Boosaaso: Weerar Lagu Qaaday Gaari ay Leedahay Shirkadda Batrool Sahaminta
- Guddoomiyaha Gobolka Bari oo Qiray Weerarka lagu qaaday gaariga...
- Qarax kale oo ka dhacay Boosaaso - May 26, 2008
- Su'aalo La Weydiiyey Wasiirka Macdanta iyo Tamarta DGPL...
- Cadde Muuse oo sheegay in uusan xukunka kororsan doonin...
- Boosaaso: Gawaarida Basaska oo Shaqo Joojin ay Sameeyeen
SomaliTalk.com | May 26, 2008
Gaari Booyad ah oo ka mid ah gawaari (May 25, 2008) laga soo dejiyey markabka
Jumbo Express oo ay leedahay Shirkadda IMC (ee reer UK) ee soo gaarey dekeda Bosaaso ayaa ku xumaaday dariiqa magaalada
Boosaaso dhexdeeda ah. Markaas ayaa gaarigii lagu weeray bambaanooyin iyo rasaas.
Guddoomiyaha Gobolka Bari Muuse Geelle Yuusuf ayaa qiray in
weerarkaasi dhacay (May 25, 2008) ee lagu qaaday gaari booyad ah oo ay lahayd shirkada
sahamineysa Puntland.

Sawir booyado shirkada sahaminta IMC |dekeda Bosaso
waxaa faafiyey Xafiiska Cadde Muuse
Gawaarida loo wado aagga Ufayn waxaa leh shirkadda
laga leeyahay dalka UK ee IMC oo ay shirkadda CANMEX (Africa Oil)
qandaraaska la gashay si ay u samayso sahamin Dooxada Dharoor... CANMEX
waxay heshiis kula jirtaa RANGE RESOURCES iyo DGPL..

http://www.imcgeophysics.co.uk/ |
Muuse Geelle oo arrintaas
su'aalo laga weydiiyey ayaa yiri: "Baabuur shirkadda batroolka, gaari ku
xumaaday dariiqa, waxaa jira dad ka soo hor jeeda wadanka horumarkiisa, niman
ayaa soo weeraray kolley waxay ku tuureen bambo-gambeedyo iyo rasaas, kolley cid
wax ku noqotay ma jirto, gaarigana wax dhibaato ahi magaarin, marka waa dad
diidaya waddanka iyo horumarka waxa loo qabanayo, waxaanse u sheegeynaa cid alla
iyo ciddii waxaas oo kale isku dayda looma joojinayo hawshuna way soconeysaa,
waana la garanaya waana la soo qaban doonaa oo gacanta ayaa lagu soo dhigi
doonaa, oo ciddii isku dayda waddanka waxyaalaha loo qabanayo, mar dacaayad mar
doolarku ku kacay in wax loo qabto diidaya, oo doonaya wadan in uu sidaas ku
jiro taasi marna ma dhici doonto, insha Allah gacanta ayaa lagu soo qabanayaa
booliska yaana daba jooga, waana la baarayaa, waxaan rabaa inay xusuusnaadaan
wiil ama laba wiil ama saddex wiil ama qaar ka mid ah ee diida in wadanka wax
loo qabto ama wax ha tuureen ama ha hor istaageen, arrintaasi ma loo joojin
doono waana socon doontaa Isnaha Allahu shaqadu, kuwaasna waa la soo heli doonaa
iyagoo cad ayaa sharciga la hor geyn doonaa."
Hadalkii Muuse Geelle, Guddoomiyaha Gobolka Bari:
Waxaa jira warbixno tibaaxay in gawaarida loo keenay sahaminta ay yihiin kuwo
aad duug u ah oo rinji la soo mariyey, taas ayaa keentay durbadiiba in ay
booyadaasi ku xumaatay meel aan sidaas uga durugsanayn dekedii laga soo dejiyey.
Shirkadda IMC ee CANMEX (Africa Oil) qaandaraaska la gashay ayaa sahamin ka
samayneysa Dooxada Dharoor, gaar ahaan aagga la ologga ah Ufayn iyo Meeladeen.
