddayno meesha aan ka
taaganahay arinta dawlad goboledka Puntland ayu wado."
"Waa
arrin aan la ogolaan karin in Dawlad Goboleedka Puntland oo ah laf-dhabarta
Xukuumadda Federaalka KMG ee Soomaaliya ay si bareer ah ugu tacadido xeerka u
yaal XFKMG ee Soomaaliya, kaas oo si cad u qeexaya awoodda ay kala leeyihiin
Xukuumadda FKMG iyo Dawlad goboleedyada. Awoodahaas oo sheegaya in khayraadka
dabeeciga ah, sida batroolka, macdanta, iwm ay yihiin hanti qaran masuulna ay
shacabka uga tahay Xukuumadda FKMG ee Soomaaliya; ayna tahay awoodda iyo
masuuliyadda XFKMG, in ay u dajiso siyaasad iyo sharci lagu maamulo si looga
faa'iideeyo dhammaan shacabka Soomaaliya."
Xeerka Xukuumadda FKMG ee Soomaaliya, waxaa uu qeexayaa in la dhawro lana
qadariyo sharciga caalamiga ah iyo heshiisyadii Soomaaliya ay horey ula gashay
dawladaha iyo shirkadaha shisheeye. Sidaas awgeed, waa in talaabo kasta oo XFKMG
iyo dawlad goboleedyadeedu ay u qaadayaan ka faa'iidaysiga khayraadka dabeeciga
ah ee ku jira dhulkooda, aan marna lagu tuman sharciyadaas iyo heshiisyadaas
iyaga ah.
Ugu dambayntii, waxaan ka codsanayaa masuuliyiinta dawlad goboleedka Puntland in
ay xushmeeyaan, masuuliyadna iska saaraan dhawrista xeerarka XFKMG ee Soomaaliya
oo ay gabi ahaanba joojiyaan ficillada ay wadaan ee ku wajahan sharci u samaynta
khayraadka dabeeciga ah, sida batroolka, macdanta iwm; Ficillada oo ka hor
imanaya xeerka XFKMG ee Soomaaliya.
Qoraal uu soo saaray Gen. Cadde Muuse
[22/3/2008] ayuu ku qeexay in "Inta laga helayo
dastuur federaal ah oo loo dhan yahay iyo dhismaha
dawlad goboleedyo ku qanacsan qaybsiga awoodaha
iyo khayraadka, taageerada Dawladda
Puntland u hayso DFKMG ah sina looguma qaadan karo in ay Puntland ka mid tahay
DFKMG ah - Puntland waa u madax bannaan tahay shuruucdeeda, siyaasaddeeda iyo
daneheeda." [Akhri Qoraalka Cadde]
Somaliland oo Xabsiga ka siideysey Maxaabiis Puntland ah:
Maarso 19, 2008: Maamulka Somaliland ayaa xabsiga ka siidaayey 68
maxaabiis oo wararku sheegeen in ay reer Puntland yihiin. Wararka ayaa tibaaxay
in Somaliland ay sheegtay in ay maxaabiista ku siidaayeen codsiyo uga yimid
odayaasha dhaqanka ee Sool iyo Cayn.
Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG oo ku hanjabey in uu is casilayo
Maarso 19, 2008: Sheekh Aadan madoobe, guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG
ee fadhigiisu yahay Baydhabo ayaa ku hanjabey in uu is casili doono, isagoo
arrintaas ku sababeeyey in xildhibaanada DFKMG ay la shaqayn waayeen, laga soo
bilaabo markii la magacaabay ra'iisul wasaaraha DFKMG, col. Nuur Cadde.
Puntland: Maleeshiyo Beeleed ka itaal roonaaday Ciidamo Fadhiyey Kantarool
Maarso 18, 2008: Bar kantarool ah oo ku taal buurta
Al-xamdulilaah (oo Boosaaso u jirta ilaa 130km) ayaa
waxaa iska hor imaad hubaysan ku dhex maray Ciidamo Puntland ah oo
bartaas kantaroolka joogey iyo maleeshiyo beeleed ku socdey Boosaaso si ay usoo
furtaan makiinad daabaci jirtey lacagaha beenta ah oo ay joojisey Dawlad
Goboledka Puntland. Waxaa wararku sheegeen bartaas ay laba qof ku dhinteen ilaa
7 kalen aku dhaawacmeen, isla markaana in ay maleeshiyadii beeleed ka itaal
roonaadeen ciidankii kantaroolka joogey oo ay sidaas ku dhaafeen bartii
kantaroolka ahayd. Waxaana la sheegay in aygaareen tuulo u dhow Boosaaso.
Dagaal ka dhacay Muqdisho:
Maarso 20, 2008: Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay dagaal ka dhacay magaalada
Muqdisho.
Faafin: SomaliTalk.com | Updated: March 22, 2008
|