Shirkad Shiine ah oo Diidey in ay Batrool ka Baarto Dhulka
Soomaaliyeed ee Itoobiya Gumeysato
Shirkadda ZPEB oo laga leeyahay Shiinaha ayaa isaga Huleeshay
Gobolka Dagaalku ka socdo ee Itoobiya Gumeysato....
- Faafin/Tarujmadii: SomaliTalk.com | December 09, 2007
Shirkadda lagu
magacaabo Zhongyuan Petroleum Exploration Bureau (ZPEB), oo laga
leeyahay dalka Shiinaha ayaa diidey in dib uga bilowdo shaqadeedii
sahaminta batroolka dhulka Koonfur-Bari ka xiga Itoobiya ee Soomaali
Galbeed (ee loo yaqaan Ogaden), sidaas waxaa ku war bixiyey warbaahinta
Itoobiya oo soo xiganeysey sarkaal ka tirsan Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Itoobiya.
Shirkadda ZPEB waxay qandaraas batrool laga baarayo dhulkaas Soomaaliyeed kula gashay shirkad laga
leeyahay Malaysia oo ah Petronas iyo shirkadda South-West
Energy oo ka diiwaan gashan Hong Kong, waxayna baaritaan nooca loo
yaqaan "seismic survey", oo lagu ogaanayo waxa ku jira ubucda
dhulka, ka wadey gobolka loo yaqaan Ogaden ee dhulka Soomaaliyeed ee
Itoobiya gumaysato ee muddada dheer dagaaladu ka socdeen.
Kaddib markii Jabhadda ONLF ay bishii April 2007 weerar ku qaaday
xarun ay shirkadaasi batrool ka baareysey oo ku taal Cobole (Abole) oo
ah aagga Dhagax-Buur ayaa shirkadda ZPEB waxay joojisey hawshii batrool
baarista iyo sahaminta ee ay halkaas ka wadey. Waxaa weerarkaas ku
dhintay 74 isugu jirey 65 ka tirsanaa Askarta Itoobiya ee ilaalineysey
shirkaas iyo 9 Shiine ah.
Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ee Itoobiya ayaa shirkadaas batroolka
waxay ka dalbatay in ay hawshoodii sahaminta shidaalka bilaabaan.
Laakiin shirkaddaas ZPEB waxay diidey in ay shaqaalaheeda batroolka ku
celiso dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya Gumeysato. Sarkaal ka tirsan
Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Itoobiya ayaa warbaahinta Itoobiya waxa
uu u sheegay in shirkadda hoos tagta ZPEB ee Sino Tech, ay diidey
in shaqaaleheedu ay shaqada sahaminta batroolka dib uga bilaabaan
aagaas. Shirkadda reer Maleysiya ee Petronas waxay ku hawlan
tahay sidii ay u soo kiraysan lahayd shirkad laga leeyahay dalka Iiraan
oo magaceeda la yiraahdo "Oil
Exploration Operation Company, (OEOC). Toddobaadkii hore ayaana
xubno ka socdey shirkadaha Petronas iyo OEOC waxay booqdeen
gobolka Soomaalida ee SoomaaliGalbeed ama Ogaden. Waxayna xubnahaasi
wadahadal la yeesheen wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ee Itoobiya iyagoo
kala hadlay arrimaha dhulka Soomaalida sidii ay u sahamin lahaayeen.
"Shirkadda reer Iiraan ee (OEOC) Jawaabtii ay ka bixisay
weydiisashada shirkadda Maleysiya ee Petronas waxay ahayd mid wanaagsan.
Laakiin ma aysan saxiixin qandaraaskii dhabta ahaa," sidaas waxaa
warbaahinta u sheegay sarkaal u hadlay wasaaradda macdanta iyo tamarta
Itoobiya. Shirkadda reer Iiraan ee OEOC waxay shidaal ka baartaa dalka
Iiraan iyo Uzbekistan. Sidoo kale shirkadda Petronas waxay sahamin ka
samaysaa Uzbekistan.