Sahaminta Dharoor ayaa la mid ah sida tii shirkadda
TGS ee reer Norway ay ka samaysay Somaliland intii u dhaxaysay
December 2007 ilaa Febraayo 2008 taas oo lagu sameeyey diyaarad,
laakiin xogta iyo natiijada wixii laga ogaadeyna aan weli loo soo celin maamulka
Somaliland. Sidaas oo kale sahaminta Puntland maadaama aysan jirin khubaro
Soomaaliyeed oo madax bannaan oo ku lug leh xog ururinta ayaa wixii xog ah
ee la ogaado ay Soomaalidu marti uga ahaan doontaa sida sahamintii Qarngii 20aad
horraantiisii laga sameeyey aagga Ufayn, Kobdhexaad iyo Dharoor.
Qarax kale oo ka dhacay Boosaaso.....
Waxaa kale oo magaalada Boosaaso uu Qarax ka dhacay Fidkii Habeenkii
Talaadadu soo geleysey (May 26, 2008), qaraxaas oo aan la ogeyn
khasaaraha dhabta ah ee uu geystey. Ma jirin wax war ah oo ka soo baxay maamulka
Puntland oo ku aadan qarax dambe ee ka dhacay Boosaaso.
Kalsooni Intee Leeg ayaa Shacabku ku qabaa Qorshaha Sahaminta ee DGPL...?
Shacabka oo su'aalo weydiiyey wasiirka Macdanta & Tamarta DGPL ayaa waxay
muujiyeen sida aan kalsoonida loogu qabin barnaamijka sahaminta xukuumada DGPL
maadaama ay maarayn kari weydey hantidii kale ee shacabka. (Su'aalihii la
weydiiyey Xasan Aloore iyo jawaabihii dhanka hoose ee qormada ayaad ku
arkidoontaan).
Kalsooni darrida shacabka waxaa qayb ka ah in aan la ogeyn halka ay marto
hantida ka soo xeroota dekeda Boosaaso. Waxay ahayd Maarso 28, 2008 markii
jariidada African Energy ay waraysiga la yeelatay Wasiir-ku-xigeenka
Kalluumaysiga ee DGPL, Cabdiweli Cabdiraxmaan Geyre, waxana uu sheegay in
dekedda Boosaaso ay sannadkii ka soo xerooda $35 million ilaa $40
million oo doolar. Isla markaas jariidadu waxay waraysatay Wasiirka
Maaliyadda DGPL, Maxamed Cali Yuusuf [Gaagaab] oo sheegay
miisaaniyad [budget] sannadeedka Puntland waa $21.6 million oo
doolar. Halkaas waxaa ka soo baxaya ku dhawaad $19 million oo dheeraad ah
(surplus) oo aan meel la saarin.
Kalsooni darada kale waxaa keenaya ayada oo aan ilaa hadda la ogeyn cidda ka
mid ah madaxda maamulka Puntland oo wax ku leh shirkadda CONSORT ltd. Arrintaas
oo muhiimad weyn u leh mashruuca sahaminta waayo khubaro Soomaaliyeed ayaa
rumaysan in arrinta ugu weyn ee madaxda Puntland ay qorshahoodu yahay waa in kor
loo qaado saamiyada shirkadda RANGE waayo CONSORT ayaa saami ku leh.
Walaac kale ayaa ah in aan dad xirfad yaqaano Soomaaliyeed ah laga qayb gelin
sahaminta sidaas daraadeedna wax kasta oo la ogaado ay noqon doonto mid
Soomaalida wax laga ogeysiin sidii qarnigii hore sahamintii aaggaas laga
sameeyey oo kale.
Dareenka Shacabka
Puntland ee sahaminta:
Su'aalo La Weydiiyey Wasiirka Macdanta iyo Tamarta DGPL...
Idaacada Codka Maraykanka ayaa May 25, 2008 qabatay barnaamij ay dadweynuhu
su'aalo ku weydiinayeen Wasiirka macdanta iyo Tamarta ee DGPL, Xasan Cusmaan
Maxamuud "Aloore" oo joogey Boosaaso.
Cabdifataax Maxamed Muuse oo jooga Boosaaso ayaa ugu horayn weydiiyey su'aal
ahayd:
maadaama hadda Puntland ay ka jiraan arrimo qalalaso ku dheehan yahay, goboladii
qaar maqan yihiin, arrimo kale ay iska jiraan dhinaca ammaanka iyo dhinaca badaha
oo burcad ka jiraan, dawladiina ay xilligeedii u hadhay muddo lix bilood ah
sidee ku suurta galaysaa in dawladu ay faraha la gasho hawl daba dheer oo ilaa
sannado qaadaneysa baarideeda iyo miro dhalkeeda.?
"...(shirkadda) Africa Oil loogu magac
daray, magacaas hore uma lahaan jirin ee 'Wanqal' ayuu noqday maadaama Africa, gaar
ahaan Soomaaliya ay "property" ka heshay..." Xasan Aloore ma caddayn nooca
ay tahay "property" [hantida ama milkiyada] ay shirkadda CANMEX (oo
Africa Oil loogu wanqalay) ka heshay dhulka Soomaaliyeed. Hore waxaa
shacabka loogu sheegay in ay qandaraas sahamin/baaris shidaal la gashay
DGPL laakiin in ay mulkiyad ku leedahay dhulka Soomaaliyeed waa oraah
cusub. Waxaa weli shacabka maskaxdooda kasii guuxaya heshiiskii muddada
qarniga ah aagga Xaafuun lagu kiraysan lahaa ee mashruucii la fashiliyey
ee HAFZA |
Xasan Aloore waxa uu ku jawaabey: "Sida marar badan aan ku xusay bahda
'media-da' (Warbaahinta) kunturaada (qandaraaska) hadda lama gelin ee mar hore
ayaa la galay, muddo saddex sano ah hadda waa socotey, markii anigu aan
shirkaddaan deggan Calgary Canada la soo saxiixay ee Africa Oil loogu magac
daray, magacaas hore uma lahaan jirin ee 'Wanqal' ayuu noqday maadaama Africa, gaar
ahaan Soomaaliya ay "property" ka heshay. Waxaan la saxiixday January 17, 2007
saddex sano baaritaan ah Nugal Vally (Dooxada Nugaal) iyo Dharoor valley
(Dooxada Dharoor) iyo badda la xiriirta. "Actually" (Xaqiiqadii) badda waa inta
la xiriirta."
"Arrinkaasi muddo badan ayuu soo socdey, muddadaas uu soo socdey
waxaa dib u dhigay shirkadda oo shaqadeeda ay la bilaabi weydey dhibaatooyinka
Soomaaliya ka jira ee dagaalka sokeeye ee naafeeyey oo hadda aan u baahnayn in
aan xuso, ama isaga sheekeyno oo qof kasta ka dheregsan yahay. Waxaana keenay
shirkaddu daacay ayey ka tahay hawsheeda in ay wadato, iyada ayaa kaa jecel in
ay faa'iido badan una soo gashay iyadoo ka war haysa xaalada kajirta Soomaaliya
saxiixatay, laakiin waxay weydey RIIGAGII lagu geli lahaa meelaha qaarkood sida
Dooxada Nugaal."
"Nugaal Valley intii badan uma baahna survey (sahamin) oo waa
laga hayaa, xogtii (Data) siddeetamaadkii la aruuriyey ayey soo heleen, shirkado
kale ayey xiriir lahaayeen, Calgary (CANADA) ayey geeyeen, Sheybaarro (Labs) ayaa la
geeyey saynisyahano badan oo 40 ah ayaa isugu yimid, waxaa meeshaas akhriskii
'interpretation-ka' (fasiraada) oo labaatankii sano oo dambe oo 'digital-ku' aad
u shaqaynayey waxa uu soo saaray in fasiraad aad u fiican oo kuwii hore oo
shaybaarada la geeyey ka wanaagsan. Sidaas darteed waxay markiiba go'aan gaareen
inay RIIG gelinayaan. Dharoor waxaa weeye RIIGA waxaa ka horaynaya "survey'
(sahamin) - waxa loo yaqaan "Geological seismic" oo dhulka la gariirinayo, oo
weliba masaaxo badan oo gaaraysa 2,600 sq.Kiiloomitir."
"Marka sannad iyo bar
markii uu tegey, sannad iyo barna uga dhiman yahay, annaga ma joojin karno oo ma
dhehi karno ka hakada maxaa yeelay markaas "Force Majeure" ayey claim-garanayaan
(ku andacoonayaan), mana ogolin taas, marka in ay yimaadaan oo baaraan oo
hawshooda gutaan wey ku khasbanaatay."