Dhanka kale, Shirkadda reer Sweden ee loo yaqaan Lundin (oo ay
bah-wadaag yihiin shirkaddii CANMEX ee isu bedeshey Africa Oil ee
hadda Puntland heshiiska kula jirta) waxay dhowaan sahamin batrool ka
samaysay dooxada Ogaden. Shirkadda Lundin waxaa dhulka
Soomaaliyeed ee Itoobiya gumeysato laga siiyey afar aag si ay batrool
uga sahamiso. Laba toddobaad ka hor ayaana shirkaddaasi sahamin batrool
ka bilowday aagga u dhow magaalaada Diridhaba, sida ay sheegeen
Itoobiyaanku.
Shirkadda Pexco, oo iyadana laga leeyahay dalka Maleysiya
waxay iyaduna isu diyaarineysaa in ay sahamin batrool ka samayso dhulka
Soomaaliyeed ee Itoobiya gumeysato. Pexco waxaa la siiyey laba
aag oo ku yaal Ogaden.
Digniintii ONLF....
Jabhadda ONLF ayaa hore digniin u siisay shirkadaha sahaminta ka wada
dhulka Soomaaliyeed.

Haggaamiyaha Ciidankii Jabhadda ONLF ee Bishii April 2007 weerarka ku
qaaday xaruntii ay Shiinuhu Shidaalka ka baarayeen ee aagga Cobole, oo
ay ku dhinteen 74 isugu jirey 65 ka tirsanaa Askarta Itoobiya ee
ilaalineysey shirkaas iyo 9 Shiine, ayaa waxaa bishii June 2007 waraysi
la yelatay Jariidada New York Times oo
Video ka duubtay ayaa yiri:
"Horta marna raali kama nihin dad ajnebi ah oo Shiine ah in uu ku
dhinto, laakiin waxaan ku qanacsanahay walow marar farabadan hay'adaha
aan u digney oo aan niri arrinta Ogaadeenya Shidaalkeeda Cidna ma baari
karto oo ay ku soo indha adaygeen haddey ku dhinteen beentii ay Itoobiya
u soo sheegeen..." [ Dhegeyso
intaas oo cod ah]
Jabhadda ONLF oo dishey 6 askari oo Itoobiyaan ah oo Ilaalinay
Shirkad Laga Leeyahay Dalka Maleysiya oo Sahan Shidaal u tagtay aagga
Cobolle...Bishii November 4, 2007 tuulada Luqun-Gorayaale, oo
Cobolle u dhaw, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumayisga lagaga dilay
6 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay, sida ay werisey idaacada
Xorriyo.
Ciidammada gumaysiga ee weerarkan loo gaystay ayaa ahaa kuwo waday koox
shaqaale ah oo ka tirsan Sharikada Shidaalka ee Petrona, oo laga leeyahay
dalka Maleesiya. Kooxdani waxay sahaminayeen meelihii ay Sharikadaasi
hawlaha shidaal qodista ka billaabi lahayd.
Kooxdan ayaa markii weerarkaasi
wabsaday waxay ku soo noqdeen magaalada Jigjiga. Weerarkani wax dhibaato ah
uma gaysanin shaqaalaha Sharikadaas.
Cobolle waxay 30km dhinaca Waqooyi-Galbeed
ka xigtaa Magaalada Dhagaxbuur, isla markaasna 120 km (75 miles) Koonfur
kaga aadan tahay magaalada Jigjiga oo ah dhulka ay Itoobiya gumeysiga
kaga haysato Soomaalida, waana meeshii ay bishii
April 24, 2007 Jabhadda ONLF ku dileen 65 ka tirsanaa ciidanka
Itoobiya oo ilaalinayey shirkad Shiine ah iyo 9 u dhashay dalka Shiinaha
oo shaqaale ahaa shirkada Shiinaha ee la yiraahdo (ZPEB) oo aaggaas
shidaal ka baareysey, 7 kale oo Shiine ahna halkaas ku qafaashay, in
kasta oo ay markii dambe sii daayeen.
Batroolka Dhulka SomaliGalbeed:::
Dhulka looyaqaan "Ogaden Basin" ama dhulka godan
ee dooxada oo kale ah, bedkiisu waxa uu dhan yahay 350,000km.
Dhulkaas xukuumada Itoobiya waxay u qaybisay 12 qaybood ama wax loo yaqaan (12
Blocks) si ay uga kirayso shirkado kala duwan oo dhulkaas shidaal ka baarta
iyadoo aan laga tashan dadkii dhulkaas lahaa.
Dhulkaas oo ah dhul Soomaaliyeed waxa ay jabhadah aka dagaalama had
iyo jeer farta ku fiiqaan in dhulkaasi ka mid yihiin meelaha ay ka jirto
ciqaabta ugu xun ee dad bini'aadam ah la marsiiyo. Dhibaatooyinka dadka
dhulkaas dega loo geysto waxaa beryahan dambe ku baraarugey warbaahinta
caalamka.
Dhibaatooyinka ugu dambeeyey ee loo geystey dadka Soomaaliyeed ee
dhulkaas asalka u leh waxaa ka mid ah qiso aad looga naxay oo ay dhowaan
ciidamada Itoobiya u geysteen dadka ku dhaqan tuulada Kamuda oo ay
deggan yihiin ilaa 200 oo qoys. Tuuladaas ayaa waxaa galay 180 ka tirsan
ciidamada Itoobiya kuwaas oo geystey tacadi la mariyo dad bini'aadam ah
kuwii ugu xumayd, sida ay qortay Jariidad ka soo baxda UK.
Qoraalkaas ay 17kii October 2007 qortay jariidada Independent ee ka
soo baxda dalk UK, oo ay cinwaan uga dhigtay 'Daafuurtii Ethiopia', ayey
kaga warbixisay sida ay ciidamada Itoobiya u silic dilyeeyeen, una
kufsadeen toddoba gabdhood oo ay ka kaxaysteen tuulada Kamuda oo ku taal
dhulka Soomaalida ee ay Itoobiya gumaysato.
Waregeysku waxa uu xusay in ciidamada Itoobiya inta ay rasaas ku
fureen tuulada ay xoog ku kaxaysteen toddoba gabdhood oo da'doodu u
dhexaysey 15 ilaa 18 jir. Subaxdii xigtey waxaa la helay gabadhii ugu
yarayd oo inta ay kufsadeen, oo jir dileen ay geed ka soo daldaleen.
Subaxdii xigtey waxaa gabadhii labaad laga helay isla geedkii iyadoo
sidii oo kale loo galay. Subaxdii saddexaddna gabar sidii oo kale oo
galay. Gabdhihii kale meel ay raq iyo ruux ku dambeeyeen lama arag.
Jariidadu waxay qortay in dhawr maalmood ka dib ay ciidamada Itoobiya
inta ay soo laabteen ay tuuladii ka kaxaysteen wiil 12-sano jir ah oo ay
si wadar ahaan ah u kufsadeen. Habeen kastana inta askartaasi ay tuulada
yimaadaan ay albaabada soo garaacaan iyagoo raadinaay dumar ay
kufsadaan. Waxayna jariidadu xustay hooyo dhashay toddoba carruur ah oo
tuuladaas ku noolayd markii ay u adkaysan weydey ay halkaas ka cararay
oo tagtay magaalada Boosaaso oo 300 km u jirta tuuladaas. (Qisadaas oo
Af Ingriis ah ka eeg halkan...).
Isha: Xorriyo
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 09, 2007
Gen.
Cadde Muuse oo Tabco Hordhigaya Col. Nuur Cadde,
ra'iisul wasaaraha cusub: Wafti ka socda shirkada Africa Oil Corp ayaa
Gen. Cadde kula kulmay Garoowe...
Akhri...


|