Cabdiweli
C/raxmaan Geyre,Wasiir-ku-xigeenka Kalluumaysiga ee DGPL ayaa yiri "dekedda
Boosaaso waxaa sannadkii ka soo xerooda ilaa $40 million oo doolar",
waraysi uu siiyey
African Energy, March 28, 2008 |
"Sidaas darteed haddaan nabad gelyada
nafteeda u noqdo, waxaa jira dalal badan oo batroolka (shidaalka) soo saara oo
"lowest grade ah" Soomaaliya nabadeeda oo kale leh ama meelaha qaarkood
ay ka sii liitaan, marka nasiib kayaga ayaa beegsaneynaa, waxaa taas soo raaca
baahi badan ayaa na haysa, Soomaaliya waxaa ka jira baahi aan caadi ahayn oo
dadku u dhimanayo waad ka war haysaan, waxa keliya oo midayn kara oo soo celin
kara waxa weeye khayraadka dhulka ku jira in la soo saaro, ama muddo yar ayaa
lagu garan karayaa Oil-ka akhriskiisa marka riiggu soo galo, markaasna isagii oo
aan la soo saarin ayaa dunida kaleeto "facilitation" (tasiilaad iyo fududayn)
badan laga helayaa, deyn badan laga helayaa, nolol badan ayaa markaas
suuroobeysa, sidaas darteed waxaa weeye waxaan ogolaanay company (shirkadda)
'seismic' in uu soo galo oo shaqadiisa guddato - weli riiggii ma iman Nugaal la
geyn lahaa. Intii tabartayada ahna nabad gelyada xagga xukuumada waa ku
dadaaleynaa, islamarkaana dadweynaha, C/fataax adigu aad ka mid tahay in
arrintaas oo kale aad ka qayb qaadatid, nabad galyadeeda, wacyi gelinteeda, wax
soosaarkeeda, in la baaro meeshaas Soomaalida oo dhan ayey dan u tahay, qof
kasta oo inaga mid ahna waxaa weeye in uu ka qayb qaato, marka sidaas ayaanu
go'aan sanay." Ayuu yiri Xasan Aloore.
Markaas C/fataxaa waxa uu weydiiyey: Waxaa jira meelo ka mid ah Dooxada
Nugaal oo shidaal lagu tuhmayo, meelahaas oo lagu muran san yahay, sidee looga
gaashaaman karaa in aysan muran kale oo dhinaca siyaasada ah dhalin?
Xasan Aloore waxa uu taas kaga gudbey in meelaah hadda la baarayo aysan ahayn
meelo hadda la isku haysto. Waxana uu xusay in Nugal ilaa lix meelood macluumaad
laga hayo, oo hadda ka hor qaarkood ay RIIGAG tageen.
C/Fataax waxa uu markaas Aloore hadalkii ku celiyey isagoo weydiiyey:
Wasiir marka aan Dooxada Nugaal ka hadlayo waxaan u jeedaa dhinaca HOLHOL oo
hadda ah sida meel dhul-bare u ah Puntland iyo Somaliland marka la eego melaha
ay ciidamadoodu kala joogaan, marka taas sidee la orankaraa oo loo habayn karaa.
Sidoo kale sidee looga gaashaaman karaa sidii tii ka dhacday Majayahan oo kale
ee xukuumada iyo shirkadda in dadka degaankaasi ay kacaan?

Sawir shirkada sahaminta IMC |dekeda Bosaso

Sawir shirkada sahaminta IMC |dekeda Bosaso
waxaa faafiyey Xafiiska Cadde Muuse |
Wasiirka uu Gen. Cadde Muuse u xilsaaray Macdanta & Tamarta, Aloore, waxa uu
ku jawaabey: "Communitiga (dadka aagga deggan) wuxuu leeyahay xuquuq tiro badan,
waxyaabihii anaga aan isku qabsaneyney Dawlada Federaalka waxaa ka mid ahaa in
boqolkiiba 15% wax qaybta laga siiyey oo 85% ay dawlada dhexe lahayd, markaas
waxaan u aragnay in aysan qodmaynba maxaa yeelay communitigii (Dadka degaanka),
State-kii iyo gobolkii kulli waa qatan yihiin meeshii wax laga soo saarayey.
Marka communitigu waa qolada ugu horeysa oo ugu faa'iidada badan, oo siyaabo
badan oo gaar ah haday shaqo qorista tahay haday horumarinta bulshada, iyagu waa
dadka keliya oo jeebkoodu ka cokanaanayo dadka kale."
Su'aalo kale oo la weydiiyey oo ay ka mid yihiin sida lagu aaminayo maamulka
Puntland marka laga hadlayo maaraynta shidaal qodista maadaama ay maarayn
waayeen hantidii soo geleysey DGPL,in DGPL xilligeediiay lix bilood oo keliya ka
harsan tahay iyo in aan shacabku kalsooni ku qaban xukuumada iyo su'aalo kale
iyo jawaabihii iyo dood dhex martay Cabdullaahi Xaaji Xuseen Warsame iyo
Yuusuf Luule:
Boosaaso oo uu soo gaarey Markab sida Qalab Sahaminta...
Cadde Muuse oo sheegay in uusan xukunka kororsan doonin marka la gaaro
Janaayo 8, 2009..
Waxaa dekeda magaalada Boosaaso ka bilowday (May 25,2008) in markabka
Jumbo Express laga dejiyo qalab sahaminta loogu tala galay oo isujira
cagafcagafyo iyo booyado iyo gawaari kale oo loo wado aagga Ufayn. Qalabkan oo
ay leedahay shirkadda IMC.
Shirkadda Range Resources oo heshiiska ka iibsatey CONSORT (oo aan ila ahadda
la ogeyn cidda wax ku leh, laakiin weli saami ku leh RANGE) ayaa heshiis la sii
gashay CANMEX oo markaas kaddib loogu wanqalay AFRICA OIL, taas oo iyaduna
qandaraas la sii gashay IMC si ay u sahamiso Dharoor.
Dhanka kale madaxweynaha DGPL ayaa sheegay in uusan xilka ku darsan doonin
mark ala gaaro waqtiga xilkiisu ku egyahay oo ah Janaayo 8, 2009.
Gen. Cadde Muuse waxa uu hadalkaas yiri mar uu May 25, 2008 Boosaaso
kaga qayb galay kulan looga hadlayey ammaanak Puntland.
Waan la socdaa in la faafiyey in aniga iyo Cabdulahi Yusuf ku heshiiney in
aan xilka kororsanayo, oo dadna ay baaq ka soo saareen ay kaga soo horjeedaan,
taas waxba kama jiraan maalin ku darsan mayo, ayuu yiri Gen. Cadde Muuse.
Hadalkan ayaa soo baxay xilli ay shacabka Puntland isla dhex marayo in
maamulka Gen. Cadde qorshaynayo xil kororsi, iyo in ugu yaraan 50 oday ay
Garoowe ka soo sareen bayaan ay arrintaas kaga digayaan.
Boosaaso: Shaqo Joojin ay Sameeyeen Gawaarida Basaska ee dadka Qaada...
Isniin (May 26, 2008) waxaa shaqo joojin sameeyey gawaarida basaska ah ee loo
yaqaan BL ee dadka qaada ee ka dhex shaqeeya magaalada Boosaaso. Shaqo joojinta
ayaa salka ku haysa cabasho la xiriirta sicir bararka oo keenay in uu aad qaali
u noqday shidaalkii ay ku shaqaynayeen gawaaridaasi.
Sahaminta 2008 ee Ufayn iyo
Kobdhexaad maxay kaga duwan tahay tii Qarnigii Hore...
.Sahaminta Macdanta oo ka bilaabaneysa Dooxada Dharoor
.Eng. Kaanje Goorma ayuu is casili doonaa...
Akhri warbixinta sahaminta shidaalka Puntland...
Xildhibaanad Caasha
oo Eedayn Kulul u jeedisey Gen. Cadde Muuse iyo C/laahi Yuusuf
Dagaal Khasaare dhimasho iyo dhaawac
Geystay oo ka Dhacay Muqdisho...
Madfac ku habsadey guri oo ay ku dhinteen 8 qof.
Akhri...
Faafin: SomaliTalk.com | May 26, 2008
